INTAAN CIRKA AHEYNAA CIJIDEYDU KU TAAL Q/2aad  (Sheeko gaaban)

INTAAN CIRKA AHEYNAA CIJIDEYDU KU TAAL
Habeen hore, markii la casheeyey ayey Hooyo Mako, wiilka Mataan ah ku tiri ‘ Maandhow bal orod oo xerada yaasiimanka kusoo ood, ha yeeshee Ilowsho iyo Adeeg-diid mid ay ahaataba, Wiilku xeradii kuma soo dul wareegin tiro ka saddex jeer isaga oo Suuratul yaasiin aqrinaaya, si uu Ariga uga xijaabo baadi, ama bahal cuna iyo bushi ku dhaca iyo wixii la mid ah, waana sababtaas ta uu canaanta ku muteystay.
Hooyo Mako, xalay hurdo fiican ma ladin, waxa ayna sugi la’ayd  Waaga hadda uun bari ka dillaacay.  Iyada oo ul dheer iyo Qoodo(Mindi gal ku jirta) ku hubeysan ayey Dhabada cagta saartay. Waxay abbaartay halkii Arigu shalay kasoo gaddoomay si ay halkaa wixii ka dambeeya uga raadiso Saantii Ariga goosanka ah.
Qoodada, sababta ay u sidataa ma ahan dagaal ay u darbatay ee waxaa Xalay oo dhan horteeda imaanayey sawirro cabsi xambaarsan, waxay ku riyooneysay labadii Waneey oo  mid ka mid ah ay Dawaco barida ka goosatay iyo kan kale oo intuu Weer xaasid ah qoorta ku dhagay garabka ka tuuray misna Dhabarku jabanyahay oo aan kabis rajo looga qabin.
Muuqaaladaas cabsida leh, haddii ay dhab u aragto sow lama gudboona inay xalaaleyso oo ay gowracdo si hilbahooda loo cuno intii ay horteeda ku baqtin lahaayeen.
Raadkii Ariga inay ka garato Xoolaha Reeraha kale ee iyana goobta daaqay ayaa ku adkaatay markaasey ku jarmaadday Reero dhowr ah oo deggan meel xoogaa u jirta.
Mid mid ayey xero kasta oo ay tagtay u dul istaagtay bal haddii ay tobankeedii neef qaarkood ama dhammaantood ku jiraan, ka mana aysan helin.
Markii ay dhowr xero oo Ari ku jiro lugta marisay kana weysay ayey socodkeedii sii wadatay. ” Dhankeen foolka saartaa, ma Bari, Galbeed, Koofur mise Waqooyi”  inta ay ku talantay, ayey go’aan ku gaartay inay ku hor marto dooxooyin ka hooseeya dhul buuraley ah oo ay Daaq fiican ku tabeyso.
Waxa ay socotaa iyada oo isla warrameysa, horteeda raad ka eegeysa, harreerahana bar xoolaad ka fiirineysa. Intaas ay socodka iyo qooraansiga ku jirto, haddii ay qabuuro dad muslimiin ah ku aassanyihiin aragto Laan qoyan oo ay geed ka jartay ayey saartaa.
Anigu ma garan karo macnaha ka danbeeya arrintaas iyaduna ma hubo inay taqaan, waxaanse qiyaasayaa inay Ka tahay wax ay dadkii hore kasoo gaartay, barakeysina u badi
Xaayaha biya mareenka ah ee buuraha hoos mara, ayey mid ba mar ku degatay oo boholaha   halkaas ku yaalla dhex martay. Way naxdaa markastoo ay aragto raadka Weerka iyo Dawacada, waxay Alle ka rajeysaa inuu Arigeedii bahalahan ka badbaadiyo.
Waxay marba Jiho u socoto, buuraha dhaadheer korto oo ay bidhaan xoollaad meelo ka fog ka fiirisaba, kuleylkii qorraxda ayaa soo karay, daal iyo Harraadna way u dheeryihiin, laakiin fadhi kuma gelin inta ay wanankii waaweynaa iyo Xoolihii la goosmayba ay meel ku soo ogaaneyso.
Waxay mareysaa dhul raad bahal maahee  aan mid ari laguba arag, mar mar ay Saanta geel iyo Lo’ aan badneyd ay aragto maahee, jabaq Xoolaad ma maqasho.
Buurihii iyo Boholihii ayey markaan ka dhamaatay, waxayna ku dhacday dhul beeraleey ah, oo ay aqallo teel teel ahi ka dhisanyihiin.
Reerkii ugu horreeyay ayey dhankiisa u jiheysatay, si ay baadida maqan u haybiso,  waa qoys Oday iyo Xaaskiisa ka kooban oo intay beer Mesaggo ka baxeyso maanta oo dhan Waraf la dul joogay sidey shimbiro u firdigaayeen, oo hadda salka dhulka la helay, shaahna u karsamaayo.
Odeygu Mooye gaaban oo af gambi u yaalla ayuu ku fadhiyaa, halka Islaantuna ku foorarto jalmad shaah ah oo dabka saaran ayna ka ilaalineyso inay buriso.
Hooyo Mako oo intii ay baadi goobka xoolaha ku jirtay mid labadeeda Kabood ka mid ah ka go’day ay Xusulka gacanteeda Bidix u suran tahay ayaa Reerkii soo hor joogsatay, faruuryaheeda Naabta saaran oo qura ayaa ka marqaati kaceysa Daalka, Gaajada iyo oonka daran ee haya, inta ay hore u  rogtmatay oo usheedii dheereyd cuskatay ayey reerkii nabdeysay oo  ‘waa nabade soo fariiso’ loogu jawaabay.
Markii ay fariisatay ayaa Koob Shaaha oo bigeys ah loo shubay, intiise aysan Afka saarin ayey tiri: “Toban neef oo Ari ayaa xalay iga goosmay waxaa ku jira labo Wan oo jar ah ee amaad wax baytiya sheegteen? Nasiib darro waxba baadideedi reerku ma arag.
Koobkii bigeyska ahaa haddiiba way ka tuurtay, markaasaa mid Caddeys ah loo shubay, kan dambe si degan ayey u fiiqdaneysaa, waxay reerka uga sheekeyneysaa talo xumo ay nafteeda ku eedeyneyso oo ah in labada Wan ee Ariga maqan ku jira ay todobaadkii hore uun ka diidday Rag Xoolaha ka ganacsada oo lacag u gaaray, laakiin ay yara saluugtay.
La soco Qeybta 3-aad.
Waxa qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen ( Nero)

SHEEKOOYIN