Home Qoraallo MUQDISHOOY DAB KAA BA’

MUQDISHOOY DAB KAA BA’

0
SHARE

“Addoonku wuxuu xorriyaddiisu u maraa qulqulad.”

-Frantz Fanon

Hawraartaa kor ku xusan ee taariikhdu ka weelaysa halgamaagii xaqudirirka ahaa ee Frantz Fanon, waxay hab tusmayn u tahay dhallinyarada Muqdisho ee ku sugan tallan nololeed iyo geeri. Weertaas nuxurkeeda waxaa laga heli karaa murtida dhahaysa “shantu nimayna kaa celin sharci kaama celiyo.” Shiddada siyaasadeed, dilka qorshaysan iyo dulmiga ka jira Muqdisho, nasiibdarro qaybta ugu badan waxaa martiggeliya dhallinyaro.

Bilowgii bisha Ramadaan, taariikhduna ku beegnayd 17 May 2018, Muqdisho waxay martisoortay dilalka qorshaysan, intooda badan waxaa lagu bartilmaamaystay dhallinyaro. Wixii ka dambeeyay falkaa gurracan, waxaan soosaaray qoraallo kooban oo weyddiin-naqdineed duldhigay caqliyadda dadka deggan Muqdisho iyo qaylodhaan ka dhan ah kacdoon isbeddel doon, oo aan ugu baaqay dhallinyarada degaanka. Maqaalkani, wuxuu halkan isugu soo uruuriyay qoraalladii gaabnaa ee aan ka qoray dhibaatada maalinlaha ah ee Muqdisho un martiggeliso.

Qormadii ugu horreysay cinwaankeedu wuxuu ahaa “ALLA! MUQDISHAAY,” waxay bidhaaminaysay dowrkii la tebay ee caqliyadda dadka deggan Muqdisho, haba ugu horreeyaan waayeelka iyo guurtida, nabaddoonka, aqoonyahanka, culummada, imaamka masaajidka, macallinka jaamacadeed iwm.

Qormadaasi waxay ku billaabatay sidan:

 Dorraad waxaa qoorta loo dheereeyay Calasow; Shalay waxaa qarax ku xijaabtay Dhowre; maantana waxaa bastoolad lagu dilay Xaliimo.

Caqliyaddaa bulsho ee raalliga ka ah belaayadaa gacankusamayska maalinlaha ah ee magaaladu martiso, waa caqliyad bulsho col horteed jabtay.

Caqliyaddaa hurddaysa waa tan nagu qancisay in falcelin ka doorbidnay kahortag; ilaalin dan guud ka dooranay danaysi shakhsi. Haddii aydan baraarugin! Muqdishaay, caqliyaddani wuxuu idin raacsiin doonaa dhabbada asluubxumaynta (Demoralization), ee uu Yuri Bezmenov beri hore ka digay.

Muqdisho mar la sawirxumeeyay, Sir James Fergusson ku sheegay in ay tahay “Goobta ugu halisan caalamka” marna xuquuqdeeda la dafiray, iyada oo lagu doodayo waa caasimaddii dalka, amnigeedana aan xil guud layska saarin. Sheekadaa waa in ay ka xorrowdaa, amnigeeda sugato, iskutashataa.

Belaayada Xamar un dhex fadhida, amniddaradu ugu weyn tahay, reer Muqdisho adinkaa ka hawlgebay, masuuliyaddii dayacay. Amnigeeda ma ahayn in aad cid kale u dabafadhisaan, ugu yaraan waxaad samaysan kartaan ciidamo madani ah ee nabadda idin suga. Haddii taasi idin suurtaggaliwayso, dowladda iyo ciidamada Amisom kula xisaabtama amniga caasimadda. Hawshaasi waa xilwadareed looga fadhiyo aqoonyahanka, guurtida, waayeelka, siyaasiyiinta, haweenka, dhallinyarada, culummada diinta iwm.

Qormadaa tii ku xigtay, waxaan kaga dayriyay caqliyadda reer Muqdisho ee aan marna ka dhiidhiyin shiddada muuqata, taas oo ay ugu weyn tahay dabargoynta dhallinyarada.

Qormadaasi wuxuu ku bilowday sidan soosocota:

Caqliga Muqdisho yaalla innaba caadi ma aha! Waa kan caadaystay in uu ka aamuso fitnada tan muuqata iyo dilka dhallinyarada. Muddo ka yar 20 maalin, ka soo bilow billaabashada bisha Ramadaan, celcelis ahaan in ka badan 60 muwaaddin ayaa si naxariisdarro ah loogu dilay Magaalada. Caqliyaddaa Muqdisho deggan, si kale u dhig, waayeelka, guurtida, nabaddoonka, culummada, imaamyada masaajidyada, aqoonyahanka, weriyaha, giddigood kama falcelin belaayadaa gacanrimiska ah ee sida ba’an u gumaadaysa dhasheeda. Ugu yaraan waxaynu ka sugeenay in ay dowladda kula xisaabtanto amniga, oo beryahan dambe gacantooda ka sii baxay ama inta ay isku yimaadaan kaddib dusha saartaan masuuliyadda sugidda amniga Muqdisho, iyaga oo aan uga dabafadhiisan dowladda ama ciidamada shisheeye.

Caqliyadda Muqdisho waa mid beri hore dhimatay; yaan lagu xisaabtamin. Waa caqliyad muddo dhex maquuranaysay shiddada uu Michael Watts ku sheegay “qulquladda daahsoon.”-Rabsho aan la dareemin, oo dhuuxa iyo lafoha ruugta, ilaa markii dambe ay si arxandarro ah u wiiqdo awoodda bulsho. Waa caqliyad ku sugan marxaladda xasilloonidarraynta (Destabilization) iyo diin siyaasadaynta (Politicization of Religion), taas oo Yuri Bezmenov nagu wargeliyay in la marsiin doono bulshada la asluubxumaynayo (Demoralization).

Caqligii Muqdisho waa dhintay, Alle ha unaxariisto.

Qormada saddexaad, waxaan kaga hadlay suurtagalnimada kacdoon barakaysan oo ay horboodayaan dhallinyarada degaanka Muqdisho. Waxaan ku dooday in dhallinyaradu yihiin koox kacdoon sida uu halgamaa Karl Marx ugu dooday in Muruqmaalku ahaa koox kacdoon.

Qormadaa saddexaad sidan ayay ku billabatay:

Karl Marx (1818-1883), wuxuu u soo noolaa dulmiga, dhiigmiiradka, eexda iyo shiddada ay burjuwaasiyiintu ku hayeen muruqmaalka. Wuxuu rumaystay, in muruqmaalku ka dhiidhiyi doono, iyaga oo samayn doona kacdoon.

Oktoobar 1911, taariikhdu waxay weelaysay kacdoonkii Shiinaha, taas oo muruqmaalku ku guulaystay. Oktoobar 1917, sidoo kale taariikhdu waxay diiwaangelisay kacdoonkii bolshifik (Bolshevik Revolution), oo ay hor boodayeen muruqmaalkii Ruushka. Halkaa waxaa ku dhaboobay hadalkii Marx ee ahaa in muruqmaalku yahay koox kacdoonayd isbeddel doon ah.

 Anigana, waxaan rumaysannahay in dhallinyarada Muqdisho yihiin caqliyadda iyo kooxda keli ah ee maanta samayn karta kacdoon barakaysan. Waa ayaga kooxda ugu badan ee martisoora shiddada, qulquladda, dulmiga iyo eexda uu ku hayo burjuwaasiga diinta iyo siyaasadda. Waa xilligii kacdoonka! Waa markoodiiye; taariikda ha xusto. 

Qormada afaraad,  waxaan xusay loollanka uu bini’aadamku ugu jiro badbaadada nololeed, aniga oo fekraddayda ku xoojiyay aragtida taddawurka. Degaanka Muqdisho ee qulquladda iyo halista ku badan tahay, dhallinyaradeeda qaar waxay fahmayn meelaha ay khatartu taallo kaddib ka leexdayn halka kuwii ku guuldarraystay arrinkaa waa dhibbanayaasha belaayada gacankurimiska ah ee Muqdisho martiggeliso.

Qormadaas afaraad wuxuu ku bilowday sidan:

Qarnigii labaatanaad wuxuu ahaa kii ugu xumaa. Wuxuu kaydiyay taariikh mugdi ah, qulqulado, argagax, colaad iyo xasuuq. Ka soo bilow xasuuqii Herero iyo Namaqua, colaaddii sokeeye Yurub kii 1aad iyo 2aad ilaa xasuuqii Ruwaandha. Waxaa lagu dooday, waxyaabahii huriyay in aysan ka marnayn aragti.

Aragtida taddawurka ee Charles Darwin, markii hore ku koobnayd asalka nolosha/noolaha balse markii dambe culummo seeflabboodleyaal ah u leexiyay dhanka taddawurka bulshada. Aragtida taddawurku, marka laga soo tago sheegashadeeda ku aaddan sharxidda gundhiga nolosha, waxay kaloo ku andacoonaysay in aynu ku noolnahay degaan adag, sidaas darteed qofwalba wuxuu loollan ugu jiraa badbaado nololeed.

Isla loojikaa haddii aynu ku eegno xaaladda Muqdisho ama Muqdishu laftirkeeda aynu ku metelno degaankii uu Darwin sheegay. Marka laga soo tago in Muqdisho tahay degaan kharriban, waxaa u sii dheer in dadka deggan u dabeecad ekaadayn kii uu ka dayriyay Thomas Hobbes, “Waxash, danaysi…Marka aysan jirin dowlad xooggan waa u colaad midba midka kale.” Haddii loo eego Darwin, degaankaa kharriban dadkiisu waxay ku jiraan baratan naf badbaadin ah (survival). Keli waxaa ballanqaad badbaado haysta qofka la qabsada degaanka, kii aan la haysan waa kan aynu maalin walba u tacsiyeenayno. Degaankaa qulquladda iyo khatarta nolosha ku badan tahay, dadkiisa qaar waxay fahmeyn fekradda ah: sida aynu ugu kala xariifsannahay la haysashada degaanka ayaynu ugu kala badbaado badannahay. “Survival of the fittest.”

Taddawurku waa hawl socota, nooleyaasha dambe ee ku guulaystay loollanka ka jira degaanka ayaa sii wada taddawurka. Inta lagu gudajiro hannaankiisa, wuxuu soosaaraa guuldarrooleyaal la qabsan waayay degaanka belaayadu dhooban tahay. Loojikaa oo kale, waxaa laga heli kara isla degaanka Muqdisho, waxaa la dhihi karaa qofka ku dhimanaya degaanka wuxuu ku fashilmay la haysashada Muqdisho iyo baratanka badbaadada. Sidoo kale, wuxuu ku guuldarraystay in uusan ka fikirin meelaha khatartu ku badan tahay, si kale u dhig, halista liddiga ku ah badbaadada noloshiisa.

Muqdishada kharriban waxay dhalisay halganka ku saabsan nolol iyo geeri, qofka la haysta waa u badbaado iyo nolol. Badbaada uu Darwin tilmaamay, reer Muqdisho badankood horay bay ugu baraarugsanaayeen, oo waxay u yaqaanaan “waarimayside wax ha kaa haro.”

Yacni kolaytaba waad dhimanaysaaye ubad dhal, balse nasiibdarro inta bartilmaameedka u ah Alshabaab waxay garab marayn aragtidiisa loollanka badbaadada iyo la qabsiga degaanka wuxuushnimadu ku badan tahay. 

WQ: Hassan Mudane

Qoraa iyo Falanqeeye Colaadda Afrika

 

 

SHARE