Filan waa Q27AAD W/Q: Yaasiin Xasan Muuse

Filan waa Q27AAD 

 Waxay tiri Deeqa oo hadalkeedi sii wadataNolol aad u adag iyo qoys qaylo iyo dhib badan ayaan ehel u noqday, howsha guriga, dhar maydhid, cunto karis iyo hagaajinba anigaa qoorta la ii sudhay, waxaa intaa ii dheeraa giriif iyo guhaad maalin walba joogta ah, Nabar, naxdin iyo naqsi waa u nuglaaday.Meel ii dhaanta oo aan miciin bido ama cid kale oo aan aqaano ma jirto, sidaa darteed waa ku qasbanaaday inaan wax walba u dulqaato, guriga waxaa jooga wiilal dhib badan oo adeerkay dhalay, haddii aan hadal ku soo celiyo gacan qaadku uu ka soo horreeyo.

Sidoo kale laba gabdhood oo uu adeerkey dhalay ayaa iyana guriga ku nool oo ciyaal iskuul ah, howsha xaafadda shaqo kuma lahaan, anigay igu ilaaween,sidii Adeegto ayay isha ka eegaan, hadday intaa igu dhaafi lahaayeen farxad ayay ii ahaan lahaydee, hadba sidii gabadh yar oo shisheeya ah ayay iila dhaqmaan ,waxaan noo soo qabo iyo waxaas nookeen ayay shaqadaydii kale igaga mashquulin jireen.

islaanta Eeddaday ah, inta badan isma aragno, magaalada ayay gedisley khudaarta ka ahayd, odayga adeerkeyna waa nin balwad leh, marna wuu hurdaa oo qaadiro iyo daal ayuu la jiifa, marna qaadkiisa ayuu ruugaa oo meelahaas ayuu iskaga qayilayaa.

Markii aan lix iyo toban jir gaadhay waxaan damcay inaan magaalada Boosaaso u baxsado, si aan halkaa uga shaqaysto, kaddibna aan Yemen uga sii tahriibto, hasayeeshe marar kala duwan ayaan maqalay in  dad aad u badani ku halaagsameen badwaynta Hindiya, arrintaasi  waxay igu abuuratay cabsi.

Danni waa seeto, waan ku qasbanaaday inaan ku kalsoonaado xaaladda qalafsan  aan ku noolahay, waxaan ahaa gabadh aad u qurux badan, laakin diif iyo arad ayaa facay iga reebey, telefoonka guriga ku jira layma ogolo inaad cid kala hadlo ama aan dhallinyaradda ka barto, sidaa darteed  ma jecleysan jirin inaan Telefoonka ka ag dhawaado.

Nasiib wanaag laba sano ka dib iskuul Bareefada ayaa laygu daray, xilliyadda galabtii ayaan xiisad Ingiriis iyo xisaab aadi jiray, sidoo kalle Eedaday Ilaahay ayaa qalbigeeda naxariis ii galiyay, sidii hore qaab ka wanaagsan ayay iila dhaqantay, dhar iyo agab ba way ii iibisay, isbadal badan ayaan dareemay, xitaa shaqadii guriga anniga iyo labaddii hablood ee kibirka badnaa waa naloo qaybiyay, qof walba wakhti ayaa loo qoondeeyay, waxaan helay fursad wanaagsan oo aan wax ku barto kuna nasto.

Lix bilood ka yar ayuu dib u soo nooladay dheeheygi iyo midabkaygii dabiiciga ahaa, bulshadii aan ka takoornaa ayaan dhaxgalay,  dad badan oo jaarka ka mida ahaa waxay is  waydiiyeen, gabadhan qurux badan ee xaafadda ku cusub xagay ka timid, sababtoo ah may i aqoonin anigoo intaa la joogay, ana waxaan ahaa qof laba iyo tobanka maanta mashquula oo shaqu ku jirta.

Qaraabo iyo xigaal ayaan si fiican u kala bartay, wax badan ayaa isbadalay, farxad iyo nolol wanaagsan ayaan helay, haseyeeshe sannadkaa waxaa geeriyooday Aabbahay oo yaraanteydi iigu dambeesay, muddo dheerna aana is arag oo hillow iyo xiiso waalid aan u qabay.

Saadaal wanaagsan iyo rajo fiican oo xagga nolasha ayaa  ii soo bidhaantay, balse gabdhihii aan ilmaadeerka ahayn ayaa aad uga xumaaday fursada aan helay, waxay doonayeen inaan shaqaale u ahaado, iyaguna sidii saraakiil ay guriga u dhax jiifaan, maalin walba waxaa naga dhax aloosan dagaal iyo muran.

Waxay bilaabeen inay Hooyadood igu diraan, habeeen walba kiis iyo war been abuura ay iga gudbiyaan, iyagoo leh waxbaa la waayay iyo alaabay jajabisay, dagaal hoose ayay igula jireen, laakin waxaas uma joojin jirrin dan iyo muraad toona kama lahayn waxa ay iga sheegayaan, hawsha guriga maalinteyda si wanaagsan ayaan uga soo baxaa, balse waan dareemayaa in lugta laygu dhagan yahay, oona la ii o golayn inaan wax noqdo.

Xilliyadda qaar aad ayaan u fikiri jiray, waxaana  is dhihi jiray meel uun u dhaafo labbaddan imtixaan ee dusha lagaa sudhay, haddana waxaan isku qancin jirray ha u bixin mar hadday Eedadaa kugu kalsoontahay, waxba kaa qaadi maayaane, inkastoo oo islaantu inta ay guriga joogto ayba yartahay, xitaa waxay ii diideen fursad aan casharida ku akhrisato, wiil aan sheeko wadaag ahayn oo mar mar telfoonka iga soo wici jirray cay iyo aflagaado ayay ugu jawaabaan, rajadaydii waxay noqotay farxad aan xuriyad lahayn.

Muddo kaddib oo aan xaalado isbaddal badan aan ku jirray,  ayaa waxaa dhacday in maalin  maalmaha ka mida ah, wiil aan iskuulka Bareefatka wada dhigan jirayn  isla markaana aan aqoon isu lahayn aan badnayn ayaa wuxuu ii soo bandhigay arrin…..

lasoco qaybaha dambe…..

W/Q: Yaasiin Xasan muuse

Yaasiinxm114@hotmail.com

SHEEKOOYIN