Hammi caashaq iyo hunga been ah Q26AAD W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

Hammi caashaq iyo hunga been ah Q26aad.

Nuur aad buu u farxay aadna waa ugu mahad celiyay, intaas dabadeedna waxa uu guda galay in uu Nasro ka dhaadhciyo, arrinkaan, waxa uu u yeeray Nasro, oo bannaanka qolka fadhisay, sheeko caadi ah ayuu u galay, waa ka qosliyay oo xanta xanteeyay, intii sheekadu socotay waxa uu ka fikirayey habka ugu habboon ee uu Nasro ugu sheegi karo hawsha uu damacsan yahay, habab kala duwan ayay maskaxdiisu usoo bandhigtay, waxa uusa ka doortay in uu Nasro ku yiraahdo safar ganacsi ayaan dalka Taylaan(thailand) u aadayaa gacaliso hoteelkaana siima deganaan kartid oo waxaa laga yaabaa in ciidamada boosliska keenyaanka kaa shakiyaan, anoo maqana dhib laguu gaysto,si aysan taasi u dhicin waxa aan go’aansaday in aad la sii deganaato gabdho aan qaraabo nahay oo guri kaligood degan, in badana in aan ku baro iga codsaday, waxay aad u danaynayaa in ay ku bartaan, gacaliso haddii aan hoteelkaan kaaga tago welwel iyo walaac ayaanan  howsha aan u tegaayo ka qabsan karayn, ee sideed  u aragtaa haddii aad gabdhahaas kula sii dejiyo,  inta aan maqanahayna aad halkaas sii joogto?

Aad ayuu u beer laxowsaday, waana uu baqa geliyay in uu ayada u danaynaayo una cabsanaayo ayuu u sheegay.

Nasro waa safrayaa kolkuu yiribay hinqatay, oo is tiri mala waa kaa dhuumman rabaa, haddana waxa ay isku qancisay in aysan suura gal ahayn in uu ka dhuunto, maadaama uu leeyahay waxaan kuu gaynayaa gaddho aan qaraabo nahay, ayada oo labalabayn ku jirta ayay tiri: noloshaydiiyow  in aad hal habeen garabkayga ka maqnaato ma rabo, ragguna in ay socdaan oo shaqaystaan waa lagama maarmaan oo nin aan wax qabsanayn lama agjoogi karo, raali baan kaa ahay, waana oggolahay  soo jeedintaada, waxaan ahay xaaskaagii in aan amarkaaga aqbalana waa igu waajib, sababtoo ah marwada fiicani waa mida ninkeeda adeecda  amarkiisana maqasha!

Nuur oo aan dan ka lahayn marwo daacad ah iyo mid daalinad ahba ayaa iska dhigay nin u qushuucsay ama la dhacay hadalka Nasro waxa uuna yiri asaga oo madaxa ruxaaya: “Waan ogaa in aad tahay  kunkaroon aan cid gaareysa carra edge laga helayn, kolkaad nolosheyda ku soo biirtay ilaa maantadaan la joogo  waxa aan dareemayaa farxad aan weligay  arag sheekona ku maqal qof haleelay, markaan si mugleh u milicsado, sidaad ii wanaajinayso  oo aad iigu hagar baxayso, waxaan xasuustaa, ducada waalidkay  mar walba ii duceeyaan, xaas dhugleh oo maqal leh oo  aad dumar uga maaranto hel bay kol walba i dhihi jireen, ducadaas waa la aqbalay oo adiga ayaa xaas ii noqday, ee qaali isku diyaari waanu ka guuraynaa hoteelkaane, anna safarbaan isku daarinaaye.

Nuur waalidkii weligiis uma ducayn oo maba samayn wax uu duca ku kasbado, balse hadalka unbaa halkaa la galay, waa aftahan hadalka heli og oo sheeko yaqaan ah, dumarka meelaha laga marana xariif ku ah.

Wax walba oo bilow lihi, dhammaad ayay leeyihiin, oo kolbay dhammaadaan, wax walba oo duulaana kolbay soo degaan oo dhulka kusoo hoobtaan,  wax walba oo aan la dhowrina waa dhammaadaan, maanta waxaa ku eg wada joogii Nasro iyo Nuur, farxadii  been hawaaska ahayd iyo noloshii  beenta lagu jilaayay, hadda waxaa bilaabmaysa nolol weji kale leh, qof walbana si u qaabili doonta,  Nasro way is diyaarisay, oo waxa ay diyaar u tahay in ay amarka xabiibkeeda ficil u bedesho, intaasina waa intii Nuur rabay.

Waa maalin arbac ah galabteedii, caawa oo khamiis ah waxa ay u hoyanaysaa guri kale, gaari ayuu dalbay Nuur waxa uuna geeyay, gurigii Sacdiyo iyo asxaabteedu ku noolaayeen, sacdiyo weji furan ayay ku soo dhowaysay, waxa ayna hadal kaga bilowday: duumaashi soo dhowow waan ku faraxsanahay in aan ku aragno, ha is martiyayn, gurigu waa gurigaagiiye.

Nasro oo yara xishoonaysa ayaa ugu jawaabtay: waa ku faraxsanahay in aan idinku ag sugnaado, aad baan u rabay in aan Nuur dadkiisa barto.

Sacdiyo oo fahantay in Nuur gabadha ugu sheekayay  in aan qaraabo yihiin, ayaa tiri: dumaashi sidoo kale waan ku faraxsanahay.

Nuur asagu bannaanka ayuu taagan ayahay in uu degdeg u baxo oo wejigiisa iyo wejiga Nasro is waayaan ayuu rabaaa.

 Waa u suura gashay in uu baxo, kolkii asaga iyo Nasro si gaar ah isku macasalaameeyeen, lacag ay bil si fiican ugu noolaatana uu siiyay ayuu yiri: gacaliso anoo kuu baahan ayaan haddana kaa tagayaa,  danteena ayaan u baxayaa, waana noo soo shaqaynayaa ee  isoo ducee.

Sidaasbaa lagu kala hoyday habeenkaas Nasro waxay  jiifatay qolkii xaliimo, waxa ay aad ula yaabtay rag tiro badan oo guriga habeenkii oo dhan joogay, ma fahmin sababta raggaasi guriga u joogaan  markii hore, waxa ay u qaadatay, rag gabdhaha la walaal ah, maba ogaba in gabdha ay la degan tahay iyo raggaani habeen kasta meeshaan ku qayilaan oo waqti ku wada qaataan, dareen kale ayay ku jiifatay, subixiina waxa ay soo kacday ayada oo ay gabdhihii xalay ay ka seexatay weli soo jeedan, Xaliimo ayaa quraac u keentay subixii koobaad……………………….

La soco qaybaha kale

W/Q: Cabdisalaan Macalin Xirsi

SHEEKOOYIN