GAANDI, MADI LAGU GOBLAMAY! W/D; Axmed Nuur Guruje

10744720_10203114374356783_1994857687_n

GAANDI, MADI LAGU GOBLAMAY!

 

Sidda Madiga hooyaddu

Uga celiso mawdkaba

Marka ay jaleecdee .

 

Waa midho ka midda hees u macaan oo ay codkeedda halaasigga ah ku qaadi jirtay alle ha u naxariistee , Marxuumad , Kinsi Xaaji Aadan .

Jiilaal Gardaad saday , Abaar gubatay oo qiiqday ,

Cirka oo gal-gaaliyo dhulkoo goosi lagga waayey ,

Gudmihiyo Hangooladda markii , Guunyo laggu doojo ,

Dhirtaba geed malko ah baa jiriyo , lama garaacan .

Ayaa isna lagga hayaa , Abwaan Dalaayad waa Gabaygiisii Biri-ma gaydee.

Aduunyadda waxaa la isku dhaafay Barashadda aqoonta iyo Fidinta Rugaha Tacliinta iyo Akhriska , Wadamadda iyo Magaalooyinkuna waxay ku faanan inta Barro aqooneed , Akhris iyo dhigasho ku taalla Meel kasta .

Imbaraadoorkii waynaa ee Nabilion , Binoarbarte , waxa lagga hayaa

” Ninka Iskuul dhisaa , jeel buu xidhay ”

Somaliland waa meelaha ay bilowga iyo amba qaadka ku yihiin rugaha Aqoonta iyo Akhrisku , Heerka ay marayaan Aqoonta iyo Akhriskuna waa mid bilow iyo raad barasho ah .

Magaaladda Caasimadda u ah Somaliland oo ku nool yihiin in ku dhow , Hal Malyuun iyo badh qof , iyo dhawr iyo toban jaamacadood iyo boqolaal Dugsi , Nasiib darro waxay leedahay hal Rug Akhris , Laybareeri .

Markaad ku tukanayso salaadaha Masaajidadda ayaad dareemaysaa culayska maqnaanshaha rugaha akhrisku , taasoo keentay in Ardaydu Masaajidada cibaadada dan bidaan inay wax ku akhristaan .

Magaaladdu waxay lahayd Rug keliya oo Kutubeed , hassa yeeshee , Nasiib darro iyo Nasiib wanaag miday tahayba , waxaa laggu badalay Rugtii kutubta , Istayshan Bilays .

Hassa yeeshee waxaa lagga yagleelay , Rug cusub oo Wax akhiris ,badhtamaha Magaaladda Hargaysa , taasoo loogu magac bixiyey , GAANDI Puplic Libarary . Rugtan Gaandi inkastoo ay ahayd mid kooban dhul ahaan , Kutubta taalla iyo Masaaxadeeduna aanay dabooli karayn baahidda loo qabo Laybareeri Magaalo ay ku nool yihiin , Malyuun iyo dheeraad qof , hadana waxay ahayd rug u heelan oo u hagar la baahidda daruuriga ah .

Markasta oo aad hor marto , rugtaana waxaad isha ku dhufanaysay , dad hortuban oo sara jooga ku arkhirsanaya buugaagta , iyaggoo marka Gudaha laybareerigu buuxsamo kala sugaya kuraasidda bal inay ka helaan fursad .

Baryo dhawayd waxaan maqlayey iyaddoo laggu jirro olole Magaaladda loogu samaynayo rug labaad oo laybareeri ah , hassa yeeshee aan wali dhamays tirmin.

Hadaba iyaddoo xaaladdu sidaasa , waxaa naxdin iyo qaadan waa igu noqotay warka sheegaya in Rugtii keli ahayd laggu wareejiyey ganacsadde , taasoo aan ilaa imika rumaysan kari laayahay , in Ishii keligga ahayd ee Akhriska , ee Madiga ahayd , la awdayo , dadkana goblan lagga badayo .

Haddii arintaasi jirto ,waa Sawir muujinaya Ahmiyadda aynu u hayno aqoonta iyo fidinta iftiinkeedda . halka qarnigii 17 Naabiliyoon u arkayey in Dhisme dugsi ka dhigan yahay jeel xidhmay , halkan qarinigii 21 , labadii laybareeri hadii midna Sal-dhig boolis lagga dhigay , midna dhisme gaara , waa war iyo faallo dhamaystiran oo koobaysa jahadda aynu u socono .

 

Axmed Nuur Guruje

ahmedguruuje@gmail.com

 

SHEEKOOYIN