Hammi caashaq iyo hunga been ah Q25AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q25AAD

labadooduba waa is dhagrayaan, iyaduse waa ka daacad xiriirka iyo nolosha inkastoo ay ka gudubtey xeerka iyo dhaqanka labadaba. Iyagoo sheekaysanayaa ayaa waxaa albaabka soo garaacay qoladii cashada u siday,  waa la wada casheeyay, oo faraxad ayaa lagu dhammeystay, midba midka kale ayuu afka u gelinayey, xaalkuna wuxuu ahaa “ Macaane cun iyo macaanto liq”

Markuu cashadii la dhammeystay ayaa waa ilbaxe intuu Nuur dhinaca telefishinka u dhaqaaqey ku hagaajiyey kanaal musik debecsan soo daaya, wuxuuna damiyey nalkii caddaa isaga oo sariirta madaxeeda kiii  ahaa shiday, ileyn waa nin Aroose wuxuu soo guntaday shukumaan maadaama aan Hotelka dhar u oolin, wuxuuna hoosta ka sii galay bustaha, Nasrina kama yareysane, waxay u dhaqaaqday is carfin iyo iyo inay timaha kala furto, oo hadba dhinac u weeciso, taasoo dhoola tuska qayb ka mid ah ahayd.

Habeenkaas wuxuu ahaa habeenkii aqalgalkii riyada ahaa ee labadooduba naftooda ka been sheegayeen, lama dhihi karo waa Aroos, waayo waxaa meesha laysugu keenay ayaa ahaa dhaqan bi’is iyo hoog aan hore loo arag” Waxaad ceebta u taqaan nin bay camalkiisa tahay” Guur waa wax la yaqaan oo ah nolol wadaag lammaane is xushay oo ku heshiiyey inay qaybsadaan farxad iyo murugoba kuna midoobaan nolosha, Gaabsina waa laba qof oo baahi isu keentay ogna waxay sameynayaan, wixii u dhaxeeya waa waxa halkan ka dhacay oo aan midna lagu tilmaami karin.

Nuur aragyey inaysan Nasri Gabar ahayn oo tahay qof tabobaran wax badana og, balse, dan iyo heelo kama lahayn ee inuu hawshiisa gaaraa kala weyneyd, iyaduna og ineysan gabar ahayn, balse, waxay sheegi lahayd haddii la weydiiyo meel bay sii dhigatey oo waxay rabtaa inay dhahdo, laymaba gudin.

Nuur waxa uu aad uga helay hanaanka ay Nasro iyo tab aqoonimadeeda gogosha, waxay soo bandhigtey wacdaro aanu weligiis hore u arag, maya Nuur weligiis Hotel lama degan haweenay mana guursan, lama  kulmin mid inta dharka oo dhan iska dhigta dhinaciisa jiifsata, qaab horor iyo hardaf ah ayay isaga iyo xertiisii hore u hawlgeli jireen.

Caawase, jidh aan waxba ka xigin, gogol carfoon iyo dareen laba jibbaaran ayuu la kulmey, waxaa kale oo loola macaamiley inuusan keligii dan lahayn ee hawsha si wadajiraa loo wada galay, isaga laftiisu waxba lama harin ee iska giiji intuu lahaa ayuu wixii uu maqlay iyo wixii uu arkayba isku dayey,  dagaal sokeeye ayaa halkaas ka dhacay oo aan waxba laysu reeban.

Nuur asxaabtiisii hal todobaad ma arkin, bannaanka waa laga waayay, kolkuu  dhowr cisho Nasro ag bilqanaa ayuu maalintii danbe bannaanka u baxay, waxa uu abaaray guriga saaxiibkiisa Xiiray oo ah shiikhii qu’raan dhurwaaga ugu banneeyay Nasro, mahadcelin ayuu kala dul dhacay, waxa uu u sheegay in uu arkay wax uusan horay u arkin, waa la wada qoslay, Nuur ayaa qaad tiro badan saaxiibkiis Xiiray u dalbay waa la qayilay, oo la sheekaystay nin walba oo qayila kolka qaadku gaaro, waxbaa maskaxdiisa ku soo dhaca Nuur kolkuu qaadkii gaaray, ayuu waxa uu xisaabiyay, inta uga hadhay lacagtii Nasro u gacan gelisay, waxa uu is tusay in uusan wax badan ka isticmaalin, waxa uu ku fikiray, in uu lacagtaan tukaan ku furto, Nasrana, xaas guri u degan ka dhigo, taas uma cuntamin, ee waxa uu is tusay in Nasro aysan wax danbe ugu harin,  waxa uu naftiisa kula showray, in markay ay  dhowr cisho oo danbe sii joogaan uu u geeyo gabdho ay asxaab yihiin, lacagtaana iskaga qayilo, Nasrana gabdha haas la noolaato, fikirkaasi waxa uu la noqday mid wanaagsan oo wax tar leh, mudana in uu ku dhaqaaqo.

Waxa caaddo ah in waqtigu guureeyo, oo galbado, hiiraysto oo hadaafo, Nuur iyo Nasro waxa ay hoteelkii(hotel) wada deganaayeen muddo ku siman 20 cisho, waa la kala xiiso dhacay oo sidii hore hadda la iskuma soo bood boodo, wallow Nasro ay weli u heelantahay Nuur, asagu  xiisihii uu u qabay, waa ka dhammaaday, markii horaba Nuur xiiso uun buu kula joogay, xiisuhuna  waxaa caaddo u ah in uu waqti yar ku idlaado, oraahdii caanka ahaydna waa tii lahayd”xiiso iyo xoor caanaba horay ayay u idlaadaan”.

Nuur hadda waxa uu ka fikirayaa in uu Nasro hoteelkaan lacagta badani uga baxayso ka kaxeeyo, fikirkiisiina ka miro dhaliyo, waxa uu dejiyay habka ugu qurxoon ee uu Nasro arrinkan uga dhaadhici karo, waa ogyahay in aysan waxba ka diidayn, balse waxa uu diidayaa in ay dhagartiisa dareento, waxa uu rabaa in uu la dejiyo gabdho Ilbaxa oo magaalada ka can ah, Balwad leh oo aan xumaan iyo wanaag u kala soocneyn.

Nuur waxa uu rabaa in uu Nasro ka dhaadhiciyo in ay  gabdhahaas la degto, waxaa uu xariir la sameeyay gabdhihii uu rabay in uu Nasro la dajiyo mid ka mid ah,  oo Sacdiyo la yiraahdo, Nuurna ay aad iskugu fiicnaayeen, habeennada ay ka wareersan tahayna asaga kusoo ag dhici jirtay, Nuur  waxa uu Sacdiyo uga sheekeeyay Nasro, waxa uu u sheegay in uu gabdhaan guursaday, lacagna uusan u hayn, sidaad darteed waxaan kaa codsanayaa in ay  u oggolaato in gabadhaas la soo degto.

Sacdiyo oo qoslaysa ayaa tiri: waan ogahay oo markaad noo keento uma imaanayside, qoftu qof  magaalka fahmaysa ama la fahamsii karo ma tahay? Ileen Nuurow waad ogtahay anagu habka aan magaalada ku jog na e.

Nuur: Walaal ayada ayaa dan u fahmaysa, hadda sedexda bile e hore kirada guriga aniga ayaa sii qadimaaya, nolosha kalana adinku la maareeyaa.

Sacdiyo waxa ay u sheegatay in uu keensado, waxayna u sheegaty in ay ayada qolkeeda ku soo dhowaynayso seddexda bile e hore, iskuna dayayso in ay magaalada fahamsiiso.

Nuur aad buu u faraxay aadna waa ugu mahad celiyay, intaas dabadeedna waxa uu guda galay in uu Nasro ka dhaadhciyo.

 W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN