Home Qoraallo Dugsiimo: Faallayn ku saabsan Gaso, Ganuun iyo Gasiin W/Q: Cabdikaafi Cismaan

Dugsiimo: Faallayn ku saabsan Gaso, Ganuun iyo Gasiin W/Q: Cabdikaafi Cismaan

0
SHARE

Dugsiimo: Faallayn ku saabsan Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Waxaaqoray, Cabdikaafi Cismaan

Afeef:faalladani waa dul-ka-xaadis ku saabsan sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Ulajeedka faalladu waa faalleyn guudmar ah, mana ahan mid looga dan leeyahay falanqe, faaqidaad ama gorfeyn ama sharaxaad iyo fasiraad – oo ma ku dhiiranayo itaaldarri in aan dhabqiyo dednaanta fartiinta sheekada.

 

Qoraaga iyo sheekada

Gaso, Ganuun iyo Gasiin, waxaa qoray Cali Jimcaale Axmed: Laashin, 2018. 219 bog.

Cali Jimcaale Axmed waa abwaan iyo barafasoor ka tirsan Queens College, Jaamacadda Magaalada New York. Cali waxa uu ku maansoodaa afka Ingariisiga oo uu ku qoray buugaag (akadeemi) iyo sheekooyin.

Hordhac

Mar aan bartanka sii maraayo ayaan isiri hayska leyn. Beryahan oo aan fasax ku jiray hurdo aan la qabatimay ayaan u caal la’aa. Caawa se wayga gaagaxday, gurtay – amaba haadday. Xiisaan u hayay buugga, oo waan sugayay. Haa, waxa aan sugayay in uu Muqdisho soo gaaro, in uu Saylac yimaado, (Saylac waa dukaan buugaagta lagu iibiyo.)

Sida runta ah, waan isla warramay (iyaa!), si hoose, si hoose ayaan isula faqay. (Miyaad moodday in aan kaligay yoomay kob cidlo ah? Nabee, malahaa kuma raysid!)

Waxaan isiri, sidaan isdhahay, ma sida caano qabow ayaad heensataa, halmar – heefaq? Ama sida shaah qandaca ayaad fiiqfiiqsataa; mar, mar kale, iyo marar badan? Labadaba. Labada siba in aan yeelo ayay ahaatay. Mar waa buugga oo ah mid sita macnaha iyo macaanida caano labeen leh. Ka ladaabo! Qurquri, ogaal iyo indho bixi oo ku ray! Marna waa buugga oo ah mid, sidiisaba, darnaan kulul u leh sida shaah qofka aan kakaban dhiirina ku guba, baqashana calaf aan uumi ahayn ku seejiya.

Waa kaa buuggu. Waa midka caano iyo shaaha isku ah – caano iyo shaah aan isku milneyn, barax ahayn. Gaso, Ganuun iyo Gasiin. Waa i kan aniga oo gasadii dhex qotoma (xaan la qotomaa ma anaa geeda – oo engegay?) Ma qotomi e, ganuun buuxa ayaan la taaganahay. Caano, cugnaan, caraf.

Sheekada iyo Habka Warinta Sheekada

Marka loo eego habdhaca agaasiman iyo habka tebineed ama warineed ee sheekada, waa sheeko (novel) nooceeda ah tii ugu horreysay ee Afsoomaali ku dhigan. Sheekada warinteedu waa adeegsi ku dhisan asluubka sheeko-xariirada, oo ah hab sheekeynta ugu caansan sheeko sheegista Soomaalida.

Sheekadu waxa ay ka hadlaysaa reer Jabaq, haddana iyaga kuma saabsana? Sheekadu waa mid gudbinaysa farriin, haddana ma ahan mid caadyaal ah ama iska cad – oo mana ahan mid cilanaad ah. Waxa aan u leeyahay, sheekadu reerka kuma wada saabsana, sida uu wariyuhu inoogu soo bandhigayn; muuqaallo waafi ah oo ku saabsan nolosha gudeed ee reerka si dhammaystiran iyo sida uu inoogu habayo sawirrada duleed ee reerka. Waxa ay ila tahay, reerkuba waa summado aaladeed, oo u taagan macne ka duwan kan la moodayo – oo sheekada lagu socodsiinayo.

La socodka qalfoofta sheekada, bilaw iyo dhammaad, si aad ula socoto waa si iska fudud. Adduunka iyo aqoonta ku iidaaman buugga ayaa se (sheekada)  ka dhigaya mid adag oo akhristaha ka dalbaysa akhrin dhab ah – si ay u fasirto oo ay u furfurto sheekada.

Sababta ay sheekadu furfuridda uga dalbayso akhristaha ayaa ah ku jirista ay sheekadu ku jiraan arrimo furfurid u baahanaya. Waxaa jira summado–adeegsi (symbolism) toolmoon, waxaa jira sheekooyin si “sarbeeb” ah loo dhex dhigay oo u dhexyaalla sheekada. Waxaa jira buuxa suugaan bulsheed ujeeddaysan; maansooyin (waxaan ku farxay in aan murtidii Meymuun Biyow sheekada ka dhax helay), maahmaahyo, weero-halqabsiyeed iyo qaar kale – kuwaa oo sare u qaadaya heerka farsamo, falsamida iyo farshaxanka quluudka leh oo ay sheekadu tahay. Waxaa jirta in sheekadu ku dhigan tahay af masaaleed (allegorical language) akhristaha uga baahan fasiraad iyo saafid.

Sidaa aawadeed, aniga oo aan doonayn fasiraad liidata amaba ka badbadis ah cidna in aan u saaro, ayaa waxa aan is leeyahay, furfuridda sheekada weyddiimahan ayaa furayaal u noqon kara. Horta reerku yaa ay yihiin? (Soomaali, hana u qaadan reerka hayb ahaan cidda ay yihiin!) Saca la loogay, maya kaligii mirqay, “misisiqay” amaba kala firdhaday – maxuu ahaa amaba maxaas ka walax ahaay? Ri’da iyo gabadha isla buubay, ee aan sida qumman loo baadigoobayna xay ahaayeen? Doorada iyo amuurteeda iyo wacaallada ay siddo iyagana ka warran? Oo libaaxda iyo dhurwaayadana? Iyo dhowr waxyaabood – arrimo sida ay u egyihiin ma ahan e si kale ah.

Intaa waxa aan raacin karnaa in aynu wax yar isdul taagno goorta iyo goobta sheekada: inkasta oo marar barkood gooraha iyo goobaha ay sheekadu ka dhaceyso ahayn kuwo aad u bayaansan haddana kama dhigna gaabis sheekada fartiinteeda waxyeelaya, ee sida aan u gartay, waa beeqaamis looga dan lahaa fidsanaan aan qaab lahayn oo sheekada nuxur ahaan dhantaasha.

Arrinka kale ee isagana muhiimaddiisa leh ayaa ah; akhristayaasha iyo wariyayaasha sheekada. Faragalinta madaxa-banaan (tooska ah) ay akhristayaasha iyo wariyayaashu ku leeyihiin sheekada ayaa ah mid xog, qosol iyo qurux, aan isleeyahay la’aantood sheekadu dhammayska ay tahay ma noqoteen, ku biirinaysa sheekada.

In wariyaha ama sheekeeyuhu faragaliyo sheekada oo ay dhagaystayaashu iyaguna door ku yeeshaan, ma ahan mid ku cusub sheeko sheegista Soomaalida (oo sheeko-xariirada ayaa laga heli karaa.) Laakiin waa mid ku cusub qorista sheeko-faneedda Soomaalida (inta aan ogahay).

Midna talada ku darso, faragalintu ma ahan mid wax u dhimaysa hannaanka sheeko warinta, ee faragalinta akhristayaasha iyo wariyayaashu mar waa maad lagu madadaasho, marna waa casharro goos goos ah oo ku saabsan habka sheeko qorista.

Dugsiimada Sheekada

Sheekadu waa dugsi wax weyn ka taraya hurda ka toosidda wacyiga dhinsan ee jiilka maanta. Waa mala-awaal xaqiiqooyin; “hanuunin, hufid ama dan hagid ah” – u kasid loogu mariimayo, marna si xeel fog loo asduureynayo. Sida la sheegay, ee iyadana ku cad, “aqoon dhaqameed” mug leh, oo ay kaydin doonto, ayay siddaa sheekadu. Waliba waa mid muujinaysa xiisaha ay isticmaalka lahjadda iyo afgurigu u yeelayaan afka iyo dhigaalka.

Taa marka laga yimaado, sheekada waxaa ka buuxa kasmo magaceed; magco ama magacyo ciyaareed, magacyo dhireed iyo magco shimbireed, magacyo xoolaad iyo magco sumadeed.

Waa deeq dugsiimo leh oo ku biiraysa suugaan itaal yar. Waana sheeko wax ku darsanaysa culidda ama carinta garashada iyo adduun-aragga tabaalaysan ee faca nool. Sidoo kale, Gaso, waan fahmi waayay haddii aysan cidi ku dhaliilayn – waa sheeko qurux iyo waxtar la aayaysto ku kordhinaysa suugaanta Soomaalida, iyo ogaalka xilligeeda iyo midka xiga – iyo kuwa ku sii xiga.

Waxaaqoray, Cabdikaafi Cismaan

SHARE