Hammi caashaq iyo hunga been ah Q19AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q10AAD

In badan ayuu Nuur dibanta ruugay, inuu maalin uun ka dan gaaro, quruxdeeda iyo kadabkeedana is dul saaro oo mugdi iyo meel madoow ku dhammeysto ayuu ku fikiri jiray, maanta ayay rajo usoo iftiintay oo Nasro ayaa ku wargelisay iney keenya ugu imaanayso una sheegtay inuu is diyaariyo. Markaasbuu farxad boodbooday hadalna ku soo gaabiyay, cawadeyda iyo calankayga, cawadeyda iyo calafkayga.

Si wayn ayuu u farxay, qalbigiisana farxad ayaa buux dhaafisay, waddadii guusha in uu haleelay ayuu iskugu sheekeeyay, dhinaca kale waxa uu ka fikiray halka uu Nasro dajin doono, nabdiga ayuu iska yiri: Waadigii gabdha u sheegtay inaad tahay gacnacsada e, amay ayada oo gacan maran waddanka timaadaa oo ceebi dushaada fuushaa, nimcadaasina ku dhaaftaa oo aad meel cidla ah soo rorogsataa.

Isagoo weli arrinkaa ka werwersan ayaa waa naf shaydaan hor baadayee waxaa ku soo dhacay, haddayba ayada oo gacan maran timaado, maad qolkii yaraa ee aad degganeyd gaysid halkaasna habeenno ku haysatid,  ileyn dumar beenbaa lagu soo xera geliyaa runa waa lagu dhaqaaye, kolkay intaasi ku soo dhacday ayuu dhoola caddeeyay ilaa gantiisii jabneed laga arkay, asaga oo is leh ku dhaqaaq, ayuu is tusay in uusan hayn wax uu ku quudiyo haddii uu qolkiisa seddexda mitir(meter) nasro keeno.

Kor iyo hoos buu fiiriyay waana is ceebsaday isna canaantay, kama welwelaayo inuu gabar gurigii  ninkaada joogtay ka soo bixiyay oo iney Nasro xaastahay maba ka warqabo, ee waxa uu ka welwelayaa inuu keeni waayay tab uu Nasro kula raaxaysto maalmo yar, asaga oo xaaladdaas cakiran ku jira, ayaa waxaa qalbigiisa kusoo dhacay inuu Nasro yiraahdo magaalada Nayroobi(Nairobi) waan ka maqanahay oo waxaa howlo shaqo u aaday, banbaasa(Mombasa)  ee markaad timaado hoteel(hotel) sii i jaaro waxaan ku soo dirayaa Tagsi(taxi)hoteellada fiican yaqaana e.

Fikirkaasi waxa uu  ula muuqday mid wanaagsan oo miro dhal ah, haddii uu suura galana, uu Nasro wax walba uga heli karo, rogrogid badan kaddib, go’aan ayuu  gaaray, Nasro ayuuna wacay waxa uuna hadal kaga bilaabay: qaali horta maanta farxad iimma dhimmana, oo adaa ii dhammeeyay, ma hayo erayo aan farxadayda ku cabiro, cid aan ka daynsado haddii aan meel ku ogaan lahaa waan ka daysanlahaa, duul gada hadday jiraana waan  ka iibsan lahaa, lacag walbana  waan u huri lahaa, si aan dareenkayga u cabiro, in badan Ayaan  qalbiga ku hayay inaad maalin uun ii imaan doonto, oo aan is arko doono quruxdaadana aan ku indho doogsan doono, webbiyada jaceylkana aan ku wada dabaalan doono, taasina waa ii suura gashay ee  gacaliso goormaad soo baxaysaa?

Nasro ayada oo faraxsan qalbigana iska leh meel lagaa jecel yahay ayaad u socotaa ayay tiri: gacaliyahay giiyow  soomaalidu waxay ku maah-maahdaa:sabraa sedkiisa ma waayo in badan ayaad ii samirtay, gaddaad sugaysana maanta ayay kuu soo gashay, faraxadana waan kula qabaa oo  intaad faraxsantahay in ka badan oo ka ballaaran Ayaan faraxsanahay, farxadaada iyo qanacsanaantaada  Ayaan ka shaqayn doonaa  inta aan noolahay, waxaanan soo baxaya berri tikidkii(ticked) diyaaraduna waa ii jaran yahay dal ku galna la iigama baahna oo waxaan wataa Basaboor(passport)  jabuutiyaan sidaa darted dal-ku-galka(visaha) waxaan ka qaadanayaa gagida diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport, marka beri ii diyaar ahow.

Nuur ganey oo iska dhigaaya nin arrintu degdeg ku noqotay ayaa yiri: qaali waa caadi oo diyaar baan ku ahay, wallow safarkaagu hoosta iga soo galay, mar walba diyaar buuxa Ayaan kuu ahay, laakiin Nayroobi waan ka maqanahay waxaan shaqo u tegay maggaalo xeebeedka  Banbaaso (Mombasa)waxaanan ka imaanayaa seddex berri kaddib ee waxaad samaysaa hotel deg waxaan kuu soo dirayaa tagsi  hoteel fiican ku keenaye.

Nasro inta qososhay ayay ugu jawaabtay: Gacaliye dhib kuma jiro, Laakiin waxaa fiicneed inaan  Mombaasa kula joogo, maggaaladaas waa magaalo dalxiis ayaan maqlay ana dalxiiska Ayaan aad u jeclahay, sidaa darteed waxaan rajaynayaa inaad mar ii wadi doonto oo inoo damaashaad geyn doontid, halkaas aan in badan tegideeda qalbiga Ayaan ku haayay, berrina safar baan soo ahay ninka tagsiga igala  ballan, una sheeg in uu hoteel fiican i geeyo, anigga ayaa iska bixinaaya wixii  qarash ahe.

Nasro waxay qalbiga ku haysaa in Nuur Ganey dalxiis gayn doono, albaabada faraxada iyo rayrayntana uu u furi doono, waxay kaloo is leedahay baadidii kaa maqneed maanta ayaad heshay, baadidaasi waa farxad Nuur u sheegay in uu asagu sameeyo.

Nuur kolkay Nasro howraarsan tiri qaad uu cunaayay ayuu sifiican u raamsaday, dhowr xabbo oo sigaarana waa shitay, dirin ama Sali  wasaqaysneyd ee uu ku fadhiyana waa ka istaagay, inuu duulana waa damcay, marqaankiibaa u saxmay, waxa uuna isku arkay boqor, asaga oo qoslaayana wuxuu yiri:dumar ugu fil rooney  sidaasbaan isku ognahay, tagsina (Taxi) waan ku soo dirayaa Numbarkiisana aniga Ayaa ku soo siinaaya, si markaad timaado aad u wacdo.

Nuur saaxiibadiis ayaa maanta la fajacsan waa arkeen in maanta darbi u jabay, markaasbay si kaftana u waydiiyeen waxa uu galabta helay iyo jeebka uu gacanta u dirsadayba, waydiimahooda iskuma mashquuline waxa uu  jawaab uga dhigay meeshu waa magaale hala kala danaysto, Nasri gurigeedii ka soo hangagaartey, dal iyo dad aysan aqoona waa soo aaday, isma aysan weydiin waxay kala kulmi doonto, waxay u hoggaansantey hawadeeda iyo hiyigeeda beenta u horkacay, waxaase waa samaad u baryey Nuur oo dabinkii uu la raadinayey ay maanta ugu soo dhacday.

La soco qaybaha kale…

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN