Kartida Sumayo iyo Kaalinta ganacsi W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Kartida Sumayo iyo Kaalinta ganacsi.

Sumaya Nuur Cabdi waxay ku dhalatay 1994ki magaalada Muqdisho isla magaalada Muqdisho ayay barbaartay Sumayo   waxa ay waxbarsgadeeda asaasiga ka billowday Dugsiga  Jowharulislaam ee degmada wadajir xaafadda Buulaxuubey Dugsiga hoose ilaa kan sare isla dugsigaas ayay ku dahmmeysatay sannadkii 2012/2013.

Sumayo halkaas kuma aysan joojin hayaankeedii waxbarasho way sii ambaqaaday waxa ayna ka mid noqotey ardayda wax ka baratay Jaamacadda Muqdisho.

Sumayo oo ah gabadh aad u da’ yar ayaa ah gabadh kulansatay aqoon, karti iyo hawlkarnimo waxaana kuu caddeynaya kartideeda  muddooyinka ay waxbaraneysay, waxay wax ku baratey magaaladii loo yaqaanay halista adduunka waa Muqdisho, sannadihii u dhaxeeyey 2000-2017, qof weliba wuu ogyahay waanu garan karaa  dhibaatooyinka iyo heerarka  ay soo martey magaaladaasi, haddana marnaba ma aysan niyad jebin Sumayo ee waxay ka midho dhalisay oo ku guuleysatay inay gaadho hiigsigeedii ahaa inay dhammeysato waxbarashadeeda ilaa heer jaamacadeed.

Fulleygu maaha keliya qofka ka cabsada inuu dagaallamo ee waa qofka u badheedhi waaya halis kasta oo ku timaada ama keeni karta inay dhaawacdo hankiisa iyo higsigiisa, Sumayo waxa ay gaadhay yoolkeedi nololeed iyadoo aan dhammaanteen marag ka nahay inaysan ka baqan sooyaalkii adkaa ee ay soo martey nolosheeda.

Waxay ku nooleyd magaalo dagaalku yahay maalinle,  dhaca, boobka, kufsiga iyo hagardaamaduna tahay wax  joogta ah, waxay la jaanqaaday heerkeedii koowaad ee dugsiga hoose iyadoo magaalada ay ka taliyaan kooxaha qawlaysato ah(Qabqablayaal) Heerkii dugsiga dhexe waxay la kowsatay isbeddelkii wadaadada iyo maxaakiimta 2006di iyo dagaalladii ciidamadii shisheeye ee itoobiyaanka 2007di, waxaa dhacay isla 2009 dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmaray ciidamadii dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amison oo wada socda iyo kooxihii wadaada ahaa oo mar labaad kala jabay.

Intaasoo halis ah Sumayo iyo ardaydii wax ku baratay waxa aan ugu yeedhi karaa inay yihiin geesiyaal la soo halgamay nolosha oo aan ka baqan una badheedhay halis walba, halka qaarkood dhallintaasi ka soo hulleeleen dalkooda, aniga oo aan eed gaar ah saareyn kuwa ka dhulyaaley ee dalalka kale u ciirsaday, haddana waxay maahmaah Soomaaliyeed tidhaahda Geesinimadu waa in yaroo aad dhulka cagaha ku xejisid.

Ganacsigi Sumayo iyo guusheeda.

Sumayo sannadkii tegay markii ay dhammeysey waxbarashadii waxa ay haddana dedaal dheer u gashay sidii ay qayb uga qaadan lahayd nolosha qoyskeeda oo intaas ku soo garab taagnaa inay waxbarato oo heer gaadho, sidoo kale inay dhisto ayaatiinkeeda nololeed isuna diyaariso.

Waa dhab in ardey walba maalinta uu dhammeeyo waxbarashada, inuu billaabo siduu u heli lahaa shaqo, taasoo uu ku maareeyo baahidiisa, mid dowladeed iyo mid gaar loo leeyahayba. Haddaba markii ay aragtay Sumayo sida xaalku yahay oo ardeydii ka horreysay gu’yaalka in ay noqdeen, kuwo dalka ka tegay, kuwo weli filasho ku jira iyo kuwa quusteyba, waxa ay ku fekertay sidii ay wax cusub ula iman lahayd, Hal abuurbaa laysku dhaafaye.

Sumayo waxa ay billowday inay  samayso oo ay abuurto ganacsi iyada u gaar ah, kaasoo ay xirfadeeda kaga faa’iideysanaysay inaysan noqon mid fadhi ku sugta inta calafkeeda shaqo imanayo ee waxay la timid dedaal iyo karti dheeraad ah.

Sumayo waxay bilowdey ka ganacsiga, Hilibka loo yaqaan Oodkaca(Muqumad) iyo Timirta oo la haggaajiyey.

Oodkaca ayaa ah; Hilibka geela  oo inta la jarjaro aadna loo yaryareeyo, ayaa la areerimaa, kaddibna inta la wadho ayaa la qalajiyaa inta cusbo la mariyo, marka uu engago ayaa lagu shiilaa subag sixin ah oo badhaxtiran, waana cuntooyinkii hiddeha inoo ahaa iyo abka dhaxalka iyo qaabkii ilbaxnimadii hore ee dadka Soomaaliyeed hilibka u keydsan jireen.

Sidoo kale timirta ayaa loo sameeyaa qaab loo yaqaanno(Maxawash) oo inta laga saaro lafta si fiicana loo ridqo lagana dhigo qaab u eg sida xalwada iyada oo dhirta wax udgisa oodhan lagu daray ayaa laysku sameeya.

Cuntadan ayaa ah mid gobollada qaar u dhaqan ah in hooyooyinka (Soddohdu) ay ugu diiqdo gabadheeda, waana dhibaada iyo diiqada ugu milgaha badan.

Haddana cuntadan ayay billowday Sumayo sida idiinka muuqan doonta sawirrada iyo muuqaalladaba inay intey sameyso dib usii iibiso.

Hal adayga iyo Hawlkarnimada Sumayo.

Waxaa inta badan dhaqan u ah, ardayda waxbarata inay iskala weyn yihiin kana  ajoodaan oo ka faanaan shaqooyinka  xoogsiga ah, iyagoo u arka liidnimo iyo mid aqoontooda wax u dhimeysa!

Isla weynidaasi maaha mid ka jirta dunida kale ee horumartey gaar ahaan reer Galbeedka waddamada Yurub iyo waqooyiga Ameerika, waxaad arkaysaa, Arday waxbarata ama markaas soo dhammeysay oo qaarkood reerahoodu dhaqaalo leeyihiin, haddana si ay noloshooda gunta hoose uga soo bilaabaan ka shaqeeya,  Baararka, Restuarant, Dukaamada, goobaha ganacsi, shaqooyin hoose iwm.

Sumayo waxay ku dhiiratey hawl adag oo weliba u baahan awood iyo adeegsi muruqeed inay ka midho dhaliso, taasoo mar labaad muujineysa, Hal adeygeeda iyo Hawlkarnimadeeda.

Sooyaalka Ganactada Soomaalida.

Haddaad u dhabo gasho ganacsade walba oo Soomaaliyeed raggii magaca weyn lahaa, waxay dhammaantood ka soo bilaabeen  halka ugu hooseysa ilaa ay ka gaadheen halka ugu sarreysa, aniga oo aan mid mid u kala qaadi kareyn, faalleyntooduna u baahantahay ammin iyo uruurin dheeraad ah aan idinka xasuusiyo kuwo ka mid ah eebbe haw naxariisto dhammaantoode.

  1. Xaaji Axmed (Dalfac) Mogadisho
  2. Xaaji Ibraahim Cismaan(Uunlaaye) Mogadisho
  3. Xaaji Xuseen Nuur Cali (Togdheer
  4. Xaaji Cabdi Cawed (Indhodeero) Togdheer

Afartaan nin oo lababa magaalo caan ka ahayd  hanti ma guurta ah iyo mid ganacsi oo ballaadhan ku lahayd, mid weliba wuxuu ka soo billaabey: Jeeble iyo inuu wax wareejiyo, dusha ku xammaalo iwm.

Ugu dambeyn waxay noqdeen dadka ugu hantida badan uguna caansan, taasi waxay ku gaadheen dedaalkooda iyo ayaankooda oo is biirsaday.

Sidaa si la mid ah waxaan leeyahay Sumayo noqo midkii ka midho dhalisa dedaalkeeda, sida aad ugu badheedhay uguna    hal adeygtey hiigsigaaga waxa aad ku gaadhaysa halka gurada ugu sarreysa nolosha, magac iyo milgeba.

Aqoonta iyo waxbarashadu kuuma diidayso inaad shaqeysato oo aad muruqaaga adeegsato ee waxay kuu fureysa kuuna iftiimineysaa sidaad nolosha ugu guuleysan lahayd.

Gunnaanad.

Qoraalkan aan ku faalleynay Sumayo ayaa mid aynu  ka baranayno in bulshadeenna aysan weli ka dhammaan dadkii hawlkarka ahaa ee ku dayashada mudnaa, gaar ahaan gabdhaha geeska Afrika, waxaa kale oo Sumayo hormuud u tahay isbeddelka waayaha cusub inay  dhallintu ku baraarugaan inuusan dalkeennu shaqo la’aan ahayn ee hal abuur la’aani jirto.

Waxaan ku soo gebogebaynayaa qormadan oo aan ugu talo galay inaan ku xuso mudnaanta gabadha geesiyada ah ee Sumayo maanso aan tiriyey gu’gii 2014ka tuducyo ka mid ah, waxayna leedahay:

  • Waxaad higsanayso
  • Naftaadu u heelan
  • Hankeeda u muuji
  • U hiili hiiraalka
  • Hayaanka dantaada
  • Horseed sahankaaga
  • Habeen haka seexan.

 

  • Waxaad haabaneyso
  • Haddaad heli weydo
  • Oo aad hammigaaga
  • Kolkaa hanan weydo
  • Ha hiifin naftaada
  • Dedaal ku dar hawsha
  • Adoon hamraneynin
  • Guushaada Hilaadi.

SHEEKOOYIN