XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 59aad

                                                1-Waqti ima siiyo!!!
Waxay tiri waqti ima siiyo? Waxaan waydiiyay in ay isaga waqti siiso, jawaabteeda waxay noqotay aniga isaga ayaan sugaa oo guriga u fadhiyaa, cid aan isaga ahayn kama fakaro, isagana wuu igu soo daahaa, dhowr jeer oo aan baaritaan kusa sameeyeyna waxaa iisoo baxday in uu naag kale ku lug leeyahay!!!!
Waxaan waydiiyay soo kuuma soo hoydo habeenkii? Kuteh haa, balse maalin caddey ayuu soo qaraabtaa.
Sidee ku fahantay ayaan waydiiyay?
Jawabteeda waxay noqotay ififaalihiisa ayaan ka gartay.
Cajiib!!! Oo haddii uu maalintii Naago la dhuunto habeenkiina uu kuu soo hoydo, goormuu shaaqaystaa, yaasa dabara noloshiina ayaan waydiiyay?
Mar kale waxay tiri, shaqada waqtigeeda ayuu qayb ka mid ah qaraabtaa.
Gunaanadka waxaan ku iri maxaad jeclaan lahayd?
Waxay tiri waxaan jeclaan lahaa in uu ii sheego wax walba waqtina i siiyo.
Waxaan ku iri, waqtiga aad rabtid waa kee, haduu maalintii shaqo tago habeenkiina uu kuu yimaado?
Kuteh, inta uu dumarka kale siiyo ayaan rabaa.
Isaga wuxuu la halgamaa nolosha, marka uu waqti gaaban helana wuxuu la wadaaga asxaabtiisa iyo ehelkiisa, sida badan gurigiisana kama dhaxo, waa maxay eedda uu leeyahay, iyo waqtiga laga rabo?
Mmusa

                                                  2-xafido

Waxaad jeclaatidna xafido
Waxa aad doontidna u dadaal oo u daal.
Mmusa

 

3-Nin Madax ah.
Waxay tiri “Nin Madax ah haddaad guursatid iska hilmaan Jacayl iyo kool koolin oo waqti maba laguu helayo”
Wuxu yiri “Naag Madax ah haddaad guursatidna aqas kama dhamaato oo ninba kuuma taqaan, iyada ayaana ku isticmaasha mar walba”.
Mmusa

4-Naag Aqoon leh
Waxay tiri “Nin aqoon leh haddaad guursatid waa gacan gashay, mar walba isaga ayaa isla saxan adigana Jaahil aan tala lahayn ayuu kuu arkaa”
Wuxuu yiri “Naag aqoon leh haddaad guursatid, ka sabar dhalidda ilma badan, waxaa kaloo iska hilmaantaa in ay warkaaga dhageysato”.
Mmusa

5-Qaylo badan
Waxay tiri “Nin Jaahil ah haddaad gursatid mar walba oo aad khaladkiisa sax is dhahdo wuu kugu xanaaqaa, sababta wuxuuna u moodaa in aad yasayso”.
Wuxuu yiri “Naag jaahilad ah haddaad guursato adigana Qarash badan u diyaar garow iyo Qaylo badan .
Mmusa

6- cuudso

Raga waa la cuudshaa
Waxay tiri
“Telkiisa ayaan baaraa.
Barafuunkiisa ayaan uriyaa.
Waqtiga uu imaanayo ayaan eegaa.
Farxadna waan rabaa”.
Waxaan ku iri “farxad haddaad rabto
Telkiisa iska dhaaf
Waqti sii isaga.
hana urinin shaarkiisa.
Raga lama cadaadsho ee waa la cuudshaa.
Mmusa

                                                     7-Fahamka Guurka
Fahamka guurka, Jacaylka, Xiriika, saddexdaasba qaabka loo fahmo waa lagu kala duwan yahay.
Qofba qaabka uu rabo ayuu u waataa uguna dhaqmaa, isku kalsoonaanta labada qof macnaheeda dadka qaar ayaa u fahma in ay la mid tahay in qof yeelan karin wax qaas ah ama sir qaas ah uusan jiri karin.
Noolasha sideedaba waa wadaag wax la wada wadaagayo, taas in la wada fahmaana waa muhiim, haddii wax la wada wadagayo micnaheeda maahan in qof wax qaas u yeelan karaa uusan jirin.
qof walba dantiisa iyo arrimihiisa qaaska ah iyada oo ay u gaar tahay ayuu hadana danta guud ee markaa kala dhaxayso qofka uu la nool yahay wadaag ka gali karaa, balse, taas ma ahan in loo fahmaa in haddii la is guursado la is yeelanayo, si la mid ah haddii la is jeclaado, ma jiro dunidan qof- qof yeelan kara, qof walba danihiisa qaaska ah wuu jecel yahay in uusan cidna la wadaagin, oo lagu qaddariyo.
Waxaa jira wax badan oo aad jeceshahay in ay kaligaa kugu koobnaadaan oo aadan wadaag ka gali karin, nolosha sideedaba waa wada Sir qarsoon, inta qof walba laga arakayo waa inta uu isaga doortay in uu ku tuso, ee ma ahan inta uu dhab u yahay ama jecel yahay in laga arkaa.
Waxaan kusoo gunaanadi lahaa qormadaydan gaaban in qof walba qofka kale qaddariyo una ogolaado lahaanshiyahiisa gaar ahaaneed ee arrimahiisa nolosha ku saabsan.
Mmusa

8-Garashada Qofka
Waxaa la yiri garashada qofka inta ay gaarsiisantahay ayey tahay barashada qalbigiisa aad barato.
Inta badan ee uu qofku garto, Waa inta badan ee uu qalbigiisa ka hadlo.
Qof hadlaana kan qalbiga ka hadla ayaa ugu qiima badan.
Mmusa

9-Wadaninimada.
Wadaninimadu waa difaaca Danta Dalka iyo Dadka, ee maahan difaaca qof gaar ah, ama koox gaar ah, iyo dana gaar ah.
Mmusa

10-Maca salaamaynta
Labada qof uu xiriirku u dhaxeeyo haddii aysan ahayn laba is qabta hadana qofkood uu safar soo galo, sida badan xiriirkaas ma waaro, sababta arrintaasna waxaa lagu macneeyaa jawiga labada qof ay kala galaan oo aad u kala duwan.
Maca salaamaynta la isku maca salaameeyo safarka nuucaas ahna waa mid aad u xanuun badan, qof walbana uu markaa xanuunka dhiniciisa ka dareemayo.
Mmusa

11-Waa la fasaxaa.
Dareen waan u qaaday dhab ah, balse duruufaha dhankayga ku gudbanaa dartood ayaan u fasaxay aniga oo fasixiddaas ay dhaawac igu ahayd.
Mararka qaar waa in aad fasaxdaa qofka aad jeceshahay si uu noloshiisa hormariyo, inkastoo fahamka arrintaas laga yaabo in  qofkaas wax kaala dhaxeeyaan uusan sidaa u garan, taas macnaheedase maahan in aadan jeclayn qofkaas, adiga oo qofka jecel ayaa la sii daayaa marba haddaad garato in aadan u yaboohi karin waxa uu kaa mudan yahay.
Hadaba is waydiintu waxay tahay, adiga oo qof jecel balse waxa uu kaa mudan yahay aadan u awoodi karin ma fasixi lahayd?
Mmusa

12- Bilowgu wuu birqayaa
Wax walba bilowgoodu wuu birqayaa micnaha wuu wanaagsan yahay, waxaasa wanaagsan waxa wanaagoodu waaro waana waxaas waxa la doonayo in la daneeyo.
Mmusa

                                                   13-Qofna ha nicin.
Qofna ha nicin, xitaa kuwa kuugu dhow ee ku dhaawacay, balse, marnaba ha soo dhaweesan dadka tilmaantaas leh oo yeysan ka mid noqon maalmaha noloshaada.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHEEKOOYIN