Filan waa Q20AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q20AAD 

Sheekada in halkan lagu furfuro kuma wanaagsano, anaa kaa jecel inaan wax walba kuu sharxo, balse waxaan ka baqayaa inaad fahmi waydo, sidaa darteed anigaa soo afjarayaa markaan imaadana sida ugu dhaqsiyaha badan ayaan u aqal galaynaa, haddana habeen wanaagsan, intaa ka badan mahadli karo, aad ayaan kuu jeclahay gacaliye farxad ku noolow, macasalaama.

Waayahay habeen wanaagsan intuu Maxamed yidhi ayuu usii raaciyay ana sidoo kale aad ayaan kuu jeclahay.

Deeqa oo jahwareer iyo walwal adduun ku habsadeen isla markaana xumad saa’ida dareemaysa ayaa iyadoo daal iyo rafaad ka muuqdo sariirteedii ku dul dhacday, halkaasayna Deeqa mowjado iyo hirar waawayn oo aan ciirsi lahayn badhtanka ugu dhacday!!!.

Maxamed habeenkii odhan indho iskuma gayn, hadba wuxuu qaadaa dhigayay arrinta caawa soo korodhay, dhinacyo badan ayuu wax ka eegay, balse mar hadduuna xaqiiq iyo xog sugan hayn mala awaal waxba ugu mataalo, markuu waagu baryay ayuu Tefoonkii guriga Deeqiyo ku jiray ka wacay, balse waxaa loo sheegay inay Deeqa Xamar aaday.

Jawi murugo iyo waxaa la galay marxalad qalafsan, farxadii iyo qosolkii faraha badnaa daaqada ayay kabaxeen, waxaa maxamed wehel u noqoday fikir iyo dhabanahays, sidoo kale meel uu wax ka bilaabo iyo si uu wax yeelo midna ma jirto, wuxuu iska dhaadhiciyay inuu Muqdisho uga dabatago, haddana wuxuu garwaaqsaday arrin meesha ku jirta oo ah in uunu aqoon meel uu ugu hagaago  lambar uu kalaa hadlana aanu hayn, gabagabadii wuxuu go’aansaday talana ku soo gunaanaday inuu kawarsugo Deeqa imaanshayaheeda.

Toddobaad muddo laga joogo oo war iyo wacaal toona aanay jirin, isla markaana Maxamed arrintan filanwaaga ay si weyn usaamaysay lagana dareemayo aamusnaan iyo fikir badan, ayaa hooyadii waydiisay halka ay wax u marayaan.

Maxamed wuxuu hooyadii usheegay in arrinyaroo kadisa ay soo koradhay oo xaga Deeqa ah, isla markaana safar dag daga ay Muqdisho ku aaday ilaa muddo toddobaada oo ay ku maqantahay, sida aan isku ogayn toban bari kaddib waxaan rajaynayaa inay soo laabato, markaa wixii ka dambeeya waxaan ku balansanahay in howsha la guda galidoono.

Hooyadii oo faraxsan ayaa la soo booday oo hooyo maxaynu sugaynaa, haday arrintu caynkaa tahay, maynu guri sii diyaarino oo howsha sii guda galno, ma waxaad doonaysaa inay hadhow wax walba kadis inagu noqdaan oo arrintu inaga fashilanto, toban bari waa muddo gaaban,

Maxamed oo walaac badani ka muuqdo ayaa hooyadii ku yiri: “maya hooyo ukaadi, waxaa jira arrin aniga iyo gabadha noo gaara, marka ay timaado ayaan wax walba dhammaysan doona, waxba naga xumaan maayaan waan dareemaya in howshu culus tahay, laakin qorshayaal badan ayaa jira, waxaa ila haboon inaan ka dhursugno inta ay ka soo laabanayso Deeqa” sidaa ayaana laysku afgartay.

Wiilal qolka ay wada seexan jireen Maxamed, ayaa karaystay Telfoonkii habeenka oo dhan lagu hadli jiray iyo qosalkii iyo qayladii faraha badnayd, Maxamed laftiisu nasasho  badan ayuu helay, dhallinyarada xaafada ayuu iskala sheekaystaa fiid horona wuu seexdaa.

Si walba ha ahaatee wakhtigu wuxuu is guraba waxaa soo dhawaaday xiligi lagu ballamay, afartii toddobaad ee laysku ogaa maanta ayay ku eegtahay, wax wara ilaa iyo hadda lama hayo,  culays badan, walwal iyo shaki ayaa jira, laakin maxamed wuxuu ku niyadsanyahay inay imaanayso caawa ama bari, wuxuu iska dhaadhiciyay inay u badantahay gaadhigi ay soo raacday dib dhacay ama ciladoobay intii ay jidka ku soojireen, bari saadanbe ilaa saakuun la saadaaliyo, hooyadii oo u dhag taagaysa inay maqasho gabadha imaashaheeda ayaan ilaa imika wax akhbaari soo gaadhin.

Intii xaalku taagnaa way imaani iyo ma imaanayso, waxaa muddadii laga dhursagayey gaartay labaatan maalmood oo kale, dib udhac aan qarsoonayn ayaa muuqda, dad badan oo ka rajaqabay oo aaminsana hadalka Maxamed ayaa iminka ka niyad jabay.

Maxamed mar walba wuxuu isku calool adkaysiiyaa inay imaanayso, wuxuu yiri: “dabcan waxaa laga yaabaa in arrintii ay Muqdisho utagtay ay ku daba dheeraatay, laakin waxaa shaki la’aana inay maalmaha soo socda la filaayo inay timaado.

Kaddib Maxamed wuxuu go’aansaday bal inuu raadiyo Deeqa meel uu kala xidhiidho iyo cid taqaana oo uu xaaladeeda ka waraysto, balse caqabada uwayn ee hortaala ayaa waxay tahay mayaqaano guriga Deeqa halka uu kaga yaalo magaalada, gaar ahaan xaafada Nuur xawaad, Laba jeer oo ay kulmeen mid walba guri gabdho ay saaxiibo yihiin ayay isku arkeen,

Xaaladdu way sii adkaatay Shan bilood iyo maalmo ayay kor udhaaftay safarkii Deeqa ay ku aaday Magaalada Muqdisho,, saadaal iyo Samir labada quus ayay qarka u saaranyihiin, xili galab ah oo Maxamed  guriga joogo ayaa waxaa soo wacday qof dumara , salaan kadib waxay usheegtay inay ay gabadhii ay isjeclaayeen  ee Deeqa la odhan jiray ay umushay isla markaana ay dhashay wiil.

W/Q: yaasiin xasan muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN