Home Qoraallo Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa W/Q: Cabdikariin Xuseen

Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa W/Q: Cabdikariin Xuseen

0
SHARE

Sicir-bararka : Sababihiisa iyo Samatabixintiisa

 

       Sicirbararku wuxu hormuud ka yahay cudurrada dhaqaalaha ku habsada ee    nolosha bulshooyinka hagaasiya. Dalkasta oo dunida ku yaal sicirbarar wuu ka jiraa, waxay se ku kala duwanyihiin awooddooda dhaqaale iyo tabaha ay u adeegsadeen xakamaynta sicirbararka.Somaliland waxa ay ka mid tahay meelaha sicirbararku seedaha jaray ee naafeeyey nolosha dadka, taasina waxa ay u noqonaysaa qabyada ku jirta nidaamka dawladeed ee dalka ka jira iyo saldhigasho la’aanta dhaqaale

Haddaba Muxuu yahay Sicirbar ? Maxa se keena? Sidee baana loo xakamayee?

Sicirbararku waa korodhka isdabajoogga ah ee qiimaha guud ahaan badeecadaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee dalka. Korodhka ku yimaadda qiimuhu wuxu noqon karaa mid siqaya oo aan hore loo dhaadi karin, ama mid xawaare ku socda oo suuqyada markiiba laga dareemo sida alaabta qiimaheedu isu baddelay, waxa kale oo uu noqon karaa mid mar keliya booda oo qiimayaashu si xawli ah isu beddelaan waan sicirbararka ugu xun ee xukuumadaha iyo hay’adaha maaliyaddu juhdiga badan geliyaan sidii ay u maarayn lahaayeen.Sicirbararku marka uu xadhkaha goosto ee loo taagi waayo wuxu isu beddelaa masiibooyin dhaqaale oo  aan laga soo waaqsan, riiqdiisuna waayo badan sii jirto.

Maxaa keena Sicirbararka ?

Sicirbararku wuxu yeelan karaa sababo badan oo keena, dugsiyada dhaqaaluhuna way kula duwanyihiin aragtiyaha ay soo dhiraandhiriyeenna way badanyihiin waxaynu dhawr qodob ka soo qaadan, aragtida dhaqaalaha ee Kaynisiyiinta (Keynesian economics) oo aynu  ku ladhnay waxyaabaha badhitaaray sicirbararka Soomaliland ka jira.

  1. Korodhka dalabka (Demmand-pull) Baahida suuqa ee badeecoonyinka iyo adeegyadu marka ay si xad-dhaaf ah u kordhaan waxa imanaya in qiimuhu sare u kaco, in dalabaadka kordhaan waxa sababi kara alaabooyinka oo suuqa suququl ku noqda,dabadeed waxa kala badanayaa alaabtii suuqa soo gelaysay iyo baahidii suuqa taallay, waxa kale oo dalabka kordhin kara dakhliga dadka oo kobca. Soomaliland badeecooyinka aasaasiga ahi inay kor u kac qiime oo joogto ah ku jiraan waxa keenay ku tiirsanaanta soo dejinta iyo qulqulka magaalada oo dadku miyiyadii iyo tuulooyinkiiba waxay uga soo barakaceen nolosha qallafsan iyo abaaraha soo noqnoqnaya, waxaanay buuxdhaafiyeen magaalooyinka waaweyn, taasina waxa ay keentay in qiimayaashu dhan walba korodh joogto ah ku jiraan.
  2. Korodhka kharashka (cost push) Korodhka kharashaadka waxsoosaarka ama soo dejintu marka uu yimaaddo waxa uu keena sicirbarar,  inta badan marka ay qaaliyoobaan alaabta qaydhin ee loo adeegsado waxsoosaarka, ama cashuuraha iyo kharashaadka shaqaalaha iyo agabka la adeegsanayaa kordhaan, waxa isbeddela qiimayaasha badeecadaha iyo adeegyada, sharikadaha ganacsigu waxa sameeyaan, inay dhimaan alaabta suuqa soo gelaysa si qiimuhu u kordho. Somaliland ma aha dal waxsoosaar leh, kharashka ku baxa in badeecooyinka debedda laga keenaa waa xad-dhaaf, waanana sababta qiimaha cuntooyinka iyo adeegyada daruuriga ahi  bootinta raha ugu socdaan.
  3. Sicirbarar lacageed: Lacagtu waa halbeegga dhaqaale ee wax kala iibsiga, haddii ay suuqa ku soo butaacdo qiimayaasha isbeddel baa ku imanaya, haddii ay ku yaraatana waa la mid, Isbeddelka sarrifku wuxu u baahanyahay inuu saldhigto, baxaadeggiisu waxa uu keenayaa

    Somaliland hay’adaha maaliyaddu waa fadhiid, taasi waxa ay keentay shilinka soomaaliland saldhigan waayo,dadweynuhuna u guuraan dhanka doollarka, muddadii u dhaxaysay 2010-2018  Sarrifka doollarku waxa uu kor u kacay, 40%, bootintaa waxa sabab u ahaa, lacago badan oo shilin ah oo la soo daabacay yadoo markii horeba doollarku suuqa suququl ku ahaa.

  1. Doollarowga dhaqaalaha : Soomaliland suuqeeda dhaqaale waxa saldhig u ah doollarka oo wax lagu kala iibsadaa, kirada guryaha, waxbarasha, adeegyada aasaasiga ah iyo badeecooyinka daruuriga ahiba waxa ku qiimaysanyihiin doollar, waxa arrintaa sii badhitaaray adeegyada lacagta elektarooniga ah ee moobilka lagu qaato(Zaad &E-dahab) oo meesha ka saaray adeegsigii lacagta waddan, heer ay gaadhay in baska lagu raaco doollar. Doollarowgu wuxu sicirbararka uga qayb qaadanayaa in uu qiimo tiro, lacagtii waddanka, oo waxba lagu iibsan kari waayo, taasna dhibkeedu wuxu dhabarka ka jebinayaa dadka danyarta ah, ciidamada iyo shaqaalaha dawladda oo iyagu mushaharkooda shilin ku qaata, adeegyadii iyo badeecadihiina doollar lagaga iibinayo.
  2. Fadhiidnimada hay’adihii maaliyadeed: Hay’adaha maaliyadda oo bangiga dhexe hormuud u yahay waa fadhiid, wax saamayn ahna kuma laha, suuqa iyo jaangoyntiisa inta badan iskubeddelka lacagaha waxa qiimahooda gooya shirkadaha sarrifka iyo ganacsiyaga gaarka loo leeyahay, bangigu ma xakameeyo lacagaha suuqa soogelaya, mana ilaaliyo isu dheellitirnaanta lacagta, ma xakameeyo shirkadaha iyo bangiyada uu ruqsadda siiyey, lacagta shillinka ah markii la doono ayaa la iska soo daabacaa, waxaaba dhacda in shirkadaha waaweyn qaarkood lacago shilin ah soo daabacdeen, sidoo kale bangiga dhexe iyo bangiyada gaarka looleeyahay midkoodna malaha kayd lacagta adag ah oo ay ku maarayn karaan, baahida ganacsata alaabooyinka debedda ka soo dejisa.
  3. Ku tiirsanaanta debedda: Soomaaliland nolol ahaan waxay ku tiirsantahay, alaabta debedda laga keeno, cuntooyinka, shidaalka iyo bagaashka kaleba waxay uga yimaaddaan dhulal kale, sidaa ahaan mar walba korodhka qiimuhu waa arrin la filan karo, badeecadaha oo kala go’ ku yimaaddo, qiimayaasha iyo cashuuraha oo ka kordha dalalka laga keenayoiyo ganacsata oo cuntooyinka iyo shidaalka kootada ku haysta oo si ula kac ah qiimaha u dalaca ayaa keenaya sicirbararka.

Sidee loo maareeyaa  Sicirbararka

     Maaraynta iyo xakamaynta sicirbararka waxa loo maraa habab kala duwan iyo farsamooyin kala jaad ah. Xukuumadda Soomalilaand sicirbarar waxa ula dhaqantay si aan caqli badan ku dhisnayn, yadoo aan qiimayn iyo daraasayn midna la samayn ayaa wareegtooyin la iska soo saaraa, dabadeedna wax saamayn ah kuma yeeshaan, si loo helo xal waara oo sicirbararka lagu xakameeyo waa in la helaa:-

  • Siyaasad maaliyadeed : Baanka dhexe waa in fadhiidnimada laga saaraa oo uu hawlihii loo igmaday ee maaliyadeed  uu qabtaa, siyaasad qaran oo lacagta lagu hagana la ebyaa, jaagoynta sarrifka lacagaha iyo xaddiga lacageed ee suuqu u baahanyahay iyo sida loo ilaalinaya uu ka shaqeeyaa, sharikaadka iyo hay’adaha maaliyadeed ee gaarka loo leeyahayna awood lagu xakamayn karo, laguna ilaalin karo bangigu yeeshaa.
  • Dawladdu waxa habboon in ay badeecadaha iyo adeegyada aasaasiga ah, ilaaliso qiimahooda, cashuur dhimis iyo kabna u samayso, dhiirigelisaa waxsoosaarka wadaniga, kana shaqaysaa sidii ku tiirsananaanta debedda looga bixi lahaa.
  • Doollarowga dhaqaalaha waan in siyaasad cad laga yeeshaa oo dadku lacagtoodu wax ku kala iibsadaan, lana xakameeeyo wax ku kala iibsiga doollarka, si taa loo sameeyo waxa muhiim ah in uu saldhigto isku beddelka doollar iyo shilinku, adeegsiga shilinku wuxu yaraynayaa baahida badan ee loo qabo doollarka oo shidaalisa korodhka qiimayaasha.
  • Waxsoosaar waddani ah : Suuragal maaha in ummad dhani ku noolaato wax debedda looga soo dhoofshay, waxa la gudboon xukuumad iyo shacabba in kor loo qaado waxsoosaarka beeraha si dadku u helaan cunto ku filan, loona baajiyo lacagta adag ee debedda u baxaysa, waxa kale oo muhuum ah in dadku qabatimaan cuntooyinka dalkeenna laga helo, halka ay baasto iyo bariis aan tayo lahayn oo caafimaadka u darani ina barriinsadeen.

     Gabagabadii sicirbararku waa xaalad joogto ah oo aan ku hakanayn wareegto mar la soo saaro iyo guddi aan wax badani dhaqaale uga baxsanayn oo yagoo mirqaansan shaashadaha soo istaaga, wuxu se u baahanyahay la socosho, dabagal dheeraad ah oo joogtaysan, iyo siyaasado qeexan oo suuqyada maaliyadda lagu dhaqo, waxa arrinta sicirbararka ay tahay inay qaybtooda ka qaataan jaamacadaha siiba kulliyadaha dhaqaalaha iyo ganacsiga,oo aqoonbaadhis iyo u kuurgelid ku sameeyaan dhaqdhaqaaqyada dhaqaale ee suuqyadeenna.

 W/Q: Cabdikariin Xuseen

SHARE