Waddada suubban. Q32AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q32AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

“SAMAAN FARIDDA IYO XUMAAN REEBIDDA”

Alle kor ahaaye wuxuu yiri:

وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ ۚ وَأُولَـٰئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴿١٠٤﴾

“Ha idinka mid noqdeen dad khayrka wax ugu yeera oo samaanta fara, xumaantana reeba, kuwaasaa iyagu ah kuwa liibaanay”.
(Suuradda Aali-Cimraan 104.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

كُنتُمْ خَيْرَ أُمَّةٍ أُخْرِجَتْ لِلنَّاسِ تَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَتَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَتُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ ۗ وَلَوْ آمَنَ أَهْلُ الْكِتَابِ لَكَانَ خَيْرًا لَّهُم ۚ مِّنْهُمُ الْمُؤْمِنُونَ وَأَكْثَرُهُمُ الْفَاسِقُونَ ﴿١١٠﴾.

“Waxaad tihiin ummaddii ugu khayrka badneyd oo dadka loo soo saaray: Waxaad fartaan samaanta iyo dhaqanka wanaagsan, waxaadna reebtaanna xumaanta iyo edebdarrada”. (Suuradda Aali Cimraan: Aayadda 110.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

خُذِ الْعَفْوَ وَأْمُرْ بِالْعُرْفِ وَأَعْرِضْ عَنِ الْجَاهِلِينَ ﴿١٩٩﴾

“Cafiska caadeyso (Muxammadow S.C.W.), samaantana far, isagana jeeso jaahiliinta”. (Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 199.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ ۚ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ ۚ أُولَـٰئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّـهُ ۗ إِنَّ اللَّـهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ ﴿٧١﴾

“Mu’miniinta iyo Mu’minaduhu waa is yihiin oo hiil baa ka dhexeeya iyo isu gargaar, Waxay faraan samaanta, reebaanna xumaanta”. (Suuradda At-Tawba: Aayadda: 71.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا وَّكَانُوا يَعْتَدُونَ ﴿٧٨﴾ كَانُوا لَا يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ ﴿٧٩﴾

“Reer Banii Israa’iil kuwoodii gaaloobay waxaa lagu nacladay carrabkii Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam. Maxaa yeelay waa caasiyoobeen oo xad gudbayaal noqdeen. Iskama ay reebi jirin xumaantii ay sameeyeen. Wax xillahay falayeene”.
(Suuradda Al-Maaidah Aaydaha 78-79.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَقُلِ الْحَقُّ مِن رَّبِّكُمْ ۖ فَمَن شَاءَ فَلْيُؤْمِن وَمَن شَاءَ فَلْيَكْفُرْ ۚ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا أَحَاطَ بِهِمْ سُرَادِقُهَا ۚ وَإِن يَسْتَغِيثُوا يُغَاثُوا بِمَاءٍ كَالْمُهْلِ يَشْوِي الْوُجُوهَ ۚ بِئْسَ الشَّرَابُ وَسَاءَتْ مُرْتَفَقًا ﴿٢٩﴾

“Dheh! waa xaqii oo ka yimid xagga Rabbigiin. Ee kii rabaa ha rumeeyo, kii rabaana ha gaaloobo”. (Suuradda Al-Kahaf: Aayadda 29.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

فَاصْدَعْ بِمَا تُؤْمَرُ وَأَعْرِضْ عَنِ الْمُشْرِكِينَ ﴿٩٤﴾

“Caddee waxa xagga Alle lagaa amrayo”. (Suuradda Al-Xijr : Aayadda 94.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

فَلَمَّا نَسُوا مَا ذُكِّرُوا بِهِ أَنجَيْنَا الَّذِينَ يَنْهَوْنَ عَنِ السُّوءِ وَأَخَذْنَا الَّذِينَ ظَلَمُوا بِعَذَابٍ بَئِيسٍ بِمَا كَانُوا يَفْسُقُونَ ﴿١٦٥﴾
“Kolkay iska illoobeen waxay culimadoodii ku waanineysay. Waxaan badbaadinnay kuwii xumaanta reebayey, marsiinnayna dulmiile yaashii cadaab xun faasiqnimadoodii darted”. (Suuradda Al-Acraaf: Aayadda 165.).

Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Ninkiinnii xumaan arkaa, waa inuu ku saxaa gacantiisa, haddii uusan karinna inuu sidaa yeelo, waa inuu ku reebaa xumaanta carrabkiisa, haddii uusan karinna inuu ku reebo carrabka, waa inuu ugu yaraan u arkaa xagga qalbiga arrin fool xun aan loo baahneyn, in la suuliyana mudan; oo uu kahdona, tanina waa heerka ugu hooseeya ee iimaanka”. (Muslim).

Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Nabiyadii iga horreeyey oo dhan Nabi walbaa wuxuu lahaan jirey xer iyo asxaab, ummaddiisa ka soo raaci jirey oo sunnadiisa qaadan jirey awaamirtiisana ku dhaqmi jirey. Dabadeedna waxaa ku xigsan jirey qooman dhahaya wax aysan falayn oo falaya wax aan la farin. Kuwa tilmaamahaa leh qofkii gacantiisa kula jihaadaa waa mu’min; kii carrabkiisa kula jihaadaa waa mu’min; kii qalbiga kula jihaadaa oo ka kahda, nacana xumaantaa ay falayaan waa mu’min., mu’minnimo saxar le’eg oo intaas ka dambaysaana ma jirto”. (Muslim).

Abul Waliid Cubaadah bin Samit (A.K.R.) wuxuu yiri: “Waxaannu Nabiga (S.C.W.) axdi kula galay inaan maqalno iyo inaan adeecno duruuf kasta oo jirta goorta ladnaanta iyo goorta lurnaanta, goorta xiisa qabka ama goorta wahsidaba; iyo inaan ka raalli noqonno haddii cid noolaga roonaado, ama nalaga kor yeelo, oo laxa jeclo iyo u kala roonaan la arko, iyo inaannaan talada kula murmin dadka haya “Madaxda” inaan aragno gaalnimo iska cad oo aan xag Alle daliil uga hayno ma ahee, amarka Alle idin siiyeyna iyo wuxuu idin kula ballamay waa inaad xaqa iyo runta sheegtaan duruuf kasta oo aad ku sugan tihiinba, oo aydan uga haybaysan Yacni xaqa aydaan uga aamusin mid wax canaanta canaanti”. (Bukhaari iyo Muslim).

Nucmaan ibn Bshiir (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Matalka iyo tusaalaha qofka dhowra xuduudda Alle iyo kan aan danta u gelin waxay la mid yihiin sidii qolo doon fuushan oo ku qori tuurtay qolada dabaqa sare ee doonta fuuleysa iyo qolada dabaqa hoose fuuleysa. Qoladii dabaqa hoose fuushanayd waxaa qasab ku ahaa kolkay biyo rabto inay dabaqa kore u doonato, arrintaasoo yara dhib u keentay qoladii dabaqa sare ee doonta fuushaneyd, markaa bay waxay qoladii dabaqa hoose fuushaneyd u soo jeediyeen qoladii dusha fuulneyd inay ka oggolaadaan inay dabaqa hoose meel ka faruurtaan si ay biyo u helaan iyagoon cidna dhib u geysan, marka haddii ay qoladii dusha sare saarneyd arrintaa ka yeelaan waa ay wada rogmanayaan, haddii ay ka qabtaanna waa ay badbaadahayaan iyaga iyo inta kale oo dhanba”. (Bukhaari).

Ummul Mu’miniin Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Rag baa madax la idiinka dhigi doonaa waxaad ku arki doontaan falal qaarkood Diinta waafaqsan qaarna aan waafaqsaneyn. Marka qofkii muujiyaa naceyb arrinkoodaasi ah yacni wixii ay Diinta ku khilaafeen waa badbaaday, qofkii ka carooda oo ku diidaana waa badbaaday, laakiinse waxaa hoogaya qofkii raaca oo raalli ka noqda “Munkarkooda. Dadkii markaa la joogay waxay yiraahdeen Rasuul Alloow ma waanaan la dagaallamayn? Wuxuu yiri: “Maya” inta ay idin la tukanyaan”. (Muslim).

Ummul mu’miniin Zaynab bintu Jaxash (A.K.R.) waxay sheegtey in: Mar Nabigu (S.C.W.) u soo galay isagoo naxsan oo yiri: “Laa ilaaha illal laah” -Ilaah xaq ah ma jiro aan Alle aheyn Wuxuu baa’ba ahaan Carab korkooda shar soo food haya awgi. Wax baa laga furay maanta qaddar yar ah derbigii celinayey Yuuj iyo Maajuuj. Duleelka laga furay oo ah intaa; intuu farta iyo suulka goobo ka dhex sameeyey. Waxaan ku iri: Oo Rasuul Alloow ma iyadoo dad fiicani nagu jiraan ayaa nala rogayaa? Wuxuu yiri: Haah! markii ay waxa xumi bataan”. (Bukhaari iyo Muslim).

Fiiro gaar ah: Imaam Nawawi isagoo xadiisyadan sharxaya wuxuu yiri: “Qofkii u arka wixii sharciga khilaafaya oo dhan xagga qalbiga wax xun, ee aan awood laheyn inuu ku joojiyaa gacantiisa ama carabkiisa, qofka sidaa ah dambi ma leh, waayo waajibkii waa uu gutay; qofkii uga hortagaana hadba inta karaankiisu yahay xag Alle waa ka dhowran yahay oo dambi ma soo gaarayo. , ha yeeshee qofkii oggolaada falka xun, oo raallinnimo muujiya waa kaa dambiilaha, daa’in Alle u caroonayo.

Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Iska jira inaad jidadka fariisataan. Asxaabtii waxay yiraahdeen: Rasuulkii Allow, meel kale oo aan ku beddelanno ma lihin. Ma jirto meel kale oo aan fariisan karno, arrimahana aan ku gurfeyno. Waana meelaha aan ku sheekaysanno oo ma deyn karno. Wuxuu yiri: Waa yahaye haddii aydaan deyn karin marka jidka dawgiisa mariya. Asxaabtii waxay weydiiyeen waxa uu yahay dowga jidka? Wuxuu yiri: Waa indhaha oo aad hoos u dabcisaan oydan ku eegin dumarka jidka maraya, iyo ka qaadista jidadka wixii dhib leh, salaanta oo la naqo, faridda Samaanta iyo reebidda xumaanta”. (Bukhaari iyo Muslim).

Ibn Cabaas (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabigaa (S.C.W.) wuxuu arkay nin kaatun dahab ahi ay ugu jirto farta. Nabigu (S.C.W.) inta ka siibey faraantigii fartiisa buu tuuray isagoo leh: Kiinnii doonaya inuu dhuxul naar ah gacanta ku qaato, bal ha ku qaato. Markii uu Nabigu (S.C.W.) tegey baa la yiri ninkii kaatunkaaga qaado oo si kale ugu intifaac. Markaa ayaa wuxuu yiri: Alle baan ku dhaartaye, marba hadduu rasuulkii Alle tuuray faraantigaa inaan waligey qaadan”. (Muslim).

Abuu Saciid Xasan al-Basri (Allaha u naxariistee) wuxuu yiri Caa’id ibn Camar (A.K.R.) baa wuxuu soo booqday Cubaydullah ibn Ziyaad kuna yiri: Maandhoow waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Madax waxaa u shar badan oo u liita kan dadka sida xun ula dhaqma, ee iska jir kana digtoonow inaad ka mid noqoto kuwaa sidaa ah. Wuxuu yiri: Fariiso Waxaa ka tahay buunsho oo kale asxaabtii Muxammed (S.C.W.) dhexdooda. Caa’id bin Camar wuxuu weydiiyey: “Oo ma rag buunsha ah bay lahaayeen asxaabtii rasuulka (S.C.W.)? Jawaabtu waa maya, kuwa buunshaha oo kale ah dabadood ayay yimaadeen, kamana tirsaneyn iyaga”. (Muslim).

Xudayfah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naftayda kan ay gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye oo ah Alle ama samaanta farte, xumaantana reebte, ama Alle wuu idin ciqaabayaa. Dabadeedna intaad baridaan, buusan idinka aqbaleyn ducada. (Tirmidi ayaa soo weriyey oo yiri waa xadiis xasan saxiix ah).

Abuu Saciid Al-Khudri (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Jihaadka wanaagsan Halganka ah Alle darti waa inaad ku hadasho wax xaq, run iyo caddaalad ah suldaan daalim ah horti”. (Abuu Daawuud &Tirmidi). Tirmidi wuxuu yiri waa xadiis xasan ah.

Abuu Cabdullaah Daariq ibn Shihaab al-Bajli al-Axmasi (A.K.R.) wuxuu yiri nin ayaa wuxuu Nabiga (S.C.W.) weydiiyey isagoo Nabigu hashiisa fuulaya nooca ugu wanaagsan jihaadka? Wuxuu yiri: Runta oo aad ku hadasho suldaan daalim ah horti”. (Waxaa sanad saxiix ah ku weriyey Nisaa’i).

Ibn Mascuud (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Baladii ugu horreysay ee ku fidday Reer Israa’iil dhexdooda waxay aheyd inta nin Markuu la kulmo nin kale yiraahdo: Alle ka cabso oo iska daa waxaad samaynayso waa xaaraane? Ayuu misna markuu berrito la kulmo isagoo sidiisii ah, is kala fariisan jirey oo wax is kala cuni jirey, waxna is kala cabbi jiray. markii ay sidaas yeeleen oo dambiilayaashoodii xiriirka ka goosan waayeen markii ay xumaha ku madax adeegeen ayaa Alle isku mid ka dhigey qalbiyadoodii oo ka yeelay qalbiyo madow dambi awgii. dabadeedna rasuulkii Alle wuxuu akhriyey aayaddan:

لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِن بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَىٰ لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ۚ ذَٰلِكَ بِمَا عَصَوا وَّكَانُوا يَعْتَدُونَ ﴿٧٨﴾ كَانُوا لَا يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ ۚ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ ﴿٧٩﴾ تَرَىٰ كَثِيرًا مِّنْهُمْ يَتَوَلَّوْنَ الَّذِينَ كَفَرُوا ۚ لَبِئْسَ مَا قَدَّمَتْ لَهُمْ أَنفُسُهُمْ أَن سَخِطَ اللَّـهُ عَلَيْهِمْ وَفِي الْعَذَابِ هُمْ خَالِدُونَ ﴿٨٠﴾ وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَالنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاءَ وَلَـٰكِنَّ كَثِيرًا مِّنْهُمْ فَاسِقُونَ ﴿٨١﴾ .

“Carruurtii Israa’iil kuwoodii gaaloobay waxaa lagu nacladay carrabkii Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam, maxaa yeelay wa caasiyoobeen oo xad gudbayaal noqdeen. Iskama ay reebi jirin xumaantii ay samaynayaan wax xillehay fali jireen. Waxaad arkaysaa in badan oo ka mid ah oo gaalada saaxiib ka dhiganaya, wax xun ayayna naftooda u hor mar sanayaan. ilaa laga gaaro qiyaamaha waa faasiqiine. (Suuradda Al-Maa’idah: Aayadaha 78-81.).

Dabadeedna wuxuu yiri Nabigu (S.C.W.) : “Dhabtii ma aha sida aad moodeysaan, Alle baan ku dhaartaye waa inaad samaanta is fartaan, xumahana iska reebtaan, gacantana qabataan kii dulmi wada oo xaqa ku sandulleysaan oo ku qasabtaan, haddii aydnaan sidaa yeelin Alle wuu idin ciqaabayaa idinka iyo xumaan falayaashaba, idiin nacladina sidii Yuhuudda”. (Waxaa weriyay Abuu Daawuud iyo Tirmidi oo yiri; waa xadiis xasan ah).

Tirmidi wuxuu yiri xadiiskani waa xadiis xasan ah, wuxuuna ku soo weriyey ereyadan:

“Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Kolkay carruurtii Israa’iil dambi galeen, markii hore kuwoodii toosnaa ayaa isku dayey inay dambiga ka qabtaan, laakiinse dan uma gelin. Markaa ayay iska daayeen oo ku eegteen dambigii, oo cunid iyo cabid iyo fadhiba la wadaageen halka laga rabay inay Alle darti u gooyaan marba hadday xumaha ku adkeysteen oo ay wax ka qaban waayeen. Sidaa awgeed waxaa nacladay Daawuud iyo Ciisaa, wiilkii Maryam, caasiyoobiddoodii iyo xadgudubkoodii awgeed bayna u nacladeen. Weriyaha xadiiskaan wuxuu sheegay in Rasuulku: (S.C.W.) oo diran barbarku u saarnaa, intuu sare u soo fariistay yiri: Alle baan ku dhaartay oo ah kan ay gacantiisa nafteydu ku jirto, inaydnaan guul gaareyn oo aydaan kheyr heleyn inaad ku sandulleysaan xaqa maahee wixii xumo la soo banbaxa, la yimaada.

Abuu Bakar as-Sidiiq (A.K.R.) wuxuu yiri: Muslimiintooy waxaad akhrisaan aayaddaan:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَيْكُمْ أَنفُسَكُمْ ۖ لَا يَضُرُّكُم مَّن ضَلَّ إِذَا اهْتَدَيْتُمْ ۚ إِلَى اللَّـهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ ﴿١٠٥﴾
Kuwa xaqa rumeeyoow! naftiinnaa la idin raaciyey, mid dhumayna wax idinka dhimi maayo haddii aad hanuuntaan, xag Alle ayuuna noqodkiinna wada yahay, markaasuu idiinka warramayaa wixii aad fali jirteen”. (Suuradda Al-Maa’idah: Aayadda 105.).

Aniguna waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: “Markii ay Dadku arkaan qof dulmi wada, haddii ay gacmaha qaban waayaan waxay halis u yihiin in Alle ka simo ciqaabtiisa. Waxaa Sanadyo saxiixa ku wariyey Abuu Daawuud iyo Tirmidi iyo Nisaa’i.

“Fiiro gaar ah:

Waxaa waajib ku ah qof kasta inuu faro dadka inay wanaag falaan iyo samaan, shardina ma aha in kan samaanta faraya uu noqdo nin wanaagsan. Waa sidaase, dadka ehlu cilmiga waxaa laga doonayaa inay naftooda ka dhaqan geliyaan waxay dadka kale ugu yeerayaan.

Jimco Suubban: W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHEEKOOYIN