FAALLO YAR OO KU SAABSAN BUUGGA NOLOSHII SILLOONAYD

FAALLO YAR OO KU SAABSAN BUUGGA NOLOSHII SILLOONAYD

Waxaa maalmo ka hor isoo gaaray Buuga NOLOSHII SILLOONAYD ee uu qoray Abwaan iyo qoraa Cabdiraxiim H. Galayr

Waxaan aad ugu mahadcelinayaa qoraaga saaxiibkay Abwaan Cabdiraxiim H. Galayr oo buugga Switzerland iiga soo dhiibay iyo saaxiibkay qoraa, aqoonyahan Abdulle Abdikariim oo Switzerland ka soo qaaday oo London u qaaday kaddibna London iiga soo diray.

Dhiganaha NOLOSHII SILLOONAYD waa sheeko curis ah oo aad xiise iyo badan haddana murugo iyo uurkutaallo badan.

Waa sheeko aad ka baranaysid casharro badan aadna ku xasuusanayd waayo qallafsanaa iyo maalmo dhib badnaa oo dadka soomaalidu soo mareen.

Markaad akhrinaysid waxaas u malaynaysaa in aad film daawanaysid. Cutubka koowaad aad bilowdidba waxaa qaadanaysaa go’aan ah in aad joojin akhrinta buugga ilaa aad ogaanaysid halka ay ku dhammaatay. Xiisaha sheekada buugga waxaad ka garan kartaa; anigu ma ahi dadka akhris ku fiican waliba aan dulqaadka u lahayn in ay saacaddo badan akhris u fadhiyaan saas oo ay tahay buugga NOLOSHII SILLOONAYD oo ka kooban 208 bog waxaan ku akhriyay hal maalin oo saacadihii shaqada laga jaray.

Sheekada buuggu waxa ay ku socotaa wiil yar imaanshihiisi adduunka la kowsaday murugo adduunyo iyo dayac nololeed oo dhan.

Wiilkaa yar ayaa dagaallada sokeeye  ku waynayaa waalidkiis iyo walaalihiis oo dhan, kaddibna waxaa xijaabanaysa ayeeydiis oo ahayd qof kaliya ee qoyska iyo qaraabo uu kala lahaa. Wuxuu ku weheshan doonaa kabarrada qaadka lagu iibiyo iyo la jaal noqoshada xabaglayaal kale.

Sheekada buugga NOLOSHII SILLOONAYD kuma eka warka wiilka yar ee waxay u banbaxaysaa far ku fiiqidda xaaladihii nololeed, dhaqan iyo siyaasadeed ee sannooyinkaas silloonaa.

Casharrada ugu wayn ee sheekada aan ka baranayno ayaa ah sida aan hawtul hamag uga nahay xalaadaha nololeed ee carruurta nasiibku ka hiilliyay.

Waxaa qoraagu farta ku fiiqayaa dhaqan xun ee dambilayaasha looga dhigay carruurta ku dayacan waddooyinka magaalooyinkeena, iyo carruurtaasi aysan ahayn dad xun ee duruuftu halkaas dhigtay. Waxaa kale oo sheekadu na baraysaa in dhalinta qoryaha sida ee aan mooryaanta u naqaanno oo dhan aysan ahayn dad xun oo naxariis daran, in wadaad walba oo masaajid ku raagay ama Shiikh walba uusan naxariis badnayd iyo dadka jidadka maraya ee arkaya dayaca carruurta yaryar ee waddooyinka ku caddiban aysan kuwa naxariis daran.

Isku soo wada duuboo Buugga NOLOSHII SILLOONAYD waa mid xiise hor leh iyo xawaare cusub ku soo kordhinaya kacaanka akhriska iyo qoraalka ee ka hanaqaaday geyiga soomaali sannadihii ugu dambeeyay.

W/Q: Cali M Diini

SHEEKOOYIN