Home Curis FARXADDU IIB MAAHA Q/12AAD

FARXADDU IIB MAAHA Q/12AAD

0
SHARE

FARXADDU IIB MAAHA Q/12AAD

Habartii faalisada intaa kuma harin ee afar nin ay ka soo adeejisay si dahabka gurigaas yaala oo sariirta hoosteeda ku duugan iyo kan uu ninka meel kale ku qarsaday loo soo dhaco waxeyna u raacisay waa nin madax adag garaaca oo ka dhaliya, ayadoo ujeedkeedu yahay ninka Caliya in la dilo, goortii la kale seexday ayey u soo dhaceen.
Cali Coon iyo xaaskiisa Degan Xaaji Cumar oo shuushkii soo kala dhax galay ayaamahaan xalliyay, una sheegay Habarta faalisada iney madax furasho ka qaadatay, iyo sida uu ku helay hantidaas iyo inuu rabo inuu celiyo milkiilihii lahaa safar dheerna uu isku diyaarinaayo,marka hore inta aanu safarka galin ka hor uu doonayo in ay u guuraan Deeggaan nabad ah, oo aysan aqoonin habarta iyo asxaabteeda.
Cali Coon iyo xaaskiisa Degan Xaaji oo hurddo macaan dhax maquuranayo wiilkoodii yaraa ee Keysana uu  dhaxda u jiifo, ayaa hal mar ku soo baraarugay qeylada iyo qablaxanka, albaabka lagu soo jabshay.
Cali oo argagax iyo filanwaa ay ku noqotay, ayaa iska gartay in xaalku uusan caadi aheyn ul dadaab ah, uu sariirta hoosteeda ku ogaa ayuu la booday, nasiibdaro tuugadii oo ka badneyd awgeed waa loo xoog sheegtay inta ay labo Dible u xireen, ayey jir dil ku bilaabeen.
Cali Coon markii uu xaqiiqsada in uu gacan cadaw aan u naxeyn uu galay ooyinta wiilkiisa yar iyo Xaaskiisa oo qacdii hore suuxday uu war u heyn iney nooshahay iyo in kale ayuu Tuugadii ku yiri:  “Waa idin sheegaa Dahabka meesha uu ku qarsan yahay balse marka hore reerkeyga waa in uu badbaado,  waa ka ogolaadeen xaaskii ayey biyo ku shabiyeen ilaa ay markii danbo soo naaxday.
Markii ay soo naaxday ayaa lagu yiri:  maqal halka aad joogto ha ka dhaqaaqin ilaa aan kasoo laabano ogow haddaan ku weyno in aan ninkaaga dili doono iyo hanjabaad aan nooceeda horay loo arag.
Cali Coon tuugadii ayuu soo kaxeeyay ilaa ay badda ka yimaadeen buur dheer oo jabbal ah ayuu ku socodsiiyay ilaa ay buurta dhamaadkeeda ka yimaadeen waxa uu sheegay tuugtii in ay biyaha quusaan lana soo baxaan dahabka ku aasan buurta salkeeda.
Tuugtii oo ka walwalsaneyd ninka meesha uu ku wado ayaa ku tiri: “Adiga gal ee soo bixi inta xarigii gacmaha uga xirna ka fureen oo dhabarka uga xireen waxa ay ku dhaheen ogow haddaad isku daydo inaad baxsato ama na qiyaanto in aan naagtaada iyo wiilkaaga dili doono.
Cali Coon ayaa biyihii galay intii uu dhax sii socday xarigii dhaxda ay ugu xireen inta iska furay afka ku  qabsaday isla markiiba waxa uu bilaabay Santuuqa ku xiro xarigii, markuu si fiican ugu adkeeyay ayuu asagana dhaxda iskaga xiray kaddibna jafaaliyay si ay u jiidaan.
Tuugadii oo ayaguna go’aansada markii ay dahabka gacanta ku dhigaan inay  dileen ka dibna ay xaaska cunugana ay raaciyaan halkaasna raadkooda ku baaba’o ayaa  markii uu u soo dhiibay  Sanduuqii sidii ay qorsheysteen  madaxa bud uga dhufteen.
Cali Coon oo jugtii la dawaqay ayaa gadaal gadaal u faniinay  oo Jamalkii labo iyo sadax jeer ku sii dhacay asaga iyo santuuqii dahabka ku jiray iyo ninkii santuuqa qabtay badda ayey ku wada hoobteen isla markiiba hir weyn ayaa dharbaaxay oo badweynta ku sii tuuray, Cali oo suuxsan iyo santuuqii badda ayey raaceen.
Sadaxdii tuug ee soo hartay talo ayaa farahooda ka baxday, wax ay habartii faalisada u sheegi lahaayeen ayey ka wada tashteen waxeyna go’aansadeen in xaaska iyo cunugeed qafaashaannuna geeyaan Habarta iyo kista yar ee dahabka ay sariirta ka hoo heleen ama ay qof u diraan habarta kalana tashtaan, lababana guriga waardiya ka qabato, ugu danbeyn waxa ay isku raaceen iney qof u diraan labada kalana ilaalo ka ahaato guriga Cali Coon.
Dhanka kale Degan Xaaji Cumar markii ay tuugta ninkeeda wateen ayey ogaatay in  ilmihii ay kasoo dilmeen halis kalana ku soo fool leedahay oo tuugta ay ay ku soo noqon karaan ayaa u baxsatay gurigii  Habarta Faalisada oo ah qofka kaliya ay taqaano laakiin waxa aysan war u heyn in masiibada ay ayada soo aloogtay.
Degan waxa ay soo orod rucleyso waxa ay soo gaartay gurigii waaxa ayna u xoog warantay wixii dhacay, Habartii oo iska dhigeysa qof la tiiraanyeysan dhibka soo gaaray Degan iyo odaygeeda oo ka xun waxa ku dhacay ayaa daaweysay oo  ku tiri: “Bal iska yaro naso anigaa dad u diraayo soo badbaadiyo odaygii waxeyna u sii raacisay  waan uga digay inuu cuqubo naga shaqeysan ninkaada waase iga madax adeygay.
Degan oo warkaa danbo dareen ku dhaliyay markii horana ogeyd in masiibada halka ay ka asiibtay ay tahay Habartaan ayaa ku gaabsatay in ay wax jawaab ka celin hadalka aan kala joogsiga laheyn ee Duqda ee ku digashada iyo hanjabaadda iskugu darsan.
Dhanka kale sadaxdii tuug markii ay soo laabteen waxa ayimaadeen  guriga Cali Coon  meel u dhaw sidii ay ku balameen mid ka mid ah, ayaa loo diray Habartii wax ay cuno iyo cabitaan horay ugu soo qaado.
Intii uu ka maqnaa ayey labadii kale go’aansadeen markuu soo laabto iney dilaan dahabka yar ay ayaga kala qeybsadaan Habartana u sheegaan inuu ninkii la baxasaday kistii yareyd war iyo wacaal u heynin.
Kiiyoo ordaayo oo warkii dhiilada lahaa sida ayaa u tagay habartii una xoog waramay sida ay wax u dhaceen. Habartii oo ka naxday warka u soo yeeray, sababtoo ma aysan rabin in shaki galo dhimashada Cali Coon oo aan nolol iyo  geeri midna lagu ogeyn badda ayaa qaaday waa u cuntami weysay.
Waxa ayna qorsheysay sadaxda tuug in ay is dhaafiso kii warsidaha ahaa ayey ku tiri: “I maqal oo aad ii dhageyso naagtii anigaa haayo adigaan kugu wareejinaa ee nimankaas na dhaafsii waxaa yeeshaa raashinkaan qaad oo u geey oo la cun si aysan kaaga shakin, laakiin caanaha iyo biyaha afkaaga ha isku saarin, afkeenu waa isku amaano qof aan waxba ogeyn iska dhig markaad soo noqoto maalmo kaddib markey ka sabarto ninkii hore howshaan galeynaa.
Nasiib wanaag Degan xaaji oo ay u heysteen iney jiifto wixii ay ku hadlayeen oo dhan waa ay maqashay waxa ayna iska dhigtay qof aan waxba ogeyn oo hurudda, waxeyna ku talantay in gadda ay suura gal u aheyn in ay baxsato labo siyood awgood ayadoon tabar laheyn iyo in aysan aqoon meel ay u baxsato balse ay warmoog iska dhigto in xaalku si uu ka noqonayo.
Tuuggii oo warkaas ku farxay waxa uu qaaday cuntadii markii uu u geeyay saaxiibadiis fursad maba ay siin inta isku qabteen ayey dileen kaddibna cuntadii iyo cabitaankii ka dhargeen sadaxdoodii meesha ayey ku dhinteen oo hal ka badbaadin.
Habartii Faalisada markii ay war ka weysay maalintii oo dhan ninkii ay dirsatay waxa ay ku qasbanaatay iney ka war doonto, si ay u soo qiimeyso xaalka ayadoo walwal badan ka qabto in ay wax walba fashilmeen ogaalna ay u tahay in ay ku biyo shuban doonaan ayaa baadi goob u gashay.
Degan Xaaji oo kasoo kabsatay jugtii xalay iyo dhiig bixii walina dhaawacii aan ka bogsan ayaa fursad u heshay iney ka baxsato waxa ay horay u sii kaxeysatay labo Faras oo ka mid ahaa fardihii ay Habartu laheyd, waxa ay afka saartay tuuladii reerkeeda ay daganaayeen taasoo loo soconaayo  qofka gaadiid wata sadax maalin iyo sadax habeen qofka lugtaana ka sii badan.
Degan oo markii ay yareyd farddo fuulka ku dheerreysay ayaa isticmaashay xeelad ay ku marin habaabineyso haddii lasoo Raad raacdeeyo oo marna qorax sin aaddo marna qorax u dhac marna qorax ka soo bax,  waxa ay dhul halaqyo iyo bahalo galeen ku sii socoto maalin labaadkii ayey heshay dad u tilmaana meesha reerkooda degan yahay waxa kaloo loo sheegay in Aabbaheed xaaji Cumar dhintay Hooyadeedna ay sariir fuushay maalinkii ay ku weysay.
Degan Xaaji oo aad uga naxday ugana xumaatay Aabbaheed oo uga dhintay habaar ayaa socodkeedii sii labo laabtay si ay walbo hooyadeed oo nool ugu gaarto, waxa ay sii habatiqdo markii ay gaartay reerkooda aad ayaa loo soo dhaweeyay Degan Hooyadeed markii ay maqashay codka gabadheeda kaligeed ayey sariirta kasoo dagtay oo xanuunkii haayayba waa daayay, waa   waxana looga farxiyay in aabbo uu kala dardaarmay in dhaxalka aad  qeyb ku leedahay kuuna duceeyay adigoo nabad ahna aad reerka maalin imaan doonto.
Degan xaaji markii ay u sheegtay walaalaheed iney baxsad tahay ninkeediina nolol iyo geeri aysan  meel ku ogeyn eaxey go’aansadeen in habarta baas iyo nimankii tuugada ahaaba ay weerar ku qaadaan maadaama aysan aqoon u laheyn waxaa qasab noqotay in duulaanka ay degan qeyb ka ahaato  marka horase la baxnaaniyo ay bogsato.
Degan ayaa ku talisay in aan waqti badan jirin ee inta goor goor tahay la baxo, sidii ayaana duulaan lagu soo abaabulay ay hor kaceyso Degan Xaaji.
Dhanka kale habartii waxa ay dul istaagtay meydkii sadaxda nin oo is dhinac yaal, inta isku naxday oo talo faraheeda ka baxday ugu danbeyn waxaa u soo baxday in ay  Dahabka iyo alaabta ka aruursato  sidii ayeyna yeeshay, markii ay gurigeeda timid ayey xaqiiqsatay in Degan aysan joogin maadaama ay xaaladda Degan Xaaji ay ogeyd ineysan laheyn meel kalo ay aaddo kuley iyo qaboow kuma qaban dan ayey uga dhacday.
Maalmo kaddib ayaa Habartii Faalisada gurigeeda ugu galeen labaatan nin ii hubeysan oo ay qaar ka mid ah yihiin Culummo falfaloowyaasha shaqadooda yaqaan, inta boorbiska kicisay ay balaayo iyo af aan cidna la aqoon ku hadashay si ay u baqdin galido colkaan qabsaday inta dharbaaxsho indhaha bartooda la gooyay ayaa lagu yiri: “Sheekadaan dadka caamiga agtooda ayey ka shaqeysaa ee cali meeshii aad geysay sheeg.
Markii ay aragtay in xaalkeeda loo yaabo ayey ku calaancashay anigu war uma haayo meel uu jiro  waxaase la ii sheegay iney badda qaadatay, waxaa lagu yiri na geey meeshii ku war danbeysay haddii la waayana adigaa u maqan. Waxa ay dul geysay sadax nin oo meydka ahaa say tiri: “Nimankaan ayaa iiga ogaal badan meesha uu jiro.
Degan walaalaheed markii ay xaqiiqsadeen in ninkeeda badda  liqday waxna ay ka qaban karin ayey kala dooran siiyeen Habarta in la dilo iyo in la daayo ayey ku cajuusadaan magac xumo iyo cuqubo taa idinka raaciye iska daaya, meydkii meesha yaalay ayey duugeen dahabkii madax furashada ay duqda uga qaadatayna dhamaan waa ka soo ceshteen.
Habartii oo ku faraxsan in nafteeda loo badbaadiyay ayaa cagta wax ka dayday deegaankiina ka qaxday, Degan Xaajina ninkeedii uga sabartay nasiib wanaag reerkii ay ka dhalatay ayey fib u heshay.
Dhanka kale Cali Coon markii uu badda uu ku dhacay asagoo miir la’ oo ay biyuhu marba dhinac u wadaan asaga iyo santuuqii waxaa helay wiil iyo Aabbihii   kaluumeysato ah, isla markiiba waxa ay aqoonsadeen Santuuqa inuu yahay koodii ka lumay sannado ka hor, awoowgoodna ay ku waayeen baadi goobkiisa.
La soco qeybaha xiga
W/Q: Cabdulle Cabdikariim (Abkoow Jallaato)
SHARE