Home Qoraallo Qodobka Afka Soomaaliga W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Qodobka Afka Soomaaliga W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

0
SHARE

Qodobka Afka Soomaaliga.

Afka Soomaaliga waxa uu leeyahay xeerar iyo qodobbo kala gura kala tilmaama, Labka iyo dhediga noolaha ah iyo walxaha oo sidoo kale qaata qodobbadan.

 Waa maxay Qodob?

Qodob: Waa tilmaame muujinaya dhihida iyo dhawaqa eraygaasi midka uu noqonayo hab dhawaaq ahaan LAB AMA DHEDIG.Hannaankan ayaa ah mid Afafka oo dhammi wadaagaan.

Qodobka Afka Soomaaligu waxa uu kala baxaa,  saddex kala ah,  LABEEYE, DHEDIGEEYE IYO LABEEBSHE.

Labka:

  1. A
  2. KA
  3. GA

Dhedigga

  1. TA
  2. DA

Labeeb

  1. SHA
  2. HA

Haddaba aan ka soo qaadano toddobadan qodob tusaalooyin idiin muujiya, sida afkeenna ula falgalaan.

Labka:

A: Geela, Madaxa, Magaca, Daaqa, Qoodh

KA:Sahanka, Salka, Alabka, Jilibka, Wiilka, Ninka ……

GA:Odayga, Ardaaga, Guriga, Gendiga, Ariga……….

Dhediga:

TA:Gabarta, Farta, Dhegta, Halista, Tamarta.Hammuunta…

DA :Cuntada, Ergada, Carrada, Dafada, Doonida………

Labeeb

SHA. Qodobkani wuu is rogrogaa, waxa uuna galaa meelo badan, tus: Wax walba oo ku dhammaada. (L) sida:

BIL, UL, IL, intooda badani waxay isu rogaan (SH) marka la tilmaamayo:

BISHA, USHA, ISHA, Af Aqoollada qaarkood waxay qabaan in lays raaciyo, sida: BILSHA, ILSHA, ULSHA, oo la’daa asalka ahayd ay qoranto balse dhawaqa la aamusiiyo. waana qayb ka mid ah qabyo qoraalka Afkeenna.

Qodobka (SH) wuxuu qaataa, kooxda sidoo kale Lab iyo dhedigba leh. Tus.

Odayaasha, Wiilasha, Bustayaasha, Halgamayaasha iwm.

Waxaan odhan karnaa. markaas. SHA qodobka ahi waa LABEEB maadaama uu labadii dhinac ee LABKA IYO DHEDIGABA la falgalayo.

HA: Qodobkani wuxuu galaa inta badan koox ma laha Keli.

GABDHAHA, HARGAHA, LAFAHA, JILBAHA, DAMEERAHA,

HALAHA, DHISMAHA. iwm.

Haddaba waxaa iyaguna QODOB isagoo aynu ku baraney LAB AMA DHEDIG. marka uu noqdo koox isu rogaya si kale.

Tusaale: Awr ayaa markuu yahay keliya wuxuu qaadanayaa. qodobka. KA oo lab ka dhigeysa muujineysana inuu yahay Labane. Halka marka AWR noqdo koox uu qaadanayo qodobka TA oo Dhedig ah. AWRTA.

Waxaa sidoo kale isla awrtan jirta qayb ka mid ah oo la rarto loona yaqaanno, RAREY, marka uu keliya yahay waa RAREYGA. Marka uu koox noqdona wuxuu noqonayaa RAREYDA, oo qodobkii DA oo dhedigan ayuu qaadanayaa.

Waxaa jira dhinaca. abka ama abtiriska magacyadooda ayaa iyaguna is rogroga. Abti. Abtiga, (GA) Abtiyaashey.(SHA)

Eedo, Eeddadey(DA), Eedooyinkey.(KA)

Habaryar, Habaryartey (T)Habaryahay(HA) IQB.

Adeegsiga iyo barashada qodobka Afka Soomaaligu waa lagama maarmaan haddana anigoo og, Af guriyo kala duwan jiraan oo siyaabo kala duwan ugu dhawaaqa. walxaha ama qaarkood kala siiyaan qodobbo kala duwan tusaale:

LAAMI. waxaa loo yaqaana wadooyinka madoow ee daamurka ah, haddaba. Gobollada badankooda waxaa looga dhawaaqa, LAAMIGA oo waxaa la siiyaa Qodobka G oo Lab ah.

Halka Gobollo kalena looga dhawaaqo LAAMIDA, oo ay siiyaan qodobka D oo Dhedig ah.

FG: Arrinta ku saabsan qodobka Afka Soomaaligu maaha mid aan halkan ku koobay, mana aha mid faallo iyo qoraal keliya koobi karo waayo waa mid la falgelaysaa oo ku ladhan dhammaan Afka aynu ku hadleyno.Haddaba intani waa uun tusaale aan ugu talo galay inaan kugu baraarujiyo, wixii intaas dheerna adigu aad gaarkaaga u raadsatid.

Mahadin iyo tixgelin badan.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHARE