Xabsi doon Q1AAD Qalinkii: Saciid Muuse (Ustaadka)

Sac

Xabsi doon Q1AAD


Waxuu yidhi,
Meeshu waa xabsi, waxaa ku jiro in ka badan 600 oo dhalinyaro ah, Cid cid u aaba yeelayso ma jirto, Waxaa loo fadhiyaa koox koox, raga qaar waxey isu raadsanayaan qabiil, qaarna dagaan ahaan ayeey isu baheysanayaan, waxaa jira kuwa kale oo macrifo iyo waji isugu dhawaanayo, qaar kale oon badneyn ayaa iyagana gooni daaq ah, oo mid mid u fadhiyo, dabci xumo ama sabab kale oo gooni ah aawgeed,
Albaabka shabaqa leh ee maxaabiista lagala hadlo ayaan soo istaagay, si aan isha ula raaco bal inaan ruux ka garto iyo inkale, Dhoowr wiil ayaa ii soo istaagtay albaabkii ” Sigaar na sii? ayeey hal mar isla yiraahdeen” Sigaar ma cabo ayaan u celiyay, balse waan idiin soo iibinayaa, wili waxan ku jiraa ishaa falateysigi, Farabadnidooda ayaa ii suurta galin wayday inaan dhaqso ka dhax arko, ruux aan aqaano, sababta loo soo xirxiray ayaan weydiiyay?, Waxey ii sheegeen ineysan lahayn warqaddo ey dalka ku joogaan ama sharci sidaasi awgeed eey halkan u soo galeen laba midood
1: In dalkoodii loo celiyo oo laga tarxiilo wadankan eysan sharciga ku haysanin.
2. In la siiyo sharci (Bidhaaqo) eey ku joogaan dalkan so xornima ahna uga qaraabtaan ama ugu safraan goboladda kale
Intaan meesha taagnaa waxaa soo galay gaari iska roge ah, oo lagu wado dumar iyo rag soomaali ah, Darawalka gaariga ayaa ah mid lagu soo qasbay inuu dadkan geeyo xabsiga Jawaasaatka oo ah halka aan taaganahay.
Darawalkii oo ka dhararsanaa hoowshii hakadka laga soo galiyay, Ayaa markuu gudaha soo galay, waxuu ku qeyliyay in dadkan laga dajiyo, si uu qutulyoomkiisiiu sii bursado, Laakiin Taliyihii xabsiga ayaa Waxuu sheegay, xabsiga inuu buuxsamay eeyna laheyn meel nafar kale lagu xiro, waxuuna ku amray darawalkii inuu dadkan geeyo xabsi kale, Darawalkii oo xanaaqsan ayaa gaarigii koray, oo hal mar geerka u riixay, sidii dhagax la rogayo ayuu dadkii saarnaa seetada u qubay! Mid faniino iyo mid gafuurgafuur
u dhaco ayeey noqdeen dadkii saarnaa oo eey ku jireen dumar uur leh, Taliyahii oo bistoolada siibtay iyo laba askari oo kale ayaa darawalkii kuleetiga qabtay oo xoog dhulka ugu soo dhuftay, isla markiiba waa la katiineeyay, Dadkii saarnaa mid jaban iyo mid fayoow ayagoo leh ayaa lagu celiyay halkoodii oo darawal askari ah loo dhiibay kaasoo ku shubay xabsiga dhexe(Gaalshiraha)
Arinta waa cakirantahay anigana waxaan isla daqiiqadii go,aansaday inaan ka mid noqdo lixda boqol ee xabsiga ku jirtay, si aan anoo nabad qabo dalkaygii u tago, Waa fikiray waxan u yeeray askarigii dhalinyarrada waardiyeynayay ee furaha hayay,oo aan ka dalbaday inuu igu daro dadkan xiran, Sababta ayuu i weeydiiyay? Waxaan iri, waa walalahey isku meel ayaan u soconaa, Wuu iga diiday, Waxaan u soo bixiyay lacag aan ku laaluushayo, Iyadina wuu iga diiday, Waligey askari lacag diido kan hortiis ma arkin sideed yeeshaa ayaan ku fikiray, Waxaan soo xasuustay dhalinyaraddii iga sugaysay sigaarkaan u balan qaaday, Waxan tagay maqaayad meesha ku taalo, waxan ka soo iibiyay quraac safari ah iyo cabitaano, markaan albaabka imid ayaan askarigii u sheegay inaan adeegan u geynayo walaalahey gudaha ki jiro, oo aan ka soo noqonayo, “Toban daqiiqa ka badan haddaad ku jirto, adaa ka mas’uul ah waxii kugu dhaco ayuu iigu hanjabay” waa ogolaaday, albaabkii buu furay, markaan galayna kor buu nooga xiray, hal mar ayaa ugu yaraan 40 qof kala dafeen daasadihii aan waday, Ana waxan ku dhax dusay iyagii oo qaar aan garanayo, ayaan ugu tagay daaqilka, rubac saac dabadeed ayuu askarigii ku soo qayliyay” Kii quraacda geeyoow dibada u soo bax” waan iska dhagatiray anoo is leh dadkan kaama garan karo, Markey Cidi u jawaabi waysay, Ayuu laba askariyoo kale soo kaxeystay, Kayfa shaklahu, sidee u egyahay Mid baa su’aalay? “macahu badla jeenis” Waxuu wataa isku joog jeenis ah,Ayuu yiri,kiiyoo geesha fiirfiirinayo, Kaartadeydii aheyd laguma garan karo, waxaa fashiliyay Isku jooga jeeniska ah ee xiranahay, Ma iska siibtaana waa i qabatay, kkkkk “Indhaha ka dhac ayaan hoos u iri, Intaan saxmadii iyo cariirigii jiray ku dhaxdhuuntay” Baaritaan adag ayaa geeska shishe laga soo bilaabay, wilina waan is dhagatirayaa, Dhaxda waxan uga jiraa tobaneeyo turub gees ku dheelayo, waan yara kadaloobaa, si haddey howsha xumaato aan isu fududeeyo, Yaa abuu jeenis ayaan ka war helay Iyo laba askari oo dhankayga u soo dhaqaaqday.


La soco qaybta labaad.
Qalinkii: Saciid Muuse (Ustaadka)

SHEEKOOYIN