Filan waa Q25AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q25AAD

Nasiib darro wuxuu ugu jawaabay, Maxamed ma joogo, walaalo magaalada ayuu ku maqanyahay, kaddib waxay ku tidhi: “magacaygu waa Deeqa, walaalo waxaan si bini’aadnimo ku jirto kaaga codsanayaa, inaad farriin iga gaadhsiiso Maxamed, waxaad ku dhahdaa gabadh ayaa ku soo wacday aad kuu danaynaysa, waliba doonaysa inay arrimo muhiima kaala hadasho u sheeg caawa ayaan soo wici doona ee telefoonka ha iga qabto, waxa ay intaa u raacisay, walaalo aad ayaan ugu baahnahay ee ha iga iloobin”.

Haye,waa balan inshaa’alaah anaa u gudbindoona ayuu ku yidhi, kaddib Maxamed ayuu farriintii u sheegay, walliba si kaftana ayuu ula hadlay isagoo leh, war gabdhaha waa la xurmeeyaa ee inanta cabashadeeda ka dhagayso, dabcan waxaa laga yaaba inay wax fiican kuu hayso, wiilku ma fahansano in qofkan dhibbanaha ay tahay Gabadhii ay Maxamed is jeclaayeen, balse si caadiya ayuu uga naxay, maxamed-na tallo soo jeedintaa wuu ka aqbalay.

Deeqa waxay go’aansatay inay caawa wax walba shaaca ka qaado, si ay dhibka iyo dhakafaarka dhabankeeda ka muuqda ee dheeheedi badalay  dhaymo iyo dhakhtar ugu hesho, isla markaana dhismaha mustaqkeedana dhidibka ugu taagto, Maxamed ka dhaadhiciso sidii ay wax udhaceen.

Wakhtigii ay balamisay xili la joogo ayay wacday, nasiib wanaag waxaa ka qabtay telefoonka Maxamed, salaan ka dib si wanaagsan ayuu usoo dhaweeyay, iyaduna si dagan ayay u la hadashay, kaddib wuxu waydiiyay arrinta ay doonayso inay kala hadasho waxa ay tahay.

Deeqa waxay tidhi: “ walaalo arrimo badan ayaa jira, oo aan doonayoo inaan kaala hadlo caawa, sidaa darteed waxaan kaa codsanayaa marka hore inaad wakhti I siiso, si daggana ii dhagaysato, ugu horrayn waxaan rabaa inaad ogaato Maxamedow, inaana waligay ku fikirin in aan mustaqbalkaaga mugdi galiyo, qof maanta dunida jooga oon kaa jeclahay ma jiro, balse imtixaan adduun ayaa igu habsaday, haddi uu cadaab ifka jiro anigu waan dhadhamiyay, cidna eersanmaayo oo quruxdayda iyo dabeecadayda wanaagsan waan ku hungoobay, waxaa fiicnaan lahayd waalidkey intaan yaraa inay noolasha igu aasaan, dabcan maanta ciqaabtan waan ka bad baadilahaa”

Waxay tidhi: “Maxaad umalayn qof shan bilood oohintu dhabankeeda sida biyaha uga socoto, oo waagii baryaba  walbahaar la toosta, gabalkii dhacana murugo ku sagootisa, habeen iyo maalin ay isku mid u yihiin, kaaso dadkii oo dhan ka shakiyay oo waayay ruux uu sirta ku aamino, qof aan magaalo  u dhaadhicin oo sidii ruux xanuusan guriga ku oodan, runtii noolashu marka ay heerkaa adag gaadho, geerida ayaa ka wanaagsan.

Deeqa oo hadalkeedi sii wadata ayaa waxay tidhi: “Anigu dadaal badan iyo karti aan u dhashay ayaan heerkan ku soo gaadhay, inkastoona hadda rajo badan ka qabin inaan farxad ku noolaado, haddana qofka maanta garab ii noqonkara waa adiga, ma jeclayn inaan mushkilad kugu abuuro, horay ayaan uga gaashaantay in dhibkaygu ku saameeyo, balse xantayda ma moogi, waan ogahay  waxa aan sameeyay oo runti marka aad maqasho aan ka baqayo in wax badan is badalli doonaan , laakiin waxaan kuu sheegayaa inaan anigu mar hore dhintay, intii aan islahaa Maxamed  badbaadi, wax walba si lama filaana ayay u dhaceen, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa matag meel aad rabto kuguma simo, waxaan u malaynayaa inaad wax fahantahay.

Adoo iga raali ah waxaan doonaya inaan sheekada kuu qeexo si fiican kuugu sharxo kaagana sheekeeyo sidii ay wax udhaceen, balse inta aana guda galin waxaan kaa codsanayaa inaad ii balan qaado hal arrin oo kaliya?….

Intaa ha inoo joogto, la soco qaybaha dambe…..

W/Q:  yaasiin Xasan Muuse

Yaasiinxm114@gmail.com

SHEEKOOYIN