Tacsi tiiraanyo leh: Bahda laashin.com

Tacsi tiiraanyo leh:

وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ ﴿١٥٥﴾الَّذِينَ إِذَا أَصَابَتْهُم مُّصِيبَةٌ قَالُوا إِنَّا لِلَّـهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ ﴿١٥٦﴾

Bahda laashin oo isku duuban, waxay Tacsi tiiraanyo leh u diraan,  Ustaad Bashiir M. Xersi oo hooyadii: FAADUMO XERSI CABDI ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Geeridu waa xaq, mana jiro qof reed maraya oo waa waddo sugaysa ruux walba ee adduunka dul saaran. Markayse tahay “Mowtul-faja” ama geeri degdeg ah way ka xanuunbadan tahay, midda ruuxu la jiifay waayo dheer ama waayo dhaw. Haddii ay tahay Hooyo macaanna waxay leedahay dareen gaar ahaaneed, waxaa se dareemi kara qofkii waayay Hooyadii macaan ee Eebbe ha u raxmado Hooyo FAADUMO XERSI.

Waxan annagoo isku duuban Eebbe (SWT). uga baryaynaa Hooyo macaan inuu u naxariisto, kitaabkeedana midigta ka siiyo, kana dhigo marti la jecel yahay. Waxan Mawle uga baryeynaa inuu gurigeedi adduunyada mid ka kheyr badan Rabbi ugu beddelo.

Guud ahaan bahda Laashin.com, gaar ahaan Ustaad Bashiir M. Xersi samir iyo iimaan ha naga wada siiyo Hooyo macaan. Mudane Bashiir Tiiraanyada iyo tebidda hooyo macaanba waan kula wadaanaa ee Eebbe how naxariirto.

Bahda Tacsida diraysa,  waxay kala yihiin:

Borofaysar: Cali Jimcaale Axmed,
Barbaariye: Bashiir Cali Xuseen,
Borofaysar: Xuseen M. Cabdulle,
Abwaan: Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Qoraa: Cabdikariin Cabdulle Culusow (Ugaas Jallaato)
Qoraa: Xasan Mudane,
Qoraa: Maxamed Muuse Sheekh Nuur,
Abwaan: Ibraahim Cismaan Afrax “Nolosha”
Aqoonyahan: Cabdirixmaan Ciiltire
Qoraa: Canab Diiriye
Qoraa: Cabdifitaax Maxamed Xaambe
Halabuur: Bashiir Cali Barre
Qoraa: Cabdisalaan Macallin Xersi
Laashin: Cabdinuur Xasan Cali “Waddani
Abwaanad: Hodan Sheekh Cumar
Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Dhammaanteen annaga oo isku duuban, waxan murugada iyo tiiraanyada xanuunka leh, la wadaageynaa Mudane Bashiir M. Xersi, Hooyo Eebbe ha u naxariisto.

Waxan kusoo koobaya maanso uu Hooyadii u tiriyay Abwaan Bashiir M. Xersi intii ay ifka joogtay, maansada qeybteeda dambe oo ah duco  ayaan Eebbe uga rejeynaynaa inuu u aqbalo Hooyo FAADUMO XERSI CABDI.

Udgoon Hooyoy udgoon
Hooyoy Faadumo udgoon
Intaad uurka igu siddee
Dheecaan iyo axal ahaa
Inyar iyo xinjir aan ahaa
Abuur cada aan ahaa
Unug iyo addin iyo lafaba
Aadane nool aan noqdee
Sagaal idil aan ku jiray
Hooyoy uurkaaga wacan.

Intaad arax igu siddee
I nuujisay naas irmaan
Intaad anshax iyo asluub
Dhaqan igu ababisee
Afkaan ku hadlaayo iyo
Aqoon hufan ii dhigtiyo
Abaalkaad ii gashiyo
Amaahdaan kaa qababa
Hooyoy ma illowsaniye.

Intaad nooshahay adduun
Ha arag urugiyo ilxumo
Markaad aakhiro tagtana
Jannadii EEBBEHEEY ku geli
Halkey ambiyadu degtiyo
Halkey Ehelukhayr galaan
Ahaaw deris la agdejiyay!”

Bahda Laashin oo isku duuban.

SHEEKOOYIN