Gorfeyn buug: HILAADIN ha la raadsado W/D: Cabdinaasir Xidig

Gorfeyn buug: HILAADIN ha la raadsado

Dhiganahaan HILAADIN waxaa qoray: Bashiir M. Xersi oo ka mid ah suugaanyahanka iyo qorayaasha Soomaaliyeed, waana buug ka mid ah buugaagtii aan aad u doondoonay markii ay soo baxeen. Dalkaan aan ku noolahay Koonfur Afrika oo ah dal yara geerigo’an ku yaal darteed, waxaa aad iiga soo daahay buuggan HILAADIN, ugu dambaynse waan helay, oo aqriyay, oo waliba dhammeeyay.

HILAADIN waa dhigane sida magaciisa aad ka garan kartidba ka hadlaya sidii loo hormarin lahaa bulshada Soomaaliyeed, maarana/xalna lowgu heli lahaa dhibaatooyinka haysta ee dhan dhaqaale, nabadgalyo, hoggaamin, dhaqan iyo aqoon. Waxuu farta ku fiiqayaa inta badanna tiilmaamayaa xalkooda halisyo badan oo dadkeenna iyo dalkeenna haysta ama ku soo foolleh.

ERAY-BIXINTA:

HILAADIN waa dhigane uu qoraagu aad iskugu howlay dhanka eray-bixinta, waxaad in badan ka helaysaa erayo Soomaali ah oo sii dabargo’aya iyo waliba kuwo cusub oo uu suugaanyahanku qudhiisu hal-abuuray, waxuuna inta badan ka fogaaday, inuu adeegsado erayo qalaad sida; Carabi, Talyaani iyo Ingiriis, afafkaas oo ah afafka ugu badan ee dhibaatada wayn ku haya afkeenna Soomaaliga, kulana jira tartan aad u adag, tartankaas oo horseedi kara in bulshadeennu illawdo afkeeda hooyo, kuna badalato afafkaas.

DHAXDHAXAADNIMADA DHANKA SOO XIGASHADA SUUGAANTA SOOMAALIYEED;

Sida mar kasta dhacda, aniguna aan waayo-arag u ahay, marka qoraa Soomaaliyeed uu soo xiganayo suugaan, waxaa inta badan dhacda inuu dhan u raro ama uu soo xigto suugaanta degaankiisa, heer aad garan karto qoraagaasi cidda uu yahay iyo degaanka uu ka soo jeedo. HILAADIN waxaa ku jirta suugaan Soomaaliyeed oo dheellitiran, oon dhihi karo, suugaantii shanta Soomaali, oo inta badan laga soo xigtay suugaanyahanno kala degaan duwan iyo suugaan uu qoraagu curiyay sida tixda DANGUUDoo aan oran karo waa tixdii ugu wanaagsanayd ee waddani ah ee la tiriyo waxii qaran-jabkeennii ka dambeeyay.

RUN-SHEEG WAA CEEB-SHEEG;

Qoraagu waxuu si aan gambasho lahayn u sheegayaa halka ay sartu ka quruntay, waxuu si geesinnimo leh u caddaynayaa dadka iyo kooxaha saynta ku dhaggan qarankan ee diiddan inuu dib u kaco, cagihiisana iskugu taago. Waxuu far-muuqayaa ururrada, odayaasha, siyaasiyiinta, wadaaddada, iyo aqoon-sheegtayaasha laf-dhabarka u ah qalalaasaha iyo qarbudaadda dabadadheeraatay ee ka aloosan gayigeenna Soomaaliyeed.

UGU DAMBAYNTII:

Waxaan bulshada Soomaaliyeed kula talinlahaa, in ay xoogga saaraan, una soo jeestaan aqrinta buugaagta uu ka mid yahay dhiganahan HILAADIN, ayna dadka aqoontalihi isku dayaan in ay waxqoraan oo dhaxal u reebaan facyaasha dambe, si ay wax oga kororsadaan waayo’aragnimadeenna, ayna u helaan sooyaalka soomaaliyeed. Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa qorayaasha Soomaaliyeed ee uu ka midyahay qoraa: Bashiir M. Xersi, waxaanna ku dhiirragalinayaa, iney sii wadaan qorista iyo baaritaanka, ayna mar kasta u taagnaadaan wax u sheegga iyo hagista bulshadooda Soomaaliyeed.

Guulaysta oo gobannimo ku waara.

W/D: Cabdinaasir Xidig

SHEEKOOYIN