XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 58aad

1-gadaashaada

Gaadaashaada ayey ka hadlayaan, maxaa yeelay mar walba waa kaa dambeeyaan.
Xigasha

2-Ha u sacab tumin
Waxba yeysan ku farax galin, hana u sacab tumin qaaraanka ama deeqda ay bixyaan dadka taajiriinta ah, maxaa yeelay mar walba waxay bixiyaan wax aysan u baahnayn ama aysan shaqaysan.
Sunny bindra

                                       3-Saddex iska xafid
Saddex iska dhowr si aad u dhowrsanaato
salaadda marka aad ku jirtid qalbigaaga xafid
marka aad fadhi dhex joogtana carrabkaaga xafid.
Marka aad guryaha dadka joogtana aragaaga xafid.
Xigasho

 

                                             4-Fakar iyo fal
Haddii aad tahay mid daneeya ama dhagaysta hadalada dhankaaga laga dhaho,taas macnaheeda waa in aad Lahayste u tahay kuwaas aad dhageysanayso, naftaada qiimaheeda ha ku xirin qofna, noqo mid xor u ah fakarkiisa iyo falkiisaba.
Mmusa

 

                                                5-Jacayka iyo aamusanaanta
In aan ka aamusno khaladadka kuwa aan jecelnahay waa muujinta jacaylka aan u qabno ayaga ,waasa xanuun aan u adkaysanayno.
Wiliam shakespear

 

6-Fahamka iyo aqoonta 
In aad aqoon fiican u leedahay qofna micnaheeda maahan in aad fahmi karto, laga yaabee in aad si fiican ii taqaan balse mararka qaar aadan i fahmi karayn.
Wiliam shakespear

 

                                            7-Iska illow
Hadaad ku daashay hanashadiisa is baddal suubi oo tijaabi in aad iska illowdo, mararka qaar waxay ku haboontahay in aad iska illowdo waxa aad waqtiga badan galisay, balse sida aad rabtay aan ku socon .
Mmusa

                                                   8-Waxay tiri damac badan……

Waxay tiri “damac badan ayaan wali nolosha u hayaa, hadana markaa hoos u eego Da’dayda ayaan isku xishoodaa”
Anna waxaan ku iri “noloshaada sida aad jeceshahay ugu noolow, waxa aad jeceshahayna hano, iskana iloow da’daada, muhiimadda waa halka aad gaari karto iyo sida aad ku gaari karto, macna ma lahan inta waqti aad ku gaarto halka aad tiigsanayso”
Mmusa

                                                  9- Ha isku dayin

Waxba ha isku dayin in wax aad hallaysay aad dib u habayn ku samayso, hubaal in wax sidooda kusoo laabanaya aysan jirin, qalbigayga shalay ayaad hallaysay dibna uma habayn kartid, hankaagu ha dhaafo dib u hanashada wixii hore, horey u soco oo  kasoo bilow halganka halka ku haboon.
Mmusa

                                           10-Damacaaga
Damacaaga yuusan noqonin mid muran ku dhisan mar walba, wixii kugu dhaga waa laga tagaa, si aad u hesho nabad galayo.
Mmusa

11-Dabayl soo duushay
Waxaan ahay Dabeel soo duushay oo neecaaw macaan ku dareensiisay balse aan kugu hakanayn, sida loo sameeyey neecowda macaana waa in aysan hakan
mmusa

12-Qalbiga qurxoon

Qalbiga qurxoon uma baahna Turuko iyo is qurxin, mar walba wuu qurux badan yahay, wuxuusa u qurux badan yahay qofka uu u nugul yahay.
Mmusa

13-Dardaarankii Luqmaan Xakiim waxaa ka mid ahaa
“Qofkii naxariistaa waa loo naxariisan.
Qofkii wanaag sheegaa wuu khayraa.
Qofkii aamusaa wuu nabad galaa.
Qofkii aan carrabkiisa ka adkaana shallayto ma daayo.
Luqmaan xakiim

14-Nin qurxoon.
Waxay tiri “nin qurxoon ayaan doonaynaa haddanu dumar nahay, cilladda ninka Qurxoonse waa in uusan maskax furnayn oo maskaxdiisu ay tahay Fuunto”.
Wuxuu yiri “naag qurxoon qacda indhaha ayey u roontahay, waasa dhoohantahay marka ay guriga timaado, tabashadeedana waa badantahay, talaabo walba ay qaaddana tala xume kaste Isha ayuu la raacaa”.
Wallee quruxeey waa laguu kiilay maanta.
Mmusa

                                         15-Ninkaaga Waqti sii.
Fadlan ninkaaga waqti sii, telkiisa ka leexo, su’aalaha badan ka dhaaf, xagee ka timid iyo xagee u socotaa ha dhihin, tala keen u ahow ama taladiisa qaado.
Waxaa badan waxa uu kaa doonayo, waxaa badan waxaad u noqon kartid, waxaa badan macaanka aad dareensiin akrtid
Waxaa badan inta jeer ee aad u noqon kartid 5 dumar ah oo kala duwan.
Waxaa badan inta aad qancin kartid.
Raga waa la samaystaa, samayso.
Wuu damac badan yahay damaciisa yaree waad awoodaayee.
Isaga ha ku mashquulin adiga isku mashquul, Nabad Qalbi waad helaysaayee.
Kalsooni sii isaga, si aad kasooni uga hesho .
Mmusa

                                                 16-Yaa daacad ah?
wuxuu siiyay paswadka telkiisa, kuma filnaan, hadana waxay waydiisatay feesbuugiisa, misana waa siiyay.
Isla iyada ayaa inta magac kale samaysatay kala sheekaysatay ninkeeda Feesbuug, muddo markii ay wada socdeen oo jacayl been ah ay la jilaysay, ayey waydiisay bal in uu xaas leeyahay iyo ilmo, iyada oo doonaysa in ay ogaato bal in uu inkiro iyo in kale, nasiib wanaag daacad ayuu ahaa wuu u sheegay in uu xaas iyo ilma leeyahay.
Intaas kuma qancinee inta Sawir Been ah usoo dirtay ayey waydiisay midda qurxoon isaga iyo xaaskiisa, markaas ayuu ka gaabsaday, ma suginee way cadaadisay wuu uga dhaartay jawaabta uu baxshayna waxay ahayd xaaskayga kulama bar bar dhigayo.
Isaga ayaa su’aal waydiiyay, wuxuu yiri waligaa ma lagu guursaday, maba gaarin ku teh,
Ma lagu qabaa ayuu hadana waydiiyay may ku teh, ilama ma dhashay ayuu waydiyay? Sidee ku dhalaa maba la i guursanee ayey ugu jawabtay.
Hadaba aqriste, yaa dambiila ah labadooda, markaas ayey dacwad ka tahay ninkeeda iyada oo ku andacoonaysa in uusan daacad u ahayn.
Yaa daacadsan labadooda?
Mmusa

17-Nin Madax ah.
Waxay tiri “Nin Madax ah haddaad guursatid iska hilmaan Jacayl iyo kool koolin oo waqti maba laguu helayo”
Wuxu yiri “Naag Madax ah haddaad guursatidna aqas kama dhamaato oo ninba kuuma taqaan, iyada ayaana ku isticmaasha mar walba”.
Mmusa

                                               Xariif/Xariifad
Waxay tiri “nin Xariif ah ha guursan, saa mid walba ayuu Been u sheegayaayee.
Wuxuu yiri “Naag Xariifad ah iska ilaali, saa nin walba ayaa ninkeeda ahee.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN