Maansada: Maandeeq Curiye: Maxamed Xuseen Faarax

Maansada: Maandeeq
mm
Maansadan “Maandeeq” oo aan ku halqabsaday Bashiir M. Xersi, oo maanso la yiraa “Masuul” hore u daabacay. Anoo maanka ku haya caqabada jira ayaan jeclaystay inaan dareenkayga ku cabbiro sida aan u arko xaaladda guud ee delka, waxayna maansadu ku billaabatay:

Maansada: Maandeeq

1:Bashiiroow mar iyo laba
2:Milyan iyo malaayiin
3:Maa shaa Alla mi’ateyn
4:Salaan mudane iga hoo
5:Macalinka Abwaankoow
6:Maareeyaha aqoontoow
7:Mideeyaha barbaartoow
8:Madaxii waddanigow
9:Masuul maansadaadii
10:Meeriskeedi dheeraa
11:Ii keen maqaalkii
12:Waana kaa mihiibaye
13:Ninba waa markiisee
14:Waa Maandeeqe iga qabo

15:Maandeeq waxey tiri:
16:Taariikhda meeraha
17:Arbaciin milaadiyah
18:Iyo maalmo dheeriya
19:Inaan oon miliilica
20:Qatin meehannaaw ahay
21:Masaafada aroorkuna
22:Guul maalin dheer tahay
23:Wadadiyo mariinkana
24:Inta magac dugaag yahay
25Mashmashiiq sanaayaan
26:Ma’wiguna mir cabid yahay
27:Mugdi ceelku shubid yahay
28:Mataantuna masleey tahay
29:Mitir baacu boqol yahay
30:Sursuurtuna middiyo tahay
31:Meyrax dowliskii yahay
32:Wadaantuna mudmudan tahay
33:Darku miciyo bahal yahay

34:Kii madada la geliyana
35:Intuu miisto kaligiis
36: Oo maaxda maadsaday
37:Inuu aniga malaxiyo
38:Miliq iyo muliyo dhiig
39:Munro iyo mur waabaay
40:Milil quruna ii dhuray
41:Madeex ololka mohashada
42:malabsiga il mirigyada
43:Miciin waaga murugada
44:Dacda laba magaawyada
45:Mergashada ku saxashada
46:Muurmuursi leqid waa
47:Marjacyeeynta quustaa
48:Hadba meela dhugashada
49:Is majiirka samirkaa
50:Ninkii moog mid ima taro
51:Masuulna igama noqon karo.

52:Maandeeq waxey tiri:
53:Inaan Jiicya Meeygaag
54:Geed ku miiga xiranahay
55:Marqa saarta dheegiyo
56:Miskihiyo majiyo muruq
57:Madax iyo ilaa kuris
58:Mergi iyo ilaa Daqay
59:Mayraq iyo mud iyo dhinac
60:Meel kastoo jirkeeygaa
61:Shilin iyo Muqleeyiyo
62:Kudkudiyo Mudaay iyo
63:Maaroole igu dhegey
64:Midabkeygi doorsamay
65:Mansabkiina iga lumay
66:Afartana ka maranahay
67:Maqaarreeyna aan ahay
68:Maqashiyo dhasheydana
69:Maqal iyo war mooyee
70:Muuqaal is arag weli
71:Ninkii moog mid ima taro
72:Masuulna iga noqon karo!

73:Maandeeq waxey tiri:
74:Meermeerka waayadan
75:Wax isoo maraa jira
76:Oonan maanta yeeleen
77:Intaan madal ka baaqsaday
78:Hadba meel la ii diray
79:Madadaalo been iyo
80:Maaweelo ley shiday
81:Markaan guul maleeyaba
82:Mid ka daran middii hore
83:Maltab leygu sii ridey
84:Majaxaabo ley dhigay
85:Is marmaarin teydii
86:Markaan soo maleegtaba
87:Mooshin kale la ii furay
88:leygu celiyey meeshii
89:Oon weli madluun ahay.

90:Maandeeq waxey tiri:
91:Masuulladii i soo maray
92:Iyo maamulkoodii
93:Maandhaytki godobaha
94:Markaan miir xisaabiyey
95:Macaash mira dhalkeedii
96:Miisaanka boqolleey
97:Wuxuu soo minguuriyey
98:Mu’aamarad maleeg iyo
99:Musuq maasuq baahiyo
100:Mixnad iyo shirqool iyo
101:Qabyaalado mutuxaniyo
102:Madfac iyo dagaaliyo
103:Meyd meyd sugaayiyo
104:Maral muusanaabiyo
105:Magan magan u hoyatiyo
106:Waxaan ii macaanaan.

107:Maandeeq waxey tiri:
108:Nin musaafir socotaa
109:Oo la soo madaahimay
110:Marxabbeeye duul kale
111:Misna maro qabiil huwan
112:Tiisuna u meel taal
113:Oo labo matooraa
114:Xarga miliqa howshiyo
115:Meer meertadaan taal
116:Iga mootin maayee
117:Maxaa laga minsugayaa?
118:Waan sii macluuliye.

119:Maandeeq waxey tiri:
120:In kastuu mardaadiyo
121:Adduunyadoo dhan soo maro
122:Mudanoow la soo dhaho
123:Maal badanna soo helo
124:Is maqiiqo weleigiis
125:Ima maali doonoo
126:Dambar malable moobada
127:Inta moow ka buuxiyo
128:Oo magaabo laba jeer
129:U sii shiibo maatada
130:Wallee mahad ma uu naqo.

131:Maandeeq waxey tiri:
132:Maxaa middaan mudnaay iyo
133:Maladeeyda beeniyey?
134:Meesha laygu mihiyiyo
135:Mindhisyada maxey baday?
136:Madanahaan lahaay iyo
137:Maxaa tiray mareegtii?
138:Maxaa miinka midixiyo
139:Igu dhigay falleer midig?
140:Maxaa mooradeeydii
141:Mandaqado u qeybiyey?
142:Maxaa tobanka magac iyo
143:Ii bixiyey moorolaan?
144:Maxaa muruqyadeydii
145:Midba meel ku kala xiray?
146:Maxaa miro shantaan dhalay
147:Kala geeyey meelaha?
148:Maxaa muuqa liitiyo
149:Isku maan ka wada dhigay?
150:Maxaa mahurtadeydii
151:Mabda’oodi kala raray?
152:Macnihiyo ujeedada.

153:Maandeeq waxey tiri:
154:Haddii aan maskaxi talin
155:Laga miirin aragtida
156:Caqli aan la sii marin
157:Runta miis la soo dhigin
158:Aqoon lagu maqooradin
159:Mudanaha la soo xulin
160:Daacad loo muraad kicin
161:Danta guud mid loo noqon
162:Wallee macandideydiyo
162:Inaan miidda loo dhicin!

Dhammaad.

Curiye:
Maxamed Xuseen Faarax

SHEEKOOYIN