“Midnidamada taageer” Maansadii 10AAD ee Silsiladda MIDNIMO

Untitled

Maansada; Midnidamada taageer

 

Waa maanso ka mid ah silisladda midnimo ahna maansadii 10AAD ee silsiladda. Waxay sii xoojinaysa sida ciwaankeeduba yahay aragtida midnimada ee maansooyinkii ka horreeyey ku jirtay, waxayna ku billaabatay sidan;

 

Maansada; Midnidamada taageer

 

Mudaniyo marwooy maqal

Dadka madasha joogoow

Marka hore salaan guud

Marka xiga afeef iyo

Ogaysiis macnaawiya

Aan ismuujo waxaan ahay.

 

Waligayba maansiyo

Maba tirinin geeraar

Midlakaana ii dheer

Abwaan mu’allif caaniyo

Maanseeya maan ihi

Ma meerteeyo gabayada

Bashiir moosinkiiyo

Mar haddaanan Dhaaley

Ina Muuse oo kale

Meeqaamka nimankaa

Kala miirin suugaan

Murtidana u tixi karin

Bal aan miimka tabartey

Ku muujiyo halkaan rabo.

 

Miilankiyo ujeeddada

Waxaan miinka u cuskaday

Inaan mariyo maantaa

Maankayga guuxiyo

Muran baa ka taagano

Sheekooyin ma hadhaa

Isku kay maluuqoo

Maaree is leeyahay.

 

Tixda aan mir tirayoo

Masllaha u dhiga’oo

Miisaamo hadalkee

Maqsadkayga gaarka

Maqla  oo dhagaystoo

Madashaan nin joogo

Ku mashquulsan baan ahay

Is maqiiqistaydana

Ha masuuginee suga.

 

Galayroow mir iga hoo

Dadku magaca guudiyo

Siman muuqa Aadmigu

Ninba meherad gaariyo

Meeqaamka darajada

Meel buu ka joogaa

Anna midg iyo bidix

Moowjadaha isgarabyaal

Mid uun baan ku biiriye

Anoo mala awaalayn

Muraadkaygu wuxuu yahay

Mohoshada dareenkaa

Maskaxdaa hadlaysoo

Maankaa hungamaayo

Bi’i waayee maantay

Madasheedii joogtaa

Mudh dheh buu i leeyahay

Midnimadana taageer.

 

Afartaa sidii mayey

Mahiigaan gondaha dhigay

Maasheeyey dunidii

Ama sheekh muftiya

Maqrihiyo Kitaabkiyo

Minhaajkii  la kala baxay

Ma macneeyey hadafkii

Ma saldhigay xaqiiqdii

Ma asteeyay maansada.

 

Afar kalena majarihiyo

Mawqifkayga gaarka

Aan soo majiiroo

Marada aan  ka qaadoo

Miidaanka soo dhigo

Haddii maansadeenii

Midnimada u doornay

Su’aal murug abuurtoo

Dadka qaar masuugeen

Maldahaadda lagu yiri

Midnimooy maxaad tahay?

Halkaad mood ka leedahay

Halkaad muruq ka leedahay

Halkeebaad mareysaa

Macluul ka saartaa?

Magacaaga noo sheeg

Maqalkeeda arartaan

Ayaa curiyey maansada

Jawaab mudana waa tane

Maqla oo dhagaysta?.

 

Midnimadu waxay tahay

Umaddoo is maqashoo

Isku mawqif noqotoo

Mabda’eeda guudiyo

Maskaxdeed mid tahayoo

Talo loo muraadiyo

Marjaciyo ujeeddo leh.

 

Noloshaa macaanee

Dadku malabka moodan

Geerida ka mudan jeer.

 

Marka aad gunnimadiyo

Mugdi taladu gaartee

Aad madiidin noqotee

Cadow uu ku maamuloo

Adna daba  mashxaraddoo

La makalo halyeeygee

Maxastiyo maatida

Magaynaha la gowraco.

 

Ninka macag abwaan iyo

Murtiyahanka sheegtaa

Muusannaabo goortaas

Yaa maali jirayeey

Maandeeq la qaadyeey

Aaway muruqii beeshiyo

Ma huraankii Soomaal

Miyaan maalintaa hee

Geeridu macaanayn!

 

Haw moodin beeniyo

Maaweelo wiilyahow

Halkaan maanta joogniyo

Waa marxaladda teenna ah.

 

Ninka maararowgiyo

Maqal xumada qaatoow

Mooddii galbeediyo

Ceeryaamo muuqlaad

Fadka meel ka hooriyo

Hogol mulacle mooddaye

Cidlaad meehannow iyo

Mahadhada la joogtaa.

 

Ninka magaca guudiyo

Midnimada ka maagee

Khilaafka u mashxaroow

Maandowga cuduriyo

Masiibadu haleeshoow

Magaca ba’ weeyaan

Halkaad maanta joogtaa.

 

Taariikh waa maguuraan

Danta lagama maarmee

Ninka Mu’alifka ahee

Murtidiyo tixdiisii

Maansadiyo gabayada

Ku makalay dadkiisoow

Magacaa ba’ weeyaan

Halkaad maanta joogtaa.

 

Midka qalinka haystee

Maaddada cilmiga iyo

Maahir ku ah aqoontee

Meel sare ka gaaree

Maamul iyo nidaamiyo

Milgiheeda diidee

Wax mucaaradaayoow

Magacaa ba’ weeyaan

Halkaad maanta joogtaa.

 

Afartaa sidii mayey

Mahiigaan gondaha dhigay

Maasheeyey dunidii

Ama Sheekh muftiya

Maqrihiyo Kitaabkiyo

Minhaajkii aqrinayoo

Ma macneeyey hadafkii

Ma saldhigay xaqiiqdii.

 

Afar kalena  majarihiyo

Mawqifkayga gaarka

Aan soo majiiroo

Marada aan ka qaadoo

Miidaanka soo dhigo.

 

Midinimooy saluuglaay

Midnimoow maseeyaay

Midnimooy meeqaamiyo

Magac weynidaa abid.

 

Markii aan ku weynaan

Taariikh madow iyo

Mugdibaanu dhaxalloo

Magacaan lahayn iyo

Milgiihii iyo sharaftii

Meelbaan ku aasnoo

Waan isdaynay maamuus

Mashaqiyo halaag iyo

Waxaa dhacay masiibaad.

 

Markaasu waraabuhu

Muska nooga soo dhacay

Midnimoy wixii dhacay

Qoraal iyo maqaal

Maansada tixmaalladu

Miisaami waayoo

Mahadheey ahaayeen.

 

Midnimada la’aantee

Calan maro la moodiyo

Dal aan magac lahayniyo

Milic maato taalliyo

Mayd aan la duugayn

Doqon madax ku faantiyo

Dhibka madhax u haystiyo

Belo loo mashxaradaa

Midna kama horreynine

Midnimada la’aantee

Yaa meel wax dhigi kara

Yaa Mooshin curin kara

Yaa Maal adduunyiyo

Dhismo muuq qurxoona

Muuqaal san heli kara?.

 

Midka ugu dambeeyee

Maansada ku xirayaa

Duco Mawle weeyee

Soomaaloo midowdoo

Mataanoo walaala ah

Makaankay la haydiyo

Magaceedii gaartaa

Mawlaheey ka tuugaa

Munaafiqa  iyo tuuggoo

Laga maarmo taladood

Mad-habtii Islaamkiyo

Mab’dii dadnimaduu

Loo miil dayaayoo

Miyir lagu wadaa baan

Mawlaheey ka tuugaa

Midnimiyo israacoo

Meel sare la gaaraan

Mawlahay ka tuugaa.

 

Aamiin

 

 

Curiye;

Yaasin Xasan Muuse

SHEEKOOYIN