Asalka nolosha iyo garashadeeda! W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Asalka nolosha iyo garashadeeda! W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Dusheenna waxaa ahaaday garasho ku maldahan ogaalka nolosha, kaliya waxaa innala gudboon innaynu sasabanno daruusta billowga ah ee ay inoo fududeyneysa nolosha!! Asal raaca garashada waa heyb garsoorta wax kastoo lala falgalayo, la naqdinayo, lagu fikirayo, lagu kala duwanaanayo, la ixtiraamayo, la jeclaanayo, lagu soconayo iwm. Dhamaantood waxaa isbaaro udhigata hubka garashada oo ah hab macquul laguna qanci karo goortii fahan waagu bato. Doodaha ka dhex aloosan bini’aadam ka uu kaga doodayo dhagarta nolosha oo ubareertay nusqaan oogidda si ay isu waafajiyaan dhagartooda iyo dhagarta nolosha.

Aqoonta ayaa ahaatay hab fudud oo marin adag loogu gudbo una baahatay caqli garanaya, lana helay caqli is waafajiya dadnimadiisa iyo aqoontiisa laakiin xeerkii garasho ee gogoldhigga u ahaa aqoonta baa la waayay. Maamulka garashada waxay cabasho ceebeed ka soo dhiibteen aadamaha u dul-duleela akhrinta nolosha iyagoo ogaalba aan ka heysan gunta garashadooda. Bidhaanta dhallinyarada waa haykalka waaqica la joogo kaliya waxaa is marin-waagu ka jiraa hanka gaaraya meel kasta iyo garashada gaareysa meel kasta oo hanka ayaa tab socdaalayo halka garashadu iyaduna ay tahay ogaalka waxa loo soconayo. Haddii la iska soconayo oo hankiina yeer-yeerayo waa wareer. Kaliya haddii loo bareero halka loo socdo iyo ogaalka garashadeena waa muhiim.

Dadka ka qaraabta humaagga nolosha waxay soo jireen ku yihiin nabadeynta sawirka aan hoos oolin gunta xaqiiqda. Waxay sawirayaan nolosha iyagoon aan kaashan iska hor imaadka qorsheysan ee nolosha lagu soo fasaxay. Sinnaba uma xasili karaan ilaa ay gartaan waxa dantu qorsheysay iyo waxa maqaadiirtu qorsheysay. Haddii aad xasilantahay oo waagu kuu baryo, ma is oran kartaa dadka waad kala nabad heleysiin? Kolkastaa aad soo dhex marto waxaa is ka hor imaanayo qorshahaaga iyo qadarta qorshaheedu. Sinnaan iyo nabadeyn lagama horboodi karo iyadoon la garan xiska xasila iyo qadarta xasisha!

Nabadda xiska iyo garta qadarta waa laba umuurood oon isdul saarneyn labadooduba waxay uhowlan yihiin waajibaad ka baxsan waxa aadamuhu maleegayo, oo midi waa dareen aadame midina waa qaddiyad ku xeendaaban sababta aynnu u abuurannahay! Milicsiga aynnu umilicsanaaneyno dabarka aynnu u aragno iska hor imaadka qadartu ay maleegeyso waxay jaar la tahay garashada garata fahanka hoos yimaado nooleynta aynnu noolnahay oo ku gadaaman ogaanshaha halka ay ku kala baxaan baahida iyo qorsheynta qadarta.

Xiska sawirta, sawirka nolosha wuxuu goortaas isku qanciyay in nolosha ku quman tahay deggenaan iyo iska hor imaad la’aan. Badi iska hor imaadku waxaa loo jeexaa aragtida kala duwanaanta, in lakala duwanaado aragti maskax, mid muuqaal waa qaddiyad innaga baxsan oo xeendaabkeenna nolol ka fog laakiin waxaa mashquul inoo ah innaynnu garanno waxa kala duwanaantu ay fasho iyo garashada lagu kala duwanyahay.

Nolosha kuma koobi karno waxa qanaacadeennu ay ina farto halka garashada nolosha aysan ku jirin waxa naftu ku qanco, kaliya loo baahan yahay waxa garashada ay ku qanacdo. Naftu waa labis soo saarta qurux, laakiin garashadu waxay garataa waxa labisku sheegayo iyo sababta aynnu uwadanno badi weydiimo falsafad bay ku xarooneysaa muuqaalka garashada.

Xaaladaha qaar waa kuwa mara kaca isbadalada iyo dib-ueegista taariikhda marka waa inaynnu ujiheysannaa asalka waxa la inoo dhoobeeyay oo ah ineynnu wax ku garanno nolosha iyo aragtideeda. Waayaha nuucan dadka badi way jiheysan yihiin oo nusqaanta iyo korrarka baa dhex mara, marka waa ineynnu caqligeenna wax ku kula cabbirnaa sifooyinka muuqda iyo sifooyinka aan muuqan.

Nololsha waxay simatay socodkeeda oo ay ukala qaadatay same iyo xume, labadaa umuurood waxay nolosha usameysay casuumaad aan hagar lahayn oo marti ugu dhigtay aadame aan kaadhkii ka qeybgalka sidan, kaliya waxay sameysay tartan loogu tartamayo hubka garashada oo ah xeer nolosha aan loogu maarmin. Tartanku wuxuu ku saleysnaa labo badood( same iyo xume) oo quluubta dadku ay kala dooran karaan badi dadku doorashadooda waxay ku qotontaa xeerka isbadalka laakiin garashada nolosha sidaa ma’aha ee waa in mid uun la doortaa. Si kastaba aadamuhu xeerar kastaa oo loo oodaa waa mid ka hayaama oo damaciisu bata, way koobantahay cid is garata, kuna garata garashada biseylka ah.

Ogaalka waa nuxurka aan maanka nusqaan ukeeneynin oo wuxuu halbeegaa hadal warintaada maskaxeed iyo mid garasho, laakiin caqligeennii wuxuu laasimay innaynnu oodda ka qaadno waxa loogu yeero garasho la’aanta.

Casrigan quluubta iyo caqliga waa kala dhinac, qolooyinka qaar caqliga baa usareeya, kuwa kalana qalbiga baa usareeya; inkastoo caqliga iyo qalbiga hal aadame keliya ay kuwada yaalaan waxay ku kala duwan yihiin ayaa ah dareemaha ay soo saaraan iyo qolo kasta aaga ay ku taalo oo inyar kala dhow. Marka nolosha labada qolo ee kala ah ; kuwa dabran iyo kuwa xargaha hadda iska furaya waa kuwa xuskooda iyo alla barigooda aan dhamaan goor kasta xurmo iyo hoggaan baa utaagan laakiin ma jiraan wax yiddidiilo iyo hiigso garasho ah oo lagu samata bixanayo labada jaad
Ee xargahaba saameeyay.

Noloshan casriga ah waa wajiyo dhowr ah oo tiris aan galin kaliya ku qabeysata wax kastoo ka horyimaada,marka u ilfurnoow waxyaabaha ay taariikhdu diiwanka gashato iyo waxyaabah dadka lagu xargo geliyo.

intuba waxaa sameeyay ama hal-abuuray waa aadame kaliya xeeladaha iyo wadciyada loo adeegsaday baa kala duwanaa.
Xuska maanta waa xus boqran sida shaashadaha damiirka ka muuqdo.

Dugsiga garasho waxaa inta badan u heelanaada dad tira yar, halka dadka intooda badani ay arday unoqdaan maan-gaabnimada yar ee aanan horseedi karin wax fursad baraarug ah . Xulashada garashada waa hab isir-sooc oo lagu hagaajinayo danta loo noolyahay iyo sidookale weliba lagu sifeynayo asalka isticmaalka garashada.
Run ahaantii waxaa si dar-dar ku socda hana-qaad la’aanta ruuxa Soomaaliga ahi uu ku waabariisto aroortii, isaga oo u socdaalayo nuxur aan isagaba garasho ahaan ugu bisleyn.

Qaayaha nolosha waxay fariisan weyn ku leedahay ruuxa iyo dadnimadiisa uu wax ku garto. Qiimaha ruuxana wuxuu laba jibaar ku yahay qiimaha nolosha oo la gartaa si labadaa umuurood ay isu waafaqaan waa in fariisan nafsad ahaan iyo mid nolol ahaan la sababsadaa oo halkaa ay ka Soo baxaan garashada nolosha oo lagu soo ballaariyay garashada naf ahaaneed. Idilkood waxaa kala saara hal-beeg uu aadamaha wax ku kala doorto, doorashadaa oo ay ka timaado nolosha iyo sifaadkeeda si kastaba ukuurgalka garasho ee loogu kuurgalayo nolosha iyo qaayaheeda baa waxay soo saartaa natiijo ku laran fahanka dhiiran ee loo gartay qaayaha nafta.

Rajooyinka aadamaha hadba waa sees loogu barkado alle sareeye, dhinac kastaa waad ugu duuli kartaa rajada laakiin caqliga uguma rajo beeli kartid habkii aad ugu tusmeyn lahayd udub dhaxaad ka uu caqliga fikiraya uu leeyahay.
Sida la arko ama goob-joog loo wada yahay adduunkan oo tiihada iyo xasilnaanta ay is dhex socdaan mid kastaa waajib bay gudataa laakiin garashada lagu kala sooci lahaa baa ah caqliga aan saldhig lahayn. Ma sinna nuxurka laga yiri adduunkan oo ay ruug-ruugeen ruug-cadaayo u maskax bisleystay u kuurgalka adduunkan la joogo, sinnaba xaqiiqadu uguma ifin oo raad raacyo dhow baa u soo ifay laakiin xaqiiqadu iyo cidda adduunkan farsamadeeda heysaa baa leh gunta garashada waxa aduunkan la isugu dirayo iyo farriinta ay gudbineyso. Sidaa baynna farriimaha u soconayaan.

Haddii caqliga aadamaha uu arko is dhex yaac ka socda deegaanka ama bulshada uu la noolyahay, jawaab fog kama bixin karo oo waa qaddiyad xeendaabkiisa nolol ka fog. Sideedaba bini’aadamka ma go’aamin karo howlaha ka fog ama hareerihiisa aan ka dhaweyn kaliya waxa uu cuskan karaa weydiimo aan jawaabteeda saldhig maan-galeed uu la tiigsan karin ilaa cidda saxda ah ee howshaa wado uusan ula tiigsan caqliga soo saara natiijada howleed ee loogu gol leeyahay deegaanka rabshadaha ama qabsiga ka socda. Waa wax dhow inaad ku ifiso toosh meel kaa fog adigoo arkaya waxa halkaa tooshku qabanayo, laakiin natiijada saxda waxaad ula tiigsan kartaa goobta ugu dambeysa ee dhaq-dhaqaaqa ka socdo.

In rajo lagu noolaado oo aan wareerka iyo caqliga dadaalo la helin maxay ka dhigan tahay?

Asalka in la rajooda kama xeendaab baxsana sababta loo nool yahay oo weydiinta loo dhimanayo bay soo hoos galeysaa, laakiin in dadaalka iyo caqli fikira la helaa waa xeendaab ku beeran aadamaha laakiin shaqeyntiisa iyo fahankiisa baa ah caqliga wax ka faa’ideysta intiiba lama helo oo dadkuba waa wada rajo ku noole. Cajiib! Haddii ruuxa soomaaliga aad qaddiyad uun ka waraysato;qadiyadaas oo xasaasi ah ,wadankana ka taagan wuxuu halqabsigiisu noqonayaa waa la is badalayaa sidani lama sii ahaanayo! Aragtidaa uu leeyahay tiris fikir ma galo oo fikirka markii loo xadeeyo goor waa marka ay qanaacadu timaado, isbadalka hortii sooyaalku siduu ahaa haddase sooyaalku muxuu ina farayaa?! ma isbadal rajo oo kaliya,mise isbadal ku hubeysan saldhig sax ah oo gunta garashada loogu barakeeyay.

Marxalad kastaa waxay sidataa hal-beeg ku magacaaban isbadal, yiddidiilo kastaa waxay sidataa hanaan ku abtirsata deg-deg dedaal oo ka baxsan xeerka loo nisbeeyay rajo lagu noolaado.
Nafta aadamka sida badan way hanqal tagtaa oo tagtadii boos saxan kama istaagto, hanqal taag timaado buu is faraa iskuna dhiiriyaa (waad is badaleysaa) goortaas tiina haddii la gaaro wuu ka fogyahay halka uu isku nisbeynayey. Fahanka caqliga wuxuu innagu beerayaa in nolosha aan isku dhiibin haddiiba waxa kastaa aan isku dhiibeynno aan ugu kaashannaa alle swt.

Miradhalka soo daaha, aad baa loogu xadgudbaa sumcaddiisa iyo waxa uu soo saarayo xitaa raali-gelin lagama bixiyo laakiin miradhalku waxuu wehshadaa sharciga isla xisaabtanka si aan loo baal marin waxa la sugayo. Hayeeshee howlgalada wehelka wuxuu daboolaa cunaqabateenada kaga yimaada dibadda si uu waardiye ugu noqdo miradhalka.
Loollanka rasmiga ee loo aftaagayo ayaa ku baaqaya wax kastaa oo la falaa waa in la gurtaa oo lagu waraabsadaa, yeelkeede waxaa xiisad adag oo lama taabtaan ah kaga imaan kartaa miradhalka oo ku andacoonaya in deggenaan iyo xasilooni lagu muujiyo waxa la doonayo.

Kuwa caqliyoobay waxay dar-dar ugu jiraan soo iibinti waxa maankooda soo saaro si intifaac ay ugu helaan, hubbaanti waxaa daaqadda ka baxayo iibinta suuratagal ah ee laguna waarayo ay tahay in loollan kastaahi lagu dheeli tiro qummanaan iyo soo jiidaso saaxiibtinimo ee miradhalkuba kula saaxiibay oday daaqa oo ka qaraabta lafaha u bisil ciyaarsiinta iyo dhuuq-dhuuqitaanka.

Daafaha caalamka waxaa wareego caalam loo iib geeyay gudashada godka, si ay ufaarujiyaan dunidan laakiin iyagu waxay mayal adeeg ku jilaan dunida si ay u wiideeyaan nolosha iyo baaqeedu. Waxay kaloo sasabtaan ciidamo faarujiyay howshooda si ay iyagu ay ciidan saxan ugu dhigtaan, xitaa waxay qeybsi maan-gal ku cunaan waxa ay helaan si midba midka kalaba u neefsado. Wacdala waxaa sagootin iyo garashaba ubaahan doodaha socodkooda socon kari waayay, si doodahaas loogu iibgeeyo samafalayaasha geedaha daaqo si ay ugu warbixiyaan degenaan la’aanta ay u cumriday nolosha iyo deegaanka is burinaayo.

Faquuq iyo lixaad dhameystiran haddii aad isku abtiriso waa ibtilo aan jaan lahayn. haddii laguu xog waramo ama mowjad caadifad laguu xawilo, sad bursiga faquuqeed ee aad meelaha ka gunuunaceysid waa in laguugu xujeyaa fahanka gabaabsi ee aad faquuqa aad ka heysatid. Cilmigu waa jar ubaahan xeeladdeedu in la meeleeyo, xukun iyo aragti kugu soo biirtay cilmigu kuma oranayo faquuq ama ka hor imaad balse wuxuu kugu baaqayaa niqaash iyo karbaash iridaha ufuran.nasiib xumase adiguna faquuq baad sidii ceyryaamada oo kale meelaha kula duul-duuleysaa.

Hufnaan lahaydaa meelaha cayiman in lagu dul barto, se waa ibtilo in la faceysto godadka aan qummaneyn. Hubaal waa darajada la isu abuuray in loo bareero xarakaadka aan toosneyn ee ifka dhex yaaca, iyagoo ugu gol leh wax ay shaqo siiyaan. Ibtiladu waxay ka qeyb qaadataa biseylka iyo korrarka is weydiinta iyagoo soo daaya dheecaano asalkooda ahaa miro sababtay haadaanta iyo dib isku celinta waddadii sax sanayd. God kasta wuxuu soo bareeray ama usu soo jawaabay dad ay shaqo siiyaan laakiin bini’aadamka waa sababta ugu badan ay udaalacdaan godadka aan bisleyn ee ceeriinka, iyagoo ka eegaya hilibka ceyriinka inuu soo rucleeyo kolkaas kadib kawaanka dabka la saaro oo lagu shiilo. Waxay ka dhigan tahay in la musaafeysto dhaqdhaqaaqyada dib udhaca, kolkaas iyaga baa jiheynaya dhaqdhaqaaqii cuddoonaa ee nafta loo soo diray inay ka xulato waddadii sax sanayd.

Ma laga maarmo culeysyada iska fatahaada caalamka aan hufneyn ee suuqa madow ku soo biyo shubanayo, halkaa waxaa inoogu soo bixi karo qaladaad kasta waxay furdaamin karaan iftimin isu rogtay saxsanaan. Waa dheesha loo ciribtiray nolosha saxsanayd.

W/Q: Jamaal Cabdinaasir

Email: jamaalabdinaser@gmail.com

SHEEKOOYIN