BARO BOQOL ERAY Casharka 1aad W/D: Caliqeyr M. Nuur

BARO BOQOL ERAY Casharka 1aad

Hilaadda 157 gu’ ayaa laga joogaa waagii uu Rijaadh Baarton (Richard Burton) Soomaalida ku tilmaamay bulsho wada gabyaa ah. In badanna waxaan maqalnay gar fogaatay oo gabay uun lagu wada hadlayey. Deelleey, Siinleey, Guba iyo waxaa jiray doodo aanay maaxdoodu go’in oo suugaan uun lagu wada xiriirayey. Dhanka kale caweysyada dhallinyarada ee joogtada ah ama shir-dhaqameedyada sida Badgalka, Shirta, Istunka iyo waxaa weli jira gooro aan suugaan mooyee wax kale la isku af-garan.

Hibadaas weyn ayaa beryahan laga deyrinayaa. Waase maxay sababtu? Ilaha la eersanayo waxaa ka mid ah:

  1. Manhajyada wax-barashada dalka oo ka guuray Afsoomaaligii.
  2. Hooyadii Afsoomaaliga ama dhaqankii miyiga oo gabaabsi ah.

iii)           Afafka qalaad ee sida weyn ugu soo duggaalay diimaha iyo horumarka cusub.

  1. Hoos u dhaca heerka-nololeed oo saameeyey fanka & suugaanta.

Ma yara sababaha ay dadku sheegayaan. Waxaase hubaal ah hal arrin.- Waxaa hoos u dhacay tirada erayada la hayo, aqoonta dhabta ah ee erayadaas loo leeyahay iyo awoodda adeegsiga erayada.

 

Qormadaan koowaad waxaan ku soo bandhigi doonnaa kala sooca soddon eray oo badanaaba la isku kaho. Balse inta aanan u gelin qormada aan si kormar ah uga warcelinno saddex weyddiin oo ah:  Maxaa dhaliya isku kahitaanka erayada? Arrinkani qayb ma ku yeelan karaa hoos u dhaca afka? Sideese looga hortegi karaa?

Isku kahid waa maxay?

‘Kah’ waa dhibsasho marna waa in si kama’ ah la iskugu qaldo laba walax ama laba eray. Tan dambe ayey tahay ujeedkeennu. Erayga ‘hafyo’ isagu wuxuu ku gaar yahay eray uu afku kaa dafay balse aad durbadiiba ka soo noqoto ama aad garatay. Maahmaah baa tiraahda “Hafyo hadal kuma jirto”. Laakiin isku kahiddu waxay noqon gartaa arrin raaga ama mid aanba laga soo noqon waligeed.

Maxaa dhaliya isku kahidda?

Badanaa, isku kahidda erayada waxaa dhaliya laba arrin oo kala ah.-

  1. Isu dhowaan xagga ujeedka ah.  Tusaale ahaan ‘koofaar’ iyo ’naanays’  waa laba eray oo sheegaya magac-labaad qofka loogu yeero. Waa laba ka midaysan ahaanshaha magac-labaad. Waxayse ku kala duwan yihiin ujeedka iyo sababaha dhaliya. Sidaas awgeed ayaa loo qaataa in ay labaduba hal macne leeyihiin.
  2. Isu ekaan xagga dhawaqa ah. Tusaale ahaan ‘farriin’ iyo ‘farriin’ (fartiin). Kan koowaad ujeedkiisu waa hoos u jeexidda meel siman sida dhulka oo laga sameeyo far ay biyo maraan iwm. Ka labaadna waa xog u diris cid kaa durugsan; wuxuu iska soo dhalan-rogay ‘fartiin’.  Afarta erayba waxaan ku raadraaci doonnaa qormada xigta. 

Waa maxay dhibka erayada la isku kaho?

Kolka uu eray galo meel aanu lahayn wuxuu salkicinayaa eray kale. Afar  dhib ayaa arrinkaan ka dhalan kara oo kala ah:

  1. kii la salkiciyey oo ambado.
  2. kii doolka ahaa oo galay meel aanan macnihiisa u dhigmin.

iii)           meeshii uu ka yimid kan wax salkiciyey oo uu buuxiyo eray kale oo dool ah.

  1. in erayga wax salkicyey meeshii uu ka yimid iyo meesha cusubi ay isku magac noqdaan.

 

Kala hufidda erayada la isku kaho waxay qaadanaysaa buugag iyo hawl badan. Annagu waxaan qormadeenna koowaad ku kala sooci doonnaa soddon eray oo qura.

***

Agabbar – Jagabbar – Jarabbar – Tababbar.

Agabbar –ka (m): Dalqabin; dhul baris. Waa eray ka yimid  ‘ago bar’ oo ka kooban ago bar.

  • Ago: Meelo dhow; ag; dhul aanan ka dheereyn halka la joogo.
  • Bar: Tusid; ogaysiin ama baritaan wax aanan hore loo aqoon.

Inta badan waxaa ‘agabbar’ama ‘aga-bar’ loo adeegsadaa dhallaanka xoolaha. Ubadka yari waa kan durbadiiba socod bilaaba, qofka  lehna wuxuu isha ku hayaa dhallaankaas si aanu meel uga dhicin, ama aanay meel dhudhub ah luguhu uga jebin. Sidaas awgeed, waxaa la aga-baraa dhallaanka taniyo inta uu kaligiis dawga mari karo ama uu agahiisa iyo inta fogba baranayo.

Inkasta oo eraygan dhanka xoolaha loo badiyey haddana waa loo adeegsan karaa ilmaha dadka si uu deegaanka u barto.

Jagabbar –ka (m): Hoggaanka, caynaanka ama liijaanka barid neef la gaadiidsanayo. Waa eray ka yimid jag-bar oo ka kooban jag + bar.

  • Jag: Iyada oo aan la tuurayn si degdeg ah hore ama gadaal wax u dhifasho.
  • Bar: Tusid; ogaysiin ama baritaan wax aanan hore loo aqoon jirin.

Faraska, awrka ama dameerka marka la laylinayo ma raacaan xarigga lagu hagayo. Sidaas awgeed markii dhinac loo duwo ee uu neefkuna dhan kale u  bayro ayaa xarigga jag! lagu siiyaa. Neefku waa in uu bartaa jagtaasi dhanka ay u duweyso waana halka uu ka yimid erayga jag-bar ama jago-bar.

Ogow! Marnaba eraygan looma adeegsan karo waxbarista dadka.

Jarabbar –ka (f): Laylin; koore barid; rar barid. Waa eray ka yimid jare-bar oo ka kooban jare + bar.

  • Jare: Koore; qalab la saaro dhabarka neefka la gaadiidsanayo.
  • Bar: Tusid; ogaysiin ama baritaan wax aanan hore loo aqoon.

Neefka aanan hore loo gaadiidsan marka la barayo qabatinka rarka, kooraha ama jaraha ku cusub ayaa la yiraahdaa jarabbar. Sidaas awgeed marnaba eraygan looma adeegsan karo waxbarista dadka.

Tababbar –ka (m): Gedo baris. Waa eray ka yimid tabo-bar oo ka kooban tabo + bar.

  • Tabo: Gedo;  habab kala duwan oo wax loo maareeyo.
  • Bar: Tusid;  ogaysiin ama baritaan wax aanan hore loo aqoon.

Israaca ‘tabo + bar’ waxay sheegayaan baritaan hab wax loo sameeyo. Tabtu waa habka loo sameeyo wax fal ah oo gacanta ama jirka intiisa kale laga qabanayo. Ama haddii si kale loo dhigo, waxaa la isu tababaraa wax-qabad muruqmaal ah balse u baahan in garasho lagu maareeyo.

Mar walbaba halka loo adeegsanayo tababbarku waa in ay ahaataa hedel ama fal xagga jirka ah balse ay garasho weheliso.

Kala duwanaanta afarta eray:-

·      Agabbar: Dalqabin, dhul barid.
·      Jagabbar: Baritaanka hoggaanka, liijaanka ama caynaanka.
·      Jarabbar: Baritaanka jaraha, kooraha ama rarka.
·      Tababbar: Baritaanka hab wax-qabad ee arrin gaar ah loo maareeyo.

 

Calwasaad  – Hambabbar – Makalaalax –  Qarow.

Calwasaad –id (m): Dheelallow; habeenkii oo dhan soo jeedid adiga oo jiifa. Waa eray ka yimid ‘cawasaad’ oo ka kooban ‘cawa + saad’. Sida koofurta Galguduud oo kale, weli waxaa jira  afguriyo yiraahda ‘cawasaad’.

  • Cawa: Cawo; habeen.
  • Saad: Filasho wax dhici doona; saadaal; saadin.

Wadarta ‘cawa + saad’ waxay sheegayaan sah (xaal) habeenkii oo idil lagu jiro saad ama saadaal.  Cawasaadku waa in aanu qofku habeenkaas ka ladin wax maskaxdiisa ku taagnaa. Waa maqane-jooge oo qofkii oo jiifa ayaa haddana soo jeeda.

Calwadsaadka waxaa soo hoos-gelaya hawaawiga (riyada) u dhexeeya hurdada iyo soo jeedka. Waa riyo aad og tahay in aad riyoonayso, waxaana afka qalaad lagu yiraa “lucid dream”.  Ma badna, waxaase jira goor la og yahay in uu arrinku riyo yahay oo aad go’aansan karto in aad ka toosto ama in aad iska sii wadato riyadu haddii qurxan tahay.  Tani waa Calwasaad  wuxuuna inta badan la xiriiraa wax uu qofku aad uga fekerayey.

Hambabbar –ka (m): Soo kicitaanka iyada oo la hurdayo ee misana geesaha la haabhaabto. Eraygan waxaa kale oo ay Soomaalidu ugu dhawaaqdaa ‘hababbar’  oo ka unkan hab + barbar.

  • Hab: Hab! Shanqarta ka yeerta wax meel ka dhacay ee meel kale ku dhacay. Xarafka hee uu eraygu ka bilowdo carrabka ayaa lagu weyneynayaa.
  • Barbar: Dhinac; qayb; geesta wax kale u tusmaysan.

Israaca ‘hab + barbar’ waxay sheegayaan fal gacanta lagu haabhaabto barbarrada ama dhinacyada. Inta badan waxaa hab-barbara hooyooyinka ay dhallaankoodu dhinaca ka jiifaan. Si lama filaan ah ayay hurdada uga soo boodaan iyaga oo hubsanaya in uu ilmihii ka ag dhow yahay.

Mar kastaba, hab-barbarka ama hambabbarku waa fal uu qofka hurdayo uu gacmaha ku haabhaabto meelaha u dhow.

Makalaalax –id (m): Iyada oo hurdo lagu jiro ku hadlid war hadaaq u eg. Waa eray loogu dhawaaqo ‘mankalaalax’ oo shibbanaha n  ee erayga ku jira waxaa loo muujinayaa si sanqa-ka-yeer ah. Waa eray  ka yimid ‘maankalaxlax’ oo ka kooban  ‘maan + ka + laxlax’.

  • Maan: Awoodda garashada.
  • Laxlax: Lax noqosho;  ku hadlid war u eg hadaaq ama dhawaaq ah kii idaha oo kale.

Israaca ‘maan + laxlax’ marka dhexroor looga dhigo meeleeyaha ka  (maan-ka-laxlax) waxay samaynayaan weedh oranaysa ‘maanka lax ka noqosho’.  Weedhaas eray ahaanta loo soo koobay waxay la xiriirtaa yeerta uu qofkaasi sidii laxda u ciyayo.

Markastaba makalaalaxu waa war aan ujeedkiisa la garan karin oo uu ku hadaaqo qofka hurdayo.

Qaraw –id (m):  Hurda ka boodid oo qaylo iyo fal isku darid. Waa eray ka yimid ‘qarraw’  oo ka kooban ‘qar + raw’.

  • Qar: Dhinac; dacalka jiimbaarta, sariirta, derbiga iwm.
  • Raw: Wax ku dhufasho;  halgaadid; rawid.

Israaca ‘qar + raw’ waxay sheegayaan qar rawid ama wax lagu dhufanayo meel dacal ah; dheh derbiga aqalka.

Mar kastaba qarowgu waa fal iskugu jira qaylo, bootin meel lagu dhaco ama wax lagu dhufto oo uu sameeyo qofka hurdayo.

Kala duwanaanta afarta eray:-

·    Calwasaad: Ku sugnaanta heer u dhexeeya hurdo iyo soo-jeed.
·    Hambabbar: Gacmaha oo barbarka lagu haabhaabto iyada oo la hurdayo.
·    Makalaalax: Ku hadalka war aanan la garan karin iyada oo la hurdayo.
·    Qaraw: Booddada la qayliyo ama wax la rawo iyada oo la hurdayo.

 

La soco casharka 2aad

W/D: Caliqeyr M. Nuur

Caliqeeyr@gmail.com

 

SHEEKOOYIN