Filan waa Q17AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q17AAD 

Salaan kaddib, Maxamed isagoo faraxsan ayuu ina keen ku yidhi Deeqa, kaddibna horay ayay isku raaceen, iyagoo u jihaystay dhanka iyo xaafadda Kooshin, intii ay wadada isiihayeen hadal majirin oo way kala xishoonayeen, midba jidka dhinac ayuu ka socday, markay gurigii loo socday yimaadeen si tartiiba ayay qolkii ay furahiisa wateen ugu sii gudbeen.

Xogwaraysi ka bacdi, waxaa laysla sii ambaqaaday sheekadii taxanaha ahayd ee baryahanba lasoo waday.

 Deeqa oo kulamadii hore cabsi iyo xishood badani ka muuqtay hadalkeeduna aanu sidaa usii badnayn ayaa caawaa galka seefta ka saartay, si aan horay udhicin ayay hadalo dareen jacayl xambaarsan oo ka turjumaya qalbi u nuglaaday cishqi baaxadwayn iyo weedho aad umacaan oo meel fog taabanaya  sidi wabi u butaacday.

Deeqa waxay ugu horraynba Maxamed ka raali galisay in kulankii kan ka horeeyay arrintuu u soo bandhigay in durba jawaabtuu rabay ayna siin, waxay tiri: “waan ogahay inaad iga dhursugaysay, kuma ilaawin oo mar walba qalbiga ayaan kugu hayay, waxaan isku diyaarinayay sidii aan kaaga farxin lahaa, sababtoo ah waxaa tahay qof ixtiraam badan iga mudan, ana sidoo kale waxaan xaq u leeyayhay inaan naftayda la kaashado qofkii aan noolasha la wadaagi lahaa, taasina waa sababta aan horay kaaga codsaday inaan arrinta dhinacyo badan ka fiiriyo, wax walbana waxaa wanaagsan in si degan loo falanqeeyo, arrintu marka ay sidan oo kale tahay ee  la doonayo in geediga mustaqbalka loo sahamiyo, ama la rabo in noolal iyo qoys la yagleelo, dag dag kuma wanaagsano.

Si walba ha aate waxaan rabaa inaan kuu sheego in aad niyadaa galiso sida aad ku hanwayntahay inay wax walba noqon doonaan inshaa’alaah, haddii aan ujeeddada hadalkayga daaha ka qaado, ma shaki ayaa kaaga jira inaan aad kuu jeclahay? Jawaabtu waa maya, laakin waxaan ogahay in aadan taas ku qancayn, ilaa aan afkayga kaa dhaho Maxamed waan ku jeclahay.

Horay waxaa loo yiri wax raagay rag kuma sama, sidaa darteed In kastoon caawa hadalka iyo sheekada kugu dheerayay, waxaan ku soo gabagabeeynayaa sida aad ii danaynayso si lamida ayaan kuu dareemaya, waana ku jeclahay waliba si aada oo kalsooni iyo daacadnimo ku ladhantahay, waxaana rajaynaya inaan noqono kuwii ka midhaliya cishqigan curdunka ah ee caawa cimrigiisu kowsaday…

Maxamed aad ayuu ugu mahad celiyay Deeqa sida wanaagsan ay uga aqbashay arrintii u soo gudbiyay, isagoo faraxsan ayuu amaan kala duldhacay, intaa kaddib waxay isla soo qaadeen  dhowr arrimood oo ku saabsan sidii xidhiidhkan ka dhaxeeya usii xoogaysanlahaa, qof walbana looga baahanyahay in geedkan ubaxa ee hadda la beeray uu dhankiisa ka ilaaliyo, sheekaduna ay  ku koobnaato labadooda oo kaliya.

Waxaa jira dad badan oo aan arki karin dad Iscaashaqay,  jacaylka laftiisana  colaad badan u qaba, kuwaaso magacooda la yiraahdo  jacayl xaasid, waxay isla meel dhigeen  in si wada jira mar walba indhaha ugu hayaan  kana digtoonaadaan dadkaas, waqtiga oo xili dambe iska ahaa gurigana ay marti ku ahaayeen sidaa ayaa laysku macasalaameeyay.

Ammintu waa xili dambe, Saacaddana wax Bas ah oo socdo ma jiraan, dantu waxay ku kaliftay inay lugeeyaan, sidii ay usii wada socdeen markay xaafada Nuur xawaad waxyar ujiraan ayay Deeqo ku tiri: “walaalo waad mahadsantahay ee iska laabo, mar haddaan xaafadii imid guriga anaa tagayee”.

Wuxuu yiri: “waayahay inkastoon jeclaa inaan guriga kugu hubsado, laakin haddaad sidaa garatay macasalaama”.

Maxamed gurrigoodii markuu yimid, Deeqa ayuu telefoonka ka wacay wuxuuna usheegay inuu nabad tagay, isagoo aad umaqsuuda ayuu si naruuro ah useexday, waxaa qalbigiisa rusheeyay oo maxabo iyo farxad aad uwayn ku abuuray sida wanaagsan ee Deeqa ula dhaqantay uguna muujisay jacaylka ay u qabto.

Dhinaca kale Deeqa habeen ciida ayay dhankeeda uga dhignayd, farxadda iyo raynraynta ka muuqata waxay ahayd mid xad dhaafa, waxay nafteeda usheegtay in arrintani ay tahay fursad dahabiya oo dadka inyar soo marta, qof nasiible oo kaliya ayaa ka faa’iidaysta, yididiiilada iyo sida ay ugu heelantahay inay noqoto ooridii Maxamed waa mid aan la qiyaasi karayn, inkastoo calafku uu wax hoggaamiyo haddana waxaa ka go’an inay u gasho dadaal sidii ay u noqon lahaayeen lammaane nolasha wadaaga.

Muddo 3 bilood iyo dheeraada ah ayay sidaa ku wada socdeen oo isfahankoodu meel wanaagsan uu gaadhay, inkastoo uu aad u yaraa kulanka fool kafoolka ah, haddana markay ay fursadu u saamaxdo, todobaadkiiba hal habeen ayay is arki jireen, xidhiidhkoodu wuxuu ku kobcay oo si aada uga hanaqaaday dhankaTelefoonka oo wakhtiyada inta badan ka wada sheekaysanjireen, sidaa ayay howshoodu ku taabagashay.

Haddaba wax walba markii laysla meel dhigay, waxa kaliya ee dhiman wuxuu noqday in geediga jacaylka halkii lagu furilahaa loo sahamiyo, waxa jira caqabado aad udag iyo marxalado kala duwan oo wajiyo badana leh, laakin arrimaha qaar waxaa laga yaaba hadii ay dadaal dheer sameeyaan inay u fududaato sidii ay uga gudbi lahaayeen.

 lasoco qaybaha dambe……

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN