Hammi caashaq iyo hunga been ah Q21AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been ah Q21aad.

Waxaa la soo gaaray hoteelkii uu rabay in uu Nasro dejiyo, qol fiican ayuu u dalbay oo labo nafar ah, dhammaan ballamadii saaxiibkiis kolkii uu fuliyayna waa ka tegay Nasro oo kaligeed hoteel-ka joogta, waxa uuna u sheegay in saaxiibkiis Nuur berri iman doono inta ka horraysa, haddii ay magaalada wax uga baahatana uu asagu diyaar u yahay.

Mowliid waxa uu gaarigiisii u jiheeyay, dhanka uu ka xigay guriga Nuur Ganey waxa uu Nuur u sidaa war farxad leh, oo ku saabsan Nasra, waxaa qalbigiisa holcinaaya  shacnigii uu gabadha ku soo arkay, dhexda ayuu iskula sii tallamayaa habka  uga habboon ama ugu wanaagsan, ee uu  uga  warrami lahaa Nuur  waxa uu soo arkay, ayuu isku sii aad aadsaday, siina diyaarsaday, waxa uuna gaaray  hoygii Nuur, albaabka ayuu garaacay, waxaa ka furay Nuur oo ka warsugaayay Mowliid raagsadayna.

Nuur saakay ma qayil doonan, ee waxa uu iska dhaqaayay ama iska mayraayayba  uskag ama wasaq dushiisa ku raagtay, waxa uu isku diyaarinayay Nasra, weji cusub oo yara nuuraaya in uu la hortago ayuu doonaayaa gacalisadiisa cusub si aysan daruuftiisa u dareemin,  kolkii Mowliid u yimidna  waxa uu hadal kaga bilaabay: saaxiib qoftii ma keentay?

Mowliid: haa saaxiib waan keenay waxaanan dejiyay MAASH HOTEL, waxaanan kuu sidaa war farxad leh ee iga gudoon!

Nuur: Haye soo daa warka farxada leh ee aad ii wado khayr sheege?

Mowliid: Waxaan maanta guri kuu soo geliyay, gabar aan is iri xuurul caynti la sheegayey oo Ifka timidbaa? Jooga, Jaaha, Jamaalka ilaahay siduu isugu jaangooyey maaha wax laga sheekayn karo, waxaa kaaga daran dabci furnaanta iyo qalbiga wanaagsa, alla hakuu calfo saaxiib anigu shaqadii aad ii dirtayna waan soo dhammaystiray.

Nuur: Ka warran qofta ma tahay nuucaygii? Kolay dumarka nuuca aan jeclahay ama aan ka helo waad taqaanaaye, marka uu sidaa leeyahay wuxuu rabaa inuu sii hubsado waayo? Nuur horay uma arkin Nasro, kaliya muuqaalo ay iska soo duubto ayuu arki jiray, kalsooni badana kuma qabin muqaaladaas.

Mowliid: Gabartu waa gabar quruxda Eebbe wayne qaybiyo, qayb ku filan ka qaadatay, dhan kastaba mid ka dhammaystirin bay iila muuqatay, waa gabar  bilan oo billicsan.

Mawliid oo qalbigiisa ka sheekaynaya waxyaabaha uu arky isaga laftiisana la saaqay ayaa yiri: Gabadhu cad la tuuro ama la diido kuma oollin, waxaa ila quman ama ila haboonba  in aad adigu ka sheekayso, markaad dhowr cisho u fiir fiirsato.

Qaabkani waa qaabka waraabayaasha ku mamay dhagarta habluhu isugu dhiirigeliyaan dhibka iyo dhiilaynta hablaha yaryar, wuu ogyahay Mawliid inuusan ahayn Nuur nin samaan iyo wanaag la raba Nasra, wuuna ogyahay inay dabin iyo dalow ku dhacday ay adagtahay sida ay uga baxdaa, waxbase kama gelin, waayo wuxuuba cadaawe u yaqaan haweenka oo uu arka in laga cad goosto, la bahdilo lana baa’bi iyo noloshooda.

Nuur: Saaxiib waa sidaan rabay, intaas aad sheegtaba anaa ku doortaye, waad mahadsantahay abaalkaada ma gudi karo, waxaad ii buuxisay boos uusan jirin ruux ii buuxi kara, waxaan hubaa in aanan helayn, saaxiib sidaada oo kale ii garab taagan.

Mowliid: Intaas iyo in ka badan ayaad mudantahaye,  ee saaxiib halka aad gabartaan nimcaysan ka keentay maad ana mid iiga keentid?

Mowliid waxa uu Nuur u sarbeebay, in uu ka helay xabbadaan dabinka ugu soo dhacday Nuur ee lagu soo tabcay laguna tiir belay quruxda iyo qaab dhismeeda Jalanqadan ka muuqda waa mid ay u dhalatay iyo mid loo dhaqaaleeyey, dhanka kale waxa uu u muujiyay in gabadhu tahay lama dhaafaan cid kastaahi ka heli karto.

Nuur: Nin yahow malaha naagtu waa ku gashay oo qalbigaaga ayay faydatay, oo ma sidaas  oo dhanbay u qurux badan tahay? Maba moodayne,  Lama waynaayo tan oo kale, boqolaal ka qurxoon baan kuu hayaa, ee iga soo ag dhawoow, anigu dumarka Ayaan daajiyaa sida arriga e.

Mowliid: Saaxiib dumaashiday waxba ka raadin maaya e, hungurina igama geline, haddaanse anigu adiga ahaan lahaa,  muddo gaaban kama dhigteen muddo dheer ayaan la qaadan lahaa, Markaan Mowliid wuxuu u muujinayaa in ay tahay gabadhu mid aan ku fiicnayn in lagu dheelo eek u fiican in la dhaqdo, wuuse ogyahay qofka uu la hadlayo oo Nuur ah, ineysan taasi ka suuroobeyn.

Nuur taladaas dheg jalaq uma siin, mana u dhedhemin, balse waxa uu iska dhigay nin qaadanaaya, waxa uuna ku yiri saaxiib kiis: Saaxiib lama aamino duulka haddiise ay iga kasbato oo ay noqoto mid u qalanta sida aad sheegayso waa la qarameyn doona.

Mowliid waxa uu naawilayaa in ninka gabdhaasi u timid asagu noqdo, mase noqon, qalbiga ayaa gubaanaaya, waa ogyahay in uusan Nuur gabdhaan hayn doonin,falalka uu la damacsan yahay oo dhana waa ka dheregsan yahay, asaga oo niyad jabsan ayuu u sheegay in uu rabbo in uu baxo, dhanka kale waxa uu u sheegay kokuu sii baxaayay, qolka  Nasro degan tahay Lamberkiisa.

Nuur farxad baa saaqday sidii ilmo yar ayuu u obsiyey oo waalidkii hadyad uu filanayn u keenay, kaddibna la bood boodayaa, waxa uu qorsheeyay  tallaabo kasta ee uu qaadi doono, waxaa uu niyada ku hayaa sida uu Nasra uga faa’iidaysan doono, nafteedana uga hirqan doono, isagoo isaga dhigaya mid jecel oo wanaageeda wada, waa nin ku xeeldheer sabaalinta iyo subasalaaxa haweenka sida siriqda loogu dhigo, wuxuu u musuusuqayaa sida dhurwaa arkay neef baadi ah oo aan cid ilaashaynaa joogin, dhiigiisa iyo hilibkiisuna u hilaacayo oo qosol iyo qaylo isku daray.

Nuur wuxuu durtaba galay tabaabulsho iyo  in uu isku diyaarinayaa  qaabkuu ula kulmi ahaa boqorada hoygeedi iyo halkay ku nooleyd uga soo haajirtey, wuxuu yiri waa inaan suuqa aado, kana soo iibsado dhar dhaldhalaaya oo  aan ku labisto ileyn ganacsade ayaan u sheegaye, anigoo calaladan sita ma hortegi karee. Nuur wuxuu been iyo waxaan jirin iyo xanuuno u sheegay gabar adeerkii dhalay si ay lacag ugu soo dirto, isla markaas ayaana la soo wacay oo loo sheegay in lacag loo hayo, ma oga tiradeeda, waase lacag waxooga ah oo gabartu is tiri haysku daweeyo.

Isna wuxuu rabaa in uu lacagta u timid qaarna ku labisto, oo uu isku qurxiyo, inta kalana maalmaha hore  Nasro maqaayado qurxoon  ku geeyo,  si Nasro aysan uga shakin una dareemin baahidiisa beentiisuna ugu hirgash

Laso qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN