Home Qoraallo Habdhaqanka liita iyo saameyntiisa W/Q: Cabdisalaan M. Xersi

Habdhaqanka liita iyo saameyntiisa W/Q: Cabdisalaan M. Xersi

0
SHARE

Habdhaqanka liita iyo saameyntiisa

Murti Soomaaliyeed ayaa tiraah “Cudurka kaa gala fardaha, haddii laga gubo dameeraha, dawada lama gaadhayo’’. Erayadan ayaa ka mid ahaa Hees ay qaado Hobollada caanka ah Khadra Daahir Cige.

Ujeedka aan usoo qaatay murtida iyo dulucdeeda ayaa ah,mar kasta oo aan qiimaynayno xaalad jirta ama aan rabno in aan arrin lagu wareersan yahay xalkeeda keenno, waxa qasab inagu ah ama waajib na dul hoganaayo ah in aan raacno tabta iyo tallaabooyinka dhaqtarku maro, marka qof xanuunsanayaa dhaqtar u yimaaddo si  uu u garto ama u ogaado cudurka bukaanku ka cabanaayo, dhaqtarku  waxa uu qaadaa seddex(3) tallaabo oo kala  horreeya kalana duwan, isku xirka seddexdaas tallaabo waxa ay kala yihiin:

  • Waraysi ayuu qofka la yeeshaa, oo waxa uu waydiiyaa sida loo hayo, dareenkiisa guud iyo weliba xaaladdii u danbaysay ee qofkaasi ku sugnaa, saacaddihii la soo dhaafay (Medical History).
  • Baaritaan ayuu ku sameeyaa, waxana uu u diraa shaybaarka. Qofka waxa laga qaadaa dhiig, kaadi, saxaro ama candhuuf marba tii iyo kii loo bahan yahay (diagnosis).
  • Isu dheelitirka astaamaha iyo xanuunnada uu sheegay Bukaanku iyo caddeymaha baaritaanka markay is yeeshaan ayaa waxaa uu dhakhtarku helaa, dawadii ugu habbooneyd, Kaddib go’aan ayuu gaaraa waxana uu qofka u qoraa daawo (prescribtion),

Dhaqtarku  waxa uu go’aan sax, maangal iyo macquulba ah qaadan karaa kaliya kolka uu labada tallaabo ee hore uu si sax ah u sameeyo (Baarintaan iyo Waraysi), haddii kale waxa uu noqonayaa  qof male iyo mutuhis adeegsaday taasi  oo aan dabooli karin daweyna karin bukaanki xanuunadiisa, sidoo kale keeni karta halis in la siiyo dawo iyadu cudur ku noqon karta bukaanka.

Haddaba Waxaa jira  dhaqammo foolxun oo dadkeenu ay jaal la noqdeen oo aan la aqoon cidda inoo soo dhoofisay ee dhankeena u soo daabushay. Dhaqamadaasi waxay ku milmeen kuna darsameen amaba dhaawaceen  dhaqankeenii hore ee wanaagga iyo shacniga badnaa.

Dhaqamadaasi ama dabeecadahaasi waa faro badanyihiin, mana aha kuwo la tirin karo oo hal iyo labo lagu sheegi karo, balse waxaan isku howlayaa in aan qoraalkan kaga hadlo  labo laba dabeecadood oo kuwa liita ka mid ah, weliba kuwa sida ba’an bulshadeennu ugu hafatay.

Kolkii aan u diyaar garoobay in aan maqaalkaan qoro, waxa aan qaaday tallaabooyinka dhaqtarku qaado kolka uu cudur dawaynaayo, kaddib go’aan ayaan ku gaaray in aan idin la wadaago fikirkayaga.

 Ugu horreyn waxaan aaminsanahay aniga oo ka cabir qaadaanaaya, tabta dhaqtarku u maro daawaynta cudurada in dadkeennu dhaqtar u tagaan, iskana baaraan cuduradaan aan hoos ku xusi doonno si mug iyo miisan lehna aan u faaqidi doono ugana faalloon doono, far dheerna aan ku fiiqi doonno,waxaan kaloo jeclaa lahaa haddii la dabar jari karo ama la cirib tiri karo in la baabiyo oo laga suuliyo lagana sooco dhaqamadeena suuban. Dabeecadahaas  aan anigu u aqoonsanahay cudurro waxay bulshadeena ka reebeen qayrkeed oo waxa ay ka dhigeen dad isku maqan, waxaanan oran karaa dhaqamadaasi waxa ay qayb wayn oo libaax  ku leeyihiin is-faham-waaga bulshadeena Soomaaliyeed ka dhex jira.

Labada dhaqan ee liita ee bulshadeenna faraha ba’an ku hayaa waa:

B: Xaasidnimo ama Quuriweyto)(envy)

T: Isla-wayni (ego) 

labadaan dhaqan ama cudur, waxaan hubaa in qofkasta oo inaga mid ahi arkay qof qaba, ku dhaqma, ama asaguba uu la ildaran yahay, oo uu bastiis la yahay, lana daalaa dhacaayo. Waxaan isku dayi doonaa  in aan in yar dul maro, saamaynta taban ee ay dabeecadahani bulshadeena ku yeesheen, si taas la mid ah waxaan doonayayaa ama danaynaa in aan faah-faahin gaaban ka bixiyo cudur kasta calaamadihiisa iyo weliba waxa keeni kara si qofka maqaalkaan aqristaa uu uga foojignaado cudurradaas, meelaha ay ka soo geli karaana uu iska owdo, waxaan kale oo aan sheegi doonaa daawooyinkooda, iyo ka hortaga cuduradaan.

B)Xaasidnimo ama Quuriweyto:

Xaasidnimadu waxa ay leedahay ujeeddooyin kala duwan iyo qeexitaano ciida ka badan, balse waxaan ka soo qaadan doonaa hal qeexid oo aan is leeyahay waa la fahmi karaa oo waa ka fududahay dhammaan qeexitaannada kale.

Xaasidnimo:Quuriwaaga inaad qofka u quuri weydo wuxuu ku dheeryahay, Magac, Hanti, Ubad, Xil iwm, adigoo uga xun qofkaas ayaanka iyo nasiibka eebbe siiyey jecelna in  aad adigu hanato intuu haysto iyo ka badan, isaguna uu waayo(Magan alle)

Nabigeenna suuban NAXARIIS IYO NABAD DUSHIISA HA AHAATEE waxa uu yiri ‘’xaasidnimadu waxa ay camalka qofka u cuntaa sida dabku xaabada u cuno. Saamaynta foosha xun ee ay xaasidnimadu leedahay waxa ka mid ah:

In qofka laga qariyo wanaag oo idil, fool xumada adduunka taalana indhaha loo saaro, guul baa la gaaray ama waxbaa la helayna ay ugu qaraarto wax walba oo adduunka yaal. Xaasidku nin guulo badan soo hooya ma ahan, in cid kale guulaysatana waaba dhibkiisa. Haddii uu maqlo habel ayaa guri dhistay, habeenno badan hurdo waa kala raagayaan waana kala haajirayaan.

Wax-yaabaha qofka ku qasba ama u fududeeya in uu xaasid noqdo

Waxaan oganahay in shay kasta oo la samaynaayo ay jiraan waxyaabo samayntiisa ama faliddiisa fududeeya, suura geliya, ama qasab ka dhigaba; xaasidnimaduna waa la mid oo waxaa jira wax-yaabo qofku in uu xaasid noqdo fududeeya, waxaana ka mid ah:

1)nacayb, kohsi kashiisa  buuxisa.

2) Dareenkiisa oo Raja xumo iyo quus hiigsi ka dhigta

3) Damac badan iyo doonis ujeeddo la’aana

4) Isaga oo guuldarrada aan ogolaan dersina ka baran.

Astaamaha  ama calaamadaha qofka xaasidka ah lagu garto

Cudur kasta oo jira waxa uu leeyahay astaamo u gaar ah oo cudurrada iyo xanuunnada kale looga sooco. Asataamahaasi kuwo qarsoon iyo kuwa muuqadaba waa ay noqon karaan. Xaasidnimaduna waa cudur qofka cudurkaasi ku dhacana waxaa ka soo muuqada calaamadihiisa. Astaamaha qofka xanuunka xaasidnimadu halakeeyay lagu garto waxaa ka mid ah:

  1. B) Dhaliil iyo ceebayn fara badan, oo aysan u jeedo ka danbayn.
  2. T) Hanayn la’aan –qofka oo aan waxba cid u haneyn Karin.
  3. J) Ciil iyo camal aan dhammaaneyn oo uu la gubanayo.

T: Isla-wayni (ego)

Isla-waynidu waa malaynta qof uu maleeyo ama u qabo in dadka la nooli ka hooseeyaan kana heer liitaan iskuna arka libaax aan cidi la noolayn dadkana ka soo qaada xaabo iyo waxa aan jirin, sidoo kale isla-waynida waxaa la oran karaa waa shakiga qof ka qabo bulshada kale, asaga oo u maleeya haddii dadka kale soo gaaraan in uu asagu hoos maraayo. Sidaa daraadeed  waxa uu isku dayaa in uu liiditaan iskaga reebo, ruuxii holliya in uu la tartamo.

Waxaa la yiraahdaa marka caqligu yaraado, waxaa bata ama siyaada isla-waynida.

Waa hubaal qof isku kalsooni ma liido cidna, balse qofka iska shakisani waa ku dhiiran karaa isla-wayni iyo is-qaad-qaad aan xigmadi ku jiran.

Curdkan isla waynida, inta badan waxaa sababa ama keena dhowr arrimood oo is biirsada, waxa ayna kala yihiin:

1) Buun-buunin qof la buun-buuniyo asaga oo aan u qalmin.

2) Been qofku naftiisa ka dhaadhiciyo.

3) Kalsooni darro iyo is aamminaad la’aan qofku naftiisa ka qabo.

4) Caannimo sheegasho ah.

In Qof yahay mid isla wayn waxaa lagu aqoonsadaa laba arrimood mid uun:

1) Santaag iyo isdhaafin joogto ah.

2) Tuhun iyo Takoor

Isla waynidu ma ahan dhaqan quman oo la qaadan karo, waa dhaqan inan-gummeed iyo ruux garaad yar, mana jiro qof ku qanci kara in uu is maaweeliyo oo been iyo riyo ku noolaado asaga oo og itaalkiisa.

Waxaa jirta oraah dhexdeena ka caan ah oo na barta habka loola dhaqmo, qofka isla wayn oraahdaasi waxa ay tiraahdaa:laba nin wiligood isma fahmaan, “Nin isla quman iyo nin aan u qabin”

Hadaba haddii aad aragto qof isla wayn haku mashquulin isla waynidiisa, ee iska indho tir, asaga ayaa dabaqayada beenta ah kasoo degi doona e.

Gabagabo;

Xaasidnimada iyo isla-waynidu waa laba xanuun oo walaalo ah inta badan, dadka qabaana waa isku ficilo egyihiin, daawada ku habboon in la siiyo qofka la ildaran labadaan cudur midkoodna waa hal mid oo qura, daawadaasi waa in uu qofku naftiisa ku kalsoonaadu, rabbigii abuurayna talada u dhiibto qalbigiisana nadiifyo.

W/Q:Cabdisalaan Macalin xersi

abdisalanqaran63@gmail.com 

SHARE