Hammi caashaq iyo hunga been ah Q16AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q16AAD

Nasra waxay ahayd gabar la jecelyahay, gaar ahaan aabbaheed ku indho kuusho, waxay ahayd qoyskeeda u ahay ubax ay ku ildoogsadaan, waxaana loo barbaariyey habka iyo hannaanka ugu wanaagsan ee ubad loo barbaariyo, reerkoodu waa reer milge iyo maamuus leh, dad lagu ammaano dhaqan wanaagsani iyo dhurba.

Wanaaggu wax taraa  wax wanaagsan, aan kuu jilciyo halkane, haddii aad geed qoyan waraabiso wuu sii korayaa,  miro dhalayaa, laammo iyo faraqna bixinayaa,  haddiise aad  waraabiso oo biyo ku shubto dogob qalaley, dusha ayuu ka qoyayaa, hadhoowna waa qalalayaa maahine  qurux iyo dheef midna ka heli maayo.

Haddaba waa tii murtidu ahayd “ Doqoni calaf ma lehee” gabarta Nasra ah waxaa wanaaggaas iyo samahaa u diiday oo ka qariyey milgaha  reerkooda,  waa Aalladan cusub  ku soo korortey adduunka ee Internetka.

Nasri waxay u noqotay daacad,  waxayna ka dhigatey balwad ay danteeda oodhan ku seegto, horumarkeedi nololeed iyo mustaqbalkeeda oo sida bisha u ifaayay, waxa uuna ka dhigay madow laga quustay,  hadday sida boqorada u nooleyd ama sida ubad kali la dhalay loo kool koolin jiray, hadda maggaceeda in magaca reerka looga daro ayaa la dhibsadaa.

 Aabbaheed waxa uu ku daray nin magac iyo hanti,  eebbe isugu daray , nasiibdarose kama aysan faa’iidaysan fursadaas ee waa dayacday, waxa ayna bilowday inney u dhaqanta sida gabar aan  la qabin, waxay haasaawe la xiratay nin Kiinya(Kenya) qaxoonti ku ah, balse is kugu sheegay inow yahay ladane aan laga ladnayn, waxa uu ka jabsaday qalbiga  iney xaas tahayna waa illowsiiyay.

 Nasra  barwaaqadi iyo baraarihii ayay lugaha kula jirtay,  waa xejisisan garan weyday,  ducadii iyo farxadii waalidkeed, dardaaranki  hooyadeed, waanadii aabbaheed intiiba waa baalmarey, waxayna noqotey caleen dabayshu hadba dhinac u tuureyso,  aadanaha badankooda ma gartaan markay guuleystaan ee waa garab maraan.

Waxaa dhacday in maalintii dambe markii ninkeedu ogaaday xaalkeeda arkayna  inaysan Nasri gacantiisa ku jirin ayuu u gudbiyey oo gaarsiiyey aabbaheed ku wargeliyay iney Nasra xariga furtay oo habbeen iyo maalinba ninman la haasaawayso, asagana aysan waxba ka maqlayn, warkiisuna dacarta kala xaraaryahay.

Nasra aabbaheed oo ahaa nin diinta aad ugu fiican, dhaqanka soomaaliyeena dadka aad u yaqaana ixtiraamana ka mid ahaa ayuu  fajac iyo dhabbanahays iyo anfariinba warkaasu ku nqoday ,  waxay maskaxdiisu qaadi kari wayday  xaas la qabo ayaa haasawday , weliba gabadhiisii uu jeclaa ayaa falkaas ku kacday ayaa la noqotay yaabiso kale iyo mucjiso uusan filaneyn.

Ninkaan ma ahan nin uu been ka filaanaayo oo waa aaminsan yahay, waana nin ay xiddid yihiin saaxiibo horana ahaayeen, dhanka kale xaaskiisa labaad ayay ilmo adeer yihiin, waxa uu isku arkay odaydu innow badwayn ceeb ah  dhex jiifo, waxa uu is waydiiyay cidda habaartay inuu duca qabe ahaa jiray  ayuu is tusay.

Ma uusan degdegine ninkiibuu yiri: Bal siday wax u jiraan  ii sheeg maxaad aragtood qoonsatay?

 Cumar oo ah ninka Nasra qabay ayaa ku  tiraabay hadalo cabasho u badan waxa yiri:  Waxaa igu dhacay waxaanan filaynayn waxaan la kulmay  waxaanan u diyaar garoobin,   gabadhii Nasro ee xaaskayga ahayd waxay samaysay arrin aan laga filan karin xaas la qabo waxay habeen iyo maalin haystaa taleefoon, waxayna la hadlaysaa duul  aanan aqoon halka ay joogaan, anoo la joogga xitaa igama xishootee waxay I maqashisaa hadallada ay kula haasawaydo  duulkaas.

Intaas kolkii ay afkiisa ka soo baxday oday  Xuseen oo ah Nasro aabbaheed  ah waa is celi kari waayay waxaana afkiisa ka soo fakatay alla maxaan ku xumeeyay, walaal bal raali noqo gabadhana isoo dir oo gurigayga ha timaado halkaasbaa lagu kala hadaafay.

 Oday xuseen galabta sidiisii ma ahan faraxadna waa ka caagan yahay, waxa uu albaabka ka soo galay guriga ay ku  nooshahay Safiyo  oo ah hooyada dhashay  Nasra, waa isla hadlayaa, farahana si buu u taagtaagayaa ,Safiyo waa garatay  in galabta xaajiga xaajadiisu aysan isku toosnayn, markaasay inta biya qabow soo agdhigtay  una dhoola cadayday ku tiri: xaaji dhiilada soo korortay galabta  maxay tahay?

Oday xuseen  ayaa ku yiri: xaaskiisa Safiya  waxaadan halayn ma halaysna ee orad wijigaaga iga  qari adiga iyo gabdhaaduba waad I ceebayseene………………………………

W/Q:Cabdisalaan Macalin Xirsi

La soco qaybaha kale.

SHEEKOOYIN