Home Qoraallo Waddada suubban. Q35AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Waddada suubban. Q35AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

0
SHARE

Waddada suubban. Q35AAD. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

“TOWBADA IYO XUKUNKEEDA”

Culimadu waxay yidhaahdeen: Waa waajib in dembi walba laga toobad keeno, waxayna toobadu leedahay shuruudo dhowr ah, oo marna seddax ah, marna afar ah. Mar waa seddax oo waa markii uu dembigu yahay wax addoonka iyo Rabbigiis ka dhexeeya, markaasna waxay shuruuddu tahay inuu qofku dembigii ka fuqo iyo inuu ka qoomamoodo, iyo tan seddexaad oo ah inuu qofku go’aansado inuu san dembigaas u noqon dib dambe. Marka kale oo ay shuruuddu afarta tahayna waa markii uu dambigu lug ku leeyahay xaq Aadane, oo waa in xaqaas Aadane la gudo oo laga xalaaloobo, hadduu maal yahay la gudo, hadduu qadaf ama qaan yahay oo la isu dhiibo, gudayayaa iyo cafiyayaaba, iyo hadduu xan yahay oo iyadana laga codsado cafis, waxaa iyaduna waajib ah in dambiyada oo dhan laga toobad keeno, haddii uu qofku qaar ka toobad keenana waa ka ansaxaysaa toobadu, oo qaarkaas waa laga cafinayaa, dembigii uusan ka toobad keeninna way ku harayaan oo laga cafi maayo, jeer uu ka toobad keeno. Toobadu inay waajib tahay Qur’aanka iyo sunnahaa caddeynaaya, ummaduna waa ay isku raacsan tahay.

Eebbe kor ahaaye wuxuu yiri:

وَتُوبُوا إِلَى اللَّـهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ ﴿٣١﴾

“Alle u wada toobad keena kuwa xaqa rumeeyow, aad liibaanteene.” (Suuradda an-Nuur:Aayadda 31).

Waxaa kaloo yiri kor ahaaye Eebbe:

وَأَنِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُمَتِّعْكُم مَّتَاعًا حَسَنًا إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى وَيُؤْتِ كُلَّ ذِي فَضْلٍ فَضْلَهُ ۖ وَإِن تَوَلَّوْا فَإِنِّي أَخَافُ عَلَيْكُمْ عَذَابَ يَوْمٍ كَبِيرٍ ﴿٣﴾

Waxaan idin leeyahay oo idin kugu yeerayaa: Rabbigiin cafis iyo dembi dhaaf weydiista, oo u noqda Alle idinkoo toobad keenooyin ah.” (Suurada Huud:Aayadda:3).

Waxaa kaloo yiri Eebbe kor ahaaye:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا تُوبُوا إِلَى اللَّـهِ تَوْبَةً نَّصُوحًا.

“Kuwa xaqa rumeeyow! Alle u toobad keena toobad san.” (Suuradda at-Taxriim:Aayada:8).

Abuu Hureyrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Waxaan maqlay rasuulkii Alle (S.C.W.). oo leh: “Wallaahi maalintii waxaan Alle dembi dhaaf waydiistaa oo u toobad keenaa wax toddobaatan jeer ka badan.” (Bukhaari).

Aqirr ibn Yasaar al-Muzani (A.K.R.) wuxuu sheegay inuu Rasuulku (S.C.W.) ku waanin jiray asxaabtiisa: Alle u toobad keena dadyahow, oo dambi dhaaf weydiista, anigu maalintii boqol jeer baan toobad keenaaye.” (Muslim).

Anas ibn Maalik (A.K.R). oo adeege u ahaa Nabiga (S.C.W.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Wuxuu Alle ugu farxaa toobada addoonkiisa si ka daran sida midkiin ugu farxo awrkiisii oo inta howd uga lumay uu markaas helay.” (Bukhari iyo Muslim).

Culimadu waxay intaa raacinaysaa: Wuxuu Alle ugu farxaa markuu addoonkiisu u toobad keeno, sida midkiin rakuub u watey oo howd marayey oo ay raashinkiisa iyo biyihiisuba saaraayeen, dabadeed uu halkaas rakuubkii ama ratigii uga lumay biyihii iyo baadkiina kala tagay, dabadeedna raadiyay oo waayey, oo markaas uu geed iska hoos jiifsaday isagoo quustay, oo isagoo saas ku sugan markaas indhaha kala qaaday mise waa rakuubkiisii Ratigiisi oo kor taagan, markaasuu yiri: inta hoggaankiisa qabsaday oo farixii ka batay: Alloow addoonkaygii baad tahay, aniguna Rabbigaagii, wuxuu ugu dhacay carrab taraaraxaas farxad darteed iyo isagoo doonayey inuu u mahad noqo Rabbiggii, una qiro abaalka iyo fadligaa.

Abuu Muusa al-Ashcari (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: ” Alle SWT. habeenkii ayuu gacantiisa soo fidiyaa, si uu u toobad keeno qofkii maalintii dembaabay, maalintiina gacantiisuu soo fidiyaa si uu u toobad keeno qofkii habeenkii dembaabay, jeer ay qorraxdu bugux soo tiraa yacni galbeed ka soo baxdo maalinta qiyaame.” (Muslim).

Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii (S.C.W.). wuxuu yiri: Alle waa ka toobad aqbalaa addoomahiisa inta aysan qorraxdu bugux soo dhihin galbeed ka soo bixin maalinta qiyaame.” (Muslim).

Cabdullaah ibn Cumar (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Eebbe, Rabbiga cisada iyo maamuuska, toobada addoonka waa uu ka aqbalaa inta uusan dhuun yeerin geerida gaarin.” (Tirmidi, waana xadiis xasan ah).

Zirr ibn Xubaysh (A.K.R.). wuxuu yiri: waxaan u tegey Safwaan ibn Cassaal (A.K.R.). anigoo raba inaan ka wareysto masaxa kabaha buudka gacmaha la kor mariyo marka la weeysaysanayo. Wuxuu i weydiiyey: Ziirrow, maxaad doonaysaa? Waxaan ku jawaabay, ‘Cilmi doon baan ahaa.’ Wuxuu yiri: Malaa’igtu garbahay u raaricisaa qofka cilmi doonka ah, raali ayay ka tahay waxaa uu doonayo awgeed. Waxaan u sheegay inuu wareer iga galay arrinta ku saabsan marinta gacmaha dusha sare uu ka mariyo kabaha buudka qofka weeyseysanaya, kaadi ama saxaro ka dib. Addigaana arrintaas kuu soo aadey oo asxaabtii Nabiga (S.C.W.). ka mid ah, ee wax ma ka maqashay Nabiga arrintaas la xirriirta ? Wuxuu yiri: Haa, Wuxuu na dhihi jiray markaan safar nahay ha siibina buudkiinna seddex maalmood iyo habeennadooda, inaad isku junuubtaan maahee oo ha u siibina hurdo iyo saxaro iyo kaadi dartood.

Waxaan iri: Ma ka maqashay isagoo ka hadlaaya wax jeclaanta? Wuxuu yiri: Haah, annagoo musaafir ah oo Nabiga (S.C.W.). la soconna ayaa maalin nin reer miyi ahi Nabiga (S.C.W.). tannaaago dheer Wuxuu ku yiri: Muxammadoow. Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). sidiisi oo kale ayuu ugu dhawaaqay oo yiri: Heeh, waa i kane. Waxaan ku iri ninkii reer miyiga ahaa: Balaayo ha kugu dhacdee; Ha u hadlin kor markaad Nabiga (S.C.W.). la joogtid. Sidaas ayuu Alle ina faraye yacni inaan kor loo hadlin markaan Nabiga la joogno. Isagoo ii jawaabaaya wuxuu yiri: Uma dhigaayo hoos codkeyga, haddana isagoo hadalka u wada Nabiga (S.C.W.). mar labaad wuxuu yiri: Ka warran qof jecel qoon uusan weli ka soo mid noqon muxuu xaalkiisu yahay? Wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). Maalinta qiyaame qofka wuxuu ka mid noqonayaa qoonka uu jecel yahay. Dabadeena hadalkii uu inoo waday ayuu meeshi ka sii waday ilaa uu ii sheegay irid furan jirta kan wax fuushani balleeceeda u socdo afartan ama todobaantan sano. Sufyaan oo dadka xadiiska weriyay ka mid ahi wuxuu intaas raaciyey: Waa irid xagga Suuriya jirta . Wuxuuna Eebbe abuuray maalintii uu cirarka iyo dhulalka abuuray. Wuxuu furan yahay toobada, lamana xirayo jeer ay qorraxdu ka soo baxdo xagga galbeed”. (Tirmidi iyo kuwa kale ayaa weriyey, wuxuuna yiri: waa xadiis saxiix ah).

Abuu Saciid al-Khudri (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Nin ka mid ahaa ummadahii idinka horreeyey, oo diley sagaal iyo sagaashan qof, ayaa dadkii weydiiyey yaa u aqoon badan dunida? Waxaa loo tilmaamay nin suufi ah oo adduun iska nacay. (Dilahii is keenay isagoo ictiraafsan dambigiisa ayuu u tegay suufigii oo ku yiri: waxaan dilay sagaal iyo sagaashan qof, ee wax toobad ah ma leeyahay? Suufigii wuxuu ku jawaabay: Maya. Ninkii wuxuu dilay suufigii sidoo kale oo boqol uga dhigay. Dilihii ayaa haddana weydiiyey dadkii: Yaa u cilmi roon dadka adduunka? Waxaa loo tilmaamay nin caalim ah. Markaa ayuu u tegey oo ku yiri: Waxaan diley boqol qof ee toobad ma leeyahay? Wuxuu yiri: caalimkii: Haah waxba ma jiraan kala dhex gali kara adiga iyo toobada: Tag oo aad dhulka. Waxaa ku nool dhulkaa dad dhowrsoon oo suubbanayaal ah oo Eebbe caabuda ee Alle la caabud hana ku soo noqon dhulkaaga waayo waa dhul shar badan. Ninkii dhulkaa ayuu aaday. Markuu kala bar maraayo ayaa mawdkii u yimid. Muran iyo dood ayaa wuxuu ka dhex billowday malaa’igtii cadaabta iyo malaa’igtii naxariista la xiriira cidda nafta ka qaadeysa. Malaa’igtii naxariistu waxay tiri: Marba haduu soo toobad keenay oo qalbigiisu Alle u soo jeedsaday annagaa nafta ka saareyna oo xilkiisu na saaran yahay: malaa’igtii cadaabtuna waxay tiri: weligiisba ma uu sameyn wax khayr ah sidaas awgeed annagaa xilkiisa leh. Waxaa markaas u yimid malag suurad Aadane leh, waana u gar dhigteen, wuxuu yiri malaggii: Cabbira inta labada dhul u dhaxaysa, tii u xigaa leh. Markaasay cabbireen mise dhulkii uu u socdey ayuu xigaa oo uu dhowr tillaabo gudaha u galay. Waxaa xilkiisii markaa qaaday malaa’igtii naxariista.” (Bukhaari iyo Muslim).

Warein kale ayaa waxay leedahay: “Dhulkii dadka fiican ayuu taako u dhawaaday, markaasaa dadkaas laga mid yeelay”.

Werin kale waxay ahayd: “Allaa labada dhul midna fogow yiri, midna soo dhowow yiri, wuxuu Alle yiri markaas: Qiyaasa inta u dhexaysa, mise tan dhulka dadkii fiicnaa bay taako u dhowdahay oo wuu u dambi dhaafay”. Xadiis kalena wuxuu ahaa: Wuxuu ugu soo dhowaaday dhulkii uu u socday laab ku socod iyo xamaarasho.

Cabdullaah ibn Kacab ibn Maalik (A.K.R.). oo aabbihii Kacab hagi jiray markuu indha beelay, wuxuu yiri: waxaan maqlay aabbahay Kacab ibn Maalik oo ka sheekaynaaya waagii uu Nabiga (S.C.W.). ka haray oo aheyd duullaankii Tabuuk. Wuxuu yiri Kacab: Ma jirin duullaan aanan Nabiga (S.C.W.). kala qayb gelin duullaankii Tabuuk ma ahee iyo kii Beder oo aan isaga cidna lagu canaanan maxaa yeelay Nabiga (S.C.W.). iyo raggii Beder raacay waxay doonteen safarkii Qureysh ee badeecad siday, iyagoo aan dooneyn inay la dagaalamaan, saa Allaah falay si aysan ku tala gelin, colkii Quraysheed iyo iyagiina wada kulmiyey. Waxaan Nabiga (S.C.W.). la joogey habeenkii togga Caqabah markii aan kor yeelidda diinta islaamka axdiga kula galeyney in Beder habeenkaas la iigu badalana u shallaayi maayo, inkastoo ay dadku badiyaan hadal haynta Beder.

Duullaankii Tabuuk oo aan Nabiga (S.C.W.). ka haray haddaan xaalkeyga ka warramo siduu ahaa, waxaan markaas ahaa markii aan u xoog iyo xoolaba roonaa, waxayna ahayd markii iigu horreysey laba Rati oo aan yeesho, Nabiga (S.C.W.). markii uu duullaan qaadayo waxaa caado u ahaan jiray inuusan daaha ka qaadin arrimaha la xiriira oo dhan waqti dambe maahee. Laakiinse markaas qorraxdu aad bay u kululeyd, safar dheer iyo dhul dhib badan oo bah gooyo ahna waa la marayey, col weyn oo xoog lehna waa loo socdey.

Sidaa awgeed ayuu rasuulkii Alle (S.C.W.). Daboolka uga qaaday meesha loo socdo, si loogu diyaar garoobo. Waxaa baxay col weyne aad u culus, oo aan wax la diiwaan gelin karo ahayn, ninkii damco inuu maqnaado kama uu baqayn in la ogaado, haddaan waxyi ka soo dagin.Dullaankaas wuxuu Rasuulku (S.C.W.). qaaday goor ay mirihii soo go’ayaan, hooska geedahuna macaan yahay, anigana sahlashaa i gashay. Rasuulkii (S.C.W.). waa uu diyaar garoobay, muslimiintiina waa diyaargaroobeen, aniguna inaan diyaar u kallahaa, anoo aan waxba qabanna waa soo noqdaa, waxaan is leeyahay waxba ma ahoo waa kuu fududahay markii aad doonto iska daba wareeg ma aan deyn jeer ay Nabigii (S.C.W.). iyo muslimiintii dhaqaaqeen anigoo aan waxba diyaarsan. Duullaankii caaradkuu la baxay oo waa tegey, wax weli ii diyaar ahina ma jirin, waxaan is iri alleylehe raro, oo gaar, la iimase qaddarin, magacay ba,ye bal maan falo, markii uu Nabigu (S.C.W.). tegey yaan calool xumo iyo murugo bilaabay markii aan dadka soo dhex galo laguma arko qof aan ku dayan karo, oo weheshan karo ragga joogaa waa nin munaafaqnimo lagu yiqiin iyo nin jihaadka aan awood u lahayn oo Alle ka cafiyey. Nabigii (S.C.W.). ima uu xusuusan ilaa uu Tabuuk gaarey, markii uu Tabuuk tegey ayuu wuxuu yiri isagoo fadhiya: Kacab ibn Maalik muxuu falay? Wuxuu yiri nin reer banii Salamah ahi dharkiisii ayaa reebay iyo hadba gees is ka dhugasho. Mucaad ibn Jabal wuxuu ku yiri ninkii reer Salaamha: wax daran baad ku hadashay! Wallaahi rasuulkii Alloow kuma aannu ogin waxaan khayr hayn, rasuulkii Alle (S.C.W.). waxba ma dhihin oo waa iska aamusay.. Nin bidhaamaya oo wirwiraayaa meel fog ka soo muuqday, wuxuu yiri rasuulkii Alle (S.C.W.): Abuu Khaysama noqo, mise waa abuu Khaysama laftigiisii oo ahaa ninkii suuska timirta ah sadaqaysan jiray oo ay munaafiqiintu ku durayeen. Markii aan maqlay inuu Nabigii (S.C.W.). soo laabtay oo soo socdo yaa walwalkii iga batay oo been inaan sheegaa igu soo dhacday, waxaan is weydiinaayey sidee Nabiga (S.C.W.). uga maslaxdaa arrintaa manta. Wixii wax garaayey oo ehelkkayga ahaa ayaan kala tashaday, markii aan maqlay in uu Rasuulkii (S.C.W.). soo gacan yeeshay, ayaa tashwiishkii oo dhammi iga ba’ay oo waxaan go’aan saday inaan runta sheego.

Mar haddaanan haysan wax aan kaga badbaadi karo. Nabigii (S.C.W.). waa yimid Sidii ay caadadiisu ahaydna kolkuu safarrada ka yimaado masjidkuu ku soo hormaray oo laba rakcadood ku tukaday, oo dabeed fariistay si uu dadkii ugu qaabilo, markii uu sidaa yeelay ayaa waxaa u yimid raggii haray oo dhowr iyo siddeetan nin gaaraya, waa u cudur daarteen waana dhaarteen, waana uu ka yeelay oo u dembi dhaaf dalbay waxooda u qarsoonna Alluu u daayey. Markaasaan anna imid oo salaamay suu inta dhoola caddeeyay ayuu wuxuu yiri isagoo caro laga dareemayo: Kaalay, waa u imid oo hor fariistay. Wuxuu yiri (S.C.W.): “Maxaa ku reebay?” soo Alle kama aadan gadan rakuubkaaga?” Waxaan iri: Rasuul Alloow (S.C.W.). wallaahi haddaan manta cid kale oo adduun ag joogi lahaa cudur daar aan kaga fakado ma waayeen waana doodi aqaan laakiinse waxaan ogahay, haddaan manta kuu sheego been aan kugu raalli gelinaayo, waxaan halis u ahay in Alle iigu caroodo, haddaan run kuu sheegana iyadaan xag Alle aayaha dambe ku rajo fiicanahay. Waa sidaase wallaahi baanan wax cudur daar ah haysan, wallaahi baysan jirin mar aan ka xoog iyo xoolo roonaa markaan kaa haray. Markaan sidaas iri ayuu wuxuu yiri Rasuulkii Alle (S.C.W.): Kanu run ayuu sheegay. Haddaba iska tag inta Alle xaalkaaga wax ka oranaayo. Rag reer banii Salimah ah ayaa inta i soo raacay i yiri: waxaan ognahay inaadan hadda ka hor wax aadan bi’in ma waxaad kari weyday inaad Nabiga u cudur daaratid sidii ay raggii kale oo kaa horeeyeyba ugu cudurdaarteen? Nabiga oo kuu dembi dhaaf dalbaa qaladkaaga oo dhan ku filnayde, waa igu celceliyeen oo sidaas wadnaha iiga qabteen ilaa aan ku fakaray tolow Nabiga ma ku noqotaa oo hadalkaagii hore ma beenisaa. Waxaan weydiiyey: Cid sidaan yeelay oo kale yeeshay ma garanaysaan? Waxay yirahdeen: Haah, labo nin ayaa sidaada oo kale yiri oo sidaada oo kale lagu yiri: waxaan iri: oo waa labadee? Waxay yiraahdeen waa Muraara bin Rabiic al-Camri iyo Hilaal bin Umayyah al-Waaqifi, mise waa laba nin oo wanaagsan oo Beder ka qayb galay, oo lagu dayan karo markii ay ii sheegeen ayaan ku sii adkeystay mowqif kaygii hore. Wixii rag haray Nabigu (S.C.W.). Seddexdaynii ayuu amray inaan dadku nala hadlin, markaasaa dadkiiba naga cararay oo dhulkii nagu yaraaday oo nin qalaad aan noqday. Konton habeen ayaan sidaas ku jirnay. Labadaydii saaxiib ceeb iyo calool xumo ayay guriga la fadhiisteen. Aniguse dhalinyaraan ahaa firfircoon oo salaaddaan dadka la tukan jiray, carradaydana waa aan mari jirey, wax ila hadlana ma jirin.

Rasuulkuna (S.C.W.). intaan u tago ayaan salaami jiray markuu inta tukado fadhiyo, markaasaan is dhihi jiray tolow bishimaha ma dhaqdhaqaajiyay oo salaanta ma kaa qaaday. Intaan ku ag tukadaan isha ku xadi jiray markaasuu markaan ka jeedsadana i fiiriyaa, markaan eegana iga jeedsadaa. Arrintii waa igu dheeraatay, goyntii ay muslimiintu igu sameeyeen waa i dhibtay. Waxaan gaaray inaan fuulo derbigii Abu Qataadah oo aan ilma adeer ahayn, dadkana aan ugu jeclaa, waa salaamay, salaantiina waa iga qaadi waayay. Waxaan ku iri abuu Qataadow Alle baan kugu dhaariyeye, ma igu ogtahay inaan Alle iyo Rasuulkiisa jeclahay? Waa iga aamusay, waa ku celiyey oo dhaariyey, waa iga aamusay, haddana waa ku celiyey oo dhaariyey, markuu i yiri: Alle iyo rasuulkiisaa og. Markaasay ilmo iga soo qubatay, derbigiina aan ka soo degay. Suuqii ayaan u soo baxay mise nin reer Shaam ah oo raashin gasac ah wataa ayaa dadka i weydiinaaya oo leh: yaa Kacab ibn Maalik i tusaaya waa la ii soo tilmaamay. Waa ii yimid wuxuu ii dhiibay waraaq uu iiga wadey boqorkii reer Qassaan. Waxaan ahaa qoraa saa waan akhristay, mise waxaa ku taal; waxaa nasoo gaaray saaxiibkaa inuu ku gooyey, Allena kuma badin dulli, iyo darxumo ee noo imow annagaa ku wanaajinayne’e. Markaan akhriyey ayaan waxaan iri: tanna waa imtixaan kale, markiiba waxaan ku riday tinnaarka oo ku gubey. Kontankii markii ay afartan maalmood tagtay waxyina uusan soo degin ayaa nin uu Nabigu (S.C.W.). soo diray ii yimid oo yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu ku soo faray inaad haweenaydaada ka tagtid. Ma furaa mise maxaan falaa? Wuxuu yiri: Mayee ha taaban oo kaliya labadaydii saaxiibna sidaasoo kaluu u faray. Sidaa awgeed ayaan xaaskaygii ka codsaday inay reerkoodii la joogto bal inta arrintaan Alle si ka dhahaayo. xaaskii Hilaal ibn Umayyah ayaa iyaduna Nabiga (S.C.W.). u tagtay oo tiri Rasuul Alloow Hilaal ibn Umayyah waa sheyb aan tabar lahayn, aan daryeeli karin naftiisa kaligii, adeegana ma leh, marka ma aad diideysaa inaan u adeego? Wuxuu yiri: Maya, laakiinse yuusan kuu dhawaan, waxay tiri: Dan kama leh dumar, tan iyo maalintii uu arrinkaanu billowday ilaa haddana, waa uu ooyayey. Ehelkaygii ayaa qaarkood igu yiraahdeen: Maad Nabiga (S.C.W.). weydiisatid inuu xaaskaaga kuu idmo. Hilaal bin Ummayaba waa u idmay xaaskiisu inay u adeegto’e? waxaan iri: Kuma dhibayo Nabiga (S.C.W.). weydiisiga idan kaa oo kale ah, saa wuxuu dhahayo ma garanayo’e, aniguna waxaan ahay nin dhalinyaro ahe (Hilaal oo kale ma ahi). Sidaasna toban beri ayaan ku jirnay oo kontonkii habeen ay noogu buuxsameen, tan iyo markii nala gooyey. Waxaan tukadey salad subax, waxay ahayd habeenkii kontonaad subaxiisii dambe, anigoo fadhiya gurigeyga, naftaydiina ciriiryoontey oo dhulkii balaarnaa sidii Alle naga sheegay igu yaraaday, ayaan waxaan maqlay nin buur korkeeda ka dhawaaqaya oo leh: Kacab ibn Maaligoow bishaarayso. Markaasaan sujuud shugri la dhacay, oo waxaan gartay in faraj yimid. Rasuulku (S.C.W.). markii uu salaaddii subax tujiyey dadkii ayuu dadkii u sheegay in Alle naga toobad aqbalay, markaasaa dadkii noo soo kala orday iyagoo noo bishaaraynaaya. Labadaydii saaxiib dad baa aaday. Anigana ninbaa faras xaggayga u soo fuulay, nin kale oo reer Aslam ah ayaa isna xaggayga u soo ordday oo buur dhaladeed fuulay oo iiga dhawaaqay. Saa dhawaaqiibaa faraskii ka soo hor maray markuu ii yimid ninkii aan codkiisa maqlay oo ii bishaareeyay ayaan labadaydii go’ siiyay, bishaaradiisii darteed. Ilaahay baan ku dhaartay maalintaa dhar kale ma haysan, sidaa awgeed ayaan laba go’ u soo deyntey oo maalintaas wax kale ma aan haysan Dabadeedna Nabigii (S.C.W.). ayaan aadey si aan qaddirinta iyo tixgelinta iyo mahadda aan u hayo ugu jeediyo. Intaan u socdayna rasuulka dadku waxay iila kulmayeen koox, koox iyagoo toobad aqbalka iigu tahniyaday-naya. Masjidkii ayaan soo galay, waxaan arkay Nabigii (S.C.W.). oo fadhiya dadkiina hareero fadhiyaan waxaa soo kacay oo igu soo orday Dalxa bin Cubeydullaah waana i salaamay oo ii tahniyadeyey, isaga keliyaana muhaajirintii iiga soo istaagay – Kacab Dalxah ma illoobi jirin. Waxaan salaamay Nabigii (S.C.W.). oo wajigiisu farxad la ifayo, wuxuu yiri: bishaarayso waa maalintii kuugu khayr badnayd oo ku soo marta tan iyo markii hooyadaa ku dhashay. Waxaan iri: Rasuul allow ma xaggaaga mise waa xag Alle? Wuxuu ku jawaabay: Mayee waa xag Alle.

Nabigu (S.C.W.). markuu farxo waxaad moodi jirtey in wejigiisa gabal dayax ahi inay saran tahay, siduu u dhalaalayo, oo aan uga garanayo. Markii aan hortiisa fariistey ayaan waxaan iri: Nabi Alloow maalkayga oo dhan hor alle ma u sadaqaystaa toobada la iga aqbalay awgeed? Wuxuu yiri: maalkaaga wax ka hayso sidaasaa ku fiican. Waxaan iri: saamigii aan Khaybar ka helay ayaan la harayaa. Waxaan iri: Rasuul Alloow runtii baa Alle igu badbaadiyey, toobadkeenkaygana waxaa ka mid ahaanaya, inaanan sheegin waxaan run ahayn inta aan noolahay. Wallaahay garan maayo muslimiinta imtixaanka Alle i mariyey mid ka wanaagsan qof uu mariyey, ilaa maalintii aan hadalkaas Nabiga u sheegay tan iyo maanta uma qasdin inaan been sheego, inta cimriga iiga hartayna in Alle iga dhawraan rajeynayaa. Wuxuu Alle soo dejiyey aayadahan:

لَّقَد تَّابَ اللَّـهُ عَلَى النَّبِيِّ وَالْمُهَاجِرِينَ وَالْأَنصَارِ الَّذِينَ اتَّبَعُوهُ فِي سَاعَةِ الْعُسْرَةِ مِن بَعْدِ مَا كَادَ يَزِيغُ قُلُوبُ فَرِيقٍ مِّنْهُمْ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ ۚ إِنَّهُ بِهِمْ رَءُوفٌ رَّحِيمٌ ﴿١١٧﴾

وَعَلَى الثَّلَاثَةِ الَّذِينَ خُلِّفُوا حَتَّىٰ إِذَا ضَاقَتْ عَلَيْهِمُ الْأَرْضُ بِمَا رَحُبَتْ وَضَاقَتْ عَلَيْهِمْ أَنفُسُهُمْ وَظَنُّوا أَن لَّا مَلْجَأَ مِنَ اللَّـهِ إِلَّا إِلَيْهِ ثُمَّ تَابَ عَلَيْهِمْ لِيَتُوبُوا ۚ إِنَّ اللَّـهَ هُوَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ ﴿١١٨﴾

“Eebbe waa ka toobad aqbalay Nabiga iyo Muhaajiriintii iyo Ansaartii raacay saacaddii dhibaatada, markii qaar ka mid ah qalbiyadoodu ku sigteen inay qalloocdaan, kadib; dabadeedna waa ka toobad aqbalay, waa u turid iyo naxariis badan yahaye iyo seddaxdii dib loo dhigay jeer dhulkii ku yaraaday wuxuu ballaarraa. Naftoodiina ku ciriiryoontay ayna yaqiinsadeen inaan Alle meel looga irkadaa jirin isaga maahee, dabadeedna uu toobadii ka yeelay si ay u toobad keenaan, Alle isagaa toobada Aqbalaha naxariista badan ahe. Kuwa xaqa rumeeyoow dhowra waajibka iyo xilka uu Alle idin saaray oo run sheegyada ka mid ahaada” ﴾Suurada at-Towbah:117-119.﴿.

Wuxuu yiri: Kacab: wallaahi garanmaayo nicmo Alle ii galay intii uu diinta igu hanuuniyey ka dib oo ka weyn runtii aan Nabiga (S.C.W.). u sheegay, maxaa yeelay haddaan maalintaas been u sheegi lahaa, waa aan halligmi lahaa sidii ay u halligmeen kuwii beenta u sheegay oo Alle ka soo dejiyey wax cid lagu sheego wixii ugu xumaa. Wuxuu yiri Alle weyne:

سَيَحْلِفُونَ بِاللَّـهِ لَكُمْ إِذَا انقَلَبْتُمْ إِلَيْهِمْ لِتُعْرِضُوا عَنْهُمْ ۖ فَأَعْرِضُوا عَنْهُمْ ۖ إِنَّهُمْ رِجْسٌ ۖ وَمَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ جَزَاءً بِمَا كَانُوا يَكْسِبُونَ ﴿٩٥﴾ يَحْلِفُونَ لَكُمْ لِتَرْضَوْا عَنْهُمْ ۖ فَإِن تَرْضَوْا عَنْهُمْ فَإِنَّ اللَّـهَ لَا يَرْضَىٰ عَنِ الْقَوْمِ الْفَاسِقِينَ ﴿٩٦﴾

“Waa idiin dhaaran doonaan markii aad u noqotaan si aad isaga deysaan, ee iska daaya waa qurune, hoyaadkooduna waa Jahannama oo jasadii wixii ay kasbadeen ah, waa idiin dhaaranayaan, si aad uga raalli noqotaan, haddii aad ka raalli noqotaanna Alle raalli kama noqdo qoon faasiqiin ah.” (Suurada at-Towbah:Aayadaha:95-96.).

Wuxuu yiri Kacab (A.K.R.): Seddexdayada waa na loo kaadiyey, kuwaasna Nabiga (S.C.W.). waa uu ka yeelay markii ay u dhaarteen, waana u dembi dhaaf dalbay, axdina waa uu la galay, ilaa Alle arrimaha sidaas aan soo sheegnay u kala xugmiyey. Marka Alle leeyahay: (Seddexdii dib loo dhigay) dib u dhigaasi ma aha hariddii aan duulaanka ka harnay, ee waa dib u dhigiddii Nabigu (S.C.W.). nala sugayey in xaalkayaga Alle wax ka yeelo, markii uu iyaga dhaartii ka aqbalay.

Werin kale oo xadiiska wuxuu sheegayey inuu Nabigu (S.C.W.). Tabuuk u duuley maalin Khamiis ah, jeclaana inuu khamiisaha baxo. Xadiis kalena wuxuu lahaa: “Safarka wuxuu ka imaan jiray Nabigu maalintii, weliba barqadii, wuxuuna ku soo hormari jirey masjidka oo inta labo rakcadood ku tukado fariisan jirey”.

Abuu Nujayd Cimraan bin Xusayn (A.K.R.) wuxuu yiri: Haweeney reer Juhayna ah baa Nabiga (S.C.W.) u timid iyadoo ilmo garac ah (Wacal ah) uurkiisa leh oo tiri: Rasuul Alloow (S.C.W.). waxaan galay dambi ee sida Qur’aanku dhigaayo ha layga yeelo. Nabigu (S.C.W.). markaasuu wuxuu u cid diray waligeedii oo faray inuu wanaajiyo una keeno ka dib markii ay dhasho.

Ninkii mas’uulkeeda ahaa Sidii ayuu yeelay, oo wuxuu u keenay Nabiga (S.C.W.). wuxuuna amray Nabigu in la dhagaxyeeyo illaa ay ka dhimato amray. Waana la dhagaxeeyay ilaa naftii ka baxday. Dabadeedna rasuulkii Alle (S.C.W.).waa uu ku tukadey. Cumar (A.K.R.) baa yiri: oo rasuul Alloow ma intay dhilleysatay baad ku tukanaysaa? Rasuulkii Alle (S.C.W.). Wuxuu yiri: Haah, waxay toobad keentay toobad keen deeqi lahaa haddii laqa yeesho toddobaatan qof oo dadka reer Madiina ah. Towbad keen tani ka wanaagsan oo ka darajo badan ma jirto, bal eeg arrinteeda waxay dooratay inay runta sheegto iyadoo og inay nafta sidaa ku waynayso iyadoo Alle raalli gelintii sidaa u yeeleysa. (Muslim).

Ibn Cabbaas iyo Anas ibn Maalik (A.K.R.). waxaa laga soo xigtay in Nabiga (S.C.W.). yiri: “ Ina Aadane hadduu leeyahay tog dahab ah, wuxuu jeclaan lahaa inuu labo sii yeesho, afkiisana damaciisa waxaa oo kaliya buuxin kara ciidda qabriga taasi waa markuu dhinto Allena waa ka toobad aqbalayaa kii toobad keena”. (Bukhaari iyo Muslim).

Abuu Hurayrah (A.K.R.). wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.). wuxuu yiri: Alle weyne kor ahaaye, wuxuu ku qoslaa laba nin oo midkooda hore kan kale dilay labaduna Jannada wada gali doonaan dhimashadooda ka dib midkood oo horay loo dilay isagoo jidka Alle u diriraaya jannadii ayuu galayaa. Markaa ka dib, ayuu Alle u naxariisanayaa kii wax dilay kaa oo galayaa Islaamka, oo u diriri jidka Alle oo loo dilayana sidaana isna jannada ku galaya (Bukhaari iyo Muslim).

JIMCO SUUBBAN. W/D: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

SHARE