ISLAAMKU WAA DIIN XORRIYAD W/D: ustaad Abdullahi M. Hussein

ISLAAMKU WAA DIIN XORRIYAD

 

Xornimadu waa hibo biyo kama dhibcaan ah oo rabbi ugu deeqay aadanaha,ciddii isku dayda inay ka qaadana waa dad laf cad toobin ku haya.

Xoriyadda rabbi siiyay aadanihiisa waa mid xeeldheer oo uu fahmi karo oo kaliya qofka xaqiiqda u dhabagala baarbaara aayadaha uu rabbi kula hadlayo kuwa aan rumaynin isaga.

amaba rumaysan isaga laakiin aan raacin diimahiisa ama rususha uu soo diray.

– قال تعالى : وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا…..

“Xaqa wuxuu ka yimi xagga rabbihiin ninkii doonana ha rumeeyo kii doonana hayska diido,kuwa diida waxaan udiyaarinay naay…”.

-{لاَ إِكْرَاهَ فِي الدِّينِ قَد تَّبَيَّنَ الرُّشْدُ مِنَ الْغَيِّ فَمَنْ يَكْفُرْ بِالطَّاغُوتِ وَيُؤْمِن بِاللّهِ فَقَدِ اسْتَمْسَكَ بِالْعُرْوَةِ الْوُثْقَىَ لاَ انفِصَامَ لَهَا وَاللّهُ .. ﴾

“Khasab xagga diinta ah ma jiro waayo wey kala cad yihiin hanuunka iyo baadida,ninkii iska diida daaquudka oo alle kaliya caabuda wuxuu qabsaday laan adag oo aan go’aynin”.

قَالَ يَا قَوْمِ أَرَأَيْتُمْ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٍ مِّن رَّبِّي وَآتَانِي رَحْمَةً مِّنْ عِندِهِ فَعُمِّيَتْ عَلَيْكُمْ أَنُلْزِمُكُمُوهَا وَأَنتُمْ لَهَا كَارِهُونَ ﴾. (28) .

“Qoomkayoow ka warama hadii aan ku suganahay xujo cad oo iiga timi xagga rabigay oo uu isiiyay raxmad agtiisa ka ahaatay,oo aad idinkuna ka indho saaban tihiin,miyaan idinku laazimin karnaa idinkoo diidan arintaas”.

قَدْ جَاءَكُمْ بَصَائِرُ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ أَبْصَرَ فَلِنَفْسِهِ وَمَنْ عَمِيَ فَعَلَيْهَا وَمَا أَنَا عَلَيْكُمْ بِحَفِيظٍ ﴾. ( 104)﴾. ( سورة الأنعام ).﴿

“Dhab ahaantii waxaa idiin timi xaqiiqooyin xaga rabbi idiinka yimi,ninkii garta isagay dan utahay,kii ka indho saabmana isagay udaran tahay’aniga maahi mid idiin xilsaaran”.

وَإِنْ كَذَّبُوكَ فَقُلْ لِي عَمَلِي وَلَكُمْ عَمَلُكُمْ أَنْتُمْ بَرِيئُونَ مِمَّا أَعْمَلُ وَأَنَا بَرِيءٌ مِمَّا تَعْمَلُونَ ﴾.﴿

“Hadday ku beeniyaa. Waxaad ku tiraahdaa,idinku camalkiina ayaad leedihiin,anna camalkayga,idinku laydiin raacan maayo waxa aan sameeyo,anna lay raacan maayo waxa aad idinku samaynaysaan”.

Aayadaha sidaan oo kale uhadla aad bay ubadan yihiin lamana soo koobi karo waxayna xujo cad kuyihiin qolooyinka dadka khasba ee uhaysta inuu iyaga alle uxilsaaray inay dadka usoo khasbaan oo ay khasab kusoo caabudsiiyaan.

Waxaa haboon in aan diinta ufahamno sida ay tahay oo aan lafaragalin xoriyadda uu rabbi ugu deeqay aadanahiisa.

-وَإِن تُكَذِّبُوا فَقَدْ كَذَّبَ أُمَمٌ مِّن قَبْلِكُمْ وَمَا عَلَى الرَّسُولِ إِلَّا الْبَلَاغُ الْمُبِينُ﴾ (18)

“Hadday beeniyaan xaqa waxaa hore ubeeniyay umado idinka hortiin jiray,sideedana rasuulku laguma lahan wax aan gaarsiin cad ahayn”.

-فَإِنْ أَعْرَضُوا فَمَا أَرْسَلْنَاكَ عَلَيْهِمْ حَفِيظًا ۖ إِنْ عَلَيْكَ إِلَّا الْبَلَاغُ ۗ …

“Hadday xaqa ka jeestaan,kuuma aanan xilsaarin dushooda,kaliya adiga waxaa lagaa rabaa inaad gaarsiiso uun”.

-يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا عَلَيْكُمْ أَنفُسَكُمْ ۖ لَا يَضُرُّكُم مَّن ضَلَّ إِذَا اهْتَدَيْتُمْ ۚ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ تَعْمَلُونَ (105) …

“Kuwa alla rumeeyayoow waxaa laydinka rabaa toosnaanta naftiina oo kaliya,

Waxba idinkama galin ciddii xaqa ka lunta hadaad idinku tihiin kuwo hanuunsan”.

Haddaan diinta ufahamno sida ay tahay waxaan ogaanaynaa inuusan manhajka alle ku jirin wax khasab la yiraahdo, nasteexaduse waa meesheeda.

W/D: ustaad Abdullahi M. Hussein

SHEEKOOYIN