WAAYA JOOGGII MALA HILMAMAY? W/Q: CNaasir Iidle

WAAYA JOOGGII MALA HILMAMAY?

Wiil ayaa guri la soo degey Aabihiis, Wiilku waa shaqaale dowlo, Habeenkii ayuu soo hoydaa, Aabuhu salaadda subax waxa uu aadaa Masjidka, Wiilkii ayaa dhowr subax kadib ka war helay in Aabe Masaajidka aado Salaadda subax, Waxa uu go’aan ku qaatay inuu guriga ka guuro isagoon cidna la hadlin, Aabe waxa uu ka war helay in Wiilkiisii Sedax Cisho ka hor la soo degey ay Alaabtii u xir-xiran tahay.

Aabihii ayaa weydiiyey Wiilka sababta uu u guurayo, Wiilkii ayaa yiri. Aabe ma anigaad i shirqooleysaa? Aabihii ayaa naxay oo yiri Aabe see kuu shirqoolayaa? Wiilkii yaa yri. Aabe waxaad salaadda subax aadaa masaajidka, taasna ku heshiin meyno, sabab oo ah waxaad ii loogeysaa nimankii dhalinyarada ahaa, marka mawada deganaan karno, waxa kaliya oo aan gurigaan ku sii deganaan karo waa adiga oo salaadda subax guriga ku dukada, madaama aanan difaac ku jiri Karin har iyo habeen.

Xaalkii waa uu qaraaraadey waxa uuna aakhirkii ku dhamaaday iney kala guuraan wiilkii iyo Aabihiis, madaama ay isku fahmi waayeen iney wada deganaadaan, sidaa darteed waxaan oran karnaa Xaalku caadi ma ahan.

Xukunkii Milatriga ee talada dalka la wareegey dhamaadkii 1969-kii, waxa uu Soomaliya gaarsiiyey Horumar la taaban karo Todobadii sano ee ugu horeysey kadibna waxa uu Taliskaasi bilaabay inuu Heeryadiisa cunno oo dadka iska horkeeno taasuna waxay sababtay in meesha laga saaro kadib markii loo qalab qaatay.

Waxaa xigey xoogaggii Us/Unisom oo dalka soo galay dhamaadkii 1992-dii inkastoo ay huwanaayeen magac samafal hadana waxay dhibaato badan gaarsiiyeen shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwii ku noolaa Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Magalooyin kale, Aakhirkii waa ay ka baxeen Soomaaliya kadib markii ay u dulqaadan waayeen iska caabinta Soomaali badan.

Waxaa xigey Xukun Qaab daran oo Hogaamiye kooxeed ay Hormuud ka ahayeen oo dhibaaato badan ka dhex abuuray dadka Soomaliyeed oo aaney dhibaato dhex oolin oo dhamaantood hal qoys ah, ugu dambeyntii dad ayaa u dulqaadan waayey oo is abaabuley meeshana ka saaray.

Dumarkii qaaday Isbarooyinkii bilqanka ahaa guud ahaan Soomaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho iyo hareeradeeda oo furay qaar ka mid ah cusbtataaladii danta guud oo ay xireen caaqiladii dagaalka iyana waa ay joogan oo waxay ahaayeen Haween Taariikh baal dahab ah ka galay.

Waxaa xigey Itoobiyaan soo galay Koofurta Soomaliya Dhamaadkii 2006-dii, Waxey gaareen Xeebta Badweynta Hindiya oo aaney weligood ku riyoon iney garaan, Itoobiyaankaas Tigreega hor kacayey waxay geysteen dil, dhac iyo barakac aan loo aaba yeelin. Waxaana lagu khasbay iney dalka ka baxaan bilaa sharuud.

Waxaa jirey Aqoonyahanno iskood isu xilqaamay oo dagaal kula jirey Jahliga, Ma ilaawi karnaa Aasaasayaashii Dugsiyadii Sare ee Ummu-Quraa, Cabdulahi-Ciise iyo Axmed- Gurey, Dugsiga Hoose Dhexe ee Imaamu Shaafici, Haka reebin Jaamacadaha Badweynta Hindiya iyo Muqdisho.

Waxaan kale oo xusid mudan Halgamayaal isu taagey sidii ay Caalamka ganacsi ula wadaagi lahaayeen iyadoo dalku aanu dowlad heysan oo buuxiyey booskii dowlednimada

Si kastba, iyadoo Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho laga badbadiyey dhibatooyinka aan kor ku soo xusay iyo kuwo kale oo aanan xusin, ayaa hadda waxaa isweydiin mudan waxa Soomaliya oo ay caasimaddu ugu horeyso u degi la’dahay?.

Suurtagal ma tahay in dhibaatadu tahay Qurba joogta oo u badan Hogaanka dalka min Madaxweyne/Ra’iisul Wsaaare/Wasiir/Xildhibaan/Taliye Ciidan/Gudoomiye Gobol ilaa Heer degmo?.

Waxaa kale oo isweydiin mudan sababta loo baadi goobi la’yahay dadka waaya joogga ah oo ka qeyb qaatay in meesha laga saaro dhibaatooyinka aan soo xusay oo dhan kuwaas oo laga yaabo iney hayaan qidado dhibaatada iyo walaahowga looga bixi karo. Mise waaba Maxkamad sugayaal maadaama ay wax badan og yihiin?.

W/Q: CNaasir Iidle

SHEEKOOYIN