XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

XASIL OO ILA GARO. (XIKMADO KOOBAN) Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

Qaybtii 60aad

1-Sababta caburnaanta Qofka.
Marka uu qalbigaaga burqanayo micnaha dareen badan uu ka guuxayo afkana aadan kasoo tufi karin, waa markaas marka uu caburmayo qofka isku buuq badana uu ku dhacayo.
Mmusa

                                             2-Billowga ha aaminin
Bilowga mar walba wuu qurux badan yahay, wuu xiisa badan yahay, wuu wanaagsan yahay, balse ha aaminin, wax walba dhamaadkooda ayaa astaan ahaan la gartaa sida loo aaminayo.
Mmusa

3-Jinkii Khadka.
Aniga oo isku diyaarinaya in aan seexdo isla markaana eegaya Farriin muhiim ii ahayd oo in aan eego ku qasbanaay ayey iga salaantay Imo, waan ka qaaday salaanta, waana u sheegay in aan haysto wax ka yar shan daqiiqo, saacaddu markas waa 9:20, in aan seexdo ayaa ii qorshaysan marka lagu daro inta idiin muuqata 10 oo noqonaysa 9:30
Waxay tiri waa igu filantahay intaas ee ii ogolow in aan sheego waxa aan doonayo in aan sheego, ogol ayaana ku iri.
Sida marba su’aal marba mowduuc ay iila aadaysay ayaan arkay saacadda oo sii caga cagaynaysa 2: 00 habeenimo, waxaan is waydiiyay, sida ay wax iga noqdeen, iyo simbiririqashada igu dhacday, waliba waan usii baahnaa hadalkeeda, waxyaabaha iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen aniga oo hurdo la lulmoonayo ayaan telka sidaa usii hayay oo sugayay waxa ay soo qori doonto.
Waxaan is iri malaha caawa waxaa ku helayJinkii khadka, waansa la dhacay sheekadeeda oo  maca salaamaynteeda ayaa i dhibaysay? Maxay kula tahay Aqriste?

4-Sababta dullinimada.
Sabab kasta oo Dullinimo kuusoo jiidda haddaad aragto mar labaad ha aaminin, isku day in aaadan aaminin wax mar ku dhagray in aad la’aantood noolaato isku day.
Mmusa

5-Iska hilmaan
Wax kasta oo ku murug galsha iska hilmaan si aad farxad u hesho!!!
Mmusa

                                    6-Guurkayga waligiis ma nabad qabin!
Maalin walba muran ayaan ku jiraa, waxaan gaaray heer aan ka shallayo sababta aan u guursaday ninkan, caruur waan u leeyahay ninkaas, balse, aniga maskax ahaan ma nabad qabo, dhawaan ayaan kusoo biiray barta bulshada ee facbook, waxaan ka helay nin aad ii qiimeeya ina dareensiiya runtii wax uusan ninkayga i dareensiinn ha ahaato Xushmad iyo dhan walba oo i farxad galin kara, khaladkayga waa in aanan u sheegin in la i qabo, taas macnaheedase ma ahan in aan doonayo in aan ninkayga qayaano, waxaan rabay in aan ogaado in uu jiri karo nin fahmi kara waxa aan rabo waasa gartay in uu ninkaas jiro hadda, shallaytadayda ayaa ah in aanan hadda ninkaas ii qalma aan waxba la wadaagi karin, oo aan marwo u ahay ninka i xanuujiya.
Waa sida ay tahay in ay ahaato, waana in aan ku qancaa, maxaan ka qaban karaa? Waa waxba.
Kaan ku qanacsanahay wuu soo daahay.
Mmusa

                                                           7-Lacagta 
Ma ogtahay in lacagtu ay kuu gadi karto Buugaag iyo Cilmi, balse aysan kuu gadi karin Fahmo iyo Aqoon akhaalq ku dheehantahay?
Mmusa

      8-Garashada nimcada Eebe 
Bilowga maalintaada iyo dhamaadkeedaba ku fur kuna xir Mahadnaqa Eebe, waa markaas marka aad garan karto Nimcada Eebe kugu mannaystay.
Mmusa

9-Aniga ayey igu xasishay!!. (Sheeko Gaaban)

Wax badan bey tabanaysay, hadda ka hor ayey iyada oo yar nin la dhuumatay, markii uu farriinta ku hubsaday telkeeda ayuu ka dhuuntay kuna inkiray farriintii uu diray, micnaha ay Uur qaadday.
Waxaa lasoo gudboonaatay wal wal badan, waxay ogayd in qoyska ay ka dhalatay aysan caana u kaban doonin ka takhalusiddeeda, iyadase taas dhib kuma hayn, waxay ka wal walsanayd hooyadeed oo mar walba uga digi jirtay dhagarta Raga, balan horena ay ka qaadday.
Midkan ay isku ballqaday waa mid ay ku hammin jirtay la harsashada ay nolosha hooskeeda kula harsato, balse, haadaan aysan filayn buu ka tuuray, sida ay uga fakari jirtay jacaylkiisa qof uga fakara oo iyadana ay ku yaq yaqsoon jirtay baa jira.
Maskiin ayuu ahaa, Faqri ah, balse, aan qalbiga ka faqri ahayn, aad ayuu iyada u jeclaa, riyadiisa oo dhan ayey ahayd, iyaduse mid kale ayey ku riyoon jirtay waa kan jaqay dhiigeeda ee ka cararay markay tabar beeshay.
Iyada oo yaaban Uur yar oo sadex biloodna leh waysaynna meel ay u ciirsato ayey ka dul dhacday kii riyada ay u ahayd, wuu dareemi karay mar walba oo ay wax tabanayso, isaga oo xoogiisa sidaas ugu xamaasha ayuu hadana mar walba wixii uu u heli karo ugu deeqi jiray isaga oo raja ka qaba in maalin uun ay usoo rujuuci doonto.
Hadaba maalinta ma maantaa, Qalbi xalan ayey lahayd, dhibkeeda ayey u sheegatay, in ay uur leedahay kama qarin, wuxuu ugu bishaareeyey maadaama cunugan ay siddo cid sheeganaysaa aysan jirin in uu isagu aaba u noqonayo iyadana taa baddalkeeda uu ka doonayo in ay Oori u noqoto.
War maa yaala hee? si indha damuuqsi ah ayey ku tiri waan ogolahay, si ay u asturato ceebteeda, sidii ayuu hooyadeed ugu tagay uguna sheegay in uu isagu shabaqa goolka u taabsiyay gabdheeda, duqdii gabadha dhashay ismaba waalinee waxay ku tiri iga kaxayso.
Wuxuu codsaday muddo kordhin, iimaan ayuu lahaa, ma doonayn naag Uur leh oo dhow in uu guri gaysto, taa baddalkeeda wuxuu gartay markey dhosho in uu guri gaysto, sidii ayuu yeelay, markii ay dhashay umashana ay ka baxday inta shiikh soo watay igu meheri ahaa, kadibna nasliga ka sur ma ahoo? Abaay heelayda dhihi jirtay gaari gacanle allow aan hoos tagin, hadda xagee hoos jiiftaa?
Alle mahadii uurkeedi hore  waxay ku dhashay gabar isagana waxay u daadisay gabdho iyo wiilal kale.
Mar aan la kulmay labadooda oo wada jooga ayuu igu yiri “Maxamed waligaa ha raja dhigin inta Xidigaha, Qoraxda iyo Dayaxa ay kuu muuqdaan, taas macnaheeda waa in ay nolosha wali jirto oo dunida aan la rogin, sidaas darteed, waxaa jirta raja aad ku hagaajisan karto wixii kaa hallaabay.
Aniga xaaskayga waan ugu dulqaatay wax walba, xitaa waxaan ku aqbalay xaalad uusan ninna ku aqbali lahayn naagta uu doonayo in ay xaaskiisa noqoto in ay lahaato.
Mar walba raja ayaan qabay, ahayd in guushu xagayga noqon doonto, waana aragtaa waa aniga kan ay ku xasishay.
Mmusa

                                           10-Ahow qofka aad tahay.
Ma ahan in aad dhaqankaaga u baddasho si uusan ahayn adiga oo sambaatii ka diyaarsanaya qof hebel, taas macnaheeda waa in aad dooratay in aad ahaato qof aadan ahayn, mana sii ahaan kartid runtii.
Tusaala gaaban adiga oo Jiis ahayn jiis waa iska dhigi kartaa muddo kooban, balse masii wadi kartid.
Qofka doonaya in aad mar walba isaga dartiis isku baddasho, qofkaas ka lugee wax qiima ah oo noloshaada uu ku leeyahay ma jirto, qofka qaybta ku leh noloshaada ee la doonayo in aad xajisato waa qofka sida aad tahay kugu raba kuguna xushmeeya.
Mmusa

                                             11-Taariikhdaada Madow
Taariikhahaaga madow qaarkood waa kuwa dhaawac badan oo dib kuu ugaarsada, balse laba mid adiga ayaa u door leh, in aad wajahdo oo ka guulaysato iyo in aad ka cararto, waasa xaqiiq noloshaada ah oon la dafiri karayn.
Mmusa

12-Mahadnaqaaga

Mahadnaqaaga oo bataa mar walba oo aad waysaa waxa aad doonaysid ama heshaa waxay ka tarujmaysa qawinimada Iimaankaaga.
Inta badan ee aad u adkaysataa imtixaanka nolosha waa inta badan ee uu iimaankaagu sii xoogaysto.
Mmusa

W/Q: Mohamed Musa Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHEEKOOYIN