Gabayga: ISIR-SOOC W/C: Cabdinaasir Xiddig

Gabayga: ISIR-SOOC

Allahayoow adaa aamiroo, uunkan suubsadaye

Allahayoow adaan eedlahayn, Aadanoo kala’e

Allahow adaa noo arxama, idil ahaanteene

Allahayoow adaa nagu irsaqay, agab dhammaanayne,

Soomaali adigaa ka dhigay, duul ayaan badane

Afrikadan dhulkii ugu wacnaa, Loo abyiyey khayrka

Adigaa Ilaahoow ka dhigay, idhan dagaankeene

Waxaan oodda oga qaadayaa, Eebe samihiisa

In aan iilka geeyaan rabaa, eed la dhaansadaye

Ilmadaan ka tirayaa dhallaan, aadi karin geese

Ummad uu dulmigu ul dhigtaan, uur ka rogayaaye

Bal i eega maantaan rabaa, in aad ogataane.

 

Aqli ma lahan Aadmigu haddii, la isku uurnixine

Amakaaggu waa taagan yahay, taniyo aaskeene

Waagii yimaada waxbaad, AAA ka leedahaye

Isirkeenna baaroo la yaab, Alabka keena ahe

Eebada waxaan ku ajarnaa, Arax walaalkeene

Ehel dad aan wadaagnoo dilnaa, Unuunka goynaaye

Ibtilada dhexdeena ayaa gaartey, Oogada

Inakeys dhammeynoo xumaha, Eednay dabadeed.

Arliga uguba, Intifaac ku jiro, Eeba nagu beerye

Dhu abuur leh, maanyada onkodi, Edega xoolaada

Ari iyo lo’ maalkii adduun, Idamaloow geel ah

Inti aadmi sheegtee adduun, Lagu arbaaxaayo

Umad lagu arsaaqaan nahoo, Eebbahood jecele

Islaanimo dar faanaa nahiyo, Ehelul kheyrkiiye

Af quraanu wada leenihiyo, Araga muuqaale

Eebbaa na siiyoo ma jiro, Uun Intaa helaye.

 

Umad waxaynu nahay eebahood, Uu axsaan baraye

Axaadiista duul xaafidoo, Eebbe baray diinta

Ayuunbaa ihaanaysanoo Eedeynaa abide

Ayunbaa intaa xuma tashiil, Lagu ataagaaye

Ayuunbaan Ilaah waxu inkirey, Odoroseynaaye

Ayuunbaan inkaar iyo xumaha, Ku eryaneynaaye

Ayuunbaan uf iyo laga ajoo, Ehel niraahnaa.

Iyaga Aflaxay dunidanoo, Helay ilwaadkeeda

Aqli iyo adduunkii dhawaa, Aakhiriyo hooyga

Inta loo abuurey guteen, Idhan aduunyaade.

 

Aqligoodu waa dhaafsanayahay, kuwa irdhaynaaya

Abwaaniin aftahana bay dhaleen, erayo ruugiin ah

Ugaasiin wax garad way qabaan, uun u taliyaal ah

Gabdho qurux astaan looga dhigay, iinna laga dhowray

Oo arag deeqo indhuhu, aadi dhinacooda

Oo diinta aad loo baroo, lagu adkeeyeeyay

Ayuunbaa ihaanaysanoo, oodda loo rogaye

Allahow abkay waxay faleen, ha igu amakaagin.

 

W/C: Cabdinaasir Xiddig

 

 

 

SHEEKOOYIN