(Xabsi doon) Q;2AAD Qalinkii: Saciid Muuse (Ustaadka)

Sac

(Xabsi doon) Qaybtii labaad

Waxuu yidhi,

Markii laba askari dhankayga u soo talaabsadeen, ayaan hoos ula hadlay, laba ka mid ah dhalinyaradii aan is naqiinay si aan isaga yeelyeelno kuwa is macsalaamaynayo, Sidi beey yeeleen oo waan is habsiinay garbahana iska shushuminay, Askartu kala naxariis badane, midkii soo horeeyay wuu hakaday laakiin kii kale ayaa kuleetiga danbe i soo jiiday, asoo ku qeylinayo ” saacad ka badan ayaan ku raadineynay” sidi ayaa albaabka banaanka ah la iiga soo bixiyay oo taqdiidkaygii ku fashilmay, waxaa kaloo la iga mamnuucay inaan mar danbe quraac u keeno amaba xitaa albaabkan soo maro, Xageed ka bilaawdaa? Ayaan is weeydiiyay, waxaan igu soo dhacday fikrad aan maxaabiista ka dhax helay oo aheyd” in badankooda laga soo qabqabtay koontaroolka weeyn ee Caasimada laga soo galo” in eey tahay dariiqa kaliya ee ii furan ayaan is tusay, waxaan taksi u qaatay xaafadeydii, waxaan iska soo badalay isku joogii Jeeniska ahaa ee aan ku fashilmay, waxaan soo xirtay dhar duug ah, si tahriib la iigu maleeyo, waxaanan toos u abbaaray firsadii eey ka baxayeen gawaarida gobolada aado oo Koontaroolkaas lagu baaro.

Waxaan fariistay meel aad la iiga arki karo, si ishu ii qabato, Koontaroolka waxuu caasimada u jiraa masaafo uu afartan daqiiqa gaariga u soconayo, waxaan nimid koontaroolkii, gaarigii aan saarnaa waa la istaajiyay si loo baaro, dhowr askari ayaa gaarigii soo dul istaagtay oo dadka isha saan u wada marisay, Inkastoo aan fadhiyay meel kore, haddana cidi dan igama galin, gaarigiina waxaa lagu amray inuu gudbo, Alla bala weynaa, “toloow ma carab baad u ekaatay ayaan qalbiga iska iri, gaarigii oo dhaqaaqayo ayaan gargaraacay si aan uga dagto, “meeshii aad rabtay lama gaarin ayuu darawalkii iigu beerjileecay asoo mooddayo inaan wareeray”

Maya waad mahadsantahay, ee anigaa wax soo iloobay oo caasimadda ku noqonayo ayaan ku marmarsiyooday intaan qarashkiisii siiyay, sidi baan kaga dagtay, geesaha ayaan fiirfiiriyay, Wili hadafkaygii ma gaarin maxaad yeeshaa? ayaan ku walaacay, Toos haddii aan askarta ugu tago, armeey igu xumeeyaay oo ay danbiile ii maleeyaan ayeey nafteydii iiga nixisay, dabadeed waxaan goostay in aan wax ka iibsado dukaan eey askar badan dhoobnayd, Codka ayaan kor u dhigay si aan u dareensiiyo inaan ajnabi ahay.

Waan ogahay in koontralkan yahay meel dhib badan oo dadka lagu silciyo laguna baarto, aad baan u xasuustaa Koontaroolkan, safar hore waxii igu qabsaday, Waa markii ugu horeysay een dalkan soo galo, waxaan ahayn shan dhalinyaro ah oo isku magaalo ka soo baxday, Mid horey wadada u maray ayaa garwadeen noo ah, waxaan ku wajahanahay caasimada, Koontaroolada waan ka wareeganaa.

Waxey aheyd amin maqrib ah, markaan kan ku soo aadnay, shanteenii oo laamiga taagan ayaan gacanta u haatinaa gawaarida laakiin cidi nooma joojiso, markii danbe ayuu kii garwadenka noo ahaa yiri, war sidan tala maahee, aniga iyo adiga oo afcarabiga yaqaano, aan wadada taagnaano sadaxdan kalena ha is qabeeyso si aan u helno fursad naloogu istaago, sidi aan yeelnay, afcarabiga aan aqaano waa kii (Naxnu Nuriidu ilaa dhariiqu caasima) yaraa inta i fahmeyso, haddan waaba kan kaliya een ku dhaqdhaqaaqno.

