Hammi caashaq iyo hunga been ah Q17AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q17aad

Islaantii safiyo  kolkay odayga kelmadahaas xaraarka badani  ka soo baxeen, ayay is waydiisay falka odayga ka careysiiyay ee ay ayada iyo gabadheedu falkiyeen,   maskaxda ayay dib u celisay  waxa ayna ka fikirtay danbi  ay gashay goorahaan dhow,  nasiib-darose waa  ku hungowdey iney ogaato halka wax ka miliqsan yihiin, waxay su’aal diiran ku celisay odaygeedii kuna tiri: Galabta meel kale ayaad ku gubanaysaaye , oo  waan kuu jeedaaye Xaaji anaad  I rabtaa inaad igu ciil beeshee, maad  warkaada cadaysid? Tankale haddii gurigaaga kale lagaa soo cayriyo ma anaad qaxar iyo dhib ila soo doonanaysaa?

Safiyo waa og tahay in odaygeeda aan lasoo eryin ciddina wax u dhimmine, balse  habkaan ayaa ah hab ay mar walba odayga  wax uga soo saarato.

Oday xuseen oo dareemay in islaantiisu xaaladda dab kusii shubayso ayaa yiri: Waa runtaa oo waa muhiim inaan warkayga caddaysto,  oo waatii howraartu oran jirtay:Hadal iyo ilkaba waa la caddeeyaa” galabta waxa aan la kulmay ninkii  Cumar ahaa ee gabadheena  Nasra  qabay, waxa uuna isoo sheegay in Nasra sharafteena dhulka ku jiiday oo ay ku tumatay,  oo ay la timid arrin aan laga filanayn gabar aad adigu soo korisay amaba aad soo barbaarisayba, balse waxa aan galabta ogaaday inaad tahay dusha ka muslimad hoosta waxaan la aqoon ku wadata, sababtoo ah  soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: Gabari waa hooyadeed”  gabadhii Nasro ninkeedii iney xaas u noqoto waa diiday, waxay ka door biday iney haasaawe la xirato duul aan muuqan, ayada oo weliba xaas la qaba ah, waxay naga dhigatay, qoys aan gabdhahooda la guursan, waxa ayna noo soo jiiday magac xun , weli xumaantaas oo kale  ma keenin gabar ka dhalatay qoyska aan ka soo jeedo.

Waa runtiis oday xuseen iyo qoyskiisuba   waxay ahayeen qolyo suuban, gabdhahooduna waxay ahaayeen gabdhaha boqolka geela ah iyo baarqabkooda laga keeni jiray, inna suldaan  ama inna boqor,iyo ninaan sharaf gaar ah lahayna ma naawili jirin inuu gabar qoyska reer xuseen helo oo hoy la galo.

Hadase gabdhahoodii ceebaa dul hogganaysa! Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay asaga oo madaxa lulaaya, Waan ogahay in Cumar  galabta waxa uu Nasra kala  kulamay oo xumaanta ah iima  wada sheegin  oo waa nin wayn, nin waynina hadalka waa maldaha dushuuna ka meeraa, murtidii soomaalidu waa tii lahayd “Nin reer u wayn iyo gabar umulisa ahiba siday wax u ogyihiin ama u arkeen uma sheegaan”

Safiyo waa is celi kari wayday jirkeediina waa wada qoyey dhidid awgii, waxaa si saa,id ah u garaacmay wadnaha  oo heerkii caadiga ahaa  ee loogu tala galay dhaafay, waxay ku sigatay iney  dhulka ku dhacdo, balse odaygeeda ayaa garabka qabtay,   oday xuseen   waxa uu dareemay in xaaskiisa oo   xanuunka macaanka la yiraahdo qabtay (diabetes) ay  ku kacday sonkortii,  oo ay tabcaan noqotay, waxa uu ula cararey dhankaas iyo dhaqtarka  qaybta  sida deg degga ah dadka loogu dabiibo(emergency) halkaas ayay saacaddo kooban ku jirty, kolkay kas oo baxdayna waxay afka qabsatay qaylo: Alla ku ceebay waa na ceebaysay, meel xun ka bax oo dhan aan la aqoon laguu qaaday, safiyo waxa ay dareentay in odaygu ku tuhmaayo ineysan gabadha si fiican u barbaarin oo ay markii hore dayacday, ayada oo dareenka odayga iyo tuhunkiisaba  ka jawaabaysana waxay tiri: walaahibaan ku dhaartee waa u hagar baxay waxaanan ka dhigay boqorad balse waxa aan u gartay in ay tahay imtixaan waxaan ay gabdhu samaynayso.

Qoyskaani ma ahan  qoys lagu yaqaan dhaqan xumo iyo magac xumo midna waa qoys bulshada deegaanka dhammi ku daysan jireen, hurmuudna u ahaa dadka deegaanka iyo deriskooda, waa qoys halkey u jeestaan loola jeesan jiray ma is lahayn gabdhiinii ayaa ceeb intaas la eg yahay idiin soo hoyn doonta waxay u arkaan balaayo sharaftooda loo soo diray iney tahay.

 Cumar kolkii  uu xaafadda tegayba, Nasra ayuu u sheegay inuu warkeedda aabbaheed  gaarsiiyay haddana la rabo inney gurigooda tagto, weliba si degdeg ah inow aabbaheed u rabo ayuu u raaciyay.

Gabadhii Nasra dhulkiibaa la yaraaday, cagihiibay ciidda  ku xajin kari wayday iney cararto ayay ku fikirtey dhan ay u cararto ayay gara wayday, Cumarna  dhankaas iyo gaarigaas xagiisa ayuu u dhaqaay   si dabacsana waxa uu igu yiri: inaan kusii qaado ayaa rabaaye is diyaari.

Nasra gurigii ayay gadaal u gashay  waxayna go’aan satay ineysan gurigaan ku soo laaban, sidaa darteed wax walba oo ka oolaan karay oo qaali ah sida dahabkeedii waa ka  qaadatay,  intii ay qolka ku jirtay ayay iskula talantey haddii aabbe kugu qaylyo ama hooyo hadal xun ku tiraahdo,  kolay waaba ku oran doonaan, baxso Keenya aad ninkii aad jeclaydana nolol farxad leh la qaado.

Nasra markay xaafadda tagtayba  waxay la kulantay wejiyo aan ahayn kuwii ay taqaanay, soo dhoweyntii diiranneed ee loo samayn jiray maanta ma jirtee, indhaha ayaa lagu gubay kolkay soo fariisatayna hooyadeed ayaa ku tiri……………………………….

 Lasoco qaybaha danbe.

 W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN