Filan waa Q21AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q21AAD 

Xilli galabnimo ah Maxamed  oo gurigooda joogo oo koob shaaha oo casariya cabaya ayaa waxaa soo wacday qof dumara , salaan kaddib waxay u sheegtay inay ay gabadhii ay is jeclaayeen  ee Deeqa la odhan jiray ay umushay, islamarkaana ay dhashay wiil.

Maxamed intuu qoslay ayuu Telefoonki ku damiyay,  kaddib  wuxuu aaday gurigii ugu horreeyay ee ay ku kulmayn isaga iyo Deeqa barashadoodi koowaad, bal si uu wax akhbaara uga helo xaaladda ay ku sugantahay iyo halka ay hadda ku nooshahay, qof dumara oo guriga joogtay ayuu warraystay, nasiib daro waxay usheegtay in ayna aqoon, sababtoo ah waxay tidhi xaafaddaba waan ku cusubahay oo toddobaad kahor ayaan soo dagnay.

Haddana guri kale oo ay habeen ku kulmeen ayuu ujihaystay, wiil dhallinyaro oo barxada aqalka fadhiyay ayuu waydiiyay bal inuu yaqaano iyo in kale, Gabadh ceynkaas iyo ceynkaas ah oo magaceeda layidhaahdo Deeq oo dagan xaafaddahan?  Wiilkii maya ayuu ugu jawaabay, isagoo la kaftamaya ayuu ku yiri: “Ma telEfoon baad iska barateen?  Waan kuu jeedaa inaad haboowsantahaye, mise dhoocilaha guriga jooga ayaa been kuu sheegay oo magaca Deeqa la baxay”.

Maxamed wuu iska soo laabtay isagoo aad u niyad jabsan, mar walba Telefoonka Guriga Deeqa uu ka waco waxaana loo sheega inay Xamar jirto, haddi uu waydiiyo goormay imaan doonta manaqaano ayaa loogu jawaaba, faahfaahin intaa ka badan ma hayo, xaaladiisiina quus ayay ku dhawaatay.

Bishii lixaad xili la joogo oo dhammaan hooyadi iyo dad kaloo danaynayay arooska maxamed ay ka raja dhigeen, ayaa wakhti casara waxaa soo wacday Deeqa.

Salaan kaddib waxay u sheegtay inay hadda gaadhi ka soo dagtay, xaaladeeda caafimaadna ay aad u wanaagsantahay, arrintii ay Xamar u tagtayna inay soo xalisay si guul ahna ugu soo dhammaatay, xog waraysi iyo xiiso jacayl oo saacaddo la wada qoslaayay, waxay ku balameen inay habeen dambe is arkaan caawana telefoonka ka wada sheekaystaan.

Maxamed intuu orday ayuu hooyadii ugu hambalyeeyay imaanshiyaha Deeqa, wuxu yiri: “Waan ogaa waligayna waan aaminsana inay imaanayso, dad badan ayaa ka shakisnaa arrintan inay sidaa ku abaado, laakin kalsoonida iyo jacaylka naga dhaxeeya ayaa ka waynaa, marnaba kuma fikirin Deeqa inay I khayaanto, waan dareemayay idam Alleh inay sidan noqon doonto, wax walba waa nasiib,  ilaahay ayaa mahada iska leh imikana gabagabagabadii weeyaan,  hooyo habeen dambe ayaan kuu sheegi doona wax walba, barina gurigii soo kiree, haddana howsha waad u fasaxantahay, qaraabadana sidaa ugu sheeg”.

Deeqo, maxamed waxay usheegtay inay howshii ay Muqdisho u aaday ay ku daba dheeraatay, taaso ku noqotay laf dhuun gashay,waxay tiri: “wakhti ayay igu qaadatay inaan durba soo afjaro, mida kale waxay intaa uraacisay  arrinkale oona filanayn inay Muqdisho ku qabsaday, waxay tiri: “oday adeerkay ah ayaa xabbad wiifta ahi ku dhacday, kaddibna dhaawac u geeriyooday, muddo laba todobaada iyo wax la jira tacsi ayaan ku mashquulsanaa, sidoo kale qaraabo iyo ehel mar hore iigu dambeeysay oon u xiiso qabay booqashadoodii ayaa wakhti igu qaadatay”.

Balse waxay tiri: “wax walba dhankayga waa ka diyaar” waliba waxay uraacisay in ayna danaynayn ama xiiso uqabin aroos qarash iyo hanti badani ku baxaan, waxay ku celcelisay

muhiimadu waa inaan midowno oon nolasha wada qaybsano, jacayl horle oo aad umacaan ayay umuujisay.

Maxamed, ilaa hadda ma waydiin Deeqa arrinta dhibka iyo dhakafaarka ku abuurtay ee kaliftay inay Muqdisho dagdaga ugu baxdo, sababtoo ah taasi wax walwal kuma hayso hadda, haddiiba ay soo xalisayna kaba sii wanaagsan.

Fiidkii ayuu telefoonka ka wacay, kaddibna si fiican ayay u wada sheekaystayn, inkastoo hadalkoodu u badnaa sidii howsha aroosku u dhici lahayd, aad ayaa laysugu xiisay sababtoo ah muddo  dheer  ayaa lakala maqnaa.

Maxamed iyo Deeqa awal barashadoodi hore si kadisa ayay ku bilaabatay, waxaana dhaxmaray jacayl qotodheer, mana jirin wax dhaafsiisan magaca guud, dabcan waxay ahaayeen dhallin magaalo oo waxyaabaha qaar ceeb ayay lahayd, sidaasi darteed waxay mudnaanta koobaad siiyeen jacaylkooda, taasina waxay keentay fashil, kaddib markii ay Deeqa Muqdisho aaday Maxamed waxaa ku adkaatay inuu helo meel ama cid taqaana Deeqa oo xaaladeeda ka warreysto, sababtoo ah awal lagama baaraandagin in wax yaabahan oo kale  dhici karaan.

Dagdaga iyo hubsiino la’aanta Maxamed waxay horseeday inuu dhibaato badan iyo ceeb kala kulmay waalidkii iyo walaalihii, iyagoo ku eedayay in uuna aqoon durugsan u lahayn qofka uu sida xad dhaafka u jecelyahay! Sidaa darteed isagoo arrimahaas maanka ku haya ayuu Deeqa si sarbeeba u weydiiyay su’aalo dhowra oo ku saabsan Deeqa laf ahaanteeda iyo qoyska ay ka dhalatay.

W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

 

 

SHEEKOOYIN