BAADI FAL XUN IYO FAQ LIBAAX

Sheeko gaaban
BAADI FAL XUN IYO FAQ LIBAAX
Dhib ma jiro xageyga xaaladeeyda waa caadi adigana waxaan filaa in xaalkaagu caadi yahay, inkastoo maalmahaan albaabka gurigeyga uu noqday mid ay soo garaacaan dad caawimo iga doonayo, inaan caawiyo iska daaye anigeyba walwal igu abuureen naxdin weynaa markii lagu soo muto markaad lafahaaga aad u cabsato halkaad wax tari laheyd dadkii ku soo mutay.
Maalin dhaxdaas ah cidda dariskeyga ayaa igu soo garaacday albaabka  markii aan ka furay waxa ay ii sheegeen in baadi fal xun ay ku jirto qasabna ay ku tahay iney i weydiiyaan raali galina waa ay ii sii hor mariyeen, bal soo daaya ku iri; ‘Haddaan wax wal arkay waan idiin sheegiye. Waxa ay dhaheen waxaa naga soo lumay MAS nooca Kobraha(copra)loo yaqaan, waxaana soo dhaw watigii sunta mariidka laga miiri lhaa oo saacado ayaa ka dhiman raadkiisiina gurigaaga ayuu soo galay, waxaana ku ogaanay waxaa ku xirnaa RAAD RAAC(Chip) sidaas darteed noo ogoloow inaan ka raadsano gurigaaga dhaxdiisa.
Markii aan intaas afkooda ka maqlay, bannaanka ayaan istaagay waxaan dhahay ilaa aad ka soo heshaan ha  ka soo bixina, meel walbo ayaa laga raadiyay maskii waa laga waayay, markii ay damceen iney baxaan ayaan ku iri; ‘Suga ilaa aad ka heshaan meel ma aadi kartaan ku laabta oo raad raciina la soo baxa, si kastaba arrinku ha ahaadee raad raacii markii lagu baadi goobay guriga igu dhagan ayuu sheegay, markaasaa xoogaa nafta igu soo noqotay, waxaan ku talamay horta maad adigu masas iyo bahalo xanaaneysatid, haddana waxaan soo xasuustay;
Ninkii barbaarshay bahal nool ama ka baxsay ama boqno gooy.
anigoo wali la faro ka naxsan cabsidii Maska, ayaa maalin dhaweyd  libaax cabsi badan ka muuqato, oo xanaanada xayawaanka ka soo baxsaday,  irida ii soo garaacay ku lahaa waa cabsoonaa abaay gudooy(IL WEYN) ayaa jidka ii taagan,waxaan rabay Africa inaan u tahriibo,ee i magan gali, anigana dhididkii iga baxay timaha ayuu iga qooyay, cabsida aan libaaxa ka cabsaday markaas ayaan ku iri; ‘Aw libaaxoow labadeenaba labo fulay ayaan nahay meesha nagu kala wad. Afrikada aad u tahriibeysid aniga waa ka soo tahriibay, umana socdo
Waxaa uu yiri xoolo tuur leh ayaa tahay, aniga sooma tahriibin anoo yar ayaa waaridkeey leyga soo xaday, adigana adigoo weyn aad beeso ku soo dhiibtay. Meeshaan been ay ku haayeen. Aan baxnoo beeraheena aan falano, balad baahi la degay waaye ee Dalka iyo dadkeena ayaa noo baahan  ee na keen cabduloow.
waxaan ku dhahay hadda lee aw libaaxoow sheekada, xumeysay, waxaaga waa ka dareey, ma nafteydaan aan la soo baxsaday ayaa laguu soo diray.
Kuye maxaa dhacay? Waxaan ku dhahay magaceyga maxaa ku baray?
Inta uu qoslay oo kadaloobsaday kuye kaarka qoorta kuu suran magacaaga ayaa ku qoran, sida aniga dhagteyda u suran yahay camal, waa wada shabad ayaa na wada saaran isma ogine.
Waxaan ku dhahay aw Libaaxoow meeshaan iska joog maxaa yeelay, Dalkii iyo Dadkii waa dhallaan iyo dhallan rogmeen, meel yar aan kaa tusiyo Calankii Buluuga ahaa waa tarmay tarankiisana waxaa la filaa iney sii tarmi doonaan ilaa guri kasta uu calan lagu aqoonsada sameysto, intaa markii ay afkeyga ka dhamaatay libaaxii waa suuxay naxdin darteed, biyo ayaan ku rusheeyay markii uu soo naaxay, ayaan ku iri maxaa ku helay aw Libaax ? Waxa uu yiri aniga waa suuxay anigoon xornimo u soo dagaalamin ka waran awoowayaasheen haddey maanta noolaan lahaayeen naxdin ayey u dhiman lahaayeen, waxa na lagu fuliyay waxa la yiraa qeybi oo xukun dad iyo duunyo iyo dugaagna wixii na helaan ka yaabay, mase ogtahay aniga markii aan yaraa waalidkeey waxa ay iigu sheekeyn jireen DAL dadoow dareen ku joog waaye, fiiri sida ay ii bah dileen anigoo duriyadeydu ay ka soo jeedo Boqorka keynta dad iyo duunyo iyo dugaag ay naga heybeysan jireen, ilaa heer aan ka  gaaro Ilweyn iyo Bisado inaan nafteyda uga cabsado aaween miciyaheygii anigoo suuxsan ayaa kalbad(Biinso) la iiga siaaray, intaa la iguma deynin ee carruurtooda ayaa ii soo daawasho tagto si ay waqti macaan u qaataan, anigana waa dhimashadeyda iyagana dheeshooda, intaan ka badan anigu uma sii dul qaadan karo, haddaad i raaci laheyd iyo haddaad joogi laheyd adigey kuu taalaa, waxa uu yiri; ‘Abwaankii
Nin kuu digay kuma dilin
Nin ku siray wax kuu sheeg
Nin ku siiyay kuu faan
Nin sarbeebtay kaa qari.
War iyo dhamaantii aw Cabdulloow aniga waa soo naaxay sidaan war murtiyeed aan ku helay bah Maroodi iney Dalkii ku laabtteen adigana waxaan kuu rajeynaa inaad hurdada ka kici doonto maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu warkiisii ku soo xiray;
DHALLAALKA YURUB
DHIIG MIIRADKIYO
DHAB HA MOODINOO
HAKU DHIMAN WALAAL.
Markii uu iga tagay aniga oo aan wax jawaab ah siin, nafteyda ayaan canaan ugu dhaqaaqay, waxaan ku iri;
Nafteydeey warlaay
malaguu waramay
Adoon weedhna oran
Waqtigii ma dhacay,
Meys wareysateen
Wadku inuu mid yahay
Aan waabis aqoon
Wabiyada durdura
Weyne kugu galaday
Wiilaan u dhalan
Siduu uga wabxaa?
Adiguna war li’ aad
u wakiilataa.
Dhamaad
W/C Cabdulle Cabdi Kariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN