FARXADDU IIB MAAHA Q/14AAD

FARXADDU IIB MAAHA Q/14AAD
Dhan kale Keyse waa uu tabar galay Hooyadiis Degan Xaaji waxa ay ugu sheekeyn jirtay Aabbihiis iyo halkii uu ku danbeeyay iyo habeenkii isku aragti danbeysay sida uu ekaa iyo in uu Keyse yahay Aabbiihis oo inta taagan,waxa ayna tusisay warqaddii qariiradda badda ku sawirneyd ee Keyse Aabbihiis Cali Coon uu rabay inuu ku baadi goobo ddkii dahabka iska lahaa.
Keyse waxa uu bilaabay inuu bad maax noqdo nolosha baadiyahana uu xaga uga digo rogto, si  uu u raadiyo Aaabbihiis oo markii u danbeysay ay tuugadu badda ku rideen.
Keyse hooyadiis kuma farxin wiilkeeda in ay wiilkeeda oo ah ruuxa kaliya ifka u jooga iney weydo, waxa ayna ka codsatay inuu labo mid yeelo tii u roon,  inuu guursado ina Abtidiis  iyo in ay u raacdo meel walba uu aadayo.
Arrinkaas Keysa waa uu ku cuslaaday in hoiyadii oo qof weyn ah la guuraa dago habeen ba meel iyo inuu ina Abtidiis uu guursado oo aheyd walaashiis ka yar uu indhihiisa ka jeclaa wa xa ku yiri, ” Hooyo waan guirsanayaa oo ilowse anigaa keensanaya taan guursan lahaa iigu duceey markaa kaddib  waxaan ahaan doonaa sida aad rabto ee ah inaan aragaaga ka fogaan.
Degan Xaaji waa Keyse  hooyadiis aad ayey uga heshay Fahamka wiilkeeda sida uu u gartay ujeedka ugu weyn ay ka leedahay waxa ay na ku tiri: ” La imaaw gabartaad doonto ayada ayaan kugu duceynaa.
Keyse waxa uu raadin u galay inuu dagdag ku helo gabar u qalanta si uu hiigsiga yoolkiisa u gaaro, waxa uu xuuraansado oo hadba mid isku qaado haasaawe Dumarna ash kuma aheyn asaga oo quus jooga ayaa maalin maalmaha ka mid Xaadsan waa gabar 18 jir ah oo dhan walba u dhameystiran oo Ari ay la joogtay uu Weer galay qeylo dhaanteedii ayuu ku baxay, markiiba na sugin ul uu watay ayuu la raacay hal uu dhaawacayna waa xalaaleeyay.
Xaadsan oo aad ula dhacday kartidiisa iyo sida uu ugu soo gurnaday ayaa duco iyo amaan iskugu dartay intaa kaddib waa la is heyb wareystay oo waa is aqoonsadeen Xaadsan iyo Keyse waa ilmo adeer labaad, reer abtigiis iyo reer adeerkiina dabka na kala qaataan waana ood wadaag.
Halkii ayey balan iyo axdi ku qaateen in ay mar waba is arkaan haddii calaf isku galana ay is guursan doonaan muddo ayey si qardoodi ah u sheekeysan jireen oo wax walba waa isku af garteen balse arrintooda soo bandhigin, Keyse oo in badan ka xog ogaalsanaa Xaadsan ayaa u sheegay inuu aad uga helay balse uu jiro culeys weyn oo  soo food saari kara, kaas oo ah reer Abtigey iyo reer adeerkey oo collaad gaamurtay ay ka dhaxeyso oo ka bilaabatay Hooyadey iyo Aabbahey taas oo aan la xalin inuu noqon karo jidka noo furan in aan isla baxsano taas oo aan ii cuntamin.
Xaadsan oo ah gabar aad u caqli badan ayaa tiri: ” Keysoow waxaad heysataa fursad aad labada reer dabka dhax yaal aad ku damiso ee waxaad yeeshaa reer Abtigaa u tag waxaad ku tirimaahdaa maalin tood Reer adeerkey ayaa idin cimaamad saaraya oo raali galin idiin wada wixii dhib hore idin dhax maray. Reer adeerkaana sidoo kale ku dheh, 200 geel ah iyo baarqabkoodna soo kaxee oo goobta keen. markii madasha kuwaan 100 ku sameyn xir kuwaan 100 ku sameyn xir, Abtiyaasha midka dad kugu maqal fiican iyo aabbahey arrinka ha la socdeen anigaa Aabbahey ogoleysiinaaya inuu guddoonshe noqdo.
Keyse aad ayuu ugu guuxay talada Xaadsan sidii ayuuna yeelay. Markii la gaaray maalinkii balanta ay qolo kastaa is leedahay reer hebel mar haddey nabad keeneen waa in aan aqbalno ayaa Xaadsan Aabbaheed oo xog ohaal ahaa ayaa gartii furay  oo yiri: “Run iyo ilkaba waa la caddeeyaa waxaa collaad naga dhaxeysay muddo badan collaaddaas oo ka bilaabatay wiil iyo gabar is calmaday maal iyo naf badan aan ku weynay haddaba labadii ay collaada labadeena reer ka bilaabatay waxaa ku dhashay wiilkaa aan adeerka u ahay maantana asaga ayaa isku keen keenay si uu wiil danbo nooga dhiman, labadaan boqol oo geel iyo baarqabkooda xero teenaa kama soo bixin iyo fikir keenaa midkood ama xero tiinaa ee asagaa gartay inuu labada dhinac matalo oo cid walba gooni ugu cimaamado haddaba anigoo ku hadlaya magaca reerkeyga waan guddoomay xaalmarintii wiilka aan adeer ka u ahay waxaana abaal gud uga dhigay inaan siiyo gabarteyda Xaadsan war reer tolkeeyoow yaa dood ka qaba? Markaas ayey u wada aamuseen.
Intaa keyse Abtigiis ayaa hadalka qaatay oo yiri: war nin badshayna ma dhameyn, nin yareeyana wax ma dhaafin ee xaajo haddey dhabaqdo oo la isku dhibtoodo waa ka sugaa ama habaar qabe ayaa ka dhinto ama Duco qabe ayaa u dhasha ee aan iskugu duceyno ee faataxada noo mara wixii horana xalay dhalay ha kaga soo qaado.
Markii la is gacan qaaday reerihii in badan adduunka isku necbaa Keyse iyo Xaafsan ayaa sabab u noqday iney heshiiyaan oo dadku is dhax galo.
Keyse iyo Xaadsan waxaa loo dhigay Aroos weyn  oo aan horay mid la mid ah deegaankaa uga dhicin waxa ay noqdeen labo qof oo ku dayasho mudan hadal heyntooda waxa ay ku shaacday deegaan walba, Keysana waxaa loo Boqray inuu noqdo Suldaanka labada reer oo la mideeyay, maalinkii la boqray waxa uu ka codsaday in reer walba 50 wiil iyo 50 gabdhood keenaan kaddibna la is dhaafiyo sidii ayaa la yeelay dhamaan labadii reer waxa ay noqdeen xidid iyo xigaalo halkaasna waxaa ku baaba’ay raadkii collaadda.
Muddo labo sanno kaddib ayuu Keyse waxa uu bilaabay inuu raad goobo Aabbihiis iyo halkii uu ku danbeeyay asagoo ku qasbanaay in wax bil ka badan inuu reerka ja maqnaan ileen waa Suldaankii cidda, ayaa maalin waxa dhacday inuu la kulmay nin aan asagaba laga aqoon balse kuray ah, waxaa la socday odayaal gaboobay oo sidii ay bad ugu dhax jireen laf iyo maqaar ah, keyse ragii la socday maalinkaa aad ayey ula yaabeen sida uu cunuga yar Keyse ugu eg yahay.
Keyse ayaa odayadii salaamay oo weyddiiyay reerka ay yihiin iyo meesha ay ka yimaadeen iyo halkey u socdaan Odaygii u weynaa ayaa yiri: “Waxaad na su’aashay su’aalo aan qaarkood jawaab u heyn anaga Soomaali maxamed ayaan nahay waxaan ka nahay intaa kaddib kuuma sheegi karno ileen maba naqaan meel soomaali kale dagtana oo barigga ahna waa meeshii sadaxaad aan nimaado waxaa na keenay Jiheeye halkaan oo nin baan ilmihiisii oo ka lumay u raadineynay waxaanse la fajacsanahay ninkaan aan ilmihiisa  raadineyno iyo adiga sidaad iskugu eg tihiin.
Keyse oo dareen weyn ku dhashay ayaa ku yiri: bal ina keena oo halka reerkeygu yaal aan udin geeyo si aan aad iskugu wareysano markaas ayuu u raaciyay nin ka aad ilmihiisa raadineysaan wiilkaan ma asagaa dhalay? Waxey ku dhaheen haa waa mid ayaan daran hooyadii waa ay dhimatay aabbihiis ka hor Aabbihiisna hal maalin muu la hadlin oo sakaraad ayuu ahaa sannado badan.
Odayadii iyo wiilkii yaraa markii la marti sooray kaddib ayuu Keyse weyddiiyay bal in ay u sheegaan magaca wiilkaan Aabbihiis waxa ay ku dhaheen waxa la yiraahdaa…
La soco Qeybah xiga
 
W/Q CABDULLE Cabdikariim (Jallaato)

SHEEKOOYIN