Gabayga: SU’AAL GUUD Curiye: abwaan Garaad Nuur Xuseen

Gabayga: SU’AAL GUUD

Haddii ay murtidu soorya tahay, hibo qof loo siiyay

Sawaariikh hadday tahay, adduun ka la sarreysiiso

Haddii semin dhiciyo lagu metelo, duni wax saameyay

Salka waxaan u dhigayaa cokaad, iga sugeyseene

dhegta sax ugu shuba waa aqbaar, dunida saameyne.

 

Taariiqdu waa saad haddaad, sax ugu qowshaaye

Dadka la ma salooshee runtaa, laga salgaaraaye

Sedkii ina Taraawiil haddaan, sax uga faalloodo

Sifaheeda maansada dad waa, ka la sarreyaaye

Cidna ku ma saleyn karo intii, caga dhul saartaye

Wax la siman sifaadkii murtida, magaca Soomaali

Rabbi soo ma saarine dada, qariyay saantiiye

Dadbaa lagu saxiixaa murtida, laga sedroonaaye

Saansaan waxaa socota, aan sina u fiicneyne

Sadriga iyo laabtiyo qalbiga, sidig ma yeelaane

Maxaa idin sixraday uunku, waa sara istageene?.

 

Soomaalaay su’aal guud ayaan, kuu sarsarayaaye

Sumcad qeybki Laagoos markey, kala sarreyn joogtay

Maalintey safdheer ugu jireen, dunidu suugaanta

Cabdulloon saluug lagu aqoon, gabayadow saaray

Soddon iyo siddeed dowlad, gabi markow soonshay

Billad dahaba saadkii naqdee, galay saxiixeenna

Qarankiinna soo saaray wow, sacab tumeyseene

Sumcaddiisi xaa qariyay, waa iga su’aal guude?

 

Midki iilka seexdaa midkii, dunida saameeyo

Samaantoow lahaa jiray haddow, meesha uga seexdo

Dibna aanay sooryeey adduun, lagu samaa waaye

Ma sarriig la’aan baa dhacdoo, sidaan waxyeeleyso

Mise sabi dhashaa noo talshiyo, socoto waayaabe?.

 

Sowdkii Cabdule Raage oon, laga salgaareeynin

Seyruuq duulay miig sare u kacay, lagu saleynaayay

Seyma hooray samadoo irmaan, gugacna seyraarshay

Sawaariiq is dhaaftiyo haddaan, sadarradoow hoorshay

La saleynin aadnina sirgaxay, duniduneey seegtay

Sumcaddiina duul kale suntaday silac miyaa dhaafa!

 

Sirta erayga saaxada qarsoon, dalabka suugaanta

Sax ka hadalka suugaan cammiran, eraya suureysan

Sarbeeb gabay siyaasadda maldahan, sadarro qaangaaray

Ninkii ugu sarreeyee arliga, sabanna soo joogay

Suldaankii Taraawiil haddaan, calanka loo saarin

Sumcaddiina duul kale suntaday, silac miyaa dhaafa!

Abwaankii sarreeyee murtida, hibo Alluu siiyay

Misna seerma weydada Ilaah, seyma uga yeelay

Cirkoo gugac la sookacay dhulkoo, kararu sooryeysay

Xareed sabaha taalliyo, biyaha togagga seyraaya

Midkii ugu sarreeyey nafluhu, sahashanaayaane

Maxaan uga safaaddaa murtidu, silacday goortaane!

Dhammaad.

Curiye: abwaan Garaad Nuur Xuseen Maxamuud

SHEEKOOYIN