Dhaxal & Dhigaal:  Sheekh Xasan Barsame (1853 __1926) W/Q: Cabdalla Qasim Daamey.

Dhaxal & Dhigaal:  Sheekh Xasan Barsame (1853 __1926)
March 1924kii Sheekh Xasan Barsame Waxa uu Shir-weyne isugu Yeeray Salaadiintii Soomalida, Kolkaa oo ay Si Xamaasad leh Salaadiintu Gaashaanka ugu Daruureen U Hogaansanka Xaakimkii Talyaaniga Cesare Maria De Vecchi Kaasi oo October 1923kii Loosoo Magacaabay (The Governor of Italian Somaliland).
Gabagabadii Shirweynaha Waxa uu Sheekh Xasan Barsame U diray Xaakimkii Talyaaniga Dhigaal U Tibaaxnaa Sidatan:
“Waxa aan Ku Bilaabayaa Magaca Eebbe, Eebbaha Bixiya Naxariista Mid Guud Iyo Mid Gaar ahaaneed, Waxa aan Helay Warqaddaadi Waxa aan Si Wacan U Fahmay Qodobadeeda, Balse Waa in aad Ogsoonaato In Aynaan Aheyn Kuwa Adeecaya Amarkaaga, Iyo Kuwa Idinla Noqonaya Xulufo Toona. Dowladaadu Waxa ay leedahay Xeer Inaguna Waxa aynu leenahay Xeer kale, Xeerkanagu Waa Xeerka Eebbe iyo Rasuulkiisa Nabad Galyo Dushiisa ka Ahaatee.
Inagu Ma nihin Kuwa la  mid ah Dadyoowga kale, Ruux Inaga mid ah Weligiis Awood Gumeysi Looguma Talin… Mana ahan mid Laga Yaabo in ay Dhacdo, Haddii  aad Imaato Dhulkeena Si aad  Noola Gashid Dirir, Inagu Waxa aynu Idinkula Diriri Doonnaa  wax waliba oo Awood ah, Dunidu Waxa ay Ku Dhowdahay Gabagabo (Dhammaad), Ma Nihin kuwa Doonaya  in Ay kusii Nagaadaan Aduunyada, Waxa Aynu ka Door bideynaa Geerida Inaga oo Difaacaneynna Diinteena”
Sheekh Xasan Barsame Waxa uu Horkacayey Guutooyin Gaaraya 16,000 oo Buntuqleey ah Kuwaasi oo Kasoo Laabtay  Dagaaladii (Gumar Sheel) Ee 1905tii Lagu Jabiyey Gulufkii Xabashida ( Abbyssinia Empire) ee uu Horkacayey Xabashigii Ras Makonnen. Raacyadaasi Waxa ay ka koobnaayeen Beelihii  Deegaanka, Xertii Sheekh Ooyaaye, Xertii Sheekh Abuukar, iyo Cutubyadii Mustahil Sultanate Ee uu Hoggaaminayey Halgamaa Olol  Diini, Waxa ayna Xabashida kusoo Jebiyeen Gulufyadii Galo Korar, Bulo Burte, El Abdi iyo Yaaqle.
March 1924 kii Waxa ay Kumanyaal Askartii Talyaaniga ahi Soo Qaadeen Guluf xooggan Kaasi oo kasoo Kala Bixitimay Mogadiscio, Warsheikh iyo Jazeera. Yoolka Gulufka Gumeystuhu Waxa uu ahaa Hareereynta Inta U dhaxeysa Maxaas iyo Ceel Buur, Tan iyo Galbeedka Beledweyne, Tan iyo Leego, iyo Taytayleey.
Ka Gadaal Gulufkii Dhiigga badani Ku daatay ee ka dhacay Biyo Cadde, Waxa ay Talyaanigu  usii gudbeen oo ay Qabsadeen Ruun Nirgood iyo Wanlaweyn, Talyaanigu waxaa kale oo ay Hareereyeen Jowhar, Iyaga oo Gulufyo Aad Loogu go,ay la Galay Beelihii Deegaanka  Taytayleey.
Shiribka Hal-heyska U ahaa Dhiirra-Gelinta Halganka looga Hortegayo Gumeystaha Ayaa ahaa Sidatan:
Gaalo miyaa gaalo ka giiran,
Gaalo waa tii Gumar sheele*,
Gibilkeygaa is guraayee,
ii geeya gaalada yuubleyda.
*Gumaar Sheel: Waa Dirirtii Lagu Jebiyey Xabashida (Abyssinia Empire)
Talyaaniga oo si Ba,an loogu Jebiyey Gulufyadii Hiilweyne, Ceel dhere, iyo Hareerile, Ayaa Dib isugu soo Abaabulay Qaab Awood leh, Waxa ayna Guluf Ku Qaadeen Jilyaale Halkaasi  oo uu ka dhacay Dagaalkii ugu Awoodda iyo Khasaaraha Cuslaa, Talyaanigu waxa ay Gubeen Beeraha, Xoolaha iyaga oo Argoofay Nafla Waliba. Sheekh Xasan Barsame oo Ku Go,doomay Webiga Ayey Gacanta Ku dhigeen Gumeystuhu, sidoo kale Halgamaa Xuseen Dhaqane iyo Halgamaa Abiikar Gafle ayaa Iyana lagu qabtay Dirirtaasi oo Soo Afmeertay Halgankii Shekh Xasan Barsame.
1926kii Ayuu Sheekh Xasan Barsame Ku geeriyooday Xabsiga Mogadisho Isaga oo 73 jir ah, Halgamaa Xasan Barsame  oo 1853kii Ku dhashay Tuulada Ubaadi oo 68 KM Galbeed Qumman kaga beegan Magaalada Jowhar, Ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
W/Q: Cabdalla Qasim Daamey.

SHEEKOOYIN