Home Qoraallo Waddada suubban. Q33AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q33AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada suubban. Q33AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

Reebidda dulmiga iyo xumaanta!”

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

كَاظِمِينَ ۚ مَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ حَمِيمٍ وَلَا شَفِيعٍ يُطَاعُ ﴿١٨﴾

Goorta ay daallimiintu waayayaan wax saaxiib ah, iyo shafeeco qaade la maqlo”. (Suuradda Qaafir: Aayadda 18.).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِن نَّصِيرٍ ﴿٧١﴾

“Daallimiintu wax u hiiliyo malaha”. (Suuradda Al-Xaj: Aayadda 71.).

Jaabir bin Cabdullaah (A.K.R.) wuxuu yiri: “Nabiga (S.C.W.) wuxuu yiri: “Iska jira xaqdarrada, maalinta qiyaamo xaqdarradu waxay noqonaysaa oo isu beddelysaa gudcurro badan oo madow iyo mugdi badan, kana ilaalsha naftiinna oo iska jira mudulnimada iyo nafjeclaysiga maal iyo madaxtinnimo jaceyl, nafjecleysi iyo mudulnimo waxay rogtay qoomankii idin ka horreeyey oo ku kalliftay inay dhiig iska qubaan oo wixii ka xaaraansanaa xalaashadaan”. (Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Wax walba waa loo kala xaq qaadayaa, Qof walibana Alle xaqiisa waa uu kaga gudayaa kii ka duudsiyey. Ilaa Rida garoon looga xaq qaado oo looga gooyo wixii dulmi ka soo gaaray rida geesaha leh.’ (Muslim).

Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Maalin, kulan uu innagu wehliyey Nabigu (S.C.W.) ayaa waxaan ka sheekaysanaynay xajka sagootiga mana garanayn waxa loola jeeday, jeer Nabigu (S.C.W.) istaagey oo Alle mahdiyey oo ammaanay oo misna Masiixud-Dajaal Sheyddaanka isha tiran ee wareegaya shartana badan ka sheekeeyey oo ku dheeraaday oo yiri: Ma uu jiro Nabi Alle soo diray aan ummaddiisii uga digin shartiisa, Nuux ayaana uga digey iyo Nabiyadii ka dambeeyey oo dhan. Haddii uu idinku soo baxana, xaalkiisa idinkama qarsoomayo. Sidaad og tihiin Rabbigiin ma il la’a meesha uu Dajaalku il la’yahay. Isha midig ayaana cad oo u eg mira canab ah oo buqsan. Is jira, Alle wuu idinka xaaraantimeeyey inaad dhiig iska daadisaan, ama maalkiinna iska dhacdaan; Arrimahaasi waa xaaraan caaggan inaad ku xadgudubtaan sida uu xadgudubka uga xaaraameeyey maalintaan iyo bishaan, iyo beladkaan “Maka” ee aad joogtaan. Nin walbow is ilaali! Mawaanan idin gaarsiin oo aan idin barin awaamirta Alle oo dhan iyo wuxuu idin faray Asxaabtii waxay yiraahdeen: Haah. Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Alloow ka marag ahow seddex jeerna ku celceliyey hadalkaas. Wuxuuna hadalkiisii ku gunaanuday: iga dhuuxa waxaan idin leeyahay! waa inaydaan gaalo noqon dabadey marka la i oofsado, oo ha billaabina inaad is dishaan oo iska daadisaan dhiig dhexdiinna. (Bukhaari iyo Muslim oo qayb ka wariyey xadiiska).

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: Nabiga (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii xaqdarro ku qaata taako dhulka ka mid ah, wuxuu Alle ku cadaabaa maalinta qiyaamo in loo suro toddoba dhul qoortiisa” yacni wixii uu xaqdarrada ku qaatay.’ (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Muusaa al-Ashcari (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Alle dulmiilaha waa u kaadiyaa oo wax tillaabo ah kama qaado si uu koobka dambiyadiisa ugu buuxsamo, dabadeedna markii uu qabto si uu uga gooyo oo ugu qaado dambigiisa, ma sii daayo. Markaa ayuu wuxuu akhriyey aayaddan Qur’aanka: Waa sidaasoo kale qabashada Rabbigaa, markii uu beel daalimad ah qabto. Qabashadiisu waa mid adag oo xanuun badan”. (Bukhaari iyo Muslim).

Mucaad ibn Jabal (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabiga (S.C.W.) ayaa wuxuu ii magacaabay Guddoomiyaha Yaman oo wuxuu igu yiri: Xusuusnow! Waxaad u tegi doontaa qoom ehlu kitaab ah “Yuhuud iyo Kirishtaan” ee waxaad ugu yeertaa inay qiraan Ilaah xaq aan Alle ahayni inuusan jirin, iyo inaan anigu Rasuulkii Alle ahay. Markii ay aqbalaan taa, u sheeg in Alle ku waajibiyey shan salaadood maalintii iyo habeenkii, Markii ay aqbalaan tani markaa u sheeg in Alle ku waajibiyey sako, kuwooda wax leh laga qaadayo oo la siinayo kuwooda aan wax haysan ee saboolka ah. Markii ay kaa oggoladaan taa, ha ka qaadin hantidooda kuwa u wanaagsan ee isha lagu hayo sako ahaan. Iskana jir habaarka qofka dulman, maxaa yeelay lagama soo celsho xag Alle. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Xumayd Cabdur Raxmaan Ibn Sacdis-Saacidi (A.K.R.) Wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.) wuxuu u xilsaaray nin reer Asdi ah oo la yiraahdo Ibn Lutbiya inuu soo ururiyo sako. Markii uu ku soo laabtay “Madiina” ibn Lutbiya ayuu yiri: Intaan tirada badan adaa leh, waa waxa aan soo ururiyey sako ahaan, intaan oo dhanna hadiyad ahaan anaa la i soo siiyey. Sidaa markuu yiri ayuu Nabigu (S.C.W.) inta kacay oo minbarka fuulay ayuu jeediyey khudbo. Wuxuu marka hore ammaanay oo hufay Alle dabadeetana yiri intaas ka dib: Waxaan wakiishay midkiin si uu howl iigu soo qabto ah xilkii Alle ii dhiibay. Markii uu howsha soo bogo ayuu ninkaa soo laabanayaa isagoo leh: intaa waa xoolihiinnii, intaanna anaa la i soo siiyey hadiyad ahaan. Haddii uu run sheegayo muxuu guriga hooyadi ama Aabbihi u fariisan waayay illaa uu qof ugu yimaado, oo hadiyado u keena! Alle baan ku dhaartaye qofkii wax aan xaqiisii ahayn qaata, wuxuu maalinta qiyaame Alle la kulmayaa isagoo dhabarka ku sida wixii uu ku qaatay xaqdarrada. ee yaanan arag qof idin ka mid ah oo Alle la kulmay isagoo xambaarsan Hal guuxaysa ama Lo’ qeylaysa ama Ri’ ciyaysa macnaha isagoo ku laran xoolihii iyo hantidii uu xaqdarrada ku qaatay. Dabadeedna isagoo gacmahiisa kor u qaadaya ilaa caddaanta kilkilooyinkiisu muuqdeen, ayaa wuxuu yiri: “Alloow ma gaarsiiyey wixii aad i fartay” oo seddex jeer ku celceliyey. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qof kastoo Muslim ah oo walaalkiis xaq darro ka wadoow”  ha ahaato sharafkiisa oo uu meel kaga dhacay, ama wax kaleba’e ha is kala xaalo oo cafis ha ka helo maanta inta adduunka la joogo inta aanay iman waqti uusan heysaneyn Dirham iyo Diinaar toonna yacni qofku uusan shilinna heysan. Haddii dulmiilaha u leeyahay wax camal wanaagsan ah oo xisaabtiisa ku jirta waxaa laga goynayaa xisaabtiisa in xaq darradii le’eg, haddii uusan dulmilaha camal wanaagsan lahaynna, dembiyadii kii la dulmay lahaa ayaa xisaabta dulmilaha lagu darayaa in xaqa darradii uu ka galay la’ eg.’ (Bukhaari).

Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Muslim waxaa ah qofkii ay afkiisa iyo addinkiisa muslimiintu ka nabad galaan, Muhaajirna waxaa ah qofkii ka hara oo ka taga wixii Alle ka reebay. (Bukhaari iyo Muslim).

Waxaa kaloo yiri saxaabigaa kor ku xusan : Nin la yiraahdo Kirkira oo u xilsaarnaa arrimaha ku gaarka ah Nabiga (S.C.W.) ayaa dhintay. Nabiguna (S.C.W.) wuxuu yiri: “Naartuu galay. Asxaabtii rasuulka (S.C.W.) ayaa waxay aadeen guriga ninkaa dhintay, si ay u soo eegaan arrinta keentay mise waxay ka heleen cimaamad uu xaday.’ (Bukhaari).

Abuu Bakar Nufayc ibn Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Waqtigu wuxuu ku socdaa sidii loogu tala galay tan iyo maalintii Alle Abuuray cirarka iyo dhulka. Sannadku wuxuu ka kooban yahay laba iyo toban bilood oo afar bilood dagaal iyo dulmi caaggan yahay afartaa bilood ay seddex isku xigaan waxayna kala yihiin: Dul Qacdah, Dul Xaj iyo Muxarram, bilna waa Rajab oo u dhexaysa jamaadka dambe iyo Shacbaan, oo ah bishii ku weyneyd oo ay dagaal iyo dulmiba aad uga caaganaayeen dhexdeeda qabiilka Mudar.. Nabigu (S.C.W.) ayaa dabadeed wuxuu wayddiiyey: Bishaanu waa tuma? Waxaan ku niri: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Sidaa markaan dhahnay ayuu cabbaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh ayuu u bixin doonaa bishan. Markaa ayaa wuxuu yiri: Sow Dul Xaj ma aha? Waxaan ku niri: Haah! way tahay. Dabadeedna wuxuu na wayddiiyey : Maxaa la yiraahdaa baladkan? Waxaan ku dhahnay: Alle iyo Rasuulkiisaa og. Markaasuu cabbaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh ayuu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow beledkii caagganaa ma aha in dagaal iyo dulmi lagu dhex sameeyo. Waxaan dhahnay: Haah! waa yahay. Dabadeedna wuxuu na wayddiiyey: Maanta waa maalinma? Waxaan ku dhahnay: Alle iyo rasuulkiisaa og. Markaasuu haddana cabbaar aamusay ilaa aan is niri magac hor leh ayuu siin doonaa. Dabadeedna wuxuu yiri: Sow maalintii gawraca xoolaha ma aha? Waxaan dhahnay: Haah! Markaa wuxuu yiri: Dhiiggiinna iyo maalkinna iyo sharaftiinuba waa idinka caaggan yihiin oo waa xaaraan inaad isku xad gudubtaan, sida ay u caaggan yihiin xadgudubka dulmiguna xaaraan u yahay maalintiinaan iyo magaaladiinaan iyo bishiina tanba. Ma foga maalinta aad Alle la kulmi doontaan. Wuuna idiin xisaabinayaa oo qof walba iyo waa camalkiisa intuu adduunka joogay. Sidaa awgeed is jira oo ha noqonnina dabaday gaalo qaarkiinba qaarka kale dilayo. Kuwiinna hadda goob joogga ahi ha gaaarsiiyeen fartiintan kuwa maqan. waxaa laga yaabaa mid la gaarsiiyey inuu uga dhug roonaado kan dhagaysanaya. Misna wuxuu yiri: “Markaa ka dib ayuu laba jeer wayddiiyey: Ma waanan idin soo gaarsiin wuxuu Alle idin faray” Waxaan ku niri: Haah! Gacaliye. Wuxuu markaa yiri: “Alloow marag ahoow”. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Umaamah Iyaas ibn Thaclaba (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Alle wuxuu u waajibiyey Naar oo uu gelin, qofkii qof Muslim ah xaqiisa ku duudsiya oo kaga qaaday dhaar been ah, waana ka xaaraantinimeeyey jannada. Saxaabi baa yiri: Rasuul Alloow, ma xitaa haddii ay wax yar yihiinna. Wuxuu yiri Nabigu (S.C.W.) xataa haddii uu yahay caday qori geed laga jabsado.’ (MUSLIM).

Caddiy ibn Cumayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: Markii aan u magacaabo qof idinka mid ah shaqo, haddii uu qofkaa iga qarsado xitaa cirbad iyo wax ka yar. Falkaa waa ku tuugo; wuuna keeni doonaa waxaa maalinta qiyaamo. Markaasaa nin madow oo Ansaar ka mid ah baa istaagey Nabiga (S.C.W.) horti, waa sida anigoo arkaya sida aan u xusuusto, kaa oo yiri: Rasuul Alloow fadlan iga cafi shaqada aad ii dhiibtay. Rasuulkii Alle baa wayddiiyey ninkaa sababta arrintaa keentay. Ninkii wuxuu yiri: waxaan maqlay hadda waxa aad tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Haddana mar labaad baan leeyahay oo aan ku celinayaa in qofkii aan shaqo “Qaran” u dhiibno waa inuu si dhan u gutaa oo daacadnimo iyo hufnaan leh, oo ka soo baxaa, kana xil dhacaa wax yar ama wax badanba. Markaas wixii la siiyana oo xaq uu yeeshay ah qaataa wixii kalena ka joogaa.’ (Muslim).

Cumar bin Khadaab (A.K.R.) wuxuu yiri: “Maalintii dagaalii Khaybara ayaa koox asxaabtii Rasuulka (S.C.W.) ka mid ahi intay yimaadeen ka hadleen iyagoo mid mid u magaacabaya rag dagaalka ku jiray oo lagu dilay iyagoo leh hebel waa shahiiday, hebel waa shahiiday markii dambay soo mareen nin la dilay oo yiraahdeen isaguna sidoo kale waa shahiiday. Markaa ayuu Nabigu (S.C.W.) yiri: Xaqiiqdu waa inuusan shahiid aheyn. Haddaa waxaa la i tusay isagoo Naarta ku jira maro uu xaday darteed.’ (Muslim).

Abuu Qataadah Xaaris bin Ribci (A.K.R.) wuxuu sheegay in Nabigu (S.C.W) ka dhex istaagay si uu ugu jeediyo khudbad asxaabtiisii, wuxuu yiri: Alle oo la rumeeyo iyo jidka Alle oo loo jihaado ayaa camallada wanaagsan u fadli badan. Nin raggii goob jooggaa ka mid ah ayaa inta istaagay yiri: Rasuul Alloow: haddii jidkii Alle aan ku dhinto ma la iigu dambi dhafayaa? Wuxuu ku jawaabay: Haah! haddii jidka Alle laguu dilo adigoo sabraya oo ajar doon ah, cadowgana horay ugu sii socda aan dib u gurud aheyn. Dabadeedna, Nabigu (S.C.W.) wuxuu wayddiiyey inuu ku soo celiyo wixii uu yiri: Ninkii ayaa ku celiyey: Haddii jidka Alle la igu dilo ma la iigu dambi dhaafayaa. Wuxuu ku jawaabay: Haah! haddii lagu dilo adigoo adkaysanaya, oo sabraya, oo ajar doon ah, horay ugu sii socda cadowga aan dhabar jeedis aheyn carar ah. Ha yeeshee daymahaagu kaama dhacayaan. Sidaasna Malag Jabriil ayaa hadda ii sheegay.’ (Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigaa (S.C.W.) wuxuu mar wayddiiyey asxaabtiisii: Ma garaneysaan waakee qof waashay, macnaha Musalifay? Asxaabtii waxay ku jawaabeen: Waxaan qof waashay musallifay u naqaan qof aysan faraha wax ugu jirin oo aan laheyn maal ama hanti kale toonna. Nabigaa (S.C.W.) faahfaahiyey arrintii oo yiri: Qof kacay musalifay Ummaddayda dhexdeeda waxaa ah qof la imaan doona maalinta qiyaamaha camal wanaagsan oo salaad iyo soon iyo seko leh, ha yeeshee xadgudub badanna uu ka dhacay isagoo caayay qof, sharafkiisa meel uga dhacay mid kale, cunay maal qof kale, oo daadiyay dhiig qof uun amaba garaacay qof kale. Markaasaa cid allaale iyo cidduu dulmiyey ay wax ka qaadanayaan dulmiilaha xasanaadkiisa. Haddii xasanaadkiisu dhammaado iyadoo weli wax lagu leeyahay oo dulmi loo haysto, dambiyada kuwii uu dulmiyey ayaa la soo qaadayaa oo dusha laga saarayaa, waxaana lagu tuurayaa Naarta.’ (Muslim).

Ummi Salamah (A.K.R.) waxay tiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Wax walba ka sokow anigu banii Aadan baan ahay. Doodihiinna iyo garihiinna ayaa ii imaanaya si aan ugu gar qaybiyo. Waxaana laga yaabaa in qaarkiin qaar kaga cod karsan yahay arrinta, oo aan markaas garta ku siiyo sidaas aan ka maqlay. Marka qofkii aan u gooyo wuxuusan mudnayn oo uusan xaq u lahayn, xalaal uma aha, wuxuu iga qaatayna waa qiimo u Naar siistay macnaha waxaa waaye qofkaa waxaa ku qaatay xaq darrada iyo mudnaan la’aanta wuxuu gelayaa Naar.’ (Bukhari iyo Muslim).

Ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofka mu’minka ahi diintiisu waa u nabad, waxaana dhowraya iimaankiisa marba haddii uusan gelin dhiig xaqdarro ah.’ (Bukhaari).

Khawlah bint Caamir Xaaskii Xamza, Nabiga adeerkii (A.K.R.) waxay tiri: Waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: Rag baa waxay xadayaan maalkii Alle sida xoolaha Baytul Maalka, ama hantida guud ee ummadda “Qaranka” kuwaasu Naar bay leeyihiin maalinta qiyaame.’ (Bukhaari).

Fiiro gaar ah: Ereyga khiyaano ama dulmi waa erey aad loo isticmaalo oo macna ballaaran leh. Waxaana sidoo kale aad loogu isticmaalaa oo uu tilmaamaa shirkiga, sanam caabudidda, Alle diidnimada, iyo Diin la’aanta; shirkiguna waa Alle oo cid kale wax loo la wadaajiyo oo la la barbar caabudo. dunuubtana waxaa la yiraahdaa waa dulmi oo waa lagu magaacaaba. Laakiin dulmiga aan kor uga hadlay waa kan dadka dhexdiisa ah, iyo inuu qof u gacan ama af ama addin dhaafo qof kale, oo xaqiisa duudisyo. Haddii aan laga hor teginna oo wax laga qaban waa arrin waxyeelaynaysa nabadgelyada bulshada iyo degganaanteeda. Tallaabada hore si looga hotago oo loo joojiyo arrintaa waa in la aqoonsado xaqa uu u leeyahay qofka ama dadka dulmiga iyo dhibaatada loo gaystay inuu helo ama ay helaan xaqoodii laga duudsiyey, loogana gooyo kii ama kuwii dulmiyey. Markaas ayayna dadweynuhu, markii ay arkaan in kii dulmiga falay aan sidaa looga hareyn ee mudankiisa la marsiinayo, markaa ayay ka waantoobayaan oo uu qof waliba ka joogsanayaa in uu qof kale uu dulmiyo, ama uu ku xad gudbo dhihitaanya dhicitaanba!”

“Jimco suubban. W/D: Xasan Cabdulle Calasoow “Shiribmaal”

SHARE