Home Qoraallo SOOYAALKI CAAQIL XASAN GEEDDI ABTOW W/Q: Cumar C. Cumar.

SOOYAALKI CAAQIL XASAN GEEDDI ABTOW W/Q: Cumar C. Cumar.

0
SHARE

 

 

 

CAAQIL XASAN GEEDDI ABTOW.

” Xidka carabta joogtana markeey Xamar yimaadaanna
Xaryankooda xoolaha ku raran xeebta dhiga meynin
Xasan geeddiyoon tagin baddeey ku xayirnaayeene”.

Xasan Geeddi Abtow AUN, wuxuu ahaay nin caaqil ah, nabaddoon guudna ka ahaay inti markaa deggeneyd Xamar iyo nawaaxigiisa. Ma aheyn hogaamiye lasoo doortay, malaaq iyo ugaas toonna. Kaliya wuxuu caan ku ahaay ka odayeeyntaa dadkii uu gogosha u ahaay markaa ee Muqdisho joogay. Ka dib markii uu gumeystihii Talyaanigu carrada qabsaday wuxuu naqday qofka kaliya ee matalaayay Xamar iyo Xamar-Daye. Wuxuu ahaay nin u daran gumeystaha, oo xarigi ay guntaanba fura, oo xeerki ay keenaanba xujjo ku hor gudba. Xasan Muqdisho inkastuu joogay haddana wuxuu xiriir la lahaay hogaamiye yaashii dhaqanka ee kala joogay dhulkii soomaaliyeed ee Talyaaniga gumeysan jiray. Waxaa looga soo caban jiray markeey ciidamadii gumeystaha ahaay ay dhibaato u geystaan dad soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa gurigiisa kusoo degi jiray oo uu ka ergeyn jiray, markey yimaadaan rag metelaya qabiillo soomaaliyeed ama duubab dhaqameedyo muraad ugu socda madaxdii Talyaaniga. Wuxuu ahaay nin deeqsan oo martisoor wanaagsan.

Xogta aan ka haayay CAAQIL XASAN GEEDDI oo koobneyd waxeey is waafaqayaan gabaygaan uu tiriyay Abwaan Jimcaale Dhegataag, xilli waliba ay da’du fadhiisisay, waqtiguna soo haayay.

Xa’da gabayga yaan ka hadlayaa xarafyo taariikhe
Xilliyadi lasoo joogi jiray xayi iyo maade
Intii Xaawo iyo Aadanow xaalka dhaqan yiille
Xawaalkiba hakaa jiro nin raga, waad u xiran taaye
Xasan Geeddi noogama dambeyn xaajo kulantaaye.

Xaradheere, Howd iyo Nugaal, Bariya xeebteeda
Xaafuuni iyo Gaalkacyo iyo Xarunta Laascaano
Xuduudkeeda soomaali ee ku xiran Mooyaale
Xudur Hadamo, Baydhabiyo Luuq xaajo madareedka
Xasan Geeddiyaa yiri warkii, ximin lahaa tiile

Xamar iyo Warshiikh iyo Guddo, Xarunta Owdheegle
Ka xaguuma kici jirin qumbaa ugu xirnaay meesha
Xeebta Cadale iyo Reer Mareeg Xaakinadi joogay
Xaansheey usoo diri jireen ka xerrameyn leylki
Xaajaan kasoo dhicin hortii xugun la gey meyne
Xasan Geeddi xuudow ahaay xamiyo been laawe
Xasanaaad Allaha siiyo iyo xawski nabigiiye
Xaqya baadilow kala yiqiin, xil iyo boogtaane
Xalaalquute weligiis ma gelin xero agoomeede
Xigaaladana waa dhowri jiray xaasid ma aheyne
Xerta macalikeeda iyo muftiga, xaakimkiyo shiikha
Xujeyda iyo waayeelka, gobta usoo xarmado leylki
Xoolow u qali jiray warkana laga xumeey meeyne
Xanta ma ogolaan jirin iyo xaajo doqomeedka
Xaniin lagu dagaalo iyo haddeey xoolo naqataaba
Xeerbeegtidu waxeey dhihi jireen Xasan haloo geeyo
Lagamana xumaan jirine xaqoow ugu dhameynaayay
Xadiiska iyo minhaajka iyo xafiis lagama soo aadin
Nin xumaan ku eedoobay iyo xagato maaheyne
Xawda nimow ka gooyana ma jirin uma xirneen boolli
Waana ka xarragoon jiray mahaan laga xurmeyheyne
Sidi wali xafidanoo kalaa lagu xisaabaayay.

Xidka carabta joogtana markeey Xamar yimaadaan
Xaryankooda xoolaha ku raran xeebta dhiga meynin
Xasan Geeddiyoon tagin baddeey ku xayirnaayeene.
Xeeraa ula xirnaan jiray naflaha xidido hooseeya
Gaalkuna xaliif ow ahaay Xasan intow joogay

Markise gaalo xoogowdayaa xilo la weydiistay
Xasil iigu keenaa la yiri xaabso lacagtaane
Waxow yiri xodxodo gaalo iyo xaasho ma aqaano
Xeer aana leenahay haddaan la i xaraasheyne
Xubbigaaga buuryada leh gabdhuhu ku xirmi maayaane
Xaaraanna lagu haysamaa xilaha soomaali
Xidid iyo gabbaati iyo haddaan xoolo laga dhiibin
Xigaalkoo heshiiyiyo haddaan xaakin la horgeynin
Ninki xilo na weydiisto waa la xabbadeeyaahe
Maarkaasow xasilay gaalki waa xugun Ilaaheeye.

Soomaalida nin xaakimaa jiriyo amase xoog sheegta
Haddow xibin ku leeyahay nin raga xaajo madareedka
Xasan Geeddiyoo kale ma dhalan Xam iyo been laawe.

Gabaygan, waxaan dhageystay asagoo ku duuban cod tayadiisu hooseyso, qeyb yaroo ka mid ahna waxaan uga reebay in aanan aad u fahmin, haddii aad ila wadaagi karo waan jeclaan lahaay. Waa qeybta ka hadleysa markii la yiri inta Xamar ku noole aad odayga u tahay soo xisaabi, ee uu asaguna xaruur Waambo intuu jawaanka ugu soo beegay ku yiri, tirsada waa taase.

Mahadsanidiin

Omar Abdullahi Omar

SHARE