Hammi caashaq iyo hunga been ah Q18AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q18aad.

Nasra markay xaafadda tagtayba  waxay la kulantay wejiyo aan ahayn kuwii ay taqaanay, soo dhoweyntii diiraneyd ee loo sameyn jiray maanta ma jirtee, indhaha ayaa lagu gubay kolkay soo fariisatayna hooyadeed ayaa ku tiri:Filan waa iyo  fajac ayay igu noqotay inaad gurigaagii dhaqan kari wayday, fal foolxon iyo fisqina inaad la timid waa I soo gaartay,  ee maxaa kugu kalifay falkaan aan laga filan gabar dhaqan iyo dhur leh ? maxay tahay balaayada ku qaadatay? sidee laguu maray? Goormayse balaayadu bowdkaada soo fariisatay?

Baahida kugu kaliftay inaad adoo xaas ah aad haasowdo ii sheeg? Yaad la tashatay oo jaranjarada nolosha kaa tuuray?

Su’aalahaas  iyo kuwo kale oo la jaad ah  ayay hooyo safiyo ku boobtay Nasra oo meel wijigeeda  ku beegan  fadhiday,   waydiimaha hooyo safiya waxaa laga dheehan karaa, caro iyo quus is huwan ama is barkanba, canaana kama marna,  si kale haddii loo dhigana ama xagal kale laga eeggo, waxaa la oran karaa waxay  waydiimahaas hooyo safiya ku baadi goobaysaa, balaayada daftay gabadheeda, ee ka bixisay xeyndaabka xishoodka iyo xilkasnimadda.

Nasro waydiimaha hooyadeed warcelin uma hayn,  waana ay kohsatay ama dhibsatay in su’aalaahaas la waydiiyo, guriga ay dhaqan wayday ee  hooyo safiya sheegtay macno badanba oo sidaas u buuran uguma fadhiyo Nasra,  sidaas si la mid ah uma aragto iney wax xun suubisay ama sameysaba,  waa isla saxan tahay, iney tubtii toosneyd haysana ayay aaminsantahay, markaad isla saxnaashaha Nasro si dhugmo leh ugu kuur gasho waxaad xasuusanaysa ama maskaxdaada ku soo degdegaaya  hal-hays soomaalida dhexdeedda caan ka ah oo oranaaya: Naf walba qumaheeda qoorta ugu jira, ama murtidii dhahaysay “ Waxaad ceebta u taqaan ninbay camalkiisa tahay”

Waxaa la dhihi karaa Nasro sida hooyadeed uma fikirayso waxna uma xeerinayso isku qodobna arrintoodu kuma qotomo isku heerna ma joogaan.

Nasro  ayada oo aan  hooyadeed u jawaabin ayay albaabka guriga hooyadeed ka baxday, ayada oo hoos u gunuunacaysa sankana taageeysa, kuna hadaaqaysa: “Gurigaan yaree aad  xeradda gumaysiga ka dhigteen maanta ka dib iguma arki doontaan” Nasri horteeda ayayna u  socotey, hooyadeedna kama daba hadline,  ee afkay gacanta saaratay, waxayna mucjiso u aragtay  iney gabadheedii  ayada oo la hadlaysa qadarin wayday oo ay  albaabka ka baxday hooyo Safiyo waxa ay ula mid noqotay samadoo soo duntay iyo dhulkoo wareegay, markaas bay ku calaacashay: “Waa maxay adduunyadaan nuuca kale noqotay ee ciyaalkeenii caasiga nagu noqdeen,  alla nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laabban, waa adduun caloosha laga raray oo kuriska laga caymiyay, cimrigaan iyo ciladaani ma i sugaayeen, intaas ka dib ayada oo niyad jabsan aya u dhaqaaqday, dhanka xaajigeeda oo qolka fadhigga la fadhiyay Cumar oo ah ninka Nasra u dhaxayday.

Nasro isla durbadii ay hooyadeed ka baxsatayba waxay si toos ah u aaday guriga saaxiibadeed Xaawo, nabdigana waxay  gashatay inney sida ugu dhaqsaha badan waddanka  Keenya ugu duusho si ay ula kulanto wiilkii ay is calmadeen ee hadalada dhedhenka badan qalbigeeda ku jabsaday, kana dhigay maqane joogga, ka fikirta wiil aysan aqoon badan u lahayn, marka laga reebo iney aragtay sawiro lagu qurxiyay oo la dhaldhaaliyay.

Nasro waxaa u cad  go’aankeeduna yahay iney nolol la qaadato, farxadna la qaybsato Nuur Ganey oo ah wiil aftahanimo  ku caanbaxay, aadna u yaqaana sida qalbiyada hablaha loo  soo jiito, maalinba mid sida looga calaacalsiiyo ayuu aad u xariif ugu yahay,waxaana la dhihi karaa  xirfada kaliya ee uu yaqaano  waa indho sarcaadinta haweenka iyo qalbiyadda dumarka.

Uma naxo dumarka , meel kasta oo dumarku ka jilacsan yihiina waa yaqaanaa oo waaba ku xariif, sida dumarka loogu dhabacdo ayuu jaamacad uga soo baxay ayaad is leedahay markaad dhaqankiisa il gorgor ku eegtid, waxaad ku naanaysi kartaa “Shabeel naagood”.

 Ma ahan wiil shaqo haya ama shaqadaba jecel, waddanka Keenya ayuu qaxooti ku yahay  ka soo cararey dalkiisi hooyo,waxaa mar walbaba waddooyinka Xaafadda Islii gaar ahaa waddooyinka (street 11 iyo 12) ku cayrsada ciidamadda booslika keenya, Nasra ruuxaas bay u soo cararaysaa allow qofaan waxba ogayn ha caddaabin, Cumar oo ah maalqabeen sharaf iyo ciso ku nool, koolkoolinteeda diyaar la ahna waa ka baxsanaysaa, qof meeli u caddanahy meeli la modoobe, Nasro waxaa u muuqda Nuur Ganey.

Waxay ka heshay qosolkiisa tirada badan, iyo weliba sida uu marwalba u haasaawiyo, hadaladiisa ayaa qalbigeeda waddooyin ka samaysatay, rabitaanka ay u qabtana xadka ayuu dhaafay, waxyaabaha ay ku jeclaatay waxaa ka mid ahaa, waqtigga badan ee uu siinaayo sababtoo ah waa bilaa camal aan shaqo u kallihin iyo weliba farriimihiisa jaceylka ee markay aqrinayso ku qasba iney qososho, ereyo xul ah ayuu u soo dooraa, si uu qalbigeeda gacanta ugu dhigo, dantiisii waa gaaray, waana u suura gashay in Nasro godkii uu qoday ugu soo dhacdo.

Nuur Ganey gabdhaan si qaas ayuu u daneeyaa, gabdhaha kale ee ay haasaawe wadaagta yihiina, waa ugu duwantahay, sababtoo ah waxay u sheegtay iney kasoo jeedo   qoys dhaqan oo dhaqaalo haysta, waxa uu natfiisa ugu sheekeeyay inow gabadhaas jeebka aabbaheed ku baaran doono, Nasrna asaga ayay barwaaqo ka rabtaa kana soo jerinaysaa  xaaladadiisaba ma oga,  waa labo kala bariday kala war la’ arrintoodu.

Dhanka kale Nuur waxa uu aad usoo jiitey hannaanka quruxda iyo habdhismeedka Nasro oo markaas da’da gabdhuhu ugu bilicsan yihiin ahayd, mugeeduna u buuxsamay, Jidhkeeduna meel kastaaba uu is dhahayo qofkii il kalgacal ku eega, ma gacantaa lagu sameeyey?! Dhererka, heensaha, hubqaadka, dhalaalka iyo foolka soo jiidashada iyo jinniyada leh ee suniyaha, indhaha waaweyn ee balacsan, bushmha iyo ilkaha isku sarga go’an, dhabannada shuban iyo  dhoolacaddeynta aad moodayso cadceed soo ifaysa oo kale, Nasri waa gabadh bilicsam iyo qurux eebbe ugu deeqay, ninkii muuq raac ahina uusan ka hareyn.

Nuur waxaa ujeedkiisu yahay inuu ku galgasho barwaaqada iyo quruxda ka muuqata Nasra oo sidii waraabe raq helay hadba dhinac ugu dulundulcoode, balse, ma jiro hammi intaas dhaafsiisan oo aan ahayn inuu ka daneysto.

In badan ayuu niyada iska weydiiyey ma dhici doontaa inaad

In badan ayuu Nuur dibanta ruugay, inuu maalin uun ka dan gaaro, quruxdeeda iyo kadabkeedana is dul saaro oo mugdi iyo meel madoow ku dhammeysto, maanta ayay rajo usoo iftiintay oo Nasro ayaa ku war gelisay iney keenya ugu imaanayso una sheegtay inuu is diyaariyo.Markaasbuu farxad bood booday hadalna kusoo gaabiyay, cawadeyda iyo calankayga, cawadeyda iyo calafkayga.

Laso qaybaha kale……………

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN