Hammi caashaq iyo hunga been ah Q20AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q20AAd.

Nuur isla markiiba waxa uu wacay nin saaxiib kiis ah oo tagsiile ahaa, waxa uuna ku wargeliyay in uu berri arrin culus uga baahan yahay, sidaa darteed waxa uu ka codsaday, in uu sida ugu dhaqsaha  badan  ugu yimaado, saaxiibkiis Mowliid Indho -qarsho kama diidine, durbadiiba waa u yimid.

Mowliid kolkuu usoo galayba waa dareemay in uu maanta Nuur qorshe fiican hayo, wijigiisa farxada ka muuqata ayuu wax walba ka akhristay mowliid,   waxa uuna ku kuna yiri: Ar heedhe maanta maxaad ii haysaa? Waa adigan isoo dalbadaye, nin wijiyo badan in aad tahay waan kula socdaa, in aad qorsha yaal badan tahayna waan ku ogahaye.

Nuur inta qosol beenaalishiisi qac ka siiyay ayuu yiri: Adduun waynaha cid i fahmaysa  adiga uun baan ka ogahaye, ee  bannaanka noo bixi horta, marfashkaana naga saar.

Bannaanka ayaa lays kula baxay, Nuur waxa uu saaxiib kiis uga warramay arrinta Nasra,  waxa uu u dulmaray sidii ay isku barteen, sida ay u jeceshahay iyo weliba in ay dartiis uga soo tagayso dadkeedii iyo deegaankeediiba, si taas la mid ah waxa uu u sheegay in uu rabo in uu dhowr cisho magaalada ku joogo maal ay wadato sida uu filaayo, wax uuna u sarbeebay in uu uga baahan yahay caawimaad, sidoo kale wax uu dareensiiyay in uu mowliid yahay saaxiibka uu ku sir-qarsado.

Barnaamij oo ka damacsan yahay, marka ay Nasro timaado oo dhan ayuu uga dhacay saaxiibkiis.

Judhiiba waxaa hadalka ka qaatay oo ka boobay asaga oo yaabban Mowliid kuna yiri: walaal gabadhu miyaysan ogayn in aad halkaan ku dhibaataysan tahay, oo aadan waxba hayn? siday kuugu suura gashay in aad gabadha ku abuurto jaceylka ku kalifay iney ka soo haajirto, qoyskeedii adigana kuu timaado?

Nuur inta saaxiibkiis garabka jug ka siiyaay ayuu ku yiri:Saaxiib ninba xeeladiisa ayuu ku meel maraaye, adigu ma i caawi kartaa oo laba shaqo ma ii qaban kartaa?

Mowliid ayaa ugu jawaabay saaxiib garabkaaga Ayaan taaganahay  ee maxaan sameeyaa oo aad ii diraysaa ama aad iga dalbanaysaaba?

Saaxiib beri saacaddu marka ay tahay 11:30  waxaad tagaysaa  Jomo Kenyatta International Airport waxaadna ka soo qaadaysaa, Nasro, waxaadna keenaysaa hoteellada xaafaddaan Islii ku yaala mid aan sharci la i waydiinayn, marka aan gaalaayo, haddii ay Nasro i kaa waydiiso waxaad u sheegaysaa in aan shaqo  ku maqanahay, markaad hoteelka aad keento wax lacag ah ma waydiinaysid.

Haddii ay ku siisana haka qaadan kuna dheh: Walaal waad mahadsan tahay, wixii lacag ah ganacsadaha ayaan ka wada hadlaynaa, si fiicana ogala hadal nimanka hoteelka jooga,  waxaad kaloo samaysaa markaad keento hoteelka nambar(number) u jar, ayada ayaa sharci wadata e, una sheeg in aan berri danbe imaanaayo.

Mowliid arrinkaa waa aqblay  asaga oo qadarinaaya codsiga kaga yimid saaxiibkiis, waxa uuna ku yiri:Saaxiib intaan iyo in ka badanba waan kuu samaynayaa waxaad tahay nin aan saaxiibo nahay oo aan ixtiraam badan u hayo.

Nuur faraxad ayuu ku soo dhoweeyaya aqbaladaas waana la kala tegay, ayada oo la wada faraxsan yahay, weliba Nuur qorshihiisiibaa u hirgalay, sidaa darteed farxadiisu  waxay gaartay mid aan ciddina mugeeda xisaabin karin, waa ugaarsade dabinkiisa biciid usoo galay oo isaga iyo baahi habeenkaas kala tageen ama aan iraahde bahal gaajeysnaa oo helay baadi xoolaad oo cid ka ceshataa aysan jirin, nayaayir iyo raynrayn ayuu la joogi la’yahay, wuxuu kale oo isugu bogayaa sida uu u dejiyey dhagarta iyo shirqoolka Nasra ee ay haddana isugu toostay.

Saacadihiibaa  midba mid sagootisay, waxaana la garay waqtigii uu Mowliid tagi lahaa gagida diyaaradaha, gaarigiisiibuu shidaal ku shubtay, dhanka(Airport)ka ayuuna u dhaqaaqay, waxa uuna si dhaqse ah ku gaaray   gagida diyaaradaha,  isla markiiba   waxaa soo wacday Nasra oo markaas ayaduna soo dhammaystay, shuruudihii qofka socdaalka ah looga baahnaa dalku galkiina basaboorka   loogu soo dhuftay,   waa faraxsan tahay kolkuu mowliid talefoonka qabtayna waxa ay tiri: Walaal mowliid waa Nasro e, ma joogtaa?

Mowliid:Walaal waan joogaa ee bannaanka usoo bax.

Nasra: Haye walaal   waxaan xiranahay dhar madmadoobe,  haddaad dusha iga aragto ii yeer.

Waa lays helay waxaana loo soo dhaqaajiyaay dhanka magaaladu ka xigtay iyo xaafadii Islii, Nasro waxa ay ku faraxsan tahay in ay maanta joogto Nayroobi (Nairobi) oo ay in badan ku taamaysay in ay timaado, waxa ay la indho sarcaadsantahay saraha dhaadheer ee quruxda badan, iyo waddooyinka sida casriga ah loo dhisay,

Mowliid asagu waxa uu la yaaban yahaya quruxda gabadha uu gaariga ku wado ee ninka uu u wado heerka uu nolol iyo sumcadba ka joogo,waxa uu niyada is leeyahay tani Nuur uma qalanta e, amaad adigu isku tijaabisaa, maya e amaad Nuur wadaagtaan oo aad shirko ku noqtaan, sidaas ha samayn ee marka uu nuur iska fasaxo adigu ku danbee ayuu  talankiisa ku soo gebagebeeyey,  Nasri waxay gashay  Af libaax waxaana isu bahaystay in alle intii ku heshiiska ahayd dhagarta iyo dhaqan bi’iska haweenka.

Asaga oo iska aamusan ayay Nasro ku tiri: Mowliid walaal kumaba warraysan oo waan daalanaaye ii warran?

Inta qosol jabaqdiisu gaaban tahay dhag ka siiyay ayuu yiri: Dhib maleh walaashay waan dareemaayay, in aad daalan tahay ee adigu iska warran? Anigu aad baan             ladanahaye.

Nasro; walaal anna sidoo kale, waan ladanahay, waana aad ku mahadsantahay sida wacan ee aad isoo dhowaysay!

Mowliid: walaal tani soo dhoweyn kuu qalanta ma ahan waxay ahayd in aan ubax cas waddooyin kuu dhigno,  balse dhib maleh haddaba waa laysla joogaa.

Nasro waa qof furfuraan u dhalatay, mowliidna waaba tagsiile oo in uu dumarka ka hadashiiyo waa shaqdiisa.

In badan ayaa lays warraystay  Hargayso ayuu in badan wax ka waydiiyay, ayaduna in ay wanaagsaneyd ayay ugu soo koobtay,Mowliid furfurnaata gabadha iyo quruxdeeda ayuu la fajacsan yahay,  dabacsanaan iyo habednimada ka muuqata  ayaa hayi kicisay oo filin riyo ah u shiday, mana rabo in uu khiyaamo saaxiibkiis sidaa darteed candhuuftiisii ayuu dib u liqay.

Waxaa la soo gaaray hoteelkii uu rabay in uu Nasro dejiyo, qol fiican ayuu u dalbay oo labo nafar ah, dhammaan ballamadii saaxiibkiis kolkii uu fuliyaayna waa ka tegay Nasro oo kaligeed hoteelka joogta, waxa uuna u sheegay in saaxiibkiis Nuur beri iman doono inta ka horraysa haddii ay magaalada wax uga baahatan uu asaga diyaar u yahay.

 

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

………………………………………………

 

SHEEKOOYIN