Gaari uu oday saarnaa ayaa noo istaagay, waxuu yiri, Soomaali ma tihiin, iyo waa nahay ayaan ku muranay, Waxuu na weydiiyay magacyadena,
1. sharma-arke Cabdulle janaqow,
2. Mire cawaale,
2. Shuuriye dhagaxow fiidow, 4. Cali dhuxulow waasuge, kkkkkk ayeey noqdeen,

Soomaliya waa dal carab ah ah, magac islaamna ah meeshan ugama jeedo ayuu nagu yiri oo naga dhaqaajiyay.

Nasiib xumo waxaa soo maray gaari oto-oto ah oo askar wadato, noo istaagay, waa askar ayuu saaxbkay yiri, maxaan ka kasaa, baabuur unbaa iga maqnaaye, waa noo imaadeen, su’aala ayeey na weydiiyeen balse waxan u sheegnay inaan tahriib nahay, sidi beey gaarigii nagu xareeyeen, sadaxdii kale oo sheeda nagala socotay ayaa mooday inaan ka dhuumaneeyno, maadaama eey dal iyo midna aqoonin, markaaseey ku soo qeeyliyeen “wuuw wuuw” askarigii oo naxay ayaa yiri, kuwana maxay ahaayeen?, waan isla soconay ayaan ugu jawaabay, “oo meey iska dhuuntaan xayawaansanaa” ayuu sarkaalkii kale yiri.

Shanteenii oo katiinaysan ayaa koontaralkan nala keenay kadibna naloo gudbiyay caasimada oon laba bil ku xirneyn ilaa aaqirkii damaanad nalugu soo daayo, laakiin hadda tii hore weey ka duwan tahay, oo maxaan wataa? waa “waxba”

Laba askari ayaa labada dhinac iga soo kala istaagay ” min eyn jaa”? xagee ka timid ayeey i weydiiyeen, baraf baa i maray oo waan qaboobay,si an ugu adkeeyo iney i taxaabaan ayaan u celiyay
” Mina samaa” Cirkaan ka imid, “Macaka bidhaaqa” ayuu igu yiri midkood asoo xanaaq wajigiisa soo buuxiyay, maya ayaan u celiyay, isla markiiba waa la ila booday, waxa la i geeyay maktabkooda ama xafiiska eey ku leeyihiin koontaroolka, waxaa fadhiyo mid caloolweyne ah oo eey ka muuqato xaaraanta dadeed uu ka dhargay, Waa mid shakligiisa hoolhoolmay oo aan hal tina laheyn, Xiiranaa,Kani malaa’igta naxariista qorto midhaa weey isaga haajirtay ayaan hoos u iri.

Su’aalo dhowr ah kadib, Waxan u sheegay inaan gobol ka imid oon sanco u socdo, sanca waa mamnuuc haddii kale xabsi baa tahay ayuu igu yiri, dhib ma laha ayaan irri, ee igu dar askar xabsiga i geeyso, Intuu xanaaqay, ayuu yiri, “Macanaa Camal” Howl baan haysanaa, in aad dadka xirtaanba, howshiina ayeey ka mid tahay ayaan u celiyay anoo dhararsan xilliga, waxaa soo dhacayo taarka Halowhalowda, “Macaanaa malaayiin soomaaliyiin Adfaal waxariim” malaayiin soomaali ah ayaan haynaa, oo caruur iyo dumar leh, kuwaasoo koontaralka buuxiyay, waxaa sidaa leh koontaroolada kale ee caasimada laga soo galo, oo midhaa waxii soomaali ahaa, sideeyda isugu daadiyeen, maadaama lagu balamay in dalkan laga wada dhaqaajiyo, ama laga helo sharci.

Kalmadii hore een iri, ayuu aad uga xanaaqay, waxuuna igu yiri, waxan ku geynaynaa gaalshire 4 sanno aad ku dhaxqaadato, haddii aad mar kale i tiraahdo askari igu dar.

Haddana dib ugu laabo, gobolkii aad ka timid, waxuu u yeeray askari, si uu iigu daro, gaari kale oo gobol u socdo “War yaa islaan ah aniga gobol sooma doonan iyo gaalshire toona ee seed isu badbaadisaa ayaa ii soo baxday, Waxaa la igu daray gaari gobol u socdo, balse dhax baan kaga dagay anoo quud dareynayo inaan caasimadii ku laabto, amintuna waa habeen oo ma rabo inaan ku waabariisto meel duur ah.

La socod qaybta sadaxaad

Qalinkii: Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN