Filan waa Q19AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q19AAD

Deeqa oon sidaa ugu faraxsanayn hadalka Maxamed, sidoo kalana tashuush aad u badan iyo dhacdo filanwaa ah la soo daristay, ayaa ku tiri: “Walaalo ukaadiya guri ha kiraynina ilaa amar dambe, aniga iga warsuga, hooyadaana sidaa ugu sheeg, haddana madaxa ayaa i xanuunaya ee macasalaama.

Walaalo hadalka badan wuu i dhibaya, aad ayaan ujeclahay inaan maqlo codkaaga, balse ilaa xalay waxyaabo aana filayn ayaa madax wareer igu iriday, wax dhiba ma jiraan  mida kale caawa  kulan dag daga ayaan kulmaynaa meeshaan kuugu iman lahaa iyo guri aan ku sheekaysan lahayn sii diyaaari oo hadhow isoo wac”.

Maxamed waayahay intuu yidhi ayuu Telefoonkii iska dhigay, isagoo yaaban intuu labistay ayuu xaafad dariskooda aaday, si uu wiil ay saaxiibo yihiin oo daganaa qol iskaabula furaha uga soo qaato, nasiib daro, wuxuu tagay isagoo maqan,wuxuu damcay  gurrigooda oo awalba iska cidhiidhi ahaa in uu keeno balse marti ayaa caawa usoo hoyatay, ka bacdi Deeqa ayuu wacay, wuxuuna usheegay in uuna hayn meel ay ku kulmaan, laakiin Telefoonka ay  kawada hadlidoonaan, waxaana lagu balamay 9:00 PM ee caawa.

Markii wakhtigii lagaaray ayay Deeqa wacday iyadoo codkeedo aad uliito, waxay usheegtay Maxamed in si fool ka fool sheekadu ku wanaagsanaan lahayd, balse taasi aanay dhicin, waxay tiri:

“Waxaa jira arrin kadisa oo ilaa shalay buuq badan igu abuurtay, waxaan doonayaa inaan bari Muqdisho aado, inshaa’alaah muddo afar todobaada ayaan ku maqnaan doona, waxaan rajaynayaa inaan dhaqso u soo laabto adna sidaa ula socoto.

Maxamed oo isna murugaysan ayaa wuxuu waydiiyay, waa maxay waxaa soo kordhay? maxaa isbadalay bal si aan wax ufahmo sharxaad kooban walaalo isii oo hadalka ii bayaami, kolay waan dareemayaa inay arrin culus ku haysata.

Deeqa iyadoo ooyaysa ayay Maxamed ku tiri: “Waad mahadsantay walaalo, wax dhiba ma jiraan, waa caadi, arrin yaroo kadisa iyo sheeko filanwaa ah oo xalay amba la iisheegay ayaa jirta, runtii madax xanuun iyo walwal badan ayay igu abuurtay, walaahay magaranayo qaab aan wax kuugu sharxo, waad ogatahay qofkii aan wax ku qarsanlahaa waa adiga, laakin waxaad ogaataa in jacaylkii inaga dhaxeeyay uu sidiisii yahay, wax isbadal ahna aanu ku dhacayn, dhibaadatada ila so odaristay waxaan ku hanwaynahay inaan durba xaliyo,  adigana waxaan kaa codsanayaa in ayna ku saamayn gacaliye, aad ayaan kuu jeclahay, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo”.

Waxay tiri: “SoOmalidu waxay ku maahmaahdaa qof geed kaa qariyay geerina udheer, ilaa maalintii aan ku bartay farxad badan ayaan helay, rajo iyo  yididiilo mustaqbal ayaad igu abuurtay, jacayl aana waligay qof uqaadin ayaan adiga kula wadaagay, sidaa darteed walaalo inaan noolasha qaybsano waxaan u ahay diyaar, midakale madaxa ayaa aad ixanuunayaa, bari subaxa hore ayaan  baxayaa oo Bas kalLahaya ayaan ku qornahay, inaan seexdo ayaan jeclaan lahaa haddi aad ii ogolaato, sidaa darteed xaaladDu waxay noqon ma ogi, ee aan  is cafino”.

Maxamed wuxuu ka codsaday inta ayna seexan bal inay sheekada wax uga iftiimiso si uu wax u fahmo, wuxuu yiri: “Walaalo sida ii muuqata xaalkaagu ma wanaagsano runtii waxaan jeclaan lahaa inaad wax iisheegto ee waxaan ku weydiiyay ma ninbaa lagu siiyay oo waad baxsanaysaa?

Deeqa iyadoo ilmaynaysa ayay Maxamed kutiri: “Maya may, isdaji gacaliye, marabo  murugada ihaysa inay adi ku saamayso, waxaan kaa doonayaa inaad ii oggolaato ood isugto muddada gaaban een Muqdisho ka soolabanayo, wax walba caadi ayay noqon doonaan, sheekada in halkan lagu furfuro kuma wanaagsano, anaa kaa jecel inaan wax walba kuu sharxo, balse waxaa lagayaaba inaad fahmiwaydo, sidaa darteed anigaa soo afjarayaa markaan imaadana sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u aqal galaynaa, haddana habeen wanaagsan, intaa ka badan mahadli karo, aad ayaan kuu jeclahay gacaliye farxad ku noolow, macasalaama.

W/ Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

SHEEKOOYIN