Home Qoraallo FILASHADI SHACNI FOORAR BAA U DAMBEEYEY: W/Q: Suldaan Nayruus

FILASHADI SHACNI FOORAR BAA U DAMBEEYEY: W/Q: Suldaan Nayruus

0
SHARE

FILASHADI SHACNI FOORAR BAA U DAMBEEYEY: Bal eeg sida nin qurbejoog ah uu gabadhaasi u galay.

Caku, dhib badanaa haddii qofka kaaga warramaya murugo uu soo martay, ay ilmo inta ka soo daadato, uu inta gacamaha wejiga saarto, isaga oo ilmo iyo hingo isku daraya, uu hadal googo’ ah wax kuugu sheegayo. Kolkaas baa adna, inta calooshu kaa soo dhacdo, illin aadan ku talagelin laabtaada ku taraaxraaxdaa, taasina ay sababtaa hakad badan oo sheekada ku yimyimaada.

       Shacni, iyada oo biibatadeeda shaah ku karsanaysa ayaa wiil yaqaanna i dulgeeyey, si aan inta u arko, u xaalwareysto. Markii la iska kaaya barayey, ayey ina fariisay meel u dhaw halka ay fariisato ee ay adeegga ay ka bixiso ee darmuusyada shaaha iyo weelashu u yaallaan. Salaan iyo shaah macaan oo ay na siisay ka dib, waxa aan ku bilaabay wareysigii aan ugu imid. Kolka ay ogaatay arrinta aan wax ka weydiinayo, isla markiiba waa isbeddeshay. Xasuus murugo iyo tiiraanyo leh ayey gashay. Kolkaas bay iyada oo marna gacmaha iyo dhabannada isa saaraysa, oo hoganaysa, marna ilmaynaysa, si fiican inooga dherjisay qisadeedii oo dhan.

          Gabadhan, iyada oo xillihi duhur ah, oo qarraxdu aad u kulayd, ka soo baxday dugsisa sare ee Imaamu-Shaafici ee Xamar ku yaalla, ayaa iyada oo taagan laamiga Isgoyska Sheekh Cali-Suufi, oo sugaysa bas ay u raacdo xaafadda Buuloxuubey ee ay degganayd, waxaa soo istaagay jambiga ay laamiga ka taagnayd gaari jaadka raaxa ahaa, oo uu watay nin dhalo xiiran, oo ku labbisnaa sirwaal jeenis ahaa iyo funaanad gacmo gaab ahayd. “Abbaayo, soo bax aan ku sii dhaweeyo halkii aad rabtay.” Ayuu ku yiri. Yaxyax, xishood iyo baqdin wax loo kala garan waayey inta galay, ayey inta si feejigan u eegtay, ka aamustay. “Abbaayo, ha xishoon, wiil walaalkaa ah baan ahee, soo gal gaariga aan ku sii dhaweeyee.” Ayuu mar labaad ku yiri, isaga oo weliba inta dejiyey muraayadda daaqadda kale, u sii furay. Gabar, meesha ku yara jacddaday, oo gaari caasi cabbaar u taagnayd bay ahayde, inta dhiirratay ayey gaarigii gashay. “Halkeed u socotaa walaalo?” ayuu weydiiyey. Waxa ay u tilmaantay halka ay u jeedday. Inta uu sii waday, ayuu la sii sheekaystay, isla markaasina ka qaatay xiriirkeeda.

          Shacni waa 18 jir markaasi maraysay fasalka saddexaad ee dugsiga sare. Waa qoor geedkaas le’eg, oo qofka arka uusan da’daasi ku qiyaasi karin. Midabka iyo suurada, waa Soomaali dhalad ahoo, waa tii uu mar hees ku sifeyn jiray Axmed Cali Cigaal, oo ka habaabi maysid. Si kale, magaceeda ayaabad ka garanaysaa bilicda muuqaalka inantaasi. Waa sababta ninkan Xabiib la yiraahdo uu gaariga ugu istaajiyey, kolkii uu quruxdeeda iyo qaabdhismeedkeeda uu aad ugu bogay.
Xabiib, waa nin qurbejoog ah, oo da’ahaan markaasi u muuqday 30 jir, laakiin 50 jir ahaa, markiisii hore jir yari u dhashay, aadna isaga sii shaqeeyey, cirrada garka iyo madaxa iyo bidaartiina, xiiritaan ku qariyey. Waa nin taksi ku wada magaalada Shiikaago ee waddanka Maraykanka, waxa uuna soo booqdaa labadii sanaba mar, magaalooyinka Xamar iyo Nayroobi, waxa uuna u yimaadaa tumasho iyo in gabdhaha Soomaaliyeed, inta been ku akhriyo uu uga baashaalo, oo uu ku illoobo xammaalkii, walwalkii iyo walaacii qurbaha. Kolkaas baa Shacni waxa ay ka mid noqotay curdanka uu Xabiib aayahooda seejiyo.

          Shacni iyo Xabiib, waxaa u bilawday sheeko jacayl oo yaab lahayd, oo uu Xabiib u adeegsanayey afmiishaarnimadiisa, waaya-aragnimadiisa, dhaqaalihiisa iyo jejogelinta in uu guursanayo oo uu dibedda geynayo. Kolkaas baa, gabdhaha xilligan laga raac dhaldhaal adduun e, Shacni inta jacayl xawaare ku socda qaaday, ninkii ka daba dhacday. Habeen kasta ku wadidda gaari cad iyo casho had ba nooc ah, bey ka bixi weydey. Hadiyadaha dharka iyo udgiyeyaasha ayaan kala joogsi lahayn. Gabadhii muddo yar gudaheedba, Xabiibow waxa aan ahayn afkeeda waa laga waayey.

          Kolkii ay Shacni ku soo dhacday dabinkii lala rabay, ayaa lagu bilaabay in had ba hoteel lagu ballamiyo, oo halkaas saacado badan lagu hayo. Hawada adduunka ee u bidhaamaysa iyo jacaylka lagu abuuray ba, waxa ay si fudud isugu dhiibtay ninkii. Kolkaas buu, wax danayste ah buu ahaayee, gabadhii bacda inta ka fiiqay, maalin walba ku raaxaysaa kulayl iyo ciriiri uu aad uga helay, oo uusan waayadan dhaayo ka qaadin! Marar badan, waxa ay ku aragtaa qololka hoteellada ay ugu tagto dhalooyin dhaadheer, oo ay biyo ku jiraan, oo dhawr jeer oo ay wadiisay waxa ku jira, uu ugu sheegay cabbitaanno gaar ahoo, uu dibedda kala yimid, oo uu daltabyada isaga ilaaliyo, laakiin miskiintu ma oga, in ay Khamri tahay, ayna sabab u tahay dulqadhoobkiisa aan noogga lahayn ee ay u dulqaadan weydo!

          Caku gun! Ilaahay haddii uu wax kuugu daro gun liidata, oo maalmahaas u shidan tahay, musiibo kuuma dhimmana. Shaw dhacdhaca uu siiyo miskiintaasi Soomaaliyeed waa uu u xisaabsanaa! Sidii uu qaabkaas ugu raqlaynayey, ayaa maalintii uu baxayey, habeenkeedii soo kaxeeyey, kolkaas buu geystay guri ku yaalla Xaafadda Cabdicasiis, kolkaasina qol la galay. Haddii uu keligi ahaan lahaa waa fiicnaan lahayde, xayn qurbojoog ah, oo gurigaas Khamriga iyo Xashiishka ku cabta, gabdhahana ku gumaada, gabdhii saf kamara ku yiri. Hadalkii ugu dambeeyey ee ku dhaho waxa uu ahaa, iyada oo markaasi cabaad bilawday, “Saaxiib, qarashkii waayadan ku gelayey ayaa lagaa soo matajinayaaye, dulqaado!” Halkaas baa habeenkii oo dhan niman marqaansan gabadhaasi ku haysteen. Intaas waa iska oydaa, laakiin yaa warkeeda maqlaya! Markii laga dhammaystay, baa saqdhexe inta gaari lagu soo qaaday, xaafadda Taleex dhexdeeda lagu soo tuuray. Xitaa shilimaad ay bajaaj ku raacdo ma siin! Halkaas baa iyada oo iska ooyaysa, waxa ku soo baxay wiil dhallinyaro ah oo lugaynayey, oo kolka uu gartay xaalka gabadha, inta soo kaxeeyey, bajaaj ku daray, xaafaddeeda geysa.

          Ciddii oo caawa oo dhan sidii ay u raadinayeen ka noogay ayey gurigii ugu tagtay iyada oo basteed ah oo iska ooyeysa. Arrinta kale ee haysatay ayaa ahayd, in ay la noolayd habaryarteed, oo ahayd islaan cirfiid ah oo, naxariistu ku yarayd, oo dhibka gurigeeda ka haystay daraaddeed, ay waadayada ay ninkaasi la socotay, lahayd, waad ka bixi doontaa. La lama diirnixin, la lama murugoon, isbitaal lama geyn, si kalana loo lama tacaalin.

         Shacni, waxaa halkaasi uga bilawday muraaradillaac iyo niyadjab, kol haddii rejadeedii mel xun ku soo burburtay, facsharantay, oo uumiyuhu ogaadeen in la kufsaday, oo gabdho iyo wiilal ba in la isku tilmaamo bilaabeen. Waalidkeed haddii ay la joogto waa fiicaan lahayde, guri yasmo iyo hadal xun la dhaho ayaa nasiibku la nooleeyey. Mar bay isku daydaa in ay ninkii wacdo, laakiin waaba dansanyahoo, subixiiba waa baxay. Haddii ay ka ashtankoon lahayd, ma taqaan halkii uu rasmi u degganaa, cid taqaan iyo tolki toona! Markaas baa foorar iyo dhabannahays waxa aan ahayn ka soo hari waayaa. Iska daah iskool ay aadda e, in ay bannaanka u baxdo waa ku dhici weydey. Taas waxaa ugu darmaday, in muddo yar ka dib ba uu ku soo baxay uur aan aabbe sax ah lahayn, kaas oo keenay in gurigii ay islaantii ka cayriso. Markaas baa Shacni, kolkii ay weyday cid kale oo ay maciinsato, dantu bidday in ay gasho xero ka mid ah xeryaha qaxootiga Muqdisho.

Shacni, waxa ay hadda haysataa wiil kobac ah, waxa ayna nolosheeda iyo kan wiilkeeda ka dabbartaa makhaayad shaah oo ay ka furatay meel waddo ah, oo aysan kiro ku socon.

Xogwareysigii iyo qoristii: Suldaan Nayruus       
Iga la xiriir: nayruus@gmail.com

SHARE