Hammi caashaq iyo hunga been ah Q24AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hungo been Q24aad.

Xiireyna wuxuu gudagalay, wareysigii gabadha, markuu dhammeystay xogteediina helay  isaga ayuu gacanta ka qabtay wuxuuna billaabey meher beenaadkii, waxa uu iska dhigay nin qur’aan aqrinaaya, afka ayuu dhaqdhaqaajiyay,khashuuc aan qalbiga jirina waa iska raadiyay, waxay ahaataba waa dhamMeeyay wixii uu ugu yeeray meherka, balse ahaa qiyaamada lagu dhagraarayay Nasra.

Nasro meher waa soo martay, nasiib darose maalintii la mehriyay, qolka lagu mehrinaayo ma joogin, wixii la aqriyay, iyo wixii la sameeyay toona ma ogayn, mana taqaanaba.

Xiiray waxa uu arki jiray kolka dumarka la mehriyo in la duceeyo, waxa uu is yiri, adna ku dar ducadii, balse Nuur oo hammuuni haysay degdeg in qolka loogu faarujiyana rabay ayaa la hadlay oo yiri:sheEkh ballanteenu meher un bay ahayd, waana aad mahadsantahay, noo soo ducee, guriga in alle nooga dhigo mid raaga, oo lagu farxo, laguna faano, waan ogaa oo adoo shaqo ku jira ayaan ku soo weday, ee yaanan ku habsaamin, howl wacan.

Si toos ah ayaa  Nasro loogu been guuray, oo loogu dul shaxay, ma jirto wax meher weydiiyey iyaduna ma dalban, waa  arrin aan hore u dhicin, ragga markhaatiyaasha ahi, maxay marag ka yihiin waa waxba!

Xiiray oo dareemay baaqa saaxiibkiis ayaa labadii  marqaati gacanta qabtay,banNaanka u saaray asna sii raacay, ayada oo la wada qoslaayo, mid ka mid ah labada marqaati ayaa yiri: xiireeyow anaaba kaa roonay oo quraanka mar dhamMeeyaye maxaad aniga sheekh iiga dhigi waydeen? qur’aan ayaan gabadha maqashii lahaaye, Qul-huwallana allah ka dhiga e.

Xiireey oo ismooday sheiêkh ayaa yiri: oo ma meherka aan gabdha mehriyay ayaad leedahay mid jaban ayuu ahaa, yaase ku yiri xiirey qu’raan iyo diin ma yaqaano, ha igu qaldamin, nin gabar soo mehriyay ayaan ahaye, mase libinta ayaad ii quuri la,dahay.

Dhanka kale qolkii waxaa looga soo tegay oo loo soo banneeyay Nasro iyo burcadkeedii nolosha seejin lahaa, Nasro aad bay u faraxsantahay, Nuurna aad buu u xamaasadaysan yahay, waxa uu ka fikirayaa halka uu ka bilaabi lahaa nimcadaan, asaga oo madaxa luxaaya ayuu is taagay, Nasrana waa ka daba is taagtay, mar qudha ayaa sidii dad aan is arag toban sanadood ayaa laysku soo booday.

Qofba qofka kale inuu dareenkiisa baahiyeed tuso ayuu awoodda saarey waxaadba moodaa Ruush iyo Mareykan dhoolatus sameynaya, qofba qofka kale ayuu rabaa inuu ka libin helo, sheekooyinkii nuur uga sheekayn jirey ayay iska baareysaa.

Markii in muddo ah legdan iyo baaxaadeg lagu jirey ayaa  ayay dhunkasho ayuu Nuur taleefoon layn layn ah oo qolka Nasra agteeda yaalay ku wacay, shaqaalaha hoteelka waxa uu ka codsaday, in ay keenaan cuntooyin tiro badan, oo nafaqo u badan, judhii uu codsigiisa gudbistayna waa iska dhigay taleefoonkii, waxa uuna usoo jeestay dhanka Nasra asaga oo dhoola cadaynaaya waxa uu ku yiri: “Waxaan ku faraxsanahay in aad caawa xaaskayga tahay, caawa waxaa ii bilaabatay nolol cusub, waxaanan filayaa in aan nolosha ka furatay bog cusub.

Nasra ayaa iyadoo yara xishooneysa dhoolacadeyn ugu jawaabtey daankana ka dhunkatey. Nuur ayaa hadalkiisa sii waday oo yiri:  waxaan kaaga mahadcelinayaa sidaan riyadeena u rumeysay, la’aantaa ma aysan suurta gasheen, aniguna waxaan balan kaa qaadayaa inaan sida boqorada kuu koolkooliyo oo wax naftaada dhiba kaa dhawro.

Nasro oo intuu  hadlaayay Nuur aan is nuuxin, isna dhaqaajin, oo moodaysay in Nuur qalbigeeda ku jiray, lana yaabaneed haleelida uu haleelay rabitaankeedii, ayaa tiri: Gacaliye nin kaygiiyow, waad u qalantaa in aan naftayda kuu hibeeyo, waxaadna tahay ruuxa kaliya ee u qalma in uu I lahaado, waxaa qalbigayga ruxay areyadaada, waxaad ka hadashay, wax walba oo qalbigayga ku jira, malaha qalbigayga ayaad quustey oo aad yara qishtay, adduunka farxad in aan ku nolaado ayaan ugu jeclahay, waagii aan iskuulka ku jiray, kolka macalin ama arday i waydiiyo waxa aan rabbo in aan noqdo mustaqbalka waxaa ugu jawaabi jiray, waxaan rabbaa in aan faraxasanaado inta aan noolahay, farxadii aan ilaa waagaas raadinaayay malaha caawa ayaan gacanta ku dhigay, diyaarna waa ku ahaye soo diyaar garow.

Nasro waa qalbi xabxab waa qof aan dareensanayn dhagarta iyo hododaamada Nuur ee  oo hadalka lagu beer laxawsado ayay run moodaa, ma oga waxa Nuur la maagan yahay, mana ka fikirin oo maankeeda iyo maskaxdeeda kama aysan baarandegin.

Ninkaan ay saacda gudaheed isku siisay halka uu dhigi doona, yeelkadeede Nuur siduu rabay ayay u noqotay, hadday booyi doonto iyo haddii ay baraari doontaba Nuur rabbitaankiisii waa u fulay, jimicsigiisii uu raadinaayana waa  helay, asaga oo qoslaayana waxa uu yiri: Nasra caawa ayaan farxadaada dhammaystiri doonaa in badan ayaan taleefoonka kaa maaweeliyay caawa Ayaan qiimaha rag ku bari doonaa, Nuur kolkuu saas leeyahay ma oga in gabdhu xaas tahay, oo ay soo dhaqantay, waxa uu filayaa in ay tahay, gabar cusub oo wiligeed  aan waxba soo arkin, waxa uu is leeyahay, guro waa bislaataye.

Nasra dhabtiisa ayay ku jiiftaa waxayna eegaysa Afkiisa, eray walba oo yiraahdo korkeeda ayaa jariiracyo ku jabeysaa, waxay dhex dabaaleynaysaa badweyntii waalida ee jacaylka lagu sifeeyey, waxaanay sii naawileysaa inay sidan nolosheedu ahaan doonto inta dhiman” Isma og aqalkii bay aslaysaa, ismana oga” waa halkii heestu ka ahayde.

Iyadu ka qarisay inay xaas tahay oo soo dhaqantey, isaguna  waxaa ka dhaadhacsan sheekooyinkii hore ay ugu sheekaysay ee ahaa, waxaan ahay Sunni gud.

Labadooduba waa is dhagrayaan, iyaduse waa ka daacad xiriirka iyo nolosha inkastoo ay ka gudubtey xeerka iyo dhaqanka labadaba. Iyagoo sheekaysanayaa ayaa waxaa albaabka soo garaacay qoladii cashada u siday.

La soco qaybaha dambe

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN