Hammi caashaq iyo hunga been ah Q23AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q23AAD 

Wax la sugaaba goor bay yimaadaane,  saacaddii lagu ballamay ayaa la gaaray Nasrana waxa ay eegta hadba saacadda waxa hadda la jooga ammintii la ballamey,waxa ay istaagtay alaabka si ay gacaliyaheeda usoo dhowayso, dhanka kale Nuur socod dheeraynaaya ayuu ku soo socday ilaa uu soo gaaray albaabka qolkii ay deganayd ee lambarkiisa la siiyey.

Waxaa markaan u dhaxeeya labadooda albaab qudhaata, kaasoo midba dhinac ka taagan yahay, Nuur ayaa markuu istaagay albaabkii aayar u gaaracay, Nasro waa sugeysay sanqartiisa ee way ka  soo booday, kolkay aragatay isku duubtay oo ku dhegtay, asna waa kan xambaaray oo la bood booday, oo marba dhan ula jeestay asaga oo boga ku sida, ilaa hadda la islama hadlin, juuqna la iskuma dhihin, marka laga reebo gurxan fara badan oo Nasro ka baxaayay, iyo hadalo ay ka mid ahaayeen: “ Ma runbaa mise waa  riyo? Inuu yahay qofkan aan arkayaa wehelkii nafteyda iyo iftiinkii noloshayda Nuur.

Nuurna waxaan ahayn waa run waa anigii Afkiisa waa ka soo bixi waayeen, wuxuu la ashqaraarey, quruxda iyo uduga Nasro, wuxuu kale oo maleysan waayey soo dhaweynta iyo gaada gelinta Nasro.

Nasraa tiri: Ma rumaysan karo in aan xabadkaaaga ku jiro gacaliye, maanta waa maalin iiga duwan  Maalmihii aan noola, faraxadda iyo riyaaqa ka muuqdo labadooda waxaadba is leedahay dunida guudkeeda mindhaa ma saarna dad sidan isu jecel.

Weli waa laysku duuban yahay  waxaadba mooda inay xabag iskula dhegantahay, Nasri ma leh dareen ay isu celiso, Nuurna awalba waa nin sidii rabay roob ugu da’ay.

Goor dambe ayaa iftiinka albaabka la arkay markaasaa laysa sii daayey Nuurna u dhaqaaqay dhinaca albaabka iyaduna  meel aan ka dheerayn istaagtay, Nuur ayaa intuu ku soo noqday gacantana ka qabtay la aaday dhinaca kursi fadhi ah nooca lagu nasto oo qolka dhex yaalay, waana lays dhinac fariistay.

Halkaasa boholyoow iyo hilow layskala dul dhacay qof weliba intuu karayey eray macaan oo soo jiidasho leh ayuu kii kale u dhiibey, waxaa laysku boggaadiyey kulanka waxaana laysla qaada dhigey dedaalka loo soo maray, waxaa laysku sheegay inaan la kala maarmin, midna midka kale uusan la’aantiis nolol dareemayn.

Nuur waxa uu ku maqan yahay Nasra  quruxdeeda, weligiis ma arag mana uusan la kulmin gabar sidaan u eg oo da’daana, wuxuu la ashqaraarey sida eebbe isugu dheelitirey tin iyo cirib, hadba dhan ayuuka fiir fiirinayaa waa qurux isku sar go’an, Jaah, Jamaal iyo joogba.

Waxa gacantiisa soo gashay oo dabinka ugu jirta jalanqo dumar tii ugu mudneyn, wejiga bilan, bushmaha gaduudan ee ilkaha ku dahaaran, Afka iyo ilkaha isku jaango’an ee qosolka ku macaan, Timaha dheer ee dhabarka jooga, indhaha waaweyn ee balacsan, Sunniyaha sida bisha isku qaydey,  Jirka aan caatada ahayd ee haddana isku dheelitiran, qotonka dhererka iyo jirka iyo jimaada isku jaan go’an.

Narso waa dareentay in Nuur ayada ku maqan yahay in uu ku qancayna waxa ay ka dareentay, dhoolla caddayntiisa, ayada oo qoslaysana waxa ay tiri: Gacaliye miyaan kula fool xumaaday waa adiga si daran ee eegayee?

Nuurna inta qoslay ayuu yiri: Foolxumo aa noloshayda qof kula mid  ah ama kuu dhaw dhaayaha ma saarin, waaba ku sarqaamay quruxdaada iyo eebbe sida uu kuu dhammeystiran, maxaa Ebyan ama Idil laguugu bixin waayey?

Nuur durtaba wuxuu bilaabey sahamin nafteeda ah, markaasoo timaheeda oo aan waxba saarneyn iyo dhabarkeeda xoodaamin ku bilaabey, Nasrona maba dareensan, dhanka kale Nasro waa qof soo dhaqantey oo sida uu ka filayo maaha, gabar xaadu kacayso haddii gacantu gaarto.

Sidoo kale Nasraa iyaduna aan ka maqneyn inay dhankeeda xisaab celis ka sameyso oo garka uu sida wacan usoo jartay iyo dhabanadiisa ayay salaaxeysay waxayna  gashay laabtiisa iyadoo barkayneysa.

Nasro oo indho dareen jaceyl wata ku eegaysa  ayay tiri: Wax walba oo aad raali ku  noqoneyso Ayaan diyaar u ahay,  nafteydana adigaa iska leh, waxaana taas marag ka ah, jiidaasha dheer iyo halka aan kaaga imide e macaane adigu hay baylihin jacaylkeennana burbur iyo basanbaas ka ilaali.

Nuur ayaa isaguna qiiroodey erayada macaan ee dareenka leh iyo sida ay isugu dulsaarantahay inta uu gacmihiisa labada dhaban kaga qabtay ilmo iyo is bihin bihis beenana bilaabay ayaa yiri, haddaan ku waayo inaan sii noolaanayo ilama aha, wuxuuna durtadiiba raaciyey shumis labada daan ah kaddibna  baashiyo iyo baashaal ayuu ula dhaqaaqay.

Nuur waxaa uu yaabay oo rumeysan waayey markii  inta nasri ka dulmartey hubkeedii iyo horaadkeediina dul dhigtay ay shumis iyo baasho indhaha isku qabsatay, galgalasho iyo baaxaadeg badan kaddib oo laysla neef tuurey ayaa mar dambe la miyirsaday.

Nasro oo xabbadkiisa ku jiifta ayaa tidhi macaane ma sugi karo muddo dheer ee I xalaaleyso, caawana  i meherso, waxaan rabaa inaan gaarno goolkeenna oo aan mideyno nafaheenna, baahideenana werwer la’aan dhammeystirano.

Nuur hadalkeeda dheg jalaq uma sine, shaqadiisii ayuu sii watay, waxa uu bilaabay in isku dayo in uu dharka ka bixiyo, kaddibna Nasra ayaa dib uga baxday shaatigeediina badhamada ama guluusmanka u xiratay, inay is toostoosisana billowday,  Nasro ayaa si degan ugu tiri : Gacaliye wax walba waa kuu diyaare oo adigaa iska lehe, boobka iyo degdega iska daa, oonku si uu labadeenaba uga ba’o  I xalaalayso oo i meherso, intaad baahi ii qabto toban jibbaarkeed baan kuu qabaaye.

Nasro codsiga meherku ay ku celcelinaysaa ma qabto waayo waa marwo nin kale qabo, waxaase ka dhaadhacsan haddii uu ninkani ku mehersado kii hore waa kaa furmayaa ama isagaa iska kaa furi doono, ninkase yuusan kuu maleyn naag xun oo lays wad watee xujo uga dhig si uusan kaaga dheeraana, gacanta ku dhig.

Dhanka kale Nuur codsigeeda ma diidin mana yeelin, balse, gacma gacmayntii waa ka daayay kolkay soo fariisatay, sheeko caadi ah ayay  qabsadeen Nuur in ay dido ayuu diidayaa, ismana daalinaayo oo waa og yahay in ay dabinka ugu jirto ayada oo xaaladdu saas tahay   ayuu ka codsaday in ay is diyaariso,   si ay  bannaanka u  aadaan, suuqa iyo magaalada ayaa loo baxay, maqaayad bilicsana ayuu geeyay waa la soo qadeeyay, qosol faraxad iyo weliba rayrayn ayaa la soo dhammaystay, waxaana lagu soo noqday qolkii, waa casar liiqii oo qorraxda ayaa sii gaabanayso, Nuurna waxaa u cuntami wayday in uu caawa ka seexdo nimcadaan asaga oo aan dantiisa ka gaarin, waxa uu u sheegay  in uu bannaanka u baxaayo sheekh isku mehriyana u yeeri doono hawshoodana isla caawa gebagebaynayo.

Nasrana inta ku soo booday ayay labada dhaban ka dhunkatey macaane ku mahadsanid inaad riyadeydii ii rumeysay oo ahayd inaan ooridaada noqdo, Nasra ayaa tiri sug, kaddibna waxay dib ugu laabatey boorsadeedi, waxayna fag ka soo siisay lacag badan oo isku duuban oo gaaraysa 6kun(6000) oo dolar.

 Nuur farxad darteed inuu suuxo ayuu ku sigtey wiligiis lacag intaas la eg gacan kuma dhigin, waxa uu u sheegay in uu lacagta berri ka qaadi doono, caawana in ay heyso ayuu ka codsaday, waxa uu tusayaa in uu san u baahnayn lacag, Nuur waa ka soo tegay Nasra, oo waxa uu soo aday laba nin oo saaxiibadiis ah guri ay ku qayilaayeen, mid ka mid ah ayuu u sheegay arrintii, waxa uuna ka codsaday in uu caawa sheekh iska dhigo Naagtana ku mehriyo, saaxiibkiis  Xiirey kama diidin ee asaga oo qoslaayo ayuu yiri: sheekh waan iska dhigi karaa, laakiin anigu wiligay dugsi quraan ma tegin, quraana ma aqaan, si dumar loo mehriyana ma baran ee maxaan sameeyaa?

Nuur oo qoslaaya ayaa yiri: Waxaas ka bax adigu afka nuux nuuxi sheekhna iska dhig in aan inanta ku qanciyo unban  rabaaye,  waa laysla qaatay waxaana la sii kaxeeyay laba nin oo kale hoteelkiiba toos loo abaaray, waxaana albaabka laga galay qolkii ay fadhisay Nasro.

Nuur ayaa u sheegay Nasro in wadaadadii uu wado meherkooduna hadda dhici doono iyaduna ma aysan diidin ee waa soo dhaweysay, waxayna u keentay cabitaan ay ka dalbatey qolada hoteelka oo ay sii diyaarisay iyo macmacaan.

Nuur ayaa yiri : sheekhaygiiyow  waa tan gabadha aad igu mehrineysaa magaceedu waa Nasro Xuseen ayaa la dhahaa

Xiiraya;  Waa lagu mehrinayaa ee aan gabarta warsano inay diyaar u tahay?

Nuur ayaa hadalka qaatay af sawaaxilina(Swahili) kula hadlay Xiiray oo ku yiri:napenda kufanyakasi,(waxaan rajaynayaa in aad arrinka si degdeg ah iigu qabato.

Xiireyna wuxuu gudagalay, wareysigii gabadha, markuu dhammeystay xogteediina isaga ayuu gacanta ka qabtay wuxuuna billaabey meher beenaadkii.

La soco qaybaha danbe.

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN