Filan waa Q18AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q18AAD

Lammaane walba ama laba qof oo is jecel xilliyada gunaanadka sheekada hasaawaha iyo waqtiga kala guurka, culays badan ayaa la soo darsa, taasina waa mid inta badan nolasha ibnu aadanka raad ku leh, oo dhisme guri waa howl aad u’ adag.

Maxamed iyo Deeqo sheekadoodii meel aad u wanaagsan ayay gaadhsiiyeen, sidaasi daraadeed Maxamed wuxuu jeclaystay in uu waqtiga ka faa’iidaysto, wixii hadda ka dambeeyana sida ugu habBoon uguna dhaqsiyaha badan sheekada loo soo gabagabeeyo, waa haddi ay isku afgartaan  isaga iyo Deeqa, sidaana nolasha iyo kalgacayl dhab ah layskula qaybsado, arrinkaasi waa lama huraan sababto ah waxaa loo socdaa waa mustaqbal iyo qoys, sidaa awgeed kama fursanayso in muddo iyo waqti howshan loo qoondeeyo, si xilli fiican loogu beego si aana hadhowto arrinta loogu hungoobin.

 Maxamed isagoo arrimahaas maanka ku haya, walibana ogsoon inay caqabado dhici karaan, balse, ku niyadsan kalsoonida iyo jacaylka qotada dheer leh ee ka dhaxeeya isaga iyo Deeqa, wuxuu diyaariyay shaxdii looga gudbi lahaa xiligan kala guurka ah, maadaama uu aaminsanyahay in hadda la joogo wakhtigii aqalka seeska loo dhigi lahaa, kaddib Deeqa ayuu Telefoon kala hadlay, wuxuu ka codsaday inay caawa is arkaan haddi ay suuragal tahay.

Deeqa way ka aqbashay, iyadoo u raacisay in ay aad ujeceshahay aragtidiisa, kaddib Maxamed wuxuu yirii: “Waxaad iigu timaada Ajabka ee Xaafadda Kooshiin 7:00 caawa halkaas ayaan kugu sugayaa.

Sidaa ayaa lagu ballamay, Deeqa aragtida Maxamed xiiso gaara ayay u qabtay, sababtoo ah tobaneeyo maalmood  mudo ku siman may aysan arag, markii wakhtigii la gaaray horay ayay ka soo aaday Boostaajadii Baska Ama Istaankii Baska laga raaco, balse waxaa jooga Bas faaruqa oo wax dad ihi saarnayn, Deeqa waxay dhararsatay inta Basku buuxsamaayo kaddib horay ayay u baxday oo way lugaysay.

Inkastoyna sidaa u kala fogayn Boosteejada iyo Ajabku, haddana waa xili iska fiida oo waxay ka cabsanaysay in dhalinyarada Buundo koowaad ku cawaysimaysa ay fowdeeyaan, markii ay madashii ay ku balameen soo gaadhay, waxa ay durba isha ku dhufatay Maxamed, salaan kaddib waxa ay aadeen guri aan sidaa u fogayn oo isla xaafadaas ah.

Sidii caadadu ahayd, xogwaran iyo kaftan kaddib, Maxamed ayaa ka dhawaajiyay hadal uu maanka ku hayay oo ahaa in uu damacsanyahay qorsho cusub, wuxuu u sheegay Deeqa in maanta jacaylka ka dhaxeeya labadooda uu meel wanaagsan gaadhay, si aadana ugu faraxsanyahay kalsoonida wadajirka iyo dadaalka inta leeg ay isu muujiyeen mudadii bilaha ahayd ee ay sheeko wadaaga ahaayeen, sidaa darteed wuxuu yiri:

 “Gacaliso maadaama aan noqonay laba qof si qoto dheer isugu kalsoon si dhabana isku jecel waxaan doonayaa caawa inaan ka wada hadalo qaabkii aan mustaqbal iyo nolal uwadaagi lahayn, ma jecli inaan kaligay go’aan qaato laakiin waxaan doonaya oo aan kuugu yeedhay inaan fikirka iyo talada wadaagno sidaa darteed maxay kula tahay adiga ama sideed u aragtaa  haddaan sheekada soo gabagabayno?..

 Deeqa way soo dhawaysay fikirkii uu u soo bandhigay, inkastoy Maxamed kula kaftantay waxaan jeclaan lahaa in xidhiidhkeena muddo aan sii wadno, balse maadama ay kaa go’antahay inaan howsha gabagabayno, dabcan aniguna dhankayga kor iyo hoos waan kugu raacsanahay, waana kula qaatay fikirkaa, Deeqa waxay intaa  uraacisay in ninka ragga ayay taladu ka godo,waxay tiri:

 “Hadba sida ay wax kuugu hagaagayaan adigaa garanaya, anigu mar walba diyaar ayaan ahay, xitaa haddaad dhahdo bari waan oggolahay, markaa walaalo Maxamedow xagayga haka walwalin, sidoo kale Deeqa waxay u muujisay inay aad ugu hanwayntay inay guri yeelato.

Maxamed go’aanka Deeqa siwanaagsan ayuu ugu riyaaqay, waxay noqatay meel aan rabay roob ma igu  helay,  mar haddiiba talo iyo wax walba isaga loo igmaday, wuxuu soo bandhigay qorshe ah in bisha lixaad 15 keeda meherka iyo aroosku hal maalin wada dhacaan, intaa ka horraysana uu sii diyaar garoobo oo waliba waalid iyo ehelba kala tashado sidii ay arrintan ugu garab siinlahaayeen.

Ugu dambayntii sidaa ayaana laysku afgartay, muddada lagu hishiiyay inay aqal galaan waxaa ka xigta laba bilood oo kaliya.

Intaa ha inoo joogtoo lasoco qaybaha dambe

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